“Yaa Harti Aheey”
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad
leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
Yaa
habarwacanaya? Ma korneyl C/hi mise Geeddi? Mise
labadaba?
Tol la’ayeydaas
aan u soo noqonno. Waa maalin Jimce ah oo ay
Soomaalidu xuseyso 1-da Luuliyo. Seddex
waxyaalood, Soomaali badan iyo anigu waan isku
seegnay oo isku afgaranweyney:
Labada qodob oo
hore marar badan baa laga hadlay. Qof soo
taagnaa lixdankii oo dhegeystay khudbaddii
madaxweyne Aadan-cadde oo leh waxaan rabnaa
inaan baadigoobno Soomalida gumeysiga weli ku
soo hoosjirta, inuu ilmeeyo dow buu u lahaa. Qof
aan waqtigaas dhalan ama dhallaan ahaa oo mar
dambe arkey Soomaali oo dowlad ah oo adduunka la
xaaleysa, isna inuu 1-da Luuliyo u damaashaado
la yaab ma leh. Laakiin yaa arkey qof ilmihiisii
uu dhalay oo dhintay ku kor dabbaaldegaya?
Hooyadu labo jeer bay ilmeysaa – markii ilmaha
oo ooyaya laga soo hoosqaado (umusho) iyo markay
ka dhintaan. Laakiin labada ilmo/oohin isku mid
maahan. Midi waa farxad midna murugo.
Qarankii
Soomaaliya wuu dhashay waana loo dabbaaldegay.
Hadduu dhintayna ma dabbaaldegeynaa? Haddii
maalmaha aan Ilaah jideyn aan weyneyn lahaa
waxaan u tacsiyeynlahaa 1-da Luuliyo. Waxaan
labo isweydiineyn, dheh 20 Juun 1960 in
Soomaaliya wax badan ka fiicneyd maantadan oo ku
beegan 1-da July 2005. Runtii, maantoo kale
maahan maalin dabbaaldeg ee waa maalin Ilaah la
baryo.
Qoraa Siciid
Cismaan Keenadiid baa buuggiisa Kaftan-dhable ku
weriyey dhacdo uu ugu magacdaray: war yaa Harti
ah! Bogga 52 – 53-aad wuxuu ku xusay dhacdadan:
“Meeshu waa
guryaha Xamar-bile oo ay Soomaali oo dhammi
degentahay. Dagaal carruur ka dhashay ayaa laba
qoys isku diray. Qoys waa reer Boosaaso, midna
waa reer Berbera. Gurmad iyo hiillo qabiil baa
dhacday.
Islaan reer
Boosaaso ah ayaa kolkii ay aragtay in dhinaceeda
laga tiro badan yahay qaylisay, iyada oo leh:
waryaa Hartiya! Waryaa Hartiya!
Ciidammo
booliis ah ayaa yimid oo intii diriraysey oo
dhan waxaa la geeyey saldhigga Wardhiigley. Nin
u Hadley reer Berbera ayaa wuxuu yiri: waxa
aannu dacwad gaar ah u qabnaa oo aad dhibaato
noo gaarsiiyey ninkaas reer Boosaasood ee xoogga
weyn oo qadwaanka sita, mana uu deggana Xamar-bile
ee waxaa keentay hiillo qabiil.
Kolkii uu nikii
xoogga weynaa magaciisa sheegay ayaa la iswada
dhugtey, la wada qoslay oo ay labadii dhinacna
heshiiyeen; taliyihii Saldhigguna uu yiri:
hortii waxaan doonayey in aan idinku eedeeyo
dhiirri-gelin qabyaaladeed, haddase, qabyaaladda
lafteeda ayaa riwaayad silloon u ekaatay.
Xoogweyne magaciisu waa Fiidoow, waana Harti
Abgaal”. (Fiiri buuggaas boggaggiisa 52 –53).
Kaftan-dhable
oo dhab noqday baa la hayaa. Haddii korneyl C/hi
iyo Muuse Suudi isqabtaan dabadeedna korneylku
dhaho: waryaa Harti ah, dhinacee Geeddi iyo
Maxamed-dheere kasoo jeesan?
Maaddaama reer
Puntland ay seddex sano ku dhowaad masruufayeen
ergo badan oo joogtay Kenya; waxay islahaayeen
waxaa wax idiin ka soo noqonayaan lacagaha
dowladdu ka soo barido adduunka. Waa tii
Soomaalidu iyadoo Af-Carabiga liideysa dhihi
jirtay waa lagu baryo tagaa laakiin madaxdii
Puntland iyo sirdoonkeedu waa necbaayeen
Carabiga marka hadda waxba lama hayo.
Lacagihii
badnaa ee ka baxay Puntalnd waxay bedelkoodii u
heshay gaashaanbuur cusub sida Jowhar, Cisiley,
Ceelmacaan iyo Yaaqshid. Madaxweynihii iyo
ra’iisul wasaarihii waxay ka badinwaayeen:
Puntland buu ka degay; Jowhar, Cisiley buu ka
degay; Ceelmacaan buu booqday. Horta, Harti,
Harti ha u hiilliyee maxay rabaan reer Hiiraan
qaarkood? Mise xarafka ha’ baa hodaya?
F.G. Nin baa
mar warqad iisoo qoray isagoo sheegay inaanan
maqaalo badan aanan si fiican oo cilmiyeysan u
soo qorin oo ay isku dhexyaacsanyihiin. Ninkaasi
wuu run sheegay. Maxaan sidaas u yeelaa? Fiiri
sheekadan:
Nin sheekh ah
baa ku soo baxay macallin dugsi Qur’aan oo wiil
u akhrinaya sidaan: (WA ID QAALA LUQMAANU LI
IBNIHI WAHUWA YACIDUHU YAA BUNAYA LAA TAQSUS
RU’YAAKA CALAA IKHWATIKA FAYAKIIDUU LAKA KEYDAA
WA AKIIDU KEYDAA FAMAHILIL KAAFIRIINA AMHILHUM
RUWEYDAA). Sheekhii wuxuu macallinkii ku yiri
inkaar kugu dhacdee wiilka yar waxaad isku
dhexgelisay aayado kala Suurado ah. Macallinkii
baa yiri: waa runtaa, maxaa yeelay wiilkaan
aabbihiis wuxuu isu key dhexgeshaa khidmadda
bilaha marka yuusan wiilku Qur’aan baran, anna
yaayan waxba helin.
Marka haddii
waddankeygii iyo dadkii oo dhan halkaas marayo,
la yaab ma leh inaan wowduucyo kala duwan aan is
dhexgasho si aan dantaan leeyahay ugu soo
bandhigo hal maqaal.
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
###