MUNAASABAD
LAGU XUSAY SANNADGUURADII 28 EE JABBUUTI.
-
Somalitalk, Khartoum | Jun 27, 2005
Ururka
ardeyda jamhuuriyadda Jabbuuti ayaa
wuxuu munaasabad qurux badan oo si
heer-qaran ah loo soo qaabeeyay xalay ku
qabtay daarta weyn ee shirarka caalamiga
ah ee Ribaad oo ku dhaxtaalla kulliyadda
akadheemiyada booliska qaranka
waaxdeeda tababarrada war-isgaarsiinta.
Munaasabadan sida wacan loo soo
agaasimay ayuu ururku ugu dabbaaldagayay
sannadguuradii sideed iyo labatanaad ee
gobonimada jamhuuriyadda Jabbuuti.
Waxaana goobta ka baxayay heeso waddani
ah oo ka turjummayay qaalinnimada
gobonimada iyo madaxbannaanida, waxaana
ka mid ahaa kuwa uu curiyay abwaanka
weyn ee rugcaddaaga ah ee reer-Jabbuuti
md. Caligaab. Waxaa kaloo goobta lagu
soo bandhigay riwaayad ka hadleysay
halgankii gobonimodoonka ahaa ee lagu
waayay geesiyaasha iyo halkaraannada ee
dalka lagaga xoreeyay gummeystihii
Faransiiska iyo maanta marxaladda
dhaqan-dhaqaale ee dalka uu ku
suganyahay. waxaa kaloo madasha lagu
xusay taariikhda iyo barta ay Jabbuuti
dhacda oo uu ka hadlay mudane Jammaal
Cabdullaahi Cumar.
Dhanka
gabdhaha waxaa hadalmurtiyeed gaaban
goobta ka jeedisay Ifraax Cumar oo ka
hadashay waxa ay xorriyaddu tahay iyo
qiimaha gaarka ah ee ay xambaarsantahay
iyo sida ay reer-Jabbuuti ugu soo
halgammeen dhiigoodana ugu hurreen
dalkooda hooyo. Waxaa kaloo la soo
bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka
ee jamhuuriyadda Jabbuuti iyo gabayo
door ah. Waxaa madasha joogay
martisharaf ay ka mi ahaayeen mudane
Xuseen Cabdi Xalane [sarkaal ka u
shaqeeya hayadaha sammafalka ah] iyo
abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud
[Stanza] oo madasha lagu martiqaaday
kana jeediyay gabay uu ku xusayay
maalinta weyn ee xorriyadda Jabbuuti.
Ugu
dambeyntii waxaa hadallo soodhaweyn iyo
mahadnaq isugu jiray soo jeediyay
guddoomiyaha ururka ardeyda Jabbuuti md.
Xarbi Aadan Axmed iyo wakiil ka socday
safaaradda Jabbuuti ee Qaahira mudane
Cismaan Cumar; halka dhanka Soomaalida
uu u hadlay ustaad Cabdiqaadir Xirsi oo
ah bare kuliyadda jiyoolajiga [Geology]
ka dhiga Jaamacadda Caalamiga ah ee
Afriga.