Baaq ku socda Madaxweynaha
Somaliland iyo Madaxweynaha Puntland
Maxamed Yusuf Xaaji Cabdi (Kayse)
maale22000@yahoo.com
28/6/2005
Qoraalkani
waa baaq xanbaarsan talooyin loo soo jeedinayo Madaxweynaha
maamulka Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo
Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Mudane Cadde Muuse
Boqor. Baaqu wuxuu ka koobanyahay talooyin u gaar ah mas’uul
kasta iyo talooyin si wada jir ah ugu socda labada Mas' uul.
Sida laga warqabo Somaliland
iyo Puntlandba waa meelo nabad iyo kala danbeyni ka jirto
marka qiimayn lagu sameeyo dalkii Jamhuuriyadda Dimuqraadiga
Soomaaliya la odhan jiray. Haatan labada dhinac waxa horyaal
khilaaf sababay dhimasho iyo dhaawacba.
Run ahaantii waxaan marka hore
mudane Cadde Muuse Boqor ugu hanbalyeynayaa sida intii uu
maamulka Puntland qabtay aan wax dagaal ahi uga dhex dhicin
Puntland iyo Somaliland, haddii aanan gefsanayn. Waxaan mar
kale ugu hanbalyeynayaa sidii dadweynaha labada dhinac ugu
soo dhaweeyeen qalbiga furan iyo kalgacalka madaxtinimada
Cadde. " Ninka wanaagsan wanaag baa laga fishaaye," taas
waxaan filayaa inuu ku mutaystay wixii dadku hore uga maqlay
iyo nabadda Puntland ee uu aabbaha u yahay. Waxa hubaal ah
in calaamadahaas oo dhammi yihiin fursado waaweyn oo Cadde
gacanta ugu jira, dadweynaha labada dhinacna nasiib iyo
yididiilo u ah.
Doorashadii Puntland ka hor iyo ka dibba
waxaan si toos ah ula socday hadallada mudane Cadde ee
idaacadaha iyo wargeysyadu baahiyaan. Kollay anigu shiqsiyan
dhawaaq kasta oo ka soo yeedhaa wuxuu ahaa mid aan si weyn
ugu guuxo. Haddii laga tegiwaayo hadalka keliya ee aan ka
naxay wuxuu ahaa hadalkii ugu danbeeyey ee BBCdu ka qaadday.
Hadalkaasi wuxuu ahaa hadal webin ah oo qanac ka muuqdo.
Haddana markii hadalku dhammaaday waxaan idhi:"Waa daw."
Sidaana waxaan u
idhi labada dhinacba xog-ogaal baan u ahay. Dhinaca Puntland
inay dad xag-jir ah oo nabadda diiddani jiraan baan ka
warhayaa. Tallaabada la isku dayaba sida loo dabrayo iyo
sida dadweynaha loogu fasirayo ayaa ah wax la fili karayo.
Ta labaad dhinaca Soomaaliland in xag-jirkaa xag-jirkiisu
joogo oo turunturro iyo niyad-jebinba ka wadi karo iyana waa
wax caqligu garan karo. Markaa xilligan ninka Puntland ama
Somaliland ka madaxda ahi waa gar in niyad-jab iyo daalba ka
muuqdo. Haddii se cid wax garanaysaa jirto erayadii Cadde
yidhi ee ahaa " Siyaasiyiinta uun baa is eryanaysee dadka
waxba ma dhex yaalliin" ayaa war iyo waano ba ku filan.
Waana hadal xaqiiq ah oo taariikhda galay, sidii hadalkii
Seefta-banaanka ee uu soo jeediyey markii xiisaddan culus ee
Sool bilaabantay. Isku soo xooriyoo waxa dad badan oo aan ka
mid ahay u arkaan Cadde inuu yahay qof fahamsan
walaaltinimada birimagoysaanka ah ee dadku wadaago.
Haddaba waxaan Mudane Cadde
Muuse si gaar ah ugu soo jeedinayaa talooyin nasteexo,
daacadnimo iyo walaaltinimo ah.
-
Mudane, ku dheganow
fikirkii iyo dareenkii nabad jacaylka ee lagaaga bartay,
maamulkaaga hadafkiisuna sidaa ha ku qotomo.
-
Ha ku niyad jabin
duruufaha adag ee qorshaha nabadda soo wajaha dhinac
kasta oy ka yimaaddaanba iyo cid kasta oo sabab u
noqotaba. Dhegahana ka furayso kuwa jibbaysan ee
ficiltanku madax maray.
-
Meel ku xarriiqo inaan wax
dhiig ahi ku dhex daadan dadka walaalaha ah ee naftooda
iyo maalkooduba kala xaaraansan yahay intaad talada
gacanta ku hayso.
Madaxweynaha Somaliland Mudane
Daahir Riyaale Kaahin waxaan isna gaar u leeyahay: "Madaxweyne,
sida laga warqabo Somaliland waxa kaaga horeeyey labo
madaxweyne. Raggii kaa horeeyey mid waliba wax lagu xusuusto
ayaa jira. Tusaale ahaan C/raxmaan Axmed Cali Alle ha u
naxariistee inkastoo uu la kulmay labo dagaal oo mid ka mid
ahi muddo bilo ah Berbera ka socday, midina seddex cisho
Burco ka dhacay, haddana waxyaabaha lagu xusuusto waxa ka
mid ah 1. Wuxuu Illaahay ku guuleeyey inaan dadkii SNM
taageersanaa iyo kuwii ka soo horjeeday SNM aanay kala
aarsan ee ay midoobaan. Cadhadii taageerayaasha SNM waxa
tirtiray hadalkii uu ka jeediyey khayriyada Hargeysa 1991kii
2. Waxa kale oo ka mid ah waxyaabaha lagu xusuusto inuu kaga
dhameeyey ballanqaadkii ahaa in SNM xukunka labo sano hayso
ka dibna wareejiso. 3. Waxa lagu xusuusta arrin maanta la
qirsan yahay laakiin aan hore loo qiimaynin oo ahayd inuu
ahaa ninkii maamulka Soomaaliland madaxweyne ka noqda ee
xubnaha dawladdiisu ugu tayada wanaagsanaayeen. Nasiib-darro
se waqtigii lagu jiray dartii aanay waxba u hirgelin.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
Alle ha u naxariistee isaga waxa la kulmay dagaal sokeeye oo
ka qadhaadh kii C/raxmaan la kulmay, muddo sanado ahna
qaatay. Dagaalkaasi wuxuu bilowday bishii Ogos 1994 waxaanu
dhammaaday 1996kii. Inkastoo dagaalkaas dabada dheeri la soo
dersay haddana Maxamed Ibraahim Cigaal waxyaabo muhim ah baa
u qabsoomay. Waxa se ugu mudan waxyaabaha lagu xusuusto: 1.
In Illaahay nasiib u siiyey in maamulka Somaliland barbaaro
intii uu xilka hayey. 2. Waxa hirgalay amarkii iyo kala
danbeyntii Somalilnad 3. Waxa kale oo uu toosh ku ifiyey
kooxihii khilaafaadka dadka iyo dagaal abuurista ka shaqeyn
jiray, kuwaas oo tuke baal-cad noqday xilligii danbe ee
maamulkiisa.
Mudane madaxweyne, intii adigu
aad xilka qabatay waxa Somaliland ka hirgalay waxyaabo aan
raggii kaa horeeyey nasiib u yeelanin. 1. Waxa dhacay
doorashooyinkii dawladda hoose 2. Doorashadii madaxtooyada.
Tallaabooyinkaas oo ah qaar aan weli dawlado badan oo dunida
ka jira ka hirgelin. 3. Waxa maamulkaagu haabhaabanayaa inuu
doorashadii Golaha Wakiiladana qabto. Intaa iyo waxyaabo
kale oo badaniba waa horumar qofkasta oo Soomaali ku
abtirsadaa ku farxi karo, waanan kugu hanbalyeynayaa wixii
wanaag ah ee kuu qabsoomay. Waxaanan si daacadnimo ah kuugu
soo jeedinayaa talooyin kan nasteexada ah:
-
Mudane, waxaan kugula
talinayaa inaad raadinta nabadda Sool ka dhigto shey aan
waxba la dhaafan karin.
Dhiig danbe oo halkaa ku daatana aad ka dhigto mid
xaaraan ah. Waayo waxa nabad lagu waayo colaad lagu
helimaayo.
-
Waxaan kuu soo jeedinayaa
inaad dhegaha ka furaysato kuwa jibbaysan ee ficiltanku
madax maray (marka arrinta Sool laga hadlayo).
-
Maamulkaagu ha noqdo mid
dhegaysta xaqiiqada dhabta ah, una dhego-nugul wax kasta
oo xaq iyo caddaalad ku qotoma.
Waxaan si wadajir ah ugu soo
jeedinayaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale
Kaahin iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane
Cadde Muuse Xirsi talooyin kan hoos ku qoran:
-
Waxaan idinka codsanayaa
inaad marka hore Illaahay dartii labadiina dhinac isku
aamintaan ka wada shaqeynta nabadda iyo ka gungaadhkeeda.
-
Inaad niyad bir ah iyo
qorshe xeel-dheer doonista nabadda ku wajahdaan. "Gar
jiilaal iyo geel jiilaalba waa la hojiyaaye" inaad
arrinta fudaydka iyo duulduulka ka ilaalisaan waqti
kasta ha idinku qaadato'e.
-
Inaad ku xisaabtantaan in
nabadda la shirqooli karo si loo kala fogeeyo labada
dhinac inay arrinta nabadda ka wada hadlaan. Sidaa
darteed waa inaad wax iskaga ogaataan wixii carqalad ah
ee soo kordha ama isku dhac ah. Haddii ay si kediso ah
wax u dhacaan waa inaad si degdeg ah uga wada
xidhiidhaan siday wax u dhaceen iyo meesha wax ka
qaloocdeen si aad u ogaataan cagaha weecsan iyo faraha
maroorsan.
-
Inaan dhinacna dhinaca
kale duruufaha u gaarka ah iska indhatirin. Waayo waxa
dhici karta in caqabadaha dhinac kasta gaarkiisa u hor
yaallaa kala culus yihiin. Markaa haddii dhinac waliba
dhinaca kale si joogto ah xaalkiisa uga war hayo waxa
dhici karta inaad wax isla baxnaanisaan oo isu samirtaan.
-
In labadiinna dhinacba ku
dadaashaan sidii tallaabooyinka hore ee raadinta nabadda
uga saari lahaydeen arrimaha siyaasadda iwm ah.
-
In tallaabooyinka hore ee nabadda loo
daayo Salaaddiinta iyo Garaaddada, gaar ahaan Garaadadda
iyo Salaaddiinta colaaddu sida gaarka ah u saamaynayso
degaannadooda.
Sida madax-dhaqameedyada gobollada Sool, Sanaag iyo
Togdheer. Waayo dhinacyadani waxay mudnaanta koowaad
siin karaan nabadda. Waxa se dhici karta in
madax-dhaqameedyada kale ee labada dhinac (Somaliland
iyo Puntland) ee aan u dhallan gobollada aynu soo
sheegnay in iyaga dhinaca siyaasaddu doorka koowaad ugu
jirto. Haddaba si looga fogaado guul darro iyo dhiig
xaqdarro ah oo qubta waa in seddexdaa gobol
hoggaamiyayaashooda dhaqanka arrinta lagu bilaabo. Waa
hubaal in dadka sida weyn u caaddifadaysani ay qodobkan
ka soo horjeesan doonaan(labada dhinacba) oo ay odhan
doonaan "Qaddiyaddu mid gobollo gaar u leeyihiin maaha
ee waa arrin qaran (Puntland ama Somaliland)." Si
darteed waa in maanka lagu hayo in wax kasta oo la
yidhaahdo ay ka mudan tahay badbaadada shacbiga
walaalaha ahi.
-
Maanka ku haya in Illaahay
idin kala xisaabtamayo xilalka aad haysaan oo berito la
idin weydiinayo dadka ku dhinta qaddiyadaha aad isku
haysaan ee ku kala salaysan Xuduud-ku-dirirka iyo
Harti-ku-dirirka.
Ugu danbeyn waxaan waxgaradka
labada dhinac ku guubaabinayaa inay fadhiga ka kacaan oo isu
taagaan badbaadinta dadkooda, ficil iyo qawl bana kaga qayb
qaataan hirgelinta nabadda . Waana in la furo doodo iyo
shirar arrinta lagu lafo gurayo gudo iyo debedba. Waa hubaal
in ehelu-sharku la iman doonaan jawaabo ay ku xumaynayaan
erayada nabadda iyo cidda ku dhiirata, sidaa darteed waxaan
ku baraarujinayaa inta wanaagga ku hawlan inaanay u jidh
debcin weerarrada kaga yimaadda kuwa dhasha ibleyska ah.
Dhinacyada saxaafaddana waxaan ugu baaqayaa inay kor u
qaadaan codka nabadda halka ay kor uga qaadayaan ee
dhiirinayaan xididdada khilaafka iyo kala fogaanta.
Allaa Mahad leh
Maxamed Yusuf Xaaji Cabdi (Kayse)
maale22000@yahoo.com