- Madaxweynaha
DFKG Soomaaliyeed oo looga Diyaar Garoobayo soo
dhaweyntiisa Magaalada Boosaaso
- Gudoomiyaha
Baarlamaanka FKMG ah ee Somaliya oo ku laabtay
Magaalada Mogadisho.
- Maamulkii
Idaacada STN iyo Wariyaal ka tirsan Idaacada oo
Xabsiga loo taxaabay.
- Booskii Alaha u
naxariistee xildhibaan islaam maxamed cabulaahi
xidig oo maanta loo magacaabay xaaji xuseen axmed
shabaab (xaaji shabaab)
- Kenya oo
kordhisay xiliga isdiiwaan galinta dadka qaxootiga
ah ee ku nool dalkeeda.
- Laanta Qaramada
midoobay ee WFP oo dalbanaysa in la sii daayo markab
lagu afduubay xeebaha Somaliya.
- Munaasadda
Kowda luulyo oo laga xusayo Somaliya.
Madaxweynaha DFKG
Soomaaliyeed oo looga Diyaar Garoobayo soo dhaweyntiisa
Magaalada Boosaaso
Madaxweynaha DFKG
Soomaaliyeed Col: CAbdulaahi Yuusuf ayaa Ilo lagu
kalsoonaan karo ay noo sheegeen in uu ka soo dagi doono
Magaalada Boosaaso ayadoo aad looga Dareemayo u diyaar
garowga soo dhawayntiisa iyo Ciidamo laga ururinayo
Xarumahoda si ay nabadgalyada u sugaan.
Warar aan ka helnay
ayaa sheegaya in Madaxweynahu uu ka qaybgali doono
Munaasabada 1 Luuliyo oo looga diyaar garoobayo
Magaalada Boosaaso.
Madaxweynaha DGPL Gen:
Maxamuud Muuse Xirsi (Cade) iyo Wasiiro ka tirsan DGPL
iyo DFKG Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay kasoo amba
baxeen Magaalada Caasumada DGPL Garoowe si ay u soo
dhaweeyaan Madaxweynaha Dowlada Soomaaliyeed Col:
Cabdulaahi Yuusuf iyo Wafdiga uu hogaaminaayo.
Warar aan la xaqiijin
ayaa sheegaya in madaxweynaha ay ahayd in uu ka dago
Magaalada Jowhar oo aad looga diyaar garoobayay lakiin
ay jiraan xaalado ka badalay in uu Madaxweynuhu ka dago
Jowhar tasoo la sheegay in ay jiraan Ciidamo ku soo
dhawaaday Degaanka Jowhar, Cimadaa ayaa ah kuwo
Taageersan Muuse Suudi, Qanyare iyo Hogaamiye
kooxeedyada Muqdisho ee isku badalay Mudanayaasha ee ku
sugan Muqdisho oo ah kuwa aadka u doonaya sidii ay
gacanta ugu dhigi lahaayeen Madaxweynaha Col: Cabdulahi
Yuusuf si ay u fashiliyan Dowlada Cusub.
Ilo ku dhowdhow
Madaxweynaha ayaa sheegaya in uu Boosaaso uga sii gudbi
doono Magaalooyin kale oo Soomaaliya ah.
###
Gudoomiyaha
Baarlamaanka FKMG ah ee Somaliya oo ku laabtay
Magaalada Mogadisho.
Gudoomiyaha
Baarlamaanka FKMG ah ee Somaliya Shariif Xasan
Sh.Aadan ayaa maanta ku laabtay magaalada
mogadisho,kadin markii uu ka soo qayb galay
munaasabada maalinta xoriyada Dalka jabuuti oo ku
beegnayd 27 bishan.
Shariif Xasan waxaa la
socday xubno ka tirsan labada golle waxaana ku soo
dhaweeyay Magaalada Xamar xubno ka mid ah
gollayaasha dowlada iyo baarlamaanka oo halkaasi ku
sugnaa.
Gudoomiyaha ayaa ka
qayb galaya munaasada lagu xusayo 1da luulyo oo bari
lagu wado in ay ka dhacdo Mogadisho,munaasabaad mid
la mid ah ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Magaalada
Jowhar oo ay ku sugan yihiin Xubno ka mid ah labada
golle iyo waliba Ra'iisul wasaaraha Somaliya Cali
Maxamad Geddi.
Munaasada ka dhacaysa
Jowhar ee Kowda july lagu xusayo ayaa waxaa kala
qayb galaya ergo ka socota beesha caalamka oo maanta
ka duulay Magaalada Nairobi iyo qaar ka mid ah
Labada Gollle,xubnahaas waxaa ka mid ergayga dowlada
kenya u qaabilsanaa arrimaha Somaliya Am.Pathwel
Kiplagad iyo qaar kale oo mata bulshada caalamka iyo
saxafiyiin kala duwan oo ka socota warbaahinta
dibada.###
Maamulkii Idaacada STN
iyo Wariyaal ka tirsan Idaacada oo Xabsiga loo taxaabay.
Waxaa maanata Xabsiga
loo taxaabay Maamulkii iyo Shaqaalihii Idaacada STN
Boosaaso kadibna albaabaha la,isugu laabay Idaacada.
Mar aan ku booqanay
Maamulka iyo Wariyayaasha ayaa waxaa naloo sheegay in ay
ku jiraan Jeelka oo aan nala tusi karin, Ehaladooda oo
aan kula kulanay saldhiga ayaa noo sheegay xataa in loo
diiday in la tuso iyo in looga gudbiyo Cuntada.
Idaacada iyo
Wariyaayasha ayaa lagu soo eedeeyay kadib markii ay sii
daayeen Bayaan ay qoreen Xubno ka tirsan Degaanka oo
diidan Doorashadii Dhawaan lagu soo doortay Gudoomiyaha
Degmada iyo ku xigeenkiisa ee Golaha Degaanka Boosaaso.
Xubnahaa ayaa la
sheegay in laga soo xiray labo Xildhibaan oo ka mida
Golaha Degaanka Boosaaso oo uu ka mid yahay Musharaxii
Gudoomiyaha Degamada Boosaso ee xiligii ay Doorashada
socotay.
Waxaa hore loogu xiray
Tafatirihii Wargeeska Shacab ee ka soo baxa Garoowe iyo
Wariyeyaal ka shaqeynayay ayadoo Xabsiga loo taxaabay
aydoon la keenin Maxkamad.
Waxaa baaq ku wajahan
sidii ay xoriyadooda ku heli lahaayeen Wariyayaashaa u
soo jeediyay Maamulka DGPL, Bahda SomaliTalk, Daladda ay
ku bahoobeen Ururada Saxfiyiinta Puntland (PUMA Net),
Ururka Saxafada Caalamigaa iyo Ururka Saxfiyiinta Madaxa
Banaan ee Caalamigaa.
Booskii Alaha u
naxariistee xildhibaan islaam maxamed cabulaahi xidig oo
maanta loo magacaabay xaaji xuseen axmed shabaab (xaaji
shabaab)
Xaaji
xuseen axmed shabaab(xaajishabaab) oo ka mid ah
ganacsatada aadka looga yaqaan gobolada jubooyinka ayay
beeshiisa ugaratay inuu buuxiyo jagadii uu baneeyay
allaha u naxariistee xildhibaan maxamed cabdullaahi
xidig oo 27/6/2005tii ku geeriyooday magaalada kismaayo
ee xarunta gobolka jubbada hoose
xaaji xuseen ayaa
sanadkii 1955tii waxa uu ku dhashay magaalada jowhar ee
gobolka shabeelada dhexe waxa uuna waxbarashadiisi
dugsiga h/dexe ku qaatay magaalada muqdusho asagoo inta
badan noloshiisa ku qaatay gudaha dalka soomaaliya waxa
uuna markii ugu horaysay dalka bannaanka uga baxay
sanadkii 1975tii waxa uuna aaday dalka sacuudiga halkaas
oo shaqo ujoogay mudo labo sano ah.
xajiga ayaa tan iyo
intii ay burburtay xukuumadii dhexe ee soomaaliya waxa
uu ku sugnaa gobolada jubooyinka marka laga reebo mudo
yar oo uu joogay xeryaha qaxootiga ee dalka kenya waxa
uuna inta badan ka shaqaynayey howlo ganacsi oo asaga u
gaar ah isla mar ahaantaana waxa uu gobolka wakiil uga
ahaa shirkada ganacsiga ee ramadaan ee fadhigeedu yahay
magaalada muqdisho.
xaaji shabaab ayaa shir
ay odayaasha beeshiisu lahaayeen sadexdii maalmood ee
ugu dambaysay waxa ay isku raaceen inuu uga mid noqdo
xildhibaanada baarlamaanka islamarkaana uu buuxiyo
jagadii uu baneeyay xildhibaankii geeriyooday sidaana
waxaa wabsedka u sheegay odayaal ay ka mid ahaayeen
xaaji yuusuf cismaan,
col.xasan cade jaamac, caaqil yuusuf cabdulle,iyo
nabadoon cabdulle cali oo sheegay inay yihiin gudiga
odayaasha beesha
xaajiga mar aan wax ka
waydiinay sida uu u arko xilka loo dhiibay ayaa waxa uu
sheegay in uusan doonayn inuu xil qabto balse hadii ay
beeshiisu u idmadeen uusan diidi karin waxa kale oo uu
sheegay in uu doonayo inuu xiriir la sameeyo
mas,uuliyiinta ugu sarsaraysa xukuumada si ay u aqbalaan
soo gudbintiisa
soo gudbinta
xildhibaankaan ayaan layaab ku ahayn umada soomaaliyeed
maadaama ay xukuumada kumeelgaarka ku dhisan tahay awood
qaybsi beeleed
Kenya oo kordhisay
xiliga isdiiwaan galinta dadka qaxootiga ah ee ku
nool dalkeeda.
Shir Jaraa'id oo ay
maanta qabatay Gabadha Madaxda ka ah Laanta
Socdaalka ee Kenya ayay shaaca ka qaaday in ay
kordhisay laanta socdaalka isdiiwaan galinta dadka
aan haysan sharciga lagu joogo dalka kenya.
Wasiirada ayaa
sheegtay in ay ku dartay bil iyo bar si ay ugu
suurta gasho in ay isdiiwaan galiyaan dadka la
gaynayo xeryaha qaxootiga ee aan haysanin sharciga
daganaanshaha,waxa ayna intaas ku dartay in ay si
toos ah isku diiwaan galiyeen dad gaaraya shan iyo
toban kun oo ah dad aan haysanin sharci.
Dowladda waxaa qasab
ku ah in ay masaafuriso qofkii aan haysanin sharci
ama aan is diiwaan galinin ayaa ka mid ahaa
hadaladii ay maanta jeedisay wasiirada laanta
socdaa;la dalka kenya.
Dad badan oo
Soomaaliyeed ayaa wallaac ka muujinaya
arrintan,iyagoo Ganacsi u jooga dalka kenya gaar
ahaan magaalada Nairobi,lama yaqaano waxa ay ka
samayn doonaan maadaama badankood aysan diyaar u
ahayn in iska diiwaan galiyaan laamaha qaxootiga ee
ku yaala dalka kenya iyo xeryaha qaxootigaba.
###
Laanta Qaramada
midoobay ee WFP oo dalbanaysa in la sii daayo markab
lagu afduubay xeebaha Somaliya.
Af-hayeenka u
hadlay Hay'adda WFP laguna magacaabo Rene
McGuffin,oo fadhigeedu yahay magaalada Nairbi
ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan loo sii
daayo markab u kireysnaa Hay'adda QM laanteeda
Cunnada oo dhawaan lagu Af-duubay xeebaha
Soomaaliya isagoo wadag deeq ay Hay'addu ugu
tala gashay in ay gaarsiiso dadkii ay waxyeelada
ba'an ka soo gaartay dhul gariirkii Afrikada
bari soo gaaray lix bilood ka hor.
Markabkan waxa uu
ka baxay magaalada Xeebta ah ee Mombaasa,waxaana
saarnaa toban ka mid ah shaqaalaha
markabka,isniinti ayaa markabkan lagu afduubay
meel u dhaxaysa Hobyo iyo Harar dheere waxaana
afduubkan gaystay maliishiyaad Somaliyeed oo ku
sugnaa Xeebta.
Af-hayeenka
Hay'adda WFP Rene McGuffin ayaa sheegay in
dablaydaasi waydiisteen Qarash madax furasho ah
in ay Hay'addu bixiso oo ku dhaw 400,000 oo
dolar,waxaa socda wadahadalo lagu doonayo in
markabkaas lagu sii daayo si loogu soo celiyo
magaaladii uu ka baxay ee Mombaasa.
###
Munaasadda
Kowda luulyo oo laga xusayo Somaliya.
Munaasabada kowda
luulyo oo ah maalin astaan Qaran u ah dalka
Soomaaliya kuna beegan markii ay midoobeen
labadii qaybood oo ay u kala talin jireen
Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa caawa lagu wadaa
in saqda dhexe laga xuso magaalooyin badan oo ku
yaala dalka Soomaaliya.
Munaasadan weyn oo
ah markii ay Somaliya ka xorowday gumaystaashii
reer yurub ee Talyaaniga iyo ingiriiska oo dalka
iyo dadka Soomaaliyeedba ku hayay mustacmarad
aad u xun ayay u dulqaadan waayeen halgamayaal
badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo dhibaato adag ka
dib ku guulaystay in ay ka xoroobaan Wadamadii
kala gumaysan jiran dalkana ka dhigay shan
qaybood.
W/galbeed iyo
Koofur Soomaaliya ayaa si wada jir ah calanka
dhidibada ugu taagay iyagoo tuuray kuwii
kale,waxaana halkaasi laga qaaday suugaan ka
tarjumaysay is jacalka dadka Soomaaliyeed iyo
halgankooda dheer oo ku yimid wada dhalashada ay
iskugu hiiliyeen oo xiligaas ka dhigayay kuwo
wax walba ka hormariya sidii ay u midnimo iyo
xornimo u hanan lahaayeen.
Dowlada Britain
ayaa gumaysan jirtay waqooyi galbeed Somaliya
una bixisay somaliland,shacabka W/qooyi galbeed
ee Somaliya ayaa halgan gobanimo kadib ka
xoroobay dowladaas waxa ayna qaateen xornimada
1960 bishii juun 26 keedi waxa ayna niyad sami
ula yimaadeen walaalahood Koofur Somaliya si ay
hal meel ugu wada xusaan maalinta xornimada
Dalka Soomaaliya.
Sidaas si la mid
ah ayaa Gobolada Koofur Soomaaliya waxaa
gumaysan jiray Dalka Talyaaniga,waxaana ku xusan
taariiqda Soomaaliya ee xiligaas gumaysiga laga
sameeyay in ay kala kulmeen shacabka
Soomaaliyeed guud ahaan dhibaatooyin fara badan
waa tan ku dhalisay in ay halgan sameeyaan.
Riyadii Midawga
labada Gobol ee Waqooyi iyo Koofur Soomaaliya
ayaa rumowday,1da luulyo ayaana u noqotay mid
laga dhabeeyay in ay iskugu yimaadaaan habeen
saq dhexe iyagoo labada gobolba ku guulaystay in
taagaan Calanka Soomaaliya,waxaana lagu taagay
niyad wada jir ah iyo Somalinimo Dhab ah.
Hadaba kumanaan
Soomaali ah oo ku kala nool gudaha iyo dibada
Soomaaliya ayay caawa u leedahay xusuus gaar ah.
###
Faafin:
SomaliTalk.com | June 30, 2005
Culimo wacdi iyo muxaadarooyin ka bilowday meelo ka mid
ah G/Sanaag
Culimada ayaa
hawshooda ka bilaabay iney la kulmaan Duqa degmada
Badhan iyo odayaasha
Guji...
Jun 30