SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QAHIRA

Shirwayn oo qahira ka dhacay loogana hadlayay tacliinta Puntland.

Waxaa shalay lagu qabtay xaafada nasr city ee magaalada qaahira shirwanye si heer sara ah loo soo qaban qaabiyay kasoo looga hadlaayay hormarinta wax barashada punt land , iyo sida ay ula jaan qaadi lahayd wax barashada casriga ah , isla markaana lagu soo bandhigay heerka ay gaartay ilaa hadeer wax barashada punt land.

Waxaa shirkaan kasoo qaybgalay aqoon yahan , wax garad , iyo mas uuliin ka socday DGPL, oo kala ah.
1-wasiirka wasarada wax barashada iyo tacliinta sare, ee punt land: DR: axmad siciid awnuur.
2-gudomiyaha jamacada bariga africa , ee magalada BOSASO. PRF: cabdul qaadir maxamad c/laahi.
3- xubin kamid ah gudiga hormarinta tacliinta .DGPL, PRF: cali ismail.
4- acadimi wax ka dhiga jamacada BARIGA AFRICA : PRF: c/risaaq axmad sheekh.
5-aqoon yahan reer puntland ah : DR: cabdi naasir jaamac warsame.
6- xaaji cali islaam ,iyo waliyow
7-sidoo kale waxaa kasoo qayb galay shirkaan ardayda reer punt land ee wax ka barata jamacadaha dalka masar iyo odayaal kale oo iyaguna dagan dalkaan masar.

Wasiirka oo ka hadlay wax barashada punt land:

Wasiirka wax barashada iyo tacliinta sare ee punt land ayaa ugu horayntii hadalka waxaa uu ka hadlay xaalada guud ee wax barasho ee dhamaan gobalada iyo dagmooyinka punt land , wasiirka oo hadalkiisa wata ayaa yiri:
punt land waxay soo martay heerar wax barasho oo kala duwan, waxaana ay kala ahyd marxalad ay tacliintu ahyd bilow tasoo uu sabab uga dhigay wasiirku burburkii baaxada waynaa oo ku yimid dowladii somaliyeed , kasoo samayn wayn oo xoogle ku yeeshay horomarkii wax barashada punt land, sanadku markuu ahaa 1992-1995 waxay ahyd marxad ay tacliintu bilow ahyd, iyadoo markaa la asaasay mu asasaadkii wax barasho, waxaana xiligaa la hirgaliyay iskoolo hoose , dhexe .
marxaladii labaad ee ay soo martay wax barashada punt land , waxay ahyd marxalad ay si xoogsatay , iyadoo ay bateen iskooladii lana asaasay qabtii dugsiyada sare, waxaana ay ahyd sanadadii: 1995-2000.
markaas oo bilaamatay tacliin taya leh oo heerkeeduna uu yahay mid la jaanqaadaya tacliinta aduunka maanta ka jirta .
wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: maanta waxaa ilahay lagu mahadin in ay punt land tahay meesha ugu wax barasha saraysa somalia . markii laga eego dhanka tayada , iyo dhanka jawiga ay ardaydu wax ku bartaan xaga nabada iyo tashiilaadka waa wayn ee punt land ay gaarka la tahay, tasoo ay keentay , dadaal wayn iyo iskaashi ay wada yeesheen dowlada iyo aqoon yahanka reer punt land , hada waxaan adiin soo gudbin qaar kamid ah iskoolada iyo jamacadaha iyo macaahida punt land ay leedahay , iyadoo tirakoobkii wasaarada wax barashada punt land ay samaysay sanadku markuu ahaa 2004-2005 , waay iskoolada punta land kor udhaafeen 115 iskool iyo machad kala ah , hoose . dhexe . sare. ardayda waxaanu ku tira koobnay in tiradoodu kor udhaaftay boqol kun oo arday. macalimiintuna 5000 ayaa hada liis garaysan.

jadwalkaan waxaan kusoo koobin iskoolada ugu waa waynd ee wasaaradu ay hada kontoroosho:
A-BOSASO.
1-iskoolka al imaam al nawawi
2-iskoolka al imaam al shaafici
3-iskoolka camprige
4-iskoolka biyo kulule
5-iskoolka xaaji mire
6-iskoolka ugaas yasiin
7-iskoolka xamdaan
8-iskoolka saxansaxo.
9-garisa iskool
10-iskoolka ramadaan
B-GAROOWE
1-iskoolka al waaxah
3-iskoolka darwiish
4-iskoolka camprige
5-iskoolka taqwa.
6-iskoolka xananada agoonta
C-GALKACAYO
1-biixi iskool
2-iskoolka cumar samantar
3-iskoolka camprige
4-iskoolka al nawawi
D-LASCANOOW
1-iskoolka macalin jaamac
2-iskoolka camrige
3-iskoolka sool
4-iskoolka muntada
E-BARAN
1- isloolka al furqaan
2-iskoolka tabaarak
G-QARDHO
1-iskoolka mustaqbal
2-iskoolka al azhar
3-iskoolka al muntada
4-iskoolka xaaji cusmaan
wasiirku waxuu sheegay in iskooladaasi ay qayb ka yihiin iskoolo badan oo ka furan dhamaan gobalada punt land waxaa , waxaa kaloo wasiirku uu sheegay in ay hada punt land ka jiraan jamacado tayadooda wax barashu ay aad usareyso , isla markaana ay ka haqab tiri doonan ardayda kasoo baxaya dugsiyada sare ee gogalka , waxayna kala yihiin sidaan:
1-jamacada bariga africa
2-jamacada nugaal
3-jamacada punt land unv
4-jamacada GAROOWE
5-machadka sare ee SIPA
dhamaan intaaasi waxay ka mid yihiin jamacadaha punt land ee haatan lagu qaato wax barashada heerka sare iyadoo , hadeerna aanu bilownay in ay xiriir la yeeshaan jamacadaha aduunka,oo in badan ay hada la leeyihiin.

barnaamijta ay wasaradu wado:

wasarada wax barashada punt land , waxay wadaa dadalo balaaran oo qayb ka ah sidii loo soo saari lahaa jiil aqoon iyo saqaafad dheer leh waxaana , hadee ay wasaaradu ku goolaysatay in ay samayso mashariic waa wayn oo lagu hormarin tacliinta punt land sida:
1-tira koob rasmi ah oo lagu sameeyo tirada ardayda , macalimiinta , iyo iskooladada.
2-fulin barnaamijyo wacyi galin iyo siminaaro loo furo macalimiinta.
3-wasarada oo hada siyaadisay tirada ay siiso mushaharka oo ha ah 1000 macalin
wasiirka oo war bixintuusu aad udheerayd ayaa waxaa uu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in ay dadaaladaasi yihiin kuwa yar oo hada ay dowlada cusub oo uu hogaanka u hayo jen: cade muuse ay wado barnaamij waa wayn oo lagu balaarin wax barashada punt land , oo wasaaradayda loo xil saaray fulinteeda.
Kadib markii wasiirku uu dhameeyay hadalkiisa waxaa lagu wareejiyay mikirafonka . PRF: c/qadir maxamad gudoomiyaha jamacada bariga africa kasoo ka war bixiyay tacliinta jamacada bariga africa iyo tan guud ahaan jamacadaha kale.

waxaana uu yiri: punt land hada waa hoygii cilmiga taana ilahay ayaa loogu mahadin , iyo dadka reer punt land oo ka shaqeeyay in wadankoodu saas noqdo gooba badan oo somalia ah maanta maleh tacliin sababtuna waa amaan la aan kasoo u ah sal wax walba oo la qaban . hadii aan ka baxsho wax yar adinka siiyo jamacada bariga africa , waxaa jamacada la asaasay 1999 tasoo dhismaheeda laga fuliyay magaalada BOSASO duleedkeeda lagana dhisay dhul baaxadiisu la egtahay 5 KM oo , sidaa ayay ku noqotay jamacada ugu wayn somalia iyo geeska africa , waxaana jamacadu lagu bilaabay 4 kuliyadood oo kale ah:
1-kuliyada maamulka iyo maraynta
2-kuliyada cumputer C
3-kuliyda shareecah wal qanuun
4-kuliyada tarbiyada.
waxaa hada socda qaybihii kale oo hada ay kamid noqon doonaan kuliyado waa wayn sida cafimaadka iyo injineerin iyo kuliyada kale oo wada ku soo jira dhawantaan.in sha alaah.
jamacadu waxaa ilaa iminka ka qalin jabiyay laba lod , waxaana hada qaybtii ugu horaysay ugu bexeen wadanka dibadiisa in ay sameeyaan shahadooyinka majester iyo diktorah.
sidoo kale jamacada waxaa ay sanadkii aqbashaa arday tira ahaan kor udhaafin dhowr boqol oo arday.
jamacada bariga africa waxay hada xubin ka tahay isutaga jamacadaha islaamka , iyo carabta hadana waxaanu dhawaan ka mid noqon kuwa aduunk.
sidoo kale jamacadu waxay aqoon is waydaarsi la leedahay jamacada ku yaal : MASAR . SUDAN . YAMEN .ISTARALIYA. IYO wadama kale oo hada aanu ugu socono safar in sha alaah.
ISLA SHIRKAAN ayaa waxaa ka hadlay xubno ay kamid ahaayeen DR: c.risaaq axmad sheekh iyo sheekh c/naasir iyo adayaal kale iyagoo dhamaan ka baxshay talooyin iyo fikrado kala duwan si loo hormarsho wax barashada punt land waxaana ay ku soo koobeen talooyinka sidaan.
-kadib markii xubnahaas ay ka war baxsheen xalada wax barasho ee punt land waxaa gudigu uu arkay in qodobadaani ay ka mid yihiin kuwa la rabo in laga hirgasho puntland
1-in la sameeyo hal manhaj oo mideeya tacliinta punt land si looga boxo manaahijta kala duwan oo ay dhalaanku hada qataan , tasoo gudigu uu waliba u arkay in ay madooyinka JOQARAFIGA , TARIIKHDA , BAY 'AD , ay kamid tahay kuwa ugu horeeya oo larabo in hal manhaj lagu mideeyo.
2-in la asaaso hal madalad oo midaysa dhamaan iskoolada iyo macaahida si loo helo isku xirnaan iyo kala war qab.
3-in miisaanku noqdo tayada wax barashada xoojinteeda isla markaana lagu soo rogo dhamaan iskoolada ilaalin sida ay wax ubarayaan dhalaanka markaana lagu baxsho abaal marin isloolka sanadkaas noqdo kan ugu fiicnaa dhanka tayada wax barasho.
4-gudigu waxay u arkaan muhimad wayn in luqada afka somaliga ah la xoojiyo isla markaana ay maadada SOMALIGU noqoto mid tix galin wayn lasiiyo si loo soo cesho dhaqankii somalida isla markaana uu ardaygu luqadiisa hooyo yaqaan waxnka ku arkhrin karo. kuna qori karo.
5-sidoo kale diinta islaamka in ardayda lagu baro iskoolada iyadoo taasi noqon mid waajib ku ah dhamaan iskoolada.
6-xiriirka jaliyadaha dibada iyo dowrkooda ayaa gudigu u arkaa in ay muhim tahay isla markaana waxaa gudigu uu ku boorin dhamaan jaliyadaha reer punt land ee aduunka ku kala yacsan in ay kaalmo iyo ka war haynba ku leeyihiin wax barashada punt land, gaar ahaan waxaa gudigu uu ku boorin dhamaan aqoon yahanka dibada ee reer punt land in ay jamacadaha ay xiriir la sameeyan isla markaana ay ku biiraan hay adaha wax bara ee jamacadaha.

waxaa lagala xiiri karaa halakan qofkii talo ama tusaale ku biirinaya wax barashada punt land. e-mail ladaan
1-jamacada bariga africa: tel BOSASO 002525.82.7011 e-mail: eauj@hotmail.com
2- hormarinta wax barashada punt land:tel 002525823724
UGU DAMAYN WAXAA SHIRKAASI KU DHAMAADAY IS WAA FAQIF IYO TALOOYIN LA IS WAYDAARSDAY WAXAANA UU DHICI DOONA SHIRKANI SANADKIIBA MAR IYADOO AY KASOO QAYB GALI DONAAN SANADADA DAME AQOON YAHAN IYO WAX GARAD INTAAN KASII BADAN WAXAAN QABAN QAABINTA SHIRLAAN LAHAA JALIYADA PUNT LAND EE QAHIRA , IYADOO LA KAASHATAY WASAARADA WAX BARASHADA PUNT LAND. WAXAA LAGALA XARIIR KARAA HALAKAN
GQSHPUNTLAND@TAKEMAIL.COM
waxaa soo diyaarshay
1-asad gufure e-mail: gufurre@yahoo.com
2-sharmarke c/risaaq e-mail: shsugulle@hotmail.com
cairo masar.

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2005

Bosaso: 800 Guri ayaa Ku Gubtey Dab Qabsaday Xaafada Buulo Eelay
iyo Magaalada Gaalkacyo oo lagu soo rogay Bandow, waxaana Galkacyo lagu diley Nabadoon Siciid Cumar Tinle, iyo warar kale oo googoos akhri

 MAQAALADA KALE KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD