SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SANCA

WARARKII MAANTA::: JUN 25, 2005
  • Laba Warbixin oo ku saabsan: KULANKII SANCA OO KU DHAMMAADAY GUULDARRO
  • Waraysi aan la yeelannay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif xasan...
  • Gudoomiyaha baarlamaanka oo ku celiyay in jowhar aysan dagi doonin BFKMG ah.

KULANKII SANCA OO KU DHAMMAADAY GUULDARRO

Jun 25, 2005

Tan iyo markii ay soo gaareen magaalada Sanca ee dalka Yemen Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Guddoomiye Shariif Xasan ayaa waxaa bilowday dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ay wadeen madax sarsare oo ka tirsan dowladda Yemen madaxdaasoo u xilsaarnayd inay u kala dabqaadaan madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Guddoomiye Shariif Xasan kaddib markay ogaadeen qodobbada uu khilaafku ka jiro, waxaana dhacday in Madaxweyne C/laahi iyo Guddoomiye Shariif la isugu keenay madaxtooyada laba jeer si ay halkaas ugula kulmaan Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax oo ay weheliyaan Ra'iisul wasaare C/qaadir Baajammaal, Wasiirka Dibedda Dr. Abuubakar AlQirbi iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Rashaad AlCalaymi oo intuba ahaa kuwa har iyo habeen u soo taagan xal u helidda khilaafka jira waxa ayna kulammadaas dhaceen (21/6/2005) iyo (22/6/2005), inkastoo (23/6/2005) Madaxweyne C/laahi isaga keligiis uu madaxtooyada kula kulmay dhiggiisa Cali Cabdalla Saalax halka Guddoomiye Shariif Xasan uu ku qaabbilay qolkii uu ka degganaa Hoteel Taaj Saba xubno ka tirsan baarlamaanka Yemen, kulannadaas ayaa ahaa fursadii ugu danbeysay ee meel dhexe isugu keenidda labada masuul oo haddii Madaxweyne C/laahi Yuusuf ka tanaasuli lahaa:

  • 1. Keenidda Ciidamo shisheeye ee dalka Soomaaliya gaar ahaan ciidamo ka socda    dowladaha loo yaqaan safka hore.
  • 2. In dowladdu degto meel aan ahayn caasimadda Muqdisho sida Baydhabo iyo Jowhar.
  • . Iyo in masuul kasta ku koobnaado awooddiisa sida ku qeexan dastuurka u degsan DFMG ah.

Waxaa weji cusub yeelan lahayd siyaasadda dibedda ee DFMG ah ee Soomaaliya, waxaana meesha si fudud uga bixi lahayd kala qeybsanaanta ka dhex jirta dowladda iyo baarlamaanka waana mid iska cad inay sii xoogeysan doonto kala qeybsanaantaa hadda jirta mar haddii uu kulankii Sanca ku dhammaaday guuldarro.  

Guddoomiye Shariif Xasan iyo wafdigiisa oo ay xubno ka ahaayeen Dr. Shariif Saalax iyo Suleymaan Colaad ayaa habeenkii xalay ka dhoofay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sanca, wafdigaasoo ku sii hakan doona dalka Jabuuti halkaasoo ay kaga qeyb-geli doonaan dabbaaldegga loo sameynaayo sanad guuradii 28aad ee ka soo wareegtay markay jabuuti xornimada ka qaadatay isticmaarkii Faransiiska sanadkii 1977dii taasoo ku beegan 27/6/2005 oo ah maalinta Isniinta ah ee soo socota, waxaana sidaas dib ugu dhacay shirkii baarlamaanka oo lagu waday in uu qabsoomo 25/6/2005 waxa uuna shirkaas Muqdisho ka dhici doonaa maalin ka dib (2/7/2005) markay ummadda soomaaliyeed u dabbaaldegto sannad guuradii 45aad ee ka soo wareegtay markay dhalatay dowlad soomaaliyeed oo xor ah sannadkii 1960kii. 

 Diyaariye: Axmed Maxamed 
Sanca, Yemen  
ahmedwiish@hotmail.com


Waraysi aan la yeelannay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif xasan

  • Waxaa waraysiga qaaday: Axmed Maxamed 

Waxaa inoo suurta gashay inaan wareysi gaaban kula yeelanno qolkii uu degganaa Guddoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan ka hor intaanu aadin Airport-ka waresiguna waxa uu u dhacay sidan:

Su'aal: Yaad la kulantay oo madaxda Yemen ah sideese la idiin qaabbilay?

Shariif Xasan: Si aad u fiican oo walaaltinimo iyo derisnimo ah ayaa naloo soo dhoweeyey mahad ballaaranna waan uga celinaynaa, waxaana la kulannay madax ay ka mid yihiin Madaxweyne Cali Cabdalla, Ra'iisul wasaare Baajammaal, Wasiirka Arrimaha dibadda Dr.Abuubakar Alqirbi, Wasiirka Arrimaha gudaha Dr.Rashaad iyo madax kale.  

Su'aal:  Maxaa ka soo baxay kulankii ay madaxda yemen idiin qabteen ee xal u helidda khilaafka adiga iyo C/laahi?

Shariif Xasan: Xaqiiq ahaan madaxda Yemen aad bay isugu dayeen oo ugu dadaaleen isu soo dhoweynta masuuliyiinta soomaaliyeed iyo in xal loo helo wixii khilaaf ah, dadaal badan baa la  muujiyey wax weynna waa la qabtay hadduu Alle idmona waa la sii wadi doonaa si xal loo helo.

Su'aal: Maxaa caqabad ahj oo idinka horyimid?

Shariif Xasan: Caqabadaha waxaa ka mid ah kuwo u dhexeeyo baarlamaanka iyo xukuumadda, waxaa ka mid ah inaan dalka la keenin ciidan ka socda waddamada safka hore go'aan baana taas baarlamaanku ka qaatay 17/3/2005, IGAD nafteeda waa gaartay go'aankaas waxayse kaloo go'aamisay inay ciidammada waddamada safka hore wejiga labaad ku imaan karaan qaab Logistic ah. Waxaan qabaa in taas la caddeeyo lana tafaftiro tusaale ahaan in la sheego waqtiga ay imaanayaan, muddada ay joogaayaan, nooca hubka ay adeegsanayaan, xarumaha ay degayaan, sharciga ay dadka kula dhaqmayaan iwm. Annagu wax cad baan rabnaa oo aan hadhow wax naloo hoosgelin karin ma rabno in dhibaato hor leh loo geysto shacbiga.  Arrinta kale caqabaddu waxay noqotay madaxweyne C/laahi Yuusuf Muqdisho lama tegi karo ayuu taagan yahay annaguna waxaan leennahay waa la tegi karaa ee ha la tago isagu taas waa diiddan yahay oo meel kale inay dowladdu tagto ayuu rabaa, hadday meel kale degto dowladdu shakiga ayaa sii badanaayo si laysu aammino waa ay adkaanaysaa oo waxay keenaysaa dadkii hubka dhigi lahaa inay dib u sii urursadaan hubkoodii haddaba annagaa joogno Muqdisho, wasiirro iyo xildhibaanno badan baa jooga oo howl qaran baa la wadaa dadkii oo dhan baa diyaar ah waa la nacay dagaal oo dowladnimo iyo qarannimo ayay dadku rabaan, haddii caasimadda la beddelaayo 183 xildhibaan baa beddeli kara ee si fudud laguma beddeli karo.

Walaal caqabadda kale jirtaa waxay tahay annagu waxaan taagannahay Axdigii iyo dastuurkii aan degsannay ha la dhowro waana la diiddan yahay tusaale ahaan: a) wuxuu madaxweynuhu ii soo jeediyay 11/5/2005ta inaan shir isugu yeero golaha baarlamaanka waxaana u sheegay in xildhibaannadu kala maqan yihiin  oo waqtigu ciriiri yahay loona baahan yahay in waqti fiican loo qabto, anigoo joogo oo soo taagan ayuu madaxweynuhu ammar siiyay guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka saas ayaana shir lagu qabtay xaqna taas uma laha madaxweynuhu.

b) 12/6/2005 xildhibaannada baarlamaanka ayuu kala diray iyadoo howlo badanna noo yaallaan oo aan maalintaa ka hor ku wargeliyay xildhibaannada howlaha noo yaallo taasna howlaha madaxweynaha ma aha xaqna uma laha wixii uu xaq u leeyahay sharciga ayaa caddeynaayo.

c) Xildhibaannada ayuu madaxweynuhu u kala diray gobollada uu u yiri waa ay ka soo shaqeynayaan sharcigee bay ku soo shaqeynaayaan sow ma aha inuu baarlamaanku mar hore ansixiyo sharcigii lagu  shaqeyn lahaa, xildhibaannada qofba gobolkii uu tago ayuu siduu doono ka yeelaa, qas iyo foowdo sow ma aha waxa aan ka dagaallamayno, dowladnimo sharci ku dhaqan iyo kala danbeyn baan u baahannahay sidaas baan dib ugu soo noolayn karnaa kagana soo kaban karnaa burbur iyo waxa na gaaray .    Waxaan taaganahay oona leeyahay dastuurkii ha la dhowro, axdiga ha la raaco, gobollada dhismahoodu waa in sharci loo helaa oo uu baarlamaanku ansixiyaa waxaana ku celcelinayaa Axdiga ha la dhowro.

Su'aal: Guddoomiye maxaan idinka gaarsiinna dadka soomaaliyeed ee idin sugaayo?

Shariif Xasan: Waxaad naga gaarsiisaan in la taageero oo la garab istaago dowladda, in la is cafiyo oo la isu tanaasulo, in la jeclaado qarannimada adkeynteeda loona wada guntado uuna qof kasta buuxiyo hadba kaalinta uu ka geli karo dib u dhiska dalka, adkeynta dowladnimada wadajirka iyo midnimada dalka iyo dadka soomaaliyeed. Ruux kasta oo Soomaali ah kaalintiisa ha galo hadday noqon lahayd muruq, maal, maskax iyo aqoonba kulli waan u baahannahay cid dibedda nooga imaanayso oo  wax noo qabanayso ma jirto aan is walaashanno, dalka dhisanno, cadowgana iska ilaalinno.

Su'aal: Hadda dalkii baad ku noqonaysaan waa maxay howlaha ugu horreyo ee aad ku dhaqaaqayso?

Shariif Xasan: Waxaan sii wadeynaa howlihii aan horaba ugu guntanayn oon u wadnay dadka iyo dalka Soomaaliyeed uguna adeegaynay oo ay ka mid ahaayeen dib-u-heshiisiin, hub-ka-dhigis, isbaaro-qaadis, isu-soo-dhoweyn iyo in la dhammeeyo khilaafaadka jira, wadahadallada waan sii wadaynaa ilaa guul la gaaro waayo danta guud baa ku jirto.

Diyaariye: Axmed Maxamed 
Sanca, Yemen  
ahmedwiish@hotmail.com


Shariif Xasan iyo C/llaahi yuusuf oo wadahadaloodi  ay fashilmeen maantana ku laabanaya dalka Somaliya.

June 25, 2005 3:49 am

Dowlada yaman ayaa ku guulaysan waysay in ay heshiis gaaraan labada Mas'uul ee ugu sareeya Baarlamanka iyo Dowlada FKMG  ah ee Somaliya,kadib wadahadalo ay dowlada dalkaasi uga furtay magaalada sanca ee dalka yaman todobaadkii hore.
 
Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters arimaha la isku mari waayay waxaa ka mid ahaa laba qodob oo kala ahaa Ciidamada wadamada Safka hore iyo Halka ay dowalada dagayso iyadoo laga wareejinayo caasimada Somaliya ee mogadisho in labada golle aysan fariisin u noqonin.
 
Gudoomiyaha baarlamaanka waxa uu horay ugu hogaamiyay magaalada mogadisho ugu yaraan 100 xildhibaan waxaana ka amar qaata hogaamiyayaaha ugu xooga badan magaalada mogadisho ayay sheegtay wakaalada wararka,waxaa uuna diiday gudoomiyaha baarlamaanka in uu baarlamanka geeyo magaalada jowhar isla markaana uu waxba kama jiraan ka soo qaado Go'aankii baarlamaanka ay gaareen 17 bishii maarso ee sanadkan oo lagu ansaxiyay in aan la keenin ciidamo ka socda wadamada safka hore.
 
Sidoo kale waxaa lagu sheegay warbixintan in madaxweynaha uu diiday caasimada Soomaaliya ee mogadisho in uu dowladiisa dajiyo kana howlgasho,madaxweynaha Dowlada FKMG ah C/llaahi yuusuf ayaa ku adkaystay in caasimada aysan ka jirin amaan la isku halayn karo,isla markaana aysan dowladiisa ka maarmin ciidamo ka socda Midawga afrika oo gacan ka hela kuwa safka hore.
 
Waxaa kale oo ay wakaaladu xustay Ra'iisul wasaaraha in uu ku maqan yahay magaalada jowhar isagoo u hogaamiyay 70 xubnood oo ka mid ah labada golle,Madaxweyanaha iyo Ra'iisul wasaaraha waa isku siyaasad waxa ayna gacan saar la leeyihiin Hogaamiyaha gacanta ku haya magaalada jowhar oo hadda dib u habayn ku haya magaaladaas.
 
Dowlada yaman ayaa wax badan isku dayday in ay dhexdhexaadin ka dhex samayso laakiin taas laguma guulaysanin kadib markii ay waayeen mid tanaasula,mid walbana uu ku dhagan mowqifkii uu aaminsanaa ee ku saabsanaa siyaasada dalka.
 
Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in ay dhicisoobeen wadahadaladii maalmihii la  soo dhaafay ugu socday dalka yaman Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan iyo Madaxweynaha Dowlada FKMG ah  C/llaahi yuusuf, kadib markii ay socon waayeen arrimihii ay u tageen halkaas in ay xaliyaan,Maanta ilaa caawa ayaana la filayaa in ay ka soo duulaan dalka yaman natiija la'aan.
 
Labada mas'uul waxa ay kala hogaamiyaan labada golle ee dowlada iyo baarlamanka Soomaaliya,waxaana lakala safan xubno xoogan oo ka mid ah labada golle,waxaana la saadaalinayaa hadaan la helin gacan sadexaad oo dhexdhexaad ah in soomaaliya uu ka qarxi karo dagaal sababa dhimasho iyo barakac kale oo Shacabka Soomaaliyeed waxyeelo wayn u gaysta.

Gudoomiyaha baarlamaanka oo ku celiyay in jowhar aysan dagi doonin BFKMG ah.
June 25, 2005 3:20 am 

Gudoomiyaha baarlamaanka Federalka KMG ah ee Somaliya Shariif  Xasan Sh.Aaden ayaa sheegay in baarlamaanka uusan u hogaamin doonin magaalada Jowhar ee gobolka shabeelada dhexe isagoo ku sugan magaalada sanca ee dalka yaman warkaas oo ay soo xigteen maanta qaar ka mid ah warbaahinta dalka kenya.

 
Gudoomiyaha waxa uu intaas ku daray in ay jiraan sababo badan oo ka hor isgaagaya labada golle in ay xiligan fariisin ka dhigtaan magaalada jowhar,waxa uuna ugu horayn xusay in ay tahay magaaaladaasi mid aan lahayn garoon diyaaradeed oo la isku halayn karo,in aysan lahayn xafiisyo ka haqab tiri kara labada golle in ay ku fushadaan howlahooda iyo waliba iyadoo ah meel ka baxsan magaalada waxaana usii dheer in aysan ku xusnayn dastuurka in dowlada iyo baarlamaankeeduba ay ka howlagalaan magaalada jowhar.
 
Caasimadu waa xamar,waxaana qeexaya sharciga u yaala dalka,taas ayaan ah qorshaha aana wadano ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka Shariif  Xasan Sh Aaden,waxa uuna intaas ku daray in baarlamaanka uu yeelanayo fadhiyadiisi caadiga ahaa si looga wada hadlo marxalada adag ee ay maanta soomaaliya marayso,taas oo ah ayuu waajin saaran xildhibaan walba oo ka mid ah baarlamaanka.
 
Dhexdhexaadin maalmihii la soo dhaafay ugu socotay magaalada sanca ee dalka yaman Gudoomiyaha baarlamanka iyo Madaxweynaha dowlada FKMG ah ayaa soo dhamaanaya natiija la'aan,waxaana la filayaa in maanta ay ka soo duulaan magaalada sanca ee dalka yaman.

Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: Somalitalk.com | June 25, 2005

SHIRKA DIB-U-HESHIISIINTA EE SANCA
»Sanca: Warbixin kusaabsan heshisiinta DFKMG...
»Kenya: oo sheegtay shirkii Soomaalida kaga baxay hal Bilyan
»Beled Xaawo: 8 Gaari oo u xayiran isbaaro ay dhaafeen
»Kismaayo: Howlo indho fiiqid oo ka bilowday isbitaalka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 21


350 Qof oo Indhaha Loogu Fiiqay Kismaayo
Howshaas indha fiiqida oo si guul ah loo soo gabagabeeyey waxaa ka qayb qaatay 2 dhakhtar iyo afar kalkaaliye oo kayimid Kenya, waxaana.. Guji..

Safaarada Itoobiya ee London, UK oo Dhiseysa Xisbi Gumeysi Raac ah
oo ay ugu talagashay inuu ka caawiyo jahawareerinta dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya... Guji...  Jun 24

Oday dhaqameed lagu xiray Nairobi
»Wafdi Puntland ah oo Booqanaya Masar
»Bannaanabax lagu qabanayo xarunta QM ee Nairobi...
»Baaq Ku Socda Dhammaan Beelaha la hay-sooco..
»Haweenkii BFKMG oo Natiija La'aan ku soo laabtay NRBI
»Shir- weynihii Beesha Dhulbahante ee Wadanka Kenya
»Baaq Ku Socda Beelaha Ku Dagaalamaya Soomaaliya
»Marwada Riyaale oo Guri Qali ah ka Raadineysa Qaahira
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jun 24

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD