Ganacsatada Boosaaso oo
Shaqa Joojin Ku Dhaqaaqay

Suuqa oo xiran |

Gaari gacan ley wax ay qaadan aysan jirin |
June 28, 2005: Ganacsiga Magaalada Boosaaso ayaa maanta ahaa mid ay Albaabaha u laabanyihiin kadib
markii ay Shaqo joojin Sameeyeen Ganacsatada.
Shaqo joojintaa ayaa ka dambaysay Kadib markii Canshuur loo yaqaan Faa,idatul
Faa,iido ama Canshuurta Dadban lagu soo rogay Ganacsatada Dukaamadooda ama Albaab
kasta oo Furan. Canshuurta ayaa ah tan ugu badan lacag gaaraysa 100,000 ilaa 800,000
Shilin Soomaali Bishii kasta.

Ganacsiga xiran |

Albabada xiran |
Ganacsatada ayaa markii lagu dhawaaqay Canshuurtaa
hore u xiray Ganacsiga Dukaamadooda iyadoo ay samaysay Nolosha Dad aad u fara badan
oo ku xiran kuwaas oo kala ah Xamaaliga, Maqaayadaha, Dulaalayda iyo Tagaasida.
Ganacsiga ka socda Magaalada Boosaaso ayaa ah mid ay Ganacsatadu ka raadiyaan
Faa,iido aad u yar kadib markii ay Canshuurta lagaga qaado Dekada iyo Dowladaha
Hoose ay aad u bateen sida uu ii sheegay Nin kamida Ganacsatada.
Mar aan wax ka waydiiyay Xoghayaha Rugta Ganacsiga ayaa ii sheegay in arintaan aan
lagala tashan Wasaarada iyo Rugta Ganacsiga aysana ka war Qabin oo ay ka war heleen
Canshuurta la,isku haysto.
Xubno ka mida ayaa ii sheegay in ay wadayaan Shaqo joojinta hadii aan laga Dayn
Canshuurta maalin walba lagu kordhinaayo.Ganacsiga furan ayaa ahaa maanta Ganacsiga
loo yaqaan Waratada oo ayaguna ii sheegay in ay alaabta kasoo Qaataan Baqaarada
Waawayn.

Suuqa Waratada Bosaaso
c/fatax jaamac |
SomaliTalk.com |
somalitalkpl@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com |
June 28, 2005
Bosaso: 800 Guri ayaa Ku Gubtey Dab Qabsaday Xaafada
Buulo Eelay
iyo Magaalada Gaalkacyo oo lagu soo rogay Bandow,
waxaana Galkacyo lagu diley Nabadoon Siciid Cumar Tinle,
iyo warar kale oo googoos
akhri halkan.. Jun 26
Gen: Cade Muuse oo Diiday in ay Saxaafadu Warkiisa
Baahiso
»Bosaso
- MDGPL: xirta waxa Qalab war lagu duubayo..
»14
Xubnood oo ak Socda DFKMG oo booqday Kismaayo..
»Warbixin:
Shaqo Joojintii Ganacsada Boosaaso...
»Brussels:
Shirkii golaha wasiirada ACP oo soo gabagaboobey
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jun 23
350 Qof oo Indhaha Loogu
Fiiqay Kismaayo
Howshaas indha
fiiqida oo si guul ah loo soo gabagabeeyey waxaa ka qayb
qaatay 2 dhakhtar iyo afar kalkaaliye oo kayimid Kenya,
Guji..
Jun 25