- Oday dhaqameed
xalay lagu xiray Nairobi.
- Wafdi Puntland
ah oo Booqanaya Masar
- Banaanbixii ugu
waynaa Subaxnimada Jimcada laga qabanqaabinayo
Nairobi.
-
Baaq Ku Socda
Dhammaan Beelaha la hay-sooco meel kasta oo ay
joogaan
- Haweenki
Baarlamaanka FKMG ah ee lagu casuumay dalka S.Afrika
oo ku soo laabtay Nairobi Natiija La'aan.
- Shir- weynihii
Beesha Dhulbahante ee Wadanka Kenya
- Ujeedddo: Baaq
Nabaddeed KU Socda Beelaha Ku Dagaalamaya Gudaha
Dalka Soomaaliya
- MARWADA
MADAXWEYNAHA SOMALILAND HUDA BARKHAD OO GURI IIB KA
RAADINAYSA XARUNTA MASAR EE QAAHIRA
Oday
dhaqameed xalay lagu xiray Nairobi.
Maxamad Macalin Xuseen
oo ka mid ahaa oday dhaqameedki shirka ayaa xalay
xabsiga la dhigay kadib markii hotelkii uu daganaa ay ku
soo oogeen dambi ah in ay ku leeyihiin lacag uu ku
daganaa hotelka oo uusan bixinin dhowrkii bilood ee la
soo dhaafay.
Maamulka hotelka ayaa sheegay in ay wax badan ka
sugayeen lacagtooda laakiin uusan bixinin,taasna ay
keentay sida ay hadalka u dhigeen in ay ku dacweeyaan
booliiska magaalada sidaasna xalay ugu dhiibeen isagoo
hada ku jira xabsiga Pangani kuna sii jiri doona inta ay
ka helayaan lacagtooda.
Mid ka mid ah dadkii ergada ahaa oo saakay ila soo
xiriiray ayaa sheegay in ay wadaan dadaal ah sidii ay ku
heli lahaayeen lacagtaas uu u xiran yahay oday
dhaqameedkaas, mar aan wax ka waydiiyay cidda ay ka
sugayaan in uu bixiyo lacagtaas ayuu ii sheegay in ay
iyaga ka bixinayaa jeebkooda,waxaa kale oo ii sheegay in
ay jiraan 7 xubnood oo ah eragada oo iyagana ku xiran
meelo kala duwan dhamaantoodna loo haysto lacago ay ku
daganaayeen hotelo yar yar oo ku yaala xaafada islii.
Lacagta lagu xiray ugaaskan ayaa gaaray 100 K.Sh,una
dhiganta $1500,dolar, ma ahan lacag badan marka loo
fiiriyo mida looga leeyahay xildhibaanada qaarkood
hotelada waaweyn ee magaalada Nairobi, ergada ayaa
badankood ka cabanaya in aysan helin qiimayn, codsiyo ay
u direen Hay'adaha caalamiga ahna ay ugu jawaabeen in
qarashkoodi ay u gudbiyeen dowlada laakiin mas'uuliyinta
dowlada aysan wali war ka soo saarin.
canabmumtaz@yahoo.com
| Jun 24, 300
Wafdi Puntland
ah oo Booqanaya Masar
weriye
sharmaarke c/dirsaaq cilmi
shsugulle@hotmail.com
Jun 24, 2005
waxaa soo
gaaray dalka masar wafdi uu hogaaminayo
wasiirka waxbarashada iyo taclinta sare ee
puntland Dr. Axmed sicid awnuur,
wafdigaas oo ay kamid ahaayeen prof cali
ismaaciil, prof c/dulqadir maxamad c/laahi
oo ah madaxa jamcada bariga afrika iyo xubno
kale oo waheliyay wafdigaa.
wefdigan oo
kahelay casumaad rasmi ah dawlada masar si
ay isula eegan matanaynta waxbarashada
labada Masar iyo tan PL.
Dawlada masar
ayaa ilaa 1950 kaalmayn jitray wax barashada
puntland iyadoo ka furtay iskoolo badan
arday badana oo ah reer puntland ay
kabaxeen jamcadaha dalka masar. Iyadoo
dhawaanahaanba ay soo kordhaysey tageerada
ay siinayso dowlada maser wax barashada punt
land ayaa waxaa wafdigaani uu yahay kii
sadexaad oo muda laba sana ah gudohood ku
yimaada booqasho , wafdigaan kii ka horeeyay
ayaa waxaa hogaaminayay prof: khaliif
maxamad barre iyadoo markaa kulama badan oo
uu la yeeshay mas'uuliin reer maser waxaa
lagu kala saxiixday dhowr hishiis oo ay
kamid ahayd balaarinta iyo xoojinta
tageerada ay dowlada maser ufidiso
jaamacadaha iyo macaahida punt land.
Wefdigan ayaa
lakumidoona shiikha ugu sareeya al azhar al
shariif Dr. maxamad sayid al dandaawi iyo
wasiirka waxbarashada iyo taclinta sare ee
maser Dr. cumar salaamah iyo dhaman
jamcadaha wadanka masar. wafdigan ayaa
larajaynya in ay kulmi doonaan jaliyadaya
punt land iyo guud ahaan jaaliyadda
soomalioyeed ee qaahira ku dhaqan , waxaanu
gadaal idiin kasoo tabin doonaa dhamaan
kulamada ay wafdigaani la yeelan doonaan
mas'uuliinta dalma maser iyo jaaliyada reer
punt land.
weriye
sharmaarke c/dirsaaq cilmi
shsugulle@hotmail.com
Banaanbixii ugu waynaa
oo Subaxnimada Jimcada laga qabanqaabinayo Nairobi.
Canab Mumtaz |
SomaliTalk | Kenya
Email:
canabmumtaz@yahoo.com
| Jun 23, 3005
Boqolaal Soomaali ah
ayaa waabariga Jimcada (Jun 24) u balansan in ay banaan
bax wayn ka hor sameeyaan laanta qaxootiga u qaabilsan
QM ee UNHCR,iyo Xarumaha Mareynka ku leeyahay Nairobi ee
dadka layn sugayayaashi ay ka maraan ama ay kaga diiwaan
gashan yihiin hab qaxootinimo oo loogu qaadayo dalka
Mareynkanka xarumahaas oo kala ah IOM iyo JVA.
Banaanbaxan ayaa ka
dhashay war ka soo baxay xafiiska Mrs Kilimo oo ah
Wasiirada Laanta Socdaalka Dalka Kenya oo sheegayay 30
bishan waxii ka horeeya in qof walba uu iska diiwaan
galiyo laanta socdaalka si loo ogaado in uu yahay
qaxooti rasmi ah,kadibna la geeyo xeryaha Qaxootiga ee
ku yaala kenya,iyadoo inta kale ee aan haysana
sharcigana ay iskaga baxaan dalka ama laga raafi doono.
Soomaali kaliya maahan
dadka samaynaya banaan baxa ee waxaa jira dad kale oo u
dhashay dalka Itoobiya iyo suudaan oo laf ahaantooda ku
ah qaxooti dalka kenya,waxa ayna badankood sugaan
laymanka xaraysan Mareykanka si la mid Soomaalida.
Banaanbaxan waxaa
qabanqaabinaya guddi ay maanta sameeyeen Somalida ku
dhaqan Islii kadib markii ay maanta banaanbax hor dhac
ah ka sameeyaan xarunta QM ee Nairobi kaas oo ay ku
dalbanayeen in laga qabto sharciga cusub ee ay dowlada
Kenya ku soo rogayso dadka aan haysan sharciga.
Inta badan ma dhacaan
hadalada ay dowlada soo saarto ee ku aadan raafka ama
sharciga lagu oogo dadka aan haysan sharciga joogitaanka
dalka kenya,waxaana lagu eedaynayaa in ay Qaxootiga ku
nool dalkooda ku soo jeedinayaan indhaha caalamka,si
loogu garaabo dowlad ahaan culayska saaran.
Canab Mumtaz |
SomaliTalk | Kenya
Email:
canabmumtaz@yahoo.com | Jun
23, 3005
BAAQ
DEG-DEG AH
Saciid Cabdulaahi Ismaaciil (Saciid Tumaal)
saciidtumaal@yahoo.com
BANAANBAX NABADEED
Ku:-
Dhammaan Beelaha la hay-sooco meel kasta oo
ay joogaan
Ku:- Dadka nabada iyo
cadaalada jecel
Og:-
Hay'adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo UN-ka
Og:- Somaliland
Ka dib markii ay dhagaha ka furaysteen
maamulka Somaliland inay maxkamad horkeenaan gacan ku
dhiiglihii dilay Marxuum allaha u naxariistee Khadar
Cismaan Dhabar oo uu nin ka tirsan ciidanka booliiska ee
Somaliland uu si kas ah ugu toogtay magaalada Hargeysa
13/5/2005, ayaan haddii aan nahay Odayaasha Beelahaan
waxaan ogeysiinaynaa meel kasta oo ay joogaan beelahaani
inay sameeyaan banaanbax nabadeed haddii aan maxkamad la
horkeenin gacan ku dhiiglihii inta ka horreysa 25/6/2005.
Waa inay Beeshani u diyaar garoobaan banaanbax ka dhacaya
Hargeysa iyo dunida dacaladeeda 26
JUUN.
Bannaanbaxaas ka dhacaya Hargeysa oo ah mid
nabadeed iyo xaq raadin waxaan kula talinaynaa dhamaan
Beesha inay iska ilaaliyaan wax walba oo hor istaagi kara
banaanbixiina iyo fidmo wadayaashaba, waana inaad soo
qaadataan sawirkii Marxuumka iyo boorar aad diyaar sateen.
Dadka ku nool Yurub, W/Maraykanka iyo
Austaralia waa inay ashtako u gudbiyaan Safaaradaha
England, USA iyo kuwa la midka ah oo ay ku leeyihiin
wadamadaas ayna tusaan gaboodfalka maalin walba lagu sameeyo
dadkaan.
Waad mahadsan tihiin
Saciid Cabdulaahi Ismaaciil (Saciid Tumaal)
saciidtumaal@yahoo.com
Haweenki Baarlamaanka FKMG
ah ee lagu casuumay dalka S.Afrika oo ku soo laabtay
maanta magaalada Nairobi Natiija La'aan.
Haweenka baarlamanka FKMG
ah ee Soomaaliya ayaa maanta badankood ku soo laabtay
dalka kenya ka dib markii uu gacan ka hadal dhex maray
markii loo fariistay aqoon waydaarsigii ay u sameeyeen
haweenka Baarlamaanka S.Afrika balse ay soo qaban
qaabisay Hay'adda AWEPA oo gacan ka gaysatay kor u
qaadista aqoonta Barlamaanada Afrika.
Khilaafkan ayaa dhashay
kadib markii ay tageen halkaasi haween u kala safan laba
garab oo kala taabacsanaa Madaxweynaha iyo Af-hayeenka
baarlamanka,waxaana buuqa ugu wayni yimid markii laga
codsaday in qofka shir gudoonka ahi hadalka u qaybiyo
haweenka ka socday Somaliya.
Asha Axmad Abdalla oo
wadatay qoraal uu u qoray gudoomiyaha baarlamaanka ee ku
aadanaa in ay Gudoomiye u noqoto haweenka baarlamaanka
ayaa gacan ka hadalka bilaabay kadib markii ay haweenka
kale u sheegeen xubnihii kala soo qayb galay shirka in
aysan matalin oo aysan u hadli karin,dood dheer ka dib
waxaa dhacday in lala hadlo lagana codsado in ay buuqa
yareeyaan ogaadaaana in ay dal marti u yihiin waxii dood
ah ama siyaasadna ay dalkooda ama shirarka
baarlamaankooda la tagaan.
Af-hayeenka baarlamaanka
dalka S.Afrika ayaa u sheegay haweenka BFKG ah ka socday
in ay jiraan xisbiyo badan oo siyaasadeed oo hadana kala
aragti duwan ay ku jiraan baarlamaaka dalka ay martida u
yihiin hadana uu mid walba kan kale tixgaliyo
aragtidiisa siyaaasadeed uuna ku qasban yahay in uu
dhagaysto wax dhibaato ahna aysan haba yaraatee ka
imaanin.
Haweenki casuumay Gabdhaha
Somalida ayaa ka dalbaday in ay buuqa yareeyaan
ogaadaana in casuumaad loo fidiyo si aqoon kororsi u
sameeyaan,laakiin waxas oo dhan ma dhicin waxaana ka
dhacay goobta dagaal la mid ah kii ay baarlamaanku
kuraasta isku tumeen oo kale.
dhibaatada ugu wayn ayaa
ahayd in lagu yiri ku laabta halkii aad ka
timaadeen,iyadoo aysan u qabsoomin casuumadii halkasi
loogu fidiyay,qaarkood ayaa maanta soo gaaray Nairobi
marka ay soo wada galaan hadii Alle idmo ayaan ka
diyaarin doonaa xog badan oo labada dhinac ah sidii ay
wax u dhaceen.
Canab Mumtaz |
SomaliTalk | Kenya
Email:
canabmumtaz@yahoo.com | Jun
23, 3005
Shir- weynihii Beesha
Dhulbahante ee Wadanka Kenya
Ku-Dhamaan Shacabka
Soomaaliyeed
Ku-Saxaafada Madaxa Banaan
Ujeeddo-:War Murtiyeed
Dhamaan gobaha
waraaqdani ku socoto waxaan halkan ugu soo gudbinaynaa
Go,aamadii ka soo baxay Shir-weynhii beesha Dhulbanahte
ee ka dhacay wadanka Kenya ,iyada oo uu ku dhamaaday
Guul iyo Is-afgarad waxaana laga soo saaray shirkaasi
(3.Qodob) waana sidan
- iyada oo shacabka
Soomaaliyeed soo maray dhibaatooyin aad u fara badan
isla markaasina dalka halakeeyey Dagaal sokeeye oo
dhiig badani ku daatay ka Beel ahaan Shacabka
Soomaaliyeed dhamaantiis wax dhib ah kama tirsanayno
iyana sidoo kale naga tirsan maayaan,waxaana naga
dhaxeeya shacabka Soomaaliyeed dhamaantiis,Kalsooni
dhinac walba leh
- Hadaanu nahay
Beesha dhulbahante waxaan Shacabka soomaaliyeed u
soo jeedinaynaa in la joojiyo Dhiiga daadanaya iyo
dabka sii holcaya maalinba maalinta ka danbaysa
siiba Gobolada Dalka Soomaalia sida,Gedo,Bay,Bakool,
Galgaduud,Mudug,iyo Soonka Shanaad ee Soomaalida
dalka Ethiopia, waxaan beel ahaan soo jeedinaynaa in
colaadaas la joojiyo wax walbana lagu dhameey nabad
iyo wada hadal daacadnimo ku jirto,iyada oo aan beel
ahaan diyaar u nahay in aan ka qayb qaadano
nabadayntaas walaalaha Soomaaliyeed,
- Waxaa Soomalida
shir uga socday Dalka Kenya mudo (3.sano ku dhow)
waxaa ka soo baxday Dawlada ku dhisan (4.5) taasi oo
xal loo arkay Golayaal Baarlamaan iyo Xukuumad leh
Madax-weyne iyo Ra,iisal wasaare ,hadana waxaa iska
muuqata in khilaaf ba,ani dhexyaalo iyada oo lagu
kala gedisan yahay dhinaca Afkaarta,sidaas darteed
waxaan soo jeedinaynaa in wax walba lagu dhameeyo
isu-tanaasul iyo afkaaraha kala gedisan oo laga
gudbo loona gudbo isku duubni iyo wax wada
qabsi,shacabka Soomaliyeedna la badbaadiyo lagana
saaro dhibaatada haysata waayo Dawladu waxay ku
dhisan tahay (Dib-u heshiisiin) ka Beel ahaan waxaan
diyaar u nahay in aan ka qayb qaadano isu soo
dhoweynta (Afkaarahaas kala gedisan)ee la kala qabo,.
Waxaan umada
Soomaaliyeed u rajeynaynaa Horu-mar iyo in ilaah u soo
celiyo magacoodii iyo Sumacdii ay aduunka ku lahaayeen ,waxaana
rajeynaynaa in Go,aanadani noqdaan kuwa meel mar ah oo
la qaato (Insha allaah)
Gudiga Qabanqaabada
Shirweynaha
- Ugaas Maxamud
Xusein Baqow
Shir-gudoonka
- Cali Diiriye
Ducaale
..Gudoomiyaha
- Col.Cali Axmed
Sabarey
G/Xigeen
- Maxamed Maxamud
Gutaale
Abaabulka
- C/Risaak Macow
.Xoghaye
- Xuseen Xaashi
.Nidaamiye
- C/laahi Ducaale
Faarax
..Xubin
- Cali Muuse
..Xubin
Qoraalkan kala xiriir:
Maxamed M.Gutaale
Kenya Narobi
gutalle@yahoo.com
Ujeedddo: Baaq
Nabaddeed KU Socda Beelaha Ku Dagaalamaya Gudaha
Dalka Soomaaliya
Bislmilaahi Al-Raxmaani
Al-Raxiimi
- KU: Ummadda
Soomaaliyeed
- KU: Qaramada
Midooway
- KU: Jaamacda
Carabta
- KU: Ururka
Midoowga Afrika
- KU: Ururada Udooda
Xuquuda Aadamaha
Tix: 17/uixt06/05
Tariikh: 23/06/05
Ujeedddo: Baaq
Nabaddeed KU Socda Beelaha Ku Dagaalamaya Gudaha Dalka
Soomaaliya Iyo Maamulada Isku Haysta Xuduud-Beenaadka Si
Ay U Xukumaan Deegaanakaas
Ururka Iloaalinta
Xuquuqda Tanade (UIXT) waxuu ummadda Soomaaliyeed ka
codsanayaa iney ku dadaalaan raadinta nadabadda dadkooda,
nabadda deegaankooda iyo nabadda qarankooda!!!
Ururka Ilaalinta Xuquuqda
Tanade waxuu beelaha dagaalamaya ku waaninayaa si deg
deg ah iney u joojiyaan dagaaladooda isla-markaasna ay
khilaafaadkooda ku xalliyaan hanaanka Shareecadda
islaamka iyo xeer dhanqameedka Soomaaliyeed ee asaguna
soo jireenka noo ahaa!!!
Run ahaantii waxaa
nasiib darro ah iney Haayadaha Xuquuqul Insaanka
Sooomaaliyeed ka aamusaan sidii wax looga qaban lahaa
dagaalada had iyo jeer ka dhacaya dalka gudihiisa!!!
Ururka Ilaalinta Xuquuqda
Tanade waxuu si gaar ahaaneed ka codsanayaa beelaha
dagaalamaya deegaandan aan hoos ku xusi doono iney si
shuruud la'aan ah u joojiyaan dagaalada ehliga ah ay ku
barakicinayaan maantada ama biri-mageydada!!!
- 1. Galgaduud
- 2. Mudug
- 3. Hiraan
- 4. Banadir
- 5. Bakool
- 6. Bay
- 7. Gedo
- 8. Shabeele Hose
- 9. Shabeele Dhex
- 10. Jubbada Hoose
- 11.Jjubbada Dhexe
- 12. Maamul
Gobaleedka Puntland
- 13. Jamhuuriyadda
La magac baxday Soomaliland
Ururka Ilaalinta Xuquuqda
Tanade waxuuu sidaas oo kale ugu baaqayaa ismaamul
gobaleedyada Puntland iyo Somaliland iney joojiyaan
hanashada iyo tartanka dhulxukumista deegaanada ay isku
haystaan labadan ismaamul taasoo ku saleysan xuduud
beenaad uu sameeyey ama uga tagay gumeystihii kharibay
Qaarado badan oo dunidda ka mid ah!!!
Labvadan maamul oo ku
dhisan nidaam qabiil ayaa in badan lugooynayey ummaddaha
degan deegaanadaas ay ka taliyaansidaas awgeed ururka
Ilaalinta Xuquuqda Tanade waxuu diirigelinayaa ummaddaha
degan deegaankaas ay isku haystaan ismaamulada iney ka
baaraangedaan aayatiinka dadkooda iyo dhulkooda
meeshaasoo ay rabaan iney labada maamul ku dagaalamaan
si ay u burburto isla-markaas midba midka kale ku
yiraahdo anigaa xukuma ee adigu ma xukuntid!!!!
Ururka Ilaalinta Xuquuqda
Tanade waxuu gacmo furan ku soo dhaweynayaa cid alaale
ciddii ka shaqeyneysa nabadda guud ee Soomaaliya iyo
Nabaddeynta beelaha ay xurguftu dhex taalo ama wax kala
tabanaya!!!
Ssida aan ognahay
arrimaha nabaddeynta beelaha Soomaaaliyeed waxaa qeyb
weyn ka qaadan jiray Ugaasyadda, Suldaamada, Isimada,
Garaadyada, Boqorada, Malaaqyada, Siyaasiyiinta,
Waxgaradka , Aqoonyahanka iyo Culimaa'udiinka!!! Balse
waayan dambe tan iyo markii uu billaawday dagaalka
sokeeye 1991dii waxaa mooddaa ineynan jirin odayaal
dhaqameed ku shaqeeya si cadaalad ah iyo sinaan ku
dheehan tahay!!1
Ummaddeey nabadda laga
wadshaqeeyo si adduun iyo aakhiro aan u liibaano!!!
Guddoomiyaha
Ururka Ilaalinta Xuquuqda Tanade
udane. Cabdiqaadir Ismaaciil S. Warfaa (Janno-gale)
Tel: 254-6761266
Mobile: 254-723937501
Box 68772, Nairobi
Email:
somaliauthor@hotmail.com
MARWADA
MADAXWEYNAHA SOMALILAND HUDA BARKHAD OO GURI IIB KA
RAADINAYSA XARUNTA MASAR EE QAAHIRA

QAAHIRA:
Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Huda
Barkhad Aadan oo seddex cisho ka hor ka ambabaxday
Xarunta Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeisa ayaa waxay
hadda ku sugantahay oo ay joogta Xarunta Waddanka Masar
ee Qaahira iyadoo ay wehelinayaan Seddex Carruur ah oo
ay dhashay, wararka maalmahani ka soo baxaayey xarunta
jamhuuriyadda Somaliland ee hargeisa oo weliba
dadweynaha ku dhaqan Hargeisa iyo gobolada dalka oo dhan
isla dhex marayeen ayaa ahaa Sababta keliftay wakhtigani
in Marwada oo wadata Seddexda caruur ah ee ay dhashay ay
uga ambabaxeen dalka, iyadoo loo aanaynaayo inay
degeyaan xarunta Masar ee Qaahira.
Hadaba warar xogogaal
ah oo aanu ka hellay, iyo weliba sidoo kalana wargeyska
Maalinlaha ah ee Jamhuuriya ee ka soo baxa Magaalo
Madaxda Somaliland Hargeysa uu maanta ku daabacay
boggiisa hore ayaa la sheegaya in ay Marwada
Madaxweynahu Huda Barkhad ka raadinaysay Maalmahani oo
dhan Guri iib ah Xarunta dalka Masar ee Qaahira iyadoo
ka raadinaysa xaafadda la yidhaahdo Meecaadi,
xaafadaasi oo ay degaan ama ku noolyahiin dadka
dabaqadda sare ama maal-qabeenka ah ee dalka Masar oo uu
weliba maro webiga Niil,Sida qof xogogaal ah oo ku nool
xarunta Masar ee Qaahira oo aan la xidhiidhay ii
xaqiijiyey isaga oo la sheekaystay Marwo Huda Laftigeeda,
Marwadu Huda Barkhad dalka Somaliland ayey dib ugu soo
laaban doonta ka dib marka ay iibiso guriga oo ay dejiso
Seddexda Caruurta ah oo ay doonayso in dalka Masar ay
wax ka bartaan iyadoo u sheegtay qofkaasi oo magaciisa
inuu sheego ka gaabsaday inay caruurta kaga iman doonto
Gabadh ay walaalo yahiin oo ka soo baqooli doonta ama
uga iman doonta Waddanka Canada, Guryaha Xaafadani
Meecaadi ayaa qiimahoodu wuxuu u
dhexeeya 1.5 Million Dollarka
maraykanka ah ilaa 500,000$ dollarka maraykanka
ah.
Hadaba Xarunta waddanka
Masar ee Qaahira ayaa tobankii sanno ee ugu danbeeyey
waxay xarun u ahayd xaasaska Hogaamiye Kooxeedyada
Soomaaliya sida xaaska Madaxweynahii hore ee Dawladdii
Carta Cabdiqaasim Salaad Xasan, iyo Xaaska Xuseen
Caydiid.
Wixii warar ah ee ka
soo kordha Joogitaanka Marwo Huda Barkhad oo ah Marwada
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin
waan idinla soo socod siin doona.
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
HARGEISA, SOMALILAND
diridhaba2001@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Jun 23, 2005
Banaanbixii ugu waynaa
oo Subaxnimada Jimcada laga Qabanqaabinayo Nairobi
»Bannaanabax
lagu qabanayo xarunta QM ee Nairobi...
»Baaq
Ku Socda Dhammaan Beelaha la hay-sooco..
»Haweenkii
BFKMG oo Natiija La'aan ku soo laabtay NRBI
»Shir-
weynihii Beesha Dhulbahante ee Wadanka Kenya
»Baaq
Ku Socda Beelaha Ku Dagaalamaya Soomaaliya
»Marwada
Riyaale oo Guri Qali ah ka Raadineysa Qaahira
Wararka oo dhan ka
akhri halkan... Guji...
Gen: Cade Muuse oo
Diiday in ay Saxaafadu Warkiisa Baahiso
»Bosaso
- MDGPL: xirta waxa Qalab war lagu duubayo..
»14
Xubnood oo ak Socda DFKMG oo booqday Kismaayo..
»Warbixin:
Shaqo Joojintii Ganacsada Boosaaso...
»Brussels:
Shirkii golaha wasiirada ACP oo soo gabagaboobey
Wararka oo dhan ka
akhri halkan... Guji... Jun 23