SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararka Maanta:::
  • 14 Xildhibaano, wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno k asocda DFKMG oo Booqday Kismaayo
  • Gudoomiyaha Degmada Boosaaso iyo kuxigeenkiisa oo shalay Xilka loo Dhaariyay
  • Gen: Cade Muuse oo Diiday in ay Saxaafada Warkiisa Baahiso...
  • Warbixin: Shaqo Joojintii ay Sameeyeen  Ganacsada Boosaaso
  • Shirkii golaha wasiirada Africa Cripean Pacific oo kusoo gabagaboobay Brussels
  • Kulan sanadeedkii ururka SCG - 25ka Juun 2005

Wafdi ka socda dowlada FKMG ah ee soomaaliyeed oo maanta soo gaar magaalda kismaayo

Arbaca, June 22, 2005 6:13 PM

Ku dhawaad 14 Xildhibaano, wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno isugu jira ayaa maanta ka soo degay gegida Dayuuradaha  caalamiga ah ee magaalada Kismaayo.  

Wafdigan oo uu hogaaminaayey wasiir ku xigeenka Wasaarada  xanaanada xoolaha iyo  Dhirta daaqa Xildhibaan Cabdi Axmed (Dhuxulo) ayaa abaarihii 11:45 daqiiqo ay soo caga dhigatay diyaaradii siday garoonka weyn ee magaalada kismaayo halkaasoo ay si weyn ugu soo dhoweeyn mas'uuliyiinta ugu saraysa maamulka isbahaysiga dooxada jubba oo uu horkacaayey wasiirka wasaarada dib u dhiskiyo & dib u dejinta Xildhibaan Barre Hiiraale.  

Xildhibaanadan oo ka koobnaa 14 xil dhibaan iyo Ergooyin kaloo farabadan oo dowlada FRKM ka socday ayaa markii ay joogeen garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo muddo saacado ah  waxay u sii amba baxeen magaalada Muqdisho qaarkood halka qaarkalena ay ku hareen magaalada kismaayo oo uu  ka mid yahay C/risaaq Isaaq Biixi ,xildhibaan Cali Baashi maxamud ,xildhibaan  Xasan Maxamed Cumar ,Xildhibaan Islaan Maxamud C/dulaahi Xidig.

Intii ay joogeen garoonka malaagada Kismaayo ayaan wareystay Xildhibaankii hogaaminaayey wafdigaan Cabdi Axmed Dhuxulow Sababta socdaalkooda ayuu iigu sheegay in ay ka mid yihiin ergada DFKMG ee imaanaayey Dhulkooda hooyo islamarkaana ay u socdaan magaalada muqdisho si ay uga qeyb qaataan shir, waxaa kaloo uu ii tibaaxay in ay halka ay qabanayaan shirka kadibna ay bilaabi doonaan ka dhaadhicinta dadka Dib u heshiisiinta iyo qabshada howlahooda. 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomalaiya
cabdiqadar84@hotmail.com


Gudoomiyaha Degmada Boosaaso iyo kuxigeenkiisa oo shalay Xilka loo Dhaariyay kadibna Howlgal ka bilaabay magaalada Boosaaso iyo Madaxweynah DGPL oo Munaasabadii dhaarta ka qayb galay oo Diiday in ay Saxaafada Baahiso Warkiisa.

Arbaca, June 22, 2005 9:14 PM

Waxaa shaly lagu Dhaariyay Xarunta Madaxtooyada DGPL Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Boosaaso ayadoo mar kale aysan ka soo Qayb galin Xubnihii Diidanaa sida Doorashada u dhacday, Dhaartaa ayaa waxaa ka soo Qayb galay Madaxweynaha DGPL Gen. Maxamud Muuse Xirsi (Cade).


Gudoomiyaha iyo kuxigeenka Degmada Boosaaso oo warbixinta kadhagaysanaaya kusimaha Taliyaha Qaybta Bari ee Booliska

Madaxdii kasoo qayb gashay Dhaarta oo uu Kujiro Madaxwenaha DGPL, Gen. Maxamud Muuse Xirsi (Cadde Muuse)

Kadib dhaartii Gudoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiya Gobolka Bari Yusuf Waceys Dhado oo Tilmaamay Muhiimada ay leedahay in ay hesho Degmada Maamul madax banaan, waxaa kaloo ka hadlay Wasiirka Wasaarada D/Hoose iyo H/Reer Miyiga Cali Cabdi Awaare oo ka hadley kaalinta ay ka qaadanayso Wasaarada uu wasiirka ka yahay. Waxaa kaloo ka hadlay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga DGPL Axmed Xaabsade oo isagana ka hadlay wasaaradiisa Qaybta ay ka qaadanayso oo ah Amniga iyo Siyaasad ahaan Arimaha Gudaha. Waxaa isagana ka hadlay Madaxweynaha DGPL Gen: Cade oo Diiday in ay Saxaafada Warkiisa Baahiso oo yiri xirta waxa Qalab war lagu duubayo, ugu dambayntii ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Cusub Khadar oo markaa ka warbixiyay sida uu u Doonayo Raga ka maqan ee saaxiibadii ah ee kula jira Gudiga Degaanka oo iyagu ku maqnaa in Doorashada la doortay Gudoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa ay tahay Sharci daro.


Dadweynihii kasoo Qaybgalay

Gudigii oo shiraya Kormeerkii kadib

Xafladii Dhaarta kadib ayaa loo soo kicitimay Xarunta D/Hoose ee Boosaaso oo Gudoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa ay kula Wareegeen Xilkii loona sameeyay Munaasabad Xilwareejina oo ay ka soo Qayb galeen Gudoomiyihii hore ee Degmada Rooble Gudcur, Wasiiro ka tirsan DGPL iyo Dadweyne aad u fara badan.

Gudoomiayaha iyo kuxigeenkiisa oo ay weheliyaan Qaar ka mida Xubnihii Gudiga Degaanka ayaa Maanta kormeer ku tagay Saldhigyada Booliska Boosaaso si ay ugu kuur galaan Xaalada Saldhigyadaa Madaama ay hoos imanayaan waxaa ay warbixin ka dhagaysteen Taliye yaasha Saldhigyada oo ka cabanayay Dhibaatada ka haysata Maxaabiista iyo meelaha lagu xabiso oo aan Dayactir lahayn Gadiidka ay ku howl galaan oo ka fadhiya, Gudoomiyaha, Kuxigeenkiisa iyo Gudiga ayaa shir galay kadib markii ay ku soo laabteen Xarunta Dowlada Hoose shirkaa oo ay kaga hadlayeen sidii loogu tageeri lahaa Baahida ay sheeganayaan Saldhigyadu si Nabadgalyada u hagaagto Magaalada Boosaaso.

Warbixin: Shaqo Joojintii ay Sameeyeen  Ganacsada Boosaaso

Arbaca: Wednesday, June 22, 2005 9:39 PM

Shalay oo ay ahayd Maalin aysan shaqaynba Dukaamada iyo Baqaarada ayaa waxaa Gabi ahaan la Xiray Suuqyadii Ganacsiga kadib markii Canshuur lagu magacaabo Canshuurta Dadban (Faa,iidatal Faa,iido) ay ku soo rogtay Dukaan iyo Guri kasta oo ku yaal Puntland Wasaarada Maaliyada DGPL Canshuurahaa ayaa waxaa ka hor yimi Ganacsatada Magaalada Boosaaso.


Ganacsatadii oo kuhorbanaan baxaysa Gobolka Hortiisa

Ganacsatadii oo lahadlaya Sarakiil Booliska oo xirfada uleh Canshuuraha

Waxaa Maanta Xiritaankaa kadib la,isugu tagay Xarunta Gobolka Bari oo ay kadib markii ay gaysteen Ganacsatada Cabasho lagana aqbali waayay ayaa waxaa Xarunta Gobolka isugu yimi Ganacsato aad u fara badan iyo Qaar ka mida dad wax ka yaqaan Canshuuraha iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari, kadib markii in badan la,is jiidjiiday ayaa waxaa la,isku afgartay in Gudi labada Dhan ah la xulo kadibna la baaro sida ay macquul ku noqon karto Canshuurtaa.


Cali Gaab oo kasocda Wasaarada Maaliyada oo kahadlaaya Canshuuraha

Ganacsatadii oo iskuwargalinaya wixii laguheshiiyay

Canshuuraha ay ka Cabanayaan Ganacsatada ayaa soo noqnoqday kadib markii in badna si isdaba jooga loo saaray Canshuuro ay ka mid ahayd mid loogu talagalay Dhismaha Airport Boosaaso.

Ganacsatada ayaan lahayn Maamul iyo isku xirnaan sida uu noo sheegay mid kamida Ganacsatada ayagoo in badan aan xiriir la lahayn Ganacsatada wasaarada Ganacsiga iyo Rugta Ganacsatada ayna sababtay in ay ka helin Wasarada iyo Rugtaba wax xuquuqa oo Ganacsatada Quseeya, waa sida ay sheegeene.

c/fatax jaamac | SomaliTalk | Bosaso | somalitalkpl@yahoo.com


Shirkii golaha wasiirada Africa Cripean Pacific oo maanta kusoo gabagaboobay Brussels , Soomaliya oo xubinimadeeda looga hadlay halkaas, iyo Wasiirka Maaliyada Jabuuti oo ku sugnaa goobtaas isagoo aan ka waraystay arimo badan oo kala duwan.

Arbaca, June 22, 2005 8:00 PM

Shirkii golaha wasiirada African Cripean Pacific ( ACP ) oo maanta kusoo gabogaboobay caasimada dalka Belgium Brussels ayaa looga doodey waxyaabo badan oo kala duwan, shirkaas oo shalay ka furmay xarunta ACP ee Brussels ayaa waxa iskugu yimid wadamo badan oo aduunka ah, isla markaana ka kala socdey dalalka Africa , Cipean iyo Pacific oo kor u dhaafayay 60 dal, shirkaan ayaa waxyaabihii looga hadlaayay waxaa u waawaaynaa in mar kale la saxiixo hishiiski waynaa ee Cotonou agreement lana cusboonaysiiyo, wada hadal dheer kadib waxaa ay wasiiradii iyo safiiradii halkaas iskugu yimid  ay gaareen hishiis ah in lagu saxiixo dalka Luxembourg maalinta beri ah.


wasiir iyo eu

wasiirka

Hishiiskaan Cotonou Agreement oo markii ugu horeysey la saxiixey sanadkii 2000 ayaa Soomaliya aysan saxiixan iyadoo xiligaa aysan ka jirin dowlad dhexe oo la aqoonsan yahay, taasoo keentey in aan  in badan  Soomaliya la isku soo hadal qaadin markii laga reebo shalay oo laga hadlay xubinimada Soomaliya kadib marki ay soo gaartay golaha wasiirada ACP warqad rasmi ah oo ka timid dowlada FKMG Soomaliya ee dhawaan lagu soo aas aasay dalka Kenya magaalada Nairobi, warqadaan oo uu ku saxiixna Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Sheekh Cusmaaciil taasoo codsanaysay in ay Soomaaliya mar kale ka mid noqoto ACP ayna so ceshato xubinnimadeedii, arinkaas ayay soo dhaweeyeen golaha wasiirada iyadoo lagu wado in ay mar dhaw mar kale ka doodaan gudiga safiirada ayna si rasmi ah u martigaliyaan wafdi rasmi ah oo ka socda Soomaliya.

 Masuuliyiin badan oo aan arinkaas wax ka waydiiyey ayaa ii sheegey in ay ku faraxsan yihiin in ay mar kale Soomaaliya soo laabato lana soo meel fariisato aduunka kale, iyadoo uu maanta halkaasi si rasmi ah ugu sugnaa wasiirka Maaliyada Dalka Jabuuti Mr. Ali farah Assoweih iyo wafdi u hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Mr. Mohamed Abdi Dougsieh, oo ah isagu xoghayaha guud ee wasaarada maaliyada, Mr. Yusuf Musse Daweleh oo ka tirsan baarlamaanka Jabuuti, Mohamed Idiris Faarah oo ah madaxa qaybta xiriirada caalamiga ah ee loo yaqaan MAECI iyo  Mad’ame Fato Abdulkadir oo ah qaybta mashaariicda  horumarinta EU da ( FED) iyadoo uu sidoo kale  goobtaasna ku sugnaa safiirka dalka jabuuti ee Brussels Mr. Muuse Shixim.

Wasiirka maaliyda Jabuuti iyo wafdigaas ayaa gaaray maanta meelo badan oo kala duwan oo ay ka mid ahayd xarunta Midowga Yurub u qaabilsan arimaha horumarinta iyadoo uu wasiirka si rasmi ah u qaabilay madaxa sare ee hay’adaas, sida uu iigu warramay wasiirka maaliyada Jabuuti waxaa ay ka wada hadleen sida uu u dhex mari lahaa iskaashi iyo wada shaqayn maadaama uu Wasiirka Maaliyada hada ku cusub yahay xilka uu hayo iyadoo loo magacaabay bishii May ee sanadkaan, wuxuuna ii sheegey inuu Midoowga Yurub marka hore ugu yimid is barasho kadibna iskaashi, sidoo kale mar aan wax ka  waydiiyey aragtidiisa xubin ka noqoshada Soomaliya ee ACP oo ayadu in badan ka maqnayd ayuu ii sheegey inuu soo dhawaynaayo arintaas uuna garab galaayo, isagoo sheegey in ay Soomaliya iyo Jabuuti yihiin laba dal oo walaalo ah. 

Saida Sheikh Ahmed ( VIP)
xarunta ACP Brussels Belgium

saidavip1@yahoo.com
 


SOMALISKA RIKSFÖRBUNDET I SVERIGE (SRFS)
URURKA ISBAHAYSIGA UMMADDA SOOMAALIYEED EE ISWIIDHAN

O G E Y S I I S

Waxa sharaf weyn noo ah inaanu idin ogaysiino xaflad weyn oo lagu xasuusanayo:

”MAALMIHII XORRIYADDA IYO XORNIMO DOONKA SOOMAALIDA”

Xafladaas waxaa soo qaban qaabiyey ururka Isbahaysiga umadda Soomaaliyeed ee Iswiidhan. Dhammaan umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka iswiidhan waxaa loogu yeedhayaa inay ka soo qaybgalaan.

Wakhtiha:

  • 30 juun, 18.00 – 21.00

Goobta

  • Rinkebyskolan (kultur arenan)

FG: wixii faahfaahin ah kala xiriir
Abdibashir: 0737596464/ 070-7474288
Email:
srfs@telia.com

Kulan wacan


Kulan sanadeedkii ururka SCG - 25ka Juun 2005

Sidaad la socoto waxaa hadda laga joogaa muddo sanad ah markii ururka Somali Concern Group uu yeeshay dastuur, guddi fulin iyo xubno diiwaan gashan. Sidaas daraadeed waxaan kuugu casuumayaa inaad nagala soo qeybgasho kulan sanadeedkii ururka (AGM) lana qaban doono maalinta Sabtiga ah ee 25ka Juun 2005, saacadda 3.45pm iyo goobta oo ah: 45 Ashdown Crescent, Queens Crescent, London NW5 4QE, ahna goobtii sanadkii hore lagu qabtay, Map ka waxaad ka heleysaa linkigan http://www.qcca.org.uk/Map2.htm 

Waxii faahfaahin ah nagala soo xirriir Tel: 07932 722 651 ama Somali@somaliconcern.org

Xaflad ku saabsan maalmaha xoriyadda Soomaalida - 30ka Juun 2005

Ururka SCG isagoo muhiimadda siinaya maalmaha 26ka, 27ka Juun iyo 1da Luulyo ayaan u aragnay inaan xusno maalmahan qiimaha u leh Somalida oo la qaban doono maalinta Khamiista ah ee 30ka Juun 2005, saacadda 5.45pm iyo goobta oo ah: 

London Irish Centre 50-52 Camden Square Camden London NW1 9XB.

Waxii faahfaahin ah nagala soo xirriir Tel: 07932 722 651 ama Somali@somaliconcern.org

Faafin: Somalitalk.com | June 23, 2005

DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
 

Hooyo Aamino iyo caruurteeda

Xaawo oo ku dhibban xerada Sandholm

Saacadda markay ahayd shanta galabnimo ayaan soo gaaray albaabka weyn ee laga galo xerada weyn Sandholm, ee lagu qaabilo qaxootiga cusub ee dalka Denmark ka codsada laajinimada. "yaad booqanaysaa iyo fadlan dokumantigaaga i sii" ayay isu-kay raacisay gabar deenish ahayd oo igala hadlaysay muraadayadda gadaasheeda xafiiskii ay ku jirtay. Guji... Jun 23, 2005


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD