SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo

07Jun. 2005 

  • Dagaal culus oo magaalada Shilaabo dusheeda ka dhacay . 

  •  Aqoonyahanka weyn ee Idaajaa oo ku baaqay in JWXO la taageero. 

  • Safaarada Itoobiya ee Sucuudiga oo ku fashilantay qorshe majara-habaabin ah. 

  • Jaaliyadda Ogaadeenya ee Denmark oo maamul cusub yeelatay . 

  • Shir ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Ogaadeenya ee waddanka K/afrika oo ka dhacay Gobalka Eastern Cape .

 Iyo Barnaamijkii aqoon korodhsi.

======================

Wararka naga soo gaadha Gobolka Qorraxay ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu ku dhexmaray Ciidamada Xoraynta Ogaadeeniya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya deegaanka Balli Weriiri oo ka tirsan degmada Shilaabo ee Gobolka Qorraxay.

Dagaalkani wuxuu dhacay 02/06/2005, waxaana Ciidamada saama la-luudka ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 36 Askari oo qaar ka mid ahi ay yihiin sarakiishii ciidanka wadatay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalkani uu ahaa mid ay ciidammada xoreynta Ogaadeenya u sii diyaar garoobeen. Ciidammadii gumaysiga ee dagaalkaas ka qayb qaatay ayaa noqday wax la dilay iyo wax si aan habaysanayn u kala firxaday.

Aqoonyahanka weyn ee Idaajaa oo ku baaqay in JWXO la taageero.

Aqoonyahanka suugaan ruugga ah ee soomaaliyeed ee lagu magacaabo Axmed Faarax Cali Idaajaa ayaa maalintii axadda ahayd lagu martiqaaday xarunta Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Denmark, halkaasoo uu ka jeediyay hadal dheer, isla markaana mar kale ku baaqay in la taageero Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO. 

Aqoonyahan Idaajaa, oo booqasho dhawr maalmood ah ku tegay dalka Danmark, ayaa kulanno kala duwan ku kala qaybtay magaalooyinka waaweyn ee wadanka Denmark sida caasimada wadanka Denmark magaalada Copenhagen iyo caasimada 2aad magaalada Århus, halkaasoo uu kula hadlay boqollaal soomaali ah, kuna baraarujiyay inay danaha qarankooda u guntadaan, isla markaana u midoobaan cadowgooda soo jireenka ah ee Itoobiya. 

Axmed Faarax Cali Idaajaa ayaa axaddii oo ay taariikhdu ahayd 05/06/06 lagu martiqaaday xarunta Jaaliyadda Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Denmark. Idaajaa wuxuu ka mahad celiyay sida sharafta leh ee loo martiqdaay, ka dibna wuxuu ka faallooday xidhiidhka ka soo dhaxayn jiray, walina ka dhexeeya soomaalida iyo xabashida, wuxuuna yidhi; ”Waxaan u taageerayaa JWXO waxay u taagan tahay mawqifka waddaniga ah ee ay aaminsan tahay ee ah in la xoreeyo dalka ay Itoobiya naga gumaysato iyo in dagaalka ay ku jiraan uu yahay midka kaliya ee lagu difaaci karo jiritaanka ummada soomaaliyeed”. 

Idaajaa ayaa madashaas ka akhriyay dhawr gabay oo ku saabsan halgannadii gobonimo doonka ahaa ee lala soo galay gumaysiga Itoobiya. Aqoonyahan Idaajaa wuxuu ballqanaaday inuu duubayo cajalad muuqaal ah oo uu ku soo koobayo suugaan halganeedkii ummada soomaaliyeed, taasoo uu u hibayn doono halganka lagaga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya. 

Safaarada Itoobiya ee Sucuudiga oo ku fashilantay qorshe majara-habaabin ah. 

War uu noo soo diray wariyaha RX u jooga magaalda Jiddah ee dalka Sacuudi Caraabiya ayaa sheegay in maalintii Jimcaha ee taariikhdu ku beegnayd 3dii bishan ay magaalada Jiddah shir ku qabatay safaarada Wayaanaha ee dalka Sucuudi Careebiya. 

Waxay shirkaas ku martiqaaday oo isugu yeedhay dadka siyaasadeeda taabacsan ee dalkaas jooga, waxayna u gudbisay qoraallo tilmaamaya sidii ay u faafin lahaayeen wararka Wayaanaha iyo fikirkiisa. 

Dadkaas ayaa iyagoo xanbaarsan qoraalladii loo soo dhiibay waxay yimaadeen fadhi ay Jaaliyaddu isugu timaado, waxayna isku dayeen inay qaybiyaan qoraalladii loo soo dhiibay. Hasa yeeshee waxaa waraaqihii ay wateen ka fara-maroojiyay xubno jaaliyadda ka mid ah, kuwaasoo hortooda ku jeexeexay waraaqihii.  

Wuxuu wariyuhu intaas raaciyay in makay intaasi dhacday ay goobtii yimaadeen qaar Wayaanaha jooga dalkaa Sacuudi Careebiya oo jeeni-qaarsan calankii gumaysiga, waxaase weerar ku qaaday xubnihii Jaaliyadda ogaadeniya ee magaalada Jiddah, waxaana halkaas ka dhacay gacan ka-hadal, markii denmbe lagu muquuniyay Wayaanihii isa soo abaabulay. 

Toddabaadkii hore waxaa sidoo kale la fashiliyay qorshe ay safaaradda Itoobiya ee magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ku doonaysay inay ku kasbato ardayda Ogaadeenya ee wax ka barata jaamacadaha dalkaas. 

Safaaradda gumaysiga ayaa ardayda u sheegtay inay samaynayso urur ay ku midoobaan waxa ay ugu yeedhay ardayda Itoobiya, hase yeeshee waxaa arrintaas sutida u dhigay oo si cad ugu gacan saydhay ardayda Ogaadeenya, oo sheegay inayna itoobiyaan ahayn, wax xidhiidh ahna la yeelan karin safaaradda gumaysiga dalkooda haysta. 

Jaaliyadda Ogaadeenya ee Denmark oo maamul cusub yeelatay . 

 Sabtidii oo ay taariikhdu ku beegnayd 04-06-05  waxaa si habsamina ku jirto u qabsoomay shir sannadeedkii caadiga ahaa ee Jaaliyadda Ogaadeenya ee Denmark, kaasoo ka dhacay xarunta Jaaliyada Ogadenya ee Denmark, waxaana shirkaas  lagu doortay guddi cusub oo hogaamin doona Jaaliyadda sannadka 2005/2006.

Shirkaas waxaa ka soo qayb galay xubnaha Jaaliyada Ogadenya ee Denmark oo isugu jiray bulshada qaybaheeda kala duwan, waxayna ka kala yimaadeen caasimada wadanka Denmark iyo gobolada intaba. Shirkaas waxaa warbixino qiimo badan oo ku saabsan waxqabadkii Jaaliyadda ee sannadkii tagay ka soo jeediyey gudigii hore ee hoggaanka u hayay Jaaliyadda. 

Waxaa kaloo shirkaas warbixino kala duwan ka soo jeediyey qaar ka mid ah madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya(ONLF) iyo wakiilka jabhada ee Denmark. Madaxdaasi waxay xubnihii ka soo qayb galay shirkaas uga warrameen xaalada guud ee Ogadenya iyo midda gaar ahaaneed ee uu marayo halganku. 

Shirkaas ayaa lagu soo gaba-gabeeyey in la dajiyo qorsha sanadeedka Jaaliyadda iyo jawi ay ka muuqatay farxad iyo  shucuur wadaninimo oo ay muujiyeen ka soo qayb-galayaashii, iyadoo la ballanqaaday in la sii laban laabo taageerada loo hayo JWXO iyo in la sii xoojiyo isku xidhnaashaha shacabka reer Ogadenya ee Denmark. 

Shir ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Ogaadeenya ee waddanka K/afrika oo ka dhacay Gobalka Eastern Cape . 

Wararka naga soo gaadhaya waddanka K/afrika ayaan sheegaya in taariikhdu markay aheed 5/06/2005, shir balaadhan  ka dhacay Gobalka Eastern Cape ee waddanka K/afrika, shirkaas ooy soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Ogaadeenya ee K/afrika. 

Waxaa shirkaas isugu yimid xubnaha kahawl gala gobalkaa & nawaaxigiisa & xubin sare oo kamid ah Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya, Mudane Mohamed Ibrahim. 

Mihiimada shirku wuxuu ahaa sidii ay xubnahu u kulmi lahaayeen ugana wada hadali lahaayeen kobcinta wax qabadkooda Halgan.  

Waxaa ka mid ahaa qodabada ay xubnahu kawada doodeen. 

  • Xoojinta halganka hubaysan ee ay majaraha siyaasadeed & midka mulatariba u hayso Jabhada waddaniga Xoreynya Ogaadeenya  ee kasocda gudaha Ogaadeenya.
  • Kahortaga dabinka uu maleegayo gumaysigu oo ah mid kolba shaati horleh soo xidhanaya waa jibna ay kutahay shaqsi walba oo xalaal ah una dhashay Ogaadeenya in uu u feejignaado.
  • Erayada ay ku hadlaan dadka danaha gaarka ah wata oo ah kuwo kafarxinaya marwalba cadawga.
  • Dadaalka ay wado Jaaliyadda K/afrika oo ah mid aad u balaadhan & sidii ay usii xoojin lahaayeen taas oo ay xubnaha qaar ku nuux-nuusadeen sidii kor loogu qaadi lahaa.
  • In laga hortago qaylodhaanka ka soo yeedhaysa Cadowga & kuwo midabka dadka uga eg ee fulinaya danaha Cadowga.

Shirkaas oo ahaa mid ku dhamaaday jawi aad u qurux badan ayaa ah mid ay xubnuhu isku af-garteen in ay qodabadaas & kuwo kaleba kaqaadaan talaabo wax ku ool ah. 

Waxaa shirkaa ka dib xubnaha loo qaybiyay Joornaal ay Jaaliyadu soo saarto bishiiba halmar oo ah Joornaal ku hadla afka Jaaliyadda Ogaadeenya ee K/afrika, mar aan isha mariyay Jornaalkaas waxaa ku qornaa Warar, Faalooyin, Bayaan, & ciwaano kusoo jiidan markaad aragtid, Wuxuuna ahaa Joornaal aan Boggagiisu badnayn lakiin huwanaa xigmad aad u balaadhan waxaa kale oo ku soo jiidanaysa magaca Joornaalka oo ah magac markaad sii dhuuxdo ku cajab galinaya oo ah BIRMAD.  

Radio Xoriyo

07 Jun. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin:  SomaliTalk.com | June 7, 2005


Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD