Barnaamijkii Radio Xoriyo
24 Jun. 2005
-
Safaarada Itoobiya ee
magaalada London oo dhisaysa urur cusub oo taabacsan
siyaasada itoobiya.
-
Duuliyayaal
Itoobiyaan ah oo baxsaday.
-
Xisbiyada mucaaradka oo ka cadhooday cabshooyinkii laga
diiday.
-
Janaraal Galaal oo
sheegay in saraakiil Itoobiyaan ahi soo gaadheen Waajid.
-
Iyo Barnaamijkii
Muxuu Yidhi Abwaanku iyo Axmed F. Cali Idaajaa
======================
Safaarada Itoobiya ee London,
UK oo Dhiseysa Xisbi Gumeysi Raac ah oo ay ugu talagashay
inuu ka caawiyo jahawareerinta dadwaynaha Soomaalida
Ogaadeenya
Wararka naga soo gaadhaya magaalada London ee carriga
Ingiriiska ayaa sheegaya in safaarada xukuumadda Itoobiya ay
intii muddo ahaydba ku guda-jirtay dhismaha xisbi cusub oo
ay ugu talagashay inuu ka caawiyo jahawareerinta dadwaynaha
Soomaalida Ogaadeenya, gaar ahaan dalalka dibadda.
Safaaradu iyadoo kaashanaysa shakhsiyaad dhuuni-raac ah oo
Ogaadeenya u dhashay, waxay doonaysaa inay dhidibbada u
taagto urur cusub oo loogu magac daro Ururka Nabadda, kaasoo
isu taagi doonaa sidii uu Ogaadeenya uga fulin lahaa
siyaasada Wayaanaha ee ku wajahan Ogaadeenya.
Safaarada Itoobiya ee London ayaa diyaarisay kooxdii Ururkan
cusub maamulkiisa qaban lahayd, waxayna ku talajirtaa inay
xayaysiis badan u samayso, iyadoo u fasixi doonta inay
isiticmaalaan qalabkeeda warbaahinta. Waxaa kaloo la
diyaariyay in kooxdani ay ka hadasho laanta af-soomaaliga ee
BBC-da.
Ururkan ayaa daba socda ururradii faraha badnaa ee
xukuumadda Itoobiya ay dalka Ogaadeenya ka samaysay, si ay
dadwaynaha u jahawareeriso oo isaga horkeento. Waxaana
keenay inay marxaladdan hadda lagu jiro ay samayso Urur
noocan ah, iyadoo ku guul daraysatay dhammaanba siyaasadii
ay Ogaadeenya la damacsanayd, isla markaana lagaga adkaaday
goobaha dagaalka.
Duuliyayaal Itoobiyaan ah oo
baxsaday.
Siddeed duuliye oo Itoobiyaan
ah oo tababar u joogay dalka Belarusia ayaa rugohoodii
kabaxsaday oo magangelyo siyaasadeed waydiistay dawlada
Belarusia. Siddeedan duuliye, oo darjadoodu kala ahayd 3
labo-xiddigle iyo 5 xiddigle, ayaa waxay kala yihiin:
1. Fassil Mammo
2. Anteneh Moges
3. Eyob Gebremichael
4. Anteneh Mekuria
5.
Gossa Girma
6.
Abdissa
Befikadu
7. Abduljebar Mama
8. Abaya Bekele
Duuliyayaashan ayaa la sheegay
inay xidhiidh la lahaayeen labadii duuliye ee toddobaadkii
hore diyaarada helokabtarka ah ula baxsaday waddanka
Jabuuti, kuwaasoo sheegay inay soo baxsadeed, ka dib markii
amar lagu siiyay inay heegan u ahaadaan weerar dhinaca cirka
ah oo ay ku qaadaan dadwaynihii banaanbaxyada ku samaynayay
magaalada Addis Ababa.
Baxsashada siddeedan duuliye
ayaa sii wiiqaysa awoodda taliska Addis Ababa oo markii
horaba dhibaato badani ka haysatay baxsashada ciidammada,
kaasoo dunidu hadda aragtay inuu awoodda ku haysto qori
caaraddii oo kaliya.
Mar duuliyayaashan laga
waraystay sababta ay magangelyada u codsadeen ayay sheegeen
inayna diyaar u ahayn inay qaataan amar ka dhigan inay
laayaan dadkii ay nabadgelyadooda difaaci lahaayeen. waxay
kaloo intaas ku dareen in iyaga iyo kuwii Jabuuti u goostay
ay isku qorshe yihiin.
Hay’adda qaxootiga u qaabilsan
Qaramada Midoobey ee UNHCR uma ayna suuragelin inay tallaabo
ka qaado kiiskan duuliyayaashan magangelyada codsaday.
Dawlada Belarusia iyo Meles Zenawi ayaa waxaa ka dhexeeya
xidhiidh wayn, waxayna kal hore wada-geleen heshiisyo
millatari.
Xisbiyada mucaaradka oo ka cadhooday cabshooyinkii laga
diiday.
Xisbiga mucaaradka ah ee CUD
ayaa si wayn uga cadhooday diidmadii ay xukkumaddu ka
diidday in baadhis lagu sameeyo cabooshinkii uu ka soo
gudbiyay musuqmaasuqa doorashada. Xisbiga CUD wuxuu sheegay
in la diiday inta badan cabshooyinkii uu soo gudbiyay,
iyadoo dhinaca kalana ay xukuumaddu oggolaatay in baadhis
lagu sameeyo dhammaan cabashooyinkii uu soo gudbiyay xisbiga
talada haysta ee EPRDF.
Xisbiyada mucaaradka ah ayaa
si wayn uga cawday in musuqmaasuq lagu sameeyay doorashadii
la qabtay 15 May, oo laga dhacay codad badan oo iyagu xaq u
lahaayeen.
Hase yeeshee talaadadii ayuu
xafiiska doorashada ee xukuumadda Itoobiya sheegay inuu
baadhis ku samayn doono 135 ka mid ah 299 cabasho oo loo soo
gudbiyay.
Qareenka xisbiga CUD ayaa
warbaahinta adduunka u sheegay inuu ka cabsi qabo in
baadhistan si cadaalad ah loo samayn waayo. Xisbiga CUD
wuxuu Midowga Yurub ka codsaday inuu u dhabba-gelo sida
cabshooyinkan loo baadho.
Janaraal Galaal oo sheegay in
saraakiil Itoobiyaan ahi soo gaadheen Waajid.
Janraal Maxamed Nuur Galaal,
oo ka mid ah saraakiisha ciidammadii Soomaaliya, ayaa
daboolka ka qaaday inuu helay xogo muujinaya in saraakiil
iyo ciidammo Itoobiyaan ahi ay soo gaadheen degmada Waajid
ee gobolka Bakool, isla markaana ay kulano la yeesheen
duqayda degaanka. Saraakiishan Itoobiyaanka ayaa duqayda
deegaanka u sheegay inay fasax u haystaan in ciidammada
Itoobiya yimaadaan deegaannadooda.
Saraakiishan Itoobiyaanka ahi
waxay dadka deegaanka ah u sheegeen inay soo dhaweeyaan
ciidammadooda Itoobiyaanka ah ee nawaaxigaas ku soo fool-leh,
isla markaana ayna wax dagaal ah kala hortegin.
Wuxuu kaloo uu janraal Galaal
sheegay in ciidammo Itoobiyaan ahi ay sidoo kale yimaadeen
deegaanada Yeed iyo Tiyeeglow.
Janraal Maxamed Nuur Galaal wuxuu muujiyay in hadda ay
xukuumadda Itoobiya waddo abaabul ciidan oo xoog leh, kaasoo
ay Itoobiya ku doonayso inay ku qabsato dalka Soomaaliya oo
ay gobollada koofurteed ugu horreeyaan.
Toddobaadkii hore waxaa soo baxay warar sheegaya in
xukuumadda gumaysiga Itoobiya ay ciidammo badan oo soomaali
iyo itoobiyaan isugu jira soo dhoobtay magaalada Feerfeer,
isla markaana laga cabsi qabo in ciidammadaasi ay u jeedaan
dhinaca magaalada Jawhar.
Radio
Xoriyo
24 Jun. 2005
C/nuur Sh. Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee
dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha
7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Faafin: Somalitalk.com |
June 25, 2005
Nin Lagu Magcaabi
Jirey Eng. Cabdi Yare oo Xalay Fiidkii Lagu Diley Kismaayo
»Kismaayo:
Nin Musaafur ku ahaa magaalada oo la diley ..
»Prof.
Geedi: Kenya Tixgalin ha siiso dadka Soomaaliyeed ee..
»Bosaso:
Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Bangiga iyo Qasnada..
»Dawlada
FKMG oo lagu heshiisiin doono Yemen...
»Gudoomiyaha
Baarlamaanka oo maanta u dhoofay Yemen..
»Madaxweyne
C/laahi Yuusuf oo iman doona Yemen..
Wararka oo dhan ka
akhri halkan... Guji... June 17