SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - YEMEN

Madaxwaynaha Soomaaliyaa, C/lahi yuusuf , waraysi dheer oo dhinacya badan taabtay oo uu siiyay joornaalka 26 September ee kasoo Baxa Yemen.

"...Haa Muqdisho waanu tagaynaa ugu damayn , waana anaga oo awood dowladeed leh dhisan oo habaysan si aanu xamar ugu soo rogno amaankii iyo kala damaynta oo kamaqan, ee maahan in aanu aadno muqdisho oo gacanta ugu jirta maleeshiyo qabiil oo markaa aanu anana qayb kamida noqono, maxaa diidaya in aanu sii tagno magaala kale oo aan muqdisha ahyn haday taasi nabada dan utahay , waa xarun ku meel gaara marka damana waxaanu u guurin caasimadii oo markaa amaan iyo kala damayn ah, doodaas ah xagee loo guurin iyo xagee la dagin waxay na dhaafin muhimadii aanu rabnay oo ahayd in dowlad somalia oo dhan ay leedahay la keeno.... " C/Laahi Yuusuf

Somali President Abdullahi Yusuf AhmedWaraysi dheer oo dhinacya badan taabanaya ayaa waxaa uu madaxwaynaha somalia mudane c/laahi yuusuf axmad uu siiyay jornalka 26sebtambar oo ah joornaal asbuucla ah isla markaana ku hadla afka dowlada yamen jornaalka oo qormadiisii maanta (June 23, 2005) ku soo daabacay ayaa waxaa uu yiri "waraysi muhima oo uu madaxwaynaha somalia uu siiyay jornalka 26 sebtambar waraysiga oo aad udheera ayaanu waxaan ku soo koobaynaa sidaan.

su'aal : wadanka yamen waxuu waligii iska saarayay xil wayn wadanka somalia si loogu soo cesho xasilooni iyo kala damaynta oo ka maqnay muda ka badan 15, mudane madaxwayne maxaa ugu waynaa oo booqashadaan lagu falan qeeyay.?

jawaab: run ahaantii ma ahan markii ugu horaysay oo aan booqasha ku imaado wadanka yamen ee hada ka hor ayaan imi oo aan kulumo kula yeeshay madaxwaynaha yeman mudane cali c/laahi saalax, lakiin marakan booqashadaydu waxay ka damaysay kadib markii uu mudane cali cabdalaahi saalax uu ii fidiyay marti qaad si aan uga wada hadalno meesha ay marayso hawlaha dowlada isaga oo isla markaana , ma ahan taasi mid ku cusub wadanka yamen oo caan ku ah tixgalinta Somalia iyo ka warqabkooda , taana waxaa keenaya in ay ka dhaxayso labada shacab somalia iyo yamen xiriir soo jireen ah oo tariikhiya , iyadoo markaana aanu iska kaashano nabada koonfurta bada cas iyo sidoo kale geeska africa.

su aal : mudane madaxwayne waxaa warbaahintu hadal haysaa khilaaf in uu soo dhexgalay dowlada aad adigu hogaanka u hayso sidee ayaad u akhrin kaalinta ay yamen ka ciyaar karto xalinta khilaafkaas?

jawaab: mudane cali cabdala saalax waa hogaamiye carbeed oo bisil oo il dheer lana socda aadna uga warhaya dhibaatada Somalia ka taagan isla markaana in badan ka agdhow , sidaa awgeed ayaa uu madaxwayne cali c.lahi salax uu in badan juhdigiisa saaray si uu uga hortago wax bur bura inayan ku imaan nabada somalia oo haatan wada fiican haysa , isla markaa ayuu waxuu isku dayayaa in uu isu soo dhaweeyo aragtida lagu kala duwan yahay oo somalida udhaxaysa isaga oo markaa ka duulaya maslaxada somalia iyo daganaanshaheeda. lakiin aniga waxaa ay ila tahay in marka hore anaga somalida ahi aanu xalka ka shaqayno sida lagu helo lahaa isla markaana aanu noqono kuwa qaabilaya waxii uu nagula taliya mudane cali c.le saalex oo ah hogaamiye aad looga qadariyo somalia , sidaa awgeed ayaan uleeyahay waa in ay somalidu iyagu rabaan xal in ay helaan waayo hadii aan xalka dadka qaarkood rabin waxay noqon xal xala loo heli maayo dhibta somalia ka taagan. waxaan usoo qaadan karnaa taana miisaalo wadanka lubnaan waxaa uu ka jiray dagaal sokeeye lakiin markii ay lubnaaniyiintii ku hishiiyeen in arimahooda ay xal uhelaan way dhamaysteen , sidoo kale dhawaan waxaa dhacay hishiiskii konfurta sudan oo afjaray dagaal mudo socday. hadaba somalidu maanta hadayan marka hore ka run sheegin in ay nabada iyo mustaqbalka somalia ayan ka fakarin iyo maslaxada caruurteena iyo aayaha dame hadaan taa laga fakarin hagaagi mayso laguna guulaysan maayo waxii dadaala oo la wado si kasta oo ay niyad waanag u tahay.

su'aal: manoo sheegi kartaa dhidabada ay ubaahantay somalia si loo gaaro arimahaa aad sheegtay mudane.?

jawaab: maanta waxaanu ku jirnaa hadaanu hogaanka somalia hayno waxii ahaa wada shaqayn qaran sidaas ayaanu awood ugu helnay xal inaanu ka gudubno dhibaatooyin waa wayn oo naga horyimi waxaanuna u gudubnay marxalad kale oo ah in aanu xariiqno shaqada na hortaal oo ay ugu waynahyd,in la dajiyo wadadii hubka looga dhigi lahaa maleeshiyooyinka hubaysan , in amaanka lagu soo caliyo wadanka kasoo keenaya dib udhiska wadanka iyo xoojintiisa , iyo in aanu ka shaqayno mid nimada wadanka qoladii aan taa markaa rabini waxay ku mar marsiyoon arima kale oo markaa aan meesha olayn hada waxaad maqlaysaan dood aan aqoon ku dhisnayn oo looga goleeyahay in nabada lagu wiiqo , sida hadalka aad maqasheen oo la leeyahay magaalo hebel ayaa magaala habel ka haboon , anagu waxaanu aragnaa somalia in ay mid tahay magaalana ayan mid kale ka wanaagsanayn wax walba oo taa aan ahayna waa in aanu ka dheerana , sida in la dhoho muqdisho mayan ahayn in aanu aadno? haa muqdisho waanu tagaynaa ugu damayn , waana anaga oo awood dowladeed leh dhisan oo habaysan si aanu xamar ugu soo rogno amaankii iyo kala damaynta oo kamaqan , ee maahan in aanu aadno muqdisho oo gacanta ugu jirta maleeshiyo qabiil oo markaa aanu anana qayb kamida noqono, maxaa diidaya in aanu sii tagno magaala kale oo aan muqdisha ahyn haday taasi nabada dan utahay , waa xarun ku meel gaara marka damana waxaanu u guurin caasimadii oo markaa amaan iyo kala damayn ah , doodaas ah xagee loo guurin iyo xagee la dagin waxay na dhaafin muhimadii aanu rabnay oo ahayd in dowlad somalia oo dhan ay leedahay la keeno , dib uhishiisiintii dhacday waxay u timi in doodaas oo kale oo khilaafka keenaysa la joojiyo.

su'aal: shirar badan ayaa dhacay oo looga gol leeyahay in somalia dib loogu soo cesho dowlad marakan see loo heli karaa xal dhinacyada oo dhan isu keena?

Jawaab: ugu horayn khilaafku iyo hishiis la aantu kamid ma ahan dhaqan iyo cadada dadka somaliyeed somalidu dhaqan soo jirayna ayay leedahay taasna kamid ma ahan. waxii aad horay u argteen oo lagu fashilmay shirar badan waa wax meel badan oo aduunka ah ka dhacay mana ahan wax somali u gaara macnaha fashilka keenayna ma ahan in shacabka somaliyeed uusan nadad rabine waxaa arinku uu yahay waxaa jira dad dantoodu ku jirto in khilaafku sii socda in somalia ay ahaato dowlad la aan iyo bur burka lagu sii jiro ayaa dad ka qaar u ah dan waana dad yar oo ah ganacsato dagaal , ama dad markaa hogaamiya ku noqday wada ama meel ay xoog ku haystaan sidaas ayayan urabin dowlada iyo kala damayn mar walbana ay is hortagayaan in xalka la helo , dadkaasi waa dad yar farahaana lagu tirin karaa , anaguna aad ayaan uga war haynaa dadkaa ulana soconaa xaalkooda una afduubnaan maayo wadanka somalia kooxdaa yar sidaas awgeed ayaanu masxada guud hor marin tan gaarka ahna ka hortagin halakan maanta waxaanu unimi anagoo hadal ku celin waynay hogaamiye aanu sxb nahay waana cali cabdale saalix oo kooxdan aan hada wada hadalnay waxaanu uga gol leenahay inaanan nala oran waxaanu nahay macangag anagu waanu soo dhawayn qola walba oo damacda in ay qanciyaan yamen , ama carab , ama muslim , ama african , cid walba waanu soo dhawayn lakiin hadii ay nabada qadan wayaan wadooyin kale oo noo furan ayaa jiraa khiyaarkuna waa badan yahay.

su'aal: waxaan ognahay mudane madaxwayne in ay dhibta somalia ka hor imaanaysa ay ubaahantahy tageeto in ay ka hesho aduunka sida ururka afrikaanka ma jirtaa wax tageera ah oo hada aad heshaan?

Jawaab: marka hore waxaa jirta xoogag dibada ah oo aan somalia dowlad ka rabin kuwaasi waxay gacan saar sadeen kuwa gudaha jooga , taasina waxay keentay in anagu hadaanu somali nahay aanu midowno si aan uga hortagno arimahaas , markii la helo shacabka somaliyeed oo midaysan oo hal ah waxaanu ka adkaan cid walba oo damacda in ay somalia wax yeesho , dhanka kale haa waxaanu tageero ka helnay oo ka dalbanay IGAD iyo ururka afrika iyo jamacada carabta , waxaana qabnaa rajo in ay aqbali donaan dalabkaa aanu u gudinay.

su aal: madaxwayne xiligii somalia ay dowladeedu dhacday waxaa jirtay dowlado kale oo aduunka ku yaal oo iyana sidoo kale qabsatay lakiin waxay kuwani aduunka ka heleen tageero maxaa somalia aduunku u tageeri waayay?

jawaab: waa run in somalia ay dowlad la' ahayd muda dhan 15 sano waxaana jirtay dhibtaa somalia ka dhacday in aduunka iska dhega tiray sida Yurub maraykanka waxaana ku oran karaa ilaa hadeer aduunku uma soo jeedo somalia . lakiin meela somalia ka daran ayaa aduunku usoo jeeda maxaa dhacay?sababtu saan u arkaa waa in dhibaatada ka dhacday wadamadaa wax loo qabtay ay keentay danta reer galbeedku in dag dag wax looga qabtaa marka waxaa jidha istiratiijiyad ugaara iyaga , run ahaantii garan maayo maxay tahay istaraatijiyadaasi lakiin markaad eegto dhaq dhaqaaqooda iyo sida ay aduunka meel kamida wax uga qaban ayaad dareemin in meesha ay istiratijiyadi ku jirto , hadana lama oran karo somalia wax looma qaban waayo hadaad eegto shirkii hada kenya ka socday 90% waxii ku baxay waxaa baxshay midowga yurub taasi wax ayay tadhay lamana oran karo waa heerkii la rabay. hadana anagu hadaanu somali nahay anaga ayaa wax qabsan karna anagoo aan aduunka xal ka sugin waayo garan mayno marka ay noo soo jeensan , isla sidoo kale carabta iyo muslimka waxaa laga rabay in ay aduun ka somalia in wax loo qabto ay cadaadis ku saraan , hadii kale waxaa la oran carabti iyo muslimkii somalia uma jeedaan anana waanu ka idha saaban.

su aal: dib uhishiisiintii kenya waxay keentay in madaxwayne la doorto iyo barlamaan isla markaana la dhiso xukuumad lakiin taasi fowdadii ma ayan dhamayn gaar ahaan caasimada muqdisho wali ma xasilna , mudane aduu waxaad leedahay dib unoqosho ma jirto maxaad ku waajihi doonta halganka ay nabadu rabto?

jawaab: casimada waxa ka jira waa arin dhaba oo aan qarsoonayn oo sida aad ogtahay adigu ana waan ogahay waxaana ku oran karaa in dhibta somalia ka jirtaa ay tahay Muqdisho oo aan ahayn meel xasilan somalia inteeda kale xal ayay leedahay , lakiin muqdisho waa meesha aan wax nadaama iyo kala damayn ka jirin sidaa awgeed ayaa dowlada lagu dhisay kenya waxaa utaal kudad lagu waa jahayo sidii xal loogu heli lahaa muqdisho, sidaa awgeed ayaanu anagu dadka maanta muqdisho jooga oo hubaysan aanu ula hadli doona sidii dad nala ah walaal , waxaanuna isku dayi in wada hadal aanu xal ku gaarno , waxaanuna usoo jeedin wax aanu ugu badalno burcad nimada sida in aanu ciidan utaba barno , ama aanu xirfada barno , lakiin hadii taas la doodo wada hadalna wax lagu qaadan waayo dowlad sharciya ayaanu nahay waana ka hortagin , waxaanuna qabnaa dadkaa aanu ka hortagaynaa in ay yihiin dad yar markii shacaba somaliyeed la eego.

su aal: hadii kooxahaasi wada hadalka aad la galaysaan ay wada xiran gasho ma adeegsan doonta awood dibada ka imaanaysa ? macnaha waxaan u wadaa dowladaha dariska iyo kuwa aduunka ma la kaashan doonta inta aan nabada rabin?

jawaab: waxaan rabaa in aan kuu sheego in dowladu ay dajisay istaraatijiyad ku aadan dib uhishiisiin dhamaystiran awood in aanu adeegsanaa waa khiyaarka ama isku dayga ugu dameeya , sidaan kuu sheegay waxaanu wax ku bilaabi wada hadal waxaanuna u gudbi talooyin in ciidan ay kamid noqdaan lakiin markii la diido taas xalku waa in awood la adeegsada markaana waanu dalban in aduunka iyo dowlada aagaba aanu ka helno tageero si nabada loo ilaasho.

su aal: somalia kuligeed ma wada amaan darna waxaa jira goobo nabad xoogle ka jirto sida punt land iyo somali land sidaa somalia inta kale loogu dabaali karaa nabadaa?

Jawaab: somalia waa mid, malahan yar iyo dad badan, malaha diimo kala duwan, malaha madaahib kala duwan, waxa maanta punt land ka jira iyo somali land waxaa waaye dadka meelahaa dagan waxay arkeen in nabadu tahay tan lagu hormaro sidaa ayay markaa nabad u qateen waxayna haleen barwaaqo iyo nabad , meelaha kale haday iyana saa u fakari lahayeen way awoodi lahahyeen lakiin waxay qateen nasiib daro in ay xabad adeeg sadaan sidaas ayayna labada meelood ku kala duwan yihiin , maanta ma aanan ogolin in sidaa lasii ahaado shaqa qarameed ayaa na hortaal iyadaanuna qaban somalina nabad iyo xasiloon ayay rabtaa.

ma daxwaynhe waa mahad san tahay.
adaa mudan.

xigasho: www.26september.com
tarjumid guud: asad gufure

Email: asadgufure@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2005

Bosaso: 800 Guri ayaa Ku Gubtey Dab Qabsaday Xaafada Buulo Eelay
iyo Magaalada Gaalkacyo oo lagu soo rogay Bandow, waxaana Galkacyo lagu diley Nabadoon Siciid Cumar Tinle, iyo warar kale oo googoos akhri

 MAQAALADA KALE KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD