Ma Hayaannaa mise waan
Halgannaa? W/Q:
Cali Maxamed Xaaji (Cali Catoosh)
aliatosh@yahoo.com
KARACHI-PAKISTAN
Bur bur iyo ba’ muddo
Shan iyo Toban sano ka dib, waxaan manta ku dhownahay in
magaceenu iyo haybteenuba la waayo, taasoo ay sii
xoojisay hadaladii iyo ififaalihii ka soo bidhaamay
maant mas’uuliyiinta labda gole ee dowladii lagu soo
dhisay Dalka Kenya, hadaba hadii ay tani rumowdo oo
rajadii iyo ka dhursuggii ay umadda Soomaaliyeed ka
dhursugaayeen Shirkii muddada Labada sano ahayd ka
socday dalka Kenya, kaasoo ay mas’uuliyiinta dowladda
Kenya ku sheegen in ay ku baxaday lacg dhan $13,000,000
(Saddex iyo Toban Milyan oo Doolar) uu saas ku burburo
waxay taasi noqonaysaa ama lagu tilmaami waqti lumay,
Kharsh fara badan oo hadii umadda Soomaaliyteed wax
loogu qaban lahaa anfaci lahaa kana dabooli laha
dhinacya fara badan in uu halkaa ku lumay, waase hadii
ay sida maanta wax yihiin aysan waxba iska badalin.
Haddaba Soomaalaay
waxaa ig su’aal ah dalkeenii bur buryay, balaaya hor
lehne u soo bira tumatay, ee Dhallintii Dhulkaygaay,
Aqoonyahnkii Waddankoow, Waddanigii Waddankow Ma
Hayaanaa Mise waan Halgannaa????
Hadday Jawaabtu Tahay
aan halganno oo yaan Hayaamin cadowna u banaan bixin,
hadaba aan ka bilaabo aqoonyahanka Soomaaliyeed ee
Dibadda iyo guddahab jooga, Aqoonyahnow I maqal oo meel
u yeel oraahdayda:
- Aqoonyahay Hadaad
tahay amar iyo arrin ruux laga sugaa tahaye
- Asluub wanaag iyo
ilmacaani arrin amamudkii lagu ogadaad tahaye
- Aqoon lagu
ilwaadsado iyo ilbaxnimaad ehelkeedibaad tahaye
- Amaantaada waxa
lagu qoraa erayo abwaan yiri iyo dahab iyo luule
- Arxankaaga waxaad
tari lahayd maantuu agab iyo ildaro u yaalaaye
- Arrinta
soomaaliyeed arag oo u arrimi adaa alif quraan
dhigtaye
- Aamiintaan kuugu
kabnee ehel walaalow ha ina irdheynin noo armiye
- Alxamudu Lillahi
waa haduu aqoonyahan arrinteenu u istaagiye
- Arrimahaan
oogadeena saran idleeya oo inag saara gumaysig
gaamuraye
- Aan idiin ducaynee
aqoonyanoow arrinteena aflaxeeda inoo hela’e
Haddaba aqoonyahanka
Waddankeenow ma waxaan ka dhursugnaa Nimankaa muddada
15-ka sano waddank u afduubnaa ee aan rabin in uu
waddanka dago, nabad noqdo horumar gaaro, misa weynu
kacnaa oo waxaan noqonna dad u diyaargroobo in ay u
huraan naftooda iyo maalkooda waddankooda iyo diintooda
tasoo ku tumashadeeda iyo ku tacadigeeda uu sii badanayo
sida Dilka, Afduubka iyo Dhaca aan xadka lahayn ee ka
socdo wadankeena hooyo. Waxaa hubaal ah in ay
aqoonyahanku wax baddali karaan hadday sameeyaan
qodobadaan hoos ku xusan:
-
in ay aqoonyahanku u
diyaargaroobaan niyadana ku hayaan in uu waddankeenu
u baahanyahay isla markaana ay naftooda u diyariyaan
ka dhex muuqashada bulshada ayna tusaan shacabka
dhibaataysan in ay diyaar u yihiin wax qabad dhab ah
iyo ka shaqaynta danaha guud ee wadankeena hooyo.
-
In uu aqoonyahaynku
aaminaa in uu waddankiisu Sharaf ku leeyahay oo uu
mar walbaa niyadiisa siiyaa waddankiisa kuna
howlanaadaa ka fekeritaanka waddanka iyo dib u
dhiskiisa.
-
in ay aqoonyahanku
sameeyaan waxqabad dhab ah sida samaynta iyo soo
celinta baraarugga waxbrshda iyo qiimaha uu
aqoonyahanku leeyahy, sida ka qaybqaadashada
dhisidda Iskuulo, Jamaacado, iyo wixii la midka ah.
-
In ay aqoonyahanadu
sameeyaan IDAACAD lagu baraarujinaayo shacabka,
gaar ahaan Dhallinta Soomaaliyeed, kuwaasoo u noqday
hogaamiya kooxeedyada kuwa ay ku fushadaan
howlohooda guracan, isla markaana noqday xaabada ay
dabka ku shitaan dhiigya cabyada aan lahayn arxan
iyo damiir damqada intaba . Hadaba idaacadani waxaa
laga baahinayaa dhowr arimood sida:
a) Muhimadda
aqoonta ay u leedahay bulshada iyo dhallinta gaar ahaan.
Maxaa yeelay dhallintu waa laf dhabarka umad walba
iyadaana mudadan in wax loo qabto si hrumar loo gaaro.
b) Qatarta
qabyaaladda iyo qurunka lamidka ah sida waqti iyo maal
ku luminta qaadka, qori iyo qabqable daba ordidi
taankooda.
c) Tartamo ka’dis
ah oo abaal marino lagu bixinaayo kuwaasoo isugu jiro
tartan dhank Qur’aank, Siirada Nabigeena Nabadgalyo iyo
Naxariis korkiisa ha ahaatee, tartan cilmiyeed, aqoon
guud iyo tartan faneedba, kuwaasoo ardayda kor u soo
qaadi kara garaadkooda aqooneed, kuna dhiiri gelinaayo
waalidiinta in ay ilmohooda wax baraan si ay facooda wax
ula qaybsadaan.
d) Dood
Cilmiyeedyo ku saabsan aqoonta, waxbarashada qaybaheeda
kala duwan, dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale ee qaadka,
iyo khubaro kala duwan oo ku xeel dheer dhanka aqoonta
bulshada in la keeno si ay uga faa’ideeyaan bulshada
maan-garaadkooda iyo khibradooda isla markaana uga haqab
tiraan dhallinta u hiillan aqoon iyo maan ku biiridba.
-
in ay qaybaha kala
duwan ee aqoonyahanada Soomaaliyeed khaasatan kuwa
maskax iyo maqaam ahaanba muuqda ay samaystaan
dallad ama urur kulmiya kasoo xiriiya aqoonyahanada
cusub, hadii ay suurta galtahayne tirakoob ku
sameeyo aqoonyahanada wadanka ka maqan, isla
markaana u horseeda aqoonyahanada cusub wax ka
qabadka waddanka iyo ku laabashdiisa hadii ay
joogaan dibadda hadii ay joogaan gudahana ku dhiira
geliya in ay wax u qabtaan waddanka.
Ururkaan aqoonyahanada wuxuu si toos ah am si aan
toos ahaynba uga qayb qaadanayaa dhisidda iyo
habsami u socodka waddanka arimihiisa.
Haddaba hadii
aqoonyahanadeenu ay leeyihiin dhaqdhaqaaq iyo
dhiifoonaan ay diyaar ugu yihiin wax qabad dhab ah
waxaan hubaa in shacabkeena masaakiinta ah laga
xuraynlahaa dambiilayaasha dagaal ee welina u ooman
15-sanoo kale in ay sii haystaan shacabkeena aan waxba
galabsanin. Hadaba aqoonyahanka Soomaaliyeedow hadii aad
tahay wadani waddankii adiga iyo aniga iyo inta nala
halmaashow sugaayaaye bal aan ka dhiidhinoon dhulkeenii
hooyo ka dhigno meel lagu dhaato oo nalaga dhaxlo
dhawaqii Soomaaliyeedna uu ka dheeraanin ebedkeed.
F.G.
Qaybta lbaad waxaan uga
hadli doonaa Haddii ay jawaabtu tahay aan hayaano, oo
yaan waddankeenii hooyo dib loogu laabanin……..??????
W/Q: Cali Maxamed Xaaji
(Cali Catoosh)
aliatosh@yahoo.com
KARACHI-PAKISTAN
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
June 27, 2005
Bosaso:
800 Guri ayaa Ku Gubtey Dab Qabsaday Xaafada Buulo Eelay
iyo Magaalada Gaalkacyo oo lagu soo rogay
Bandow, waxaana Galkacyo lagu diley Nabadoon Siciid Cumar Tinle,
iyo warar kale oo googoos
akhri