Warbixin- 26-Juun,05,Nairobi,Kenya.
Shalay ayaa la soo gabagabeeyey Tacsidii Naftii Hore
Maxamed diiriye Uudoox oo 22-bishan ku Geeriyoodey
Magaalada Nairobi.
Sanadii 1935 ayuu ku dhashay Degmada dhuxun,dhuxun
ayuu ku dhameystay waxbarashada Dugsiga Hoose
Dhexe,Dugsiga Sarena Beledweyne ee Gobolka
Hiiraan,Jaamicada Siyaasada waxa uu ka qalin jabiyey
1963 dalka Sudan.
Naftii hure maxamed Diiriye waxa uu Asaasay Jabhada
Gobanimadoonka oo lagu magacaabo jabhada Soomaalida
Ogaadeenya,waxa uu xafiiskii ugu horeeyey ka furay
Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdishu 1963,waxa uu
xafiiska shaqeeyey ilaa la abuuro dhaqdhaqaaqa
Nasrulaahi oo loo doorto Naftii hurre Maqtal
Daahir,Nasrulaahi waxay dagaalo xoog leh kula jireen
Dawlada Itoobiya,N/h
Maxamed Diiriye waxa uu ka mid ahaa Hogaanka
dagaaladaasina gacan lixaad ka qaatey.
1965-1968,N/hure maxamed waxa macalin ka ahaa Dugsiga
sare ee Degmada Marka Sh/Hoose.
1968-waxaa loo bedey degmada Jiriban waa uu diiday
shaqadana waa uu ka tagey.
1969-kacaankii Milatariga ee Soomaalida waxa uu ka
hadley Idaacada R/Muqdishu,waxa uu ka jeediyey Hambalyo
aad ayuuna ugu Farxay,waxa uu ka sugayey in Gacan Xoogle
lagu siiyi Baadidoonka dhulka Somaalida Ogaadeenya.
1972 waxa uu martiqaad ka helay N/hure Maxamed
Diiriye wadamada Carabta ee kala ah:-Yamen,Qadar,Baxreyn,imaaraadka
Carabta liibiya ,Aljeeriya ,Kuwayt,Siiriya iyo
Ciraaq,halkaasina waxa ku xumaadey xiriirkii Dawlalada
Soomaaliya iyo Jabhada.
9/12/72 Magaalada Muqdishu waxa ka tagey wafdi uu
hogaaminayo N/hure Maxamed Diiriye dalka Yamen waxaa ku
soo dhaweeyey
wasaarada Arrimaha Dibada,iyagoo weydiistey dawlada
Yaman Garab dhaqaale iyo mid siyaasad,10/12/72 waxay la
kulmeen Wakiilka dawlada Yaman ee Jabhadaha Mudane
Cusmaan Mxamed Salax,waxay kaloo kula kulmeen Halkaasi
gudoomiyaha Jabhada Eretaraya Saalax Sabri,dawalada
Yaman ayaa xiligaasi u sheegtay in ay garab siineyso
laakiin Guddi Baaritaan loo diri Doono,dawlada Yaman aad
ayey u daneyneysay Jabhada Goboniomadoonka Soomaali
Galbeed.
11/12/72 waxay tageen Dalka Qadar,caasimada Doxa
waxaana halkaas ku qaabilay wasiirada arrimaha dibada
iyo warfaafinta Asayid saccid al qabaashi iyo Alsayid
ciisa Kawaari,waxayna halkaasi ugu sheegeen taariikhada
halkanka Jabhada iyo dhamaan Xaalada Ummada Soomaaliyeed
waxayna weydiisteen Taageero hagar la`aan.
13/12/72 waxay tageen Dalka Baxreyn iyagoo la kulmay
wasiirka Arrimaha Dibada Alsheekh Maxamed Bin Mubaarak
Ala khaliifa ninkasoo xiligaas Soomalida aad u jeclaa,
kulankasi waxaa la joogay Dr.Suleymaan Adajaan oo
Soomaaliya Muddo badan ku noolaa,aqoon dheer u
leh.dawlada Baxreyn waxay u balan qaadey taageero,waxay
kaloo la kulmeen Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliya oo la
oron jiray Saalax Cige.
15/12/72 waxay tageen Kuweyt waxaana qaabilay
wakiilka A. Dibada Rashiid Cabdi Casiis Rashiid, waxay
Dawlada Kuweyt u balan Qaadeen Taageero iyo
dhaqaale,isla markiina waxay la kulmeen wasiirka A.
Dibada Sheikh Sabax Jabir al-Axmed waxa uu u sheegay in
taageero hagar la`aan la siin Doono,waxay la kulmeen
Jaliyada Soomaaliya Sheekh Cumar Xaajio Muuse.
17/12/72 wafdiga waxay aadeen dalalka
Ciraaq,Suuriya,Imaaraadka,Tuniisiya iyo Aljeeriya.
28/12/72 waxay wafdiga dib ugu soo laabteen Magaalada
Muqdisho,waxaana saqdhexe habeenimo Gurigiisa lagala
Baxay Naftii hure Maxamed Diiriye UUrdoox Dawalada
Milataiga ee Siyaad Barre waxaana la la`aa
30/12/72-19/12/79.
5/2/1980 ayaa N/h Maxamed Diiriye Warqad si toos u
Qoray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre
Qoraalka ayaa ka mid ahaa hadaladan.
Dawlada Soomaaliyeed waxay ku guuldareysatey in
Madaxbanaaneyso Jabhada gobonomadoonka Soomali Galbeed
in ay iyaga ka tashadaan Aayahooda,waxay kaloo Dawlada
Bilaawdey in ay caburiso Siyaasiyiin Soomaaliyeed ,waxaana
marlabaad Madaxweynaha ka codsanayaa oo talo naxteexo ah
ku weydiisanaya in faraha laga baxo talada Jabhada
xoreynta Soomaali Galbeed.
warqadaasi oo si toos ah Madaxweynaha Gacanta looga
Sarey ayaa marlabaad waxaa xabsiga loo taxaabey 6/2/80
xabsiga Laanta Buuro iyadoo lix bilood lagu hayey
xabsiga ciqaabta ee xeebta liido.waxa uu xabsiga ka so
baxay 1982 isagoo muiddo bil uu joogin ayuu waxa uu ka
qayb galey doorasha musharaxnimada Jabhadii WSLF oo ay
qaban qaabisay dawlada siyaad barre waxaa uu ku
guuleystay 99%-kiiba shirkaasi waxa uu ka dhacay degmada
Afgooye.
1982 N/hurre Maxamed diiriye waxa uu noqdey Xghayihii
guud ee Jabhada WSLF waxa u bilaabey in uu dardar iyo
dib u habeyn cusub galiyo hogaanada Gudaha iyo dibada.
waxa uu magacaabey arrimaha Dibada
- 1-Cabdisalaan Daly wakiilka Ciraaq
- 2-Cabdullahi Mxamed Sacdi wakiilka Kuweyt
- 3- Maxmed Cumar Xamow Wakiilka Suuriya
- 4-mukhtaar Sheekh Maxamed Wakiilka Liibiya
- 5-cumar Maxamuud Sadiiq Wakiilka Aljeeriya iyo
maxad kale.
N/h Maxamed Diiriye waxa uu bilaabey in uu soo
kormeero xarumaha Jabhada,muddo yar ka dib waxa dawlada
ku soo rogtay in uu xabsui ku ahaado gurigiisa,Jabhadana
waxaa loo magacaabey Sheikh Cabdi nasir Xaaji Aden ,muddo
yar ka dib waxa uu codsadey in magangalyo siyaasadee
siyaan Safaaradaha Masar,Siiriya iyo Mareykanka ,Mareykanka
ayaa codsigiisa aqbaley waxa uu xushay in seddex xubnood
guddiga fulinta ka mid ahaa in ay raacaan ,nasiib darase
mid ka mid ah seddexdaasi ayaa fashilay qorshihii oo
dawlada u shaqeyn jiray waxa uuna qatar galiyey
lafahooda.
N/hure Maxamed Diiriye waxa uu gaari ku jiiray jidka
soddonka oo lugata ka jabey ,raggii gaariga watey ayaa
soo degay oo yimid waxayana ku yiraahdeen raali noqo
adiga kumaanan jeedine waa ayna ka dhaqaaqeen,waxayna
ahaayeen ciidamada NSST.
N/hure Maxamed Diiriye waxa uu talo kulaa asaasidii
jabhada ONLF oo lagu aasasy 1984,isagoo walba jaban ayuu
diyaariyey Barnaamijka siyaasada ee Jabhada wadaniga
xoreynta Ogaadeynya.ka dib xabsiga ayuu galey ilaa 1991
burburkii dawlada Soomaalida.
waxa uu filayey in ay jabhada soomaalida xukunka dib
u soo celin doonaan uu asna qayb ka qaato ,laakiin ma
yan dhicin.
waxa muddo 8-sanno ku noolaa Dhoobley,intaa ka dib
xaalada Caafimaad ayuu Nairobi u yimid ,xanuunkaasoo ku
dhaliyey xabsigii iyo jirdilkii .
ugu danbeyntii waxa la iloobi karin shirkii dardar
galinta ahaa ee 1,May,2005 ee ONLFta maantana Hormuudka
taxay.
dhamaad.
F.gaar ah taariikh Nololeed Marxuumka waxaanka waxaan
ka wareystay Shaafici Raabi Kaahin Uurdoox oo adeer u
yahay Naftii hure Maxamed Diiriye Uurdoox.
by.Abdikarim Aden Hussein.
abdikarimhussein@hotmail.com
Nairobi,Kenya.