Warqad
aqoonyahanka soomaaliyeed ee Qadar u direen
madaxwaynaha Soomaaliya
Ku:
Madaxweynaha DFKS
Mudane CabduLlaahi Yusuf Axmad
Ujeedo:
Aragtida aqoonyahanka Somaliyeed/Qatar
Hordhac yar:
Marxaladda ay
umadda Somaliyeed maanta marayso inuu qofka
magaciisa isugu kaa sheego waxaa ka
muhiimsanaatay inuu kuu soo hormariyo
qabiilka uu yahay, taasoo kuu sii dhaadhicin
doonta inaad u dhagraariciso iyo in kale
afkaaraha aad la wadaagi. Arinta
isbarashadaa ah si aan loogu mashquulin,
waxaan ka koobanaha aqoonyahan Somaliyeed oo
ku midaysan fikradda iyo aragtida ay ka
haystaan masiibada ku habsatay dalkooda.
Barashadaa
waxaan uga gudbaynaa inaan kuu soo gudbino
hambalyo aan kuugu hambal-yaynayno guusha
aad ka gaadheen shirkiinii dib u
heshiisiinta ee mudada dheer ka socday
Nairobi/Kenya kaasoo lagu dhisay dawladda ku
meel gaadhka ah. Waxaa kaloo aan kuugu
hambalyay-naynaa madaxweynanimda laguu
doortay. Ilaahay waxaan ka baryaynaa inay
dawladaada noqoto middii waarta.
Qodobada aan
warqaddan ku soo koobayno, anaguu
tixgalinayna waqtigaaga qaaliga ah wuxuu
noqon doonaa:
1-
Ahmiyadda ay taariikhda umadi u leedahay
waxaa lagu tilmaami karaa sida ruuxda ku
jirta waxa nool ee aan la arki karin, hasa
ahaatee la dareemo marka uu dhaafo jirkii uu
ku jiray. Taariikhdaa oo ka kooban noloshii/marxaladihii
ay umaddaasi soo martay, samaan iyo wanaagba,
wuxuu u muujiyaa facaadda dambe umuuro ay ka
mid yihiin wadajirkii umadaasi ay lahayd oo
ay ku soo difaacday jiritaankeeda. Maadaama
aan xisayo qiimiga waqtigiina, waxaan ku soo
koobayaa qodobkan qoraagii Faransiiska ahaa
Mr. Renan arintan wuxuu ka yidhi; ' …..
Fikradda umad ahaaneed waa dabeecad nafsaani
ah, sababtoo ah waa dareenka dadka inay
wadaagaan dhaxaltooyo isku mid ah iyo xusuus
hore oo isku mid ah iyo dareen dhibaatooyin
iyo guulo ay wadaagaan iyo rabitaan inay
isla noolaadaan waligood oy wadaagaan
qarannimo isku mid ah. Sidaa darteed umadd
waa isku duubni jiraysa oo ah in umadaasi
aanay dib u eegin oo qudha noloshoodii hore,
ilowse ay tahay inay u sadaashaan barwaaqo
iyo midnimo facaadda u dhalan doonta.
Haddiiba ay dhacdo in saadaashaa ay
carqalada gasho waxaa shaki galaya sii
jiritaanka umadaasi. ' Renan. Halkaa waxaa
inooga muuqda ahmiyadda ay taariikhda u
leedahay jiritaanka umadi leedahay, waana
sababta uu cadawga umadaasi u abaaro
taariikhddoda marka uu doonayo inuu
burburiyo jiritaankooda.
2- Aragtida Itobiya ay ka
qabto jiritaanka umadda Somaliyeed waxay ku
caddahay taariikhda Itobiya. Sheekadan dhex
martay wafdi uu ingriisku u soo diray boqor
Minililk inuu kala xaajoodo xad gudbyo ay
ciidanka Itobiya u gaysteen raaciyada ku
hoos nool boqortooyada ingriska ee
soomaaliyeed, wuxuu ugu jawaabay sidan;
boqortooyada itoobiya dal aan dalkeeda ahayn
lug ma ayna galin . Wafdigii Ingriiska ayaa
ku yidhi; Harar miyaadan qabsan?, miyaadan
soo dhaafin oo Barbara in yar uma jirtid in
aad qabsatid ? wuxuu ku jawaabay; Dhulkaad
sheegi waa dhul ka mid ah dalka itoobiya.
Wafdigii ayaa ku yidhi; oo markaan heshiiska
la galayay qabaa'lka soomaaliyeed ee ku
dhaqan halkaa xageebaad jirtay? Wuxuu ku
jawaabay; Miyaad la socotaa taarikhda
itoobiya ? Wafdigii; Mayee ii sheeg . wuxuu
yidhi Minilik; Soomaalidu waa itoobiyaan
xoolaha noo raaca mana aha dad ku noolaan
kara buuraha sidaa darteed xoolaha ayay noo
dhaqdaan. Wafdigii ayaa yidhi; ma'ii sheegi
kartaa boqortooyadaadu halka xad u ah ay ku
egtahay ? wuxuu ku jawaabay; Waa tan iyo
karuum waqooyi, baliyada taana ee ku yaala
badhtamaha
africa , bari ilaa
xeebaha bad waynta indiya . Waxaa kaloo ka
mid ah taariikhda Itobiya iney kutubta ay
xabashidu qorteen oo u dhigma TAFSIIRKEENA
mid ka mid ah oo la yiraahdo FIKARE-IYESUS
ay ku qorantahay (prophecy) inuu soo bixi
doono, boqor xabashi ah oo xaga ALLE laga
soo direy oo
Ethiopia
balaadhin doona. Sidaa darteed ayuu midkasta
oo soo xukumay Itobiya uu laaluushi jiray
baadariyada kaniisadaha si loogu tilmaamo
inuu yahay boqorkii la sugayey. Sidaasna ay
weerar iyo dagaal joogta ah ku qaadi jireen
shucuubta la dariska ah. iyagoo isu qaba
iney fulinayaan Saadaashaa. Maanta Malaga
yaabaa inuu Zinawi doonayo inuu noqdo kii ay
sugayeen oo gaarsiin lahaa xadka Itobiya
xeebha badweynta india.
3- Maxaa
midayn kara umad dagaal sokeeye uu dhex
maray? Oo burbur iyo kala tag qarka u saaran?
Madaxweyne; su'aasha qof kasta oo hogaamiye
Somaliyeed ah ay tahay inuu jawaabteeda helo
waa middan. Dagaal sokeeye si sahlanna kuma
bilowdo si sahlanna laguma soo afjari karo.
Ka hortagiisa ayaana ka sahlan cilaajintiisa.
Maadaama aan hadda dhex dabaalanay, waxay
xikmadda ku jirtaa in aan ka fikirno sidii
looga bixi lahaa un. Waxaan ognahay qalabka
wax lagu dumiyo iyo kan wax lagu dhiso inay
kala jaad yihiin. Sidaa darteed, maadaama
aan qabiil ku soo duminay qarankii
Somaliyeed miyaan ku dhisi karnaa hab qabiil
qarankii dumay? Waa xaalad cusub kolayba,
sabatoo ah, qabiilku waa qalab waxa kala
furfura ee ma'aha mid wax isu keena.
Tusaalena waxaa u ah arimihii Somaliya ka
dhacay oo maanta qabiiladii shalay ku
midaysnaa duminta qaranka ay hadda ku kala
tageen dhismihiisii. Maadaama aan iyadana
dhex dabaalanay, oo la arkay in sidaa si aan
ahayn wax lagu dhisi Karin, waa inaan uga
gudubnaa maxaa tala ah hadaba! Hadaan soo
koobno qoraalka, arinta qudh ah ee mudan is
xusuusin waa; laguma arag caalamka umad la
kaashata cadawgeedii shalay, raadinta
midnimadeeda iyo dhismihii qarankeedii dumay
iyo isu-keenka xoogageeda bulsho. Waa xaalad
ku cusub siyaasadda dunida oo haddii ay ka
hirgasho Somaliya (inkastoo dhamaan nacab
iyo sokeeyaba ay qireen in aanay dhecayn
sidaa), waxaa dib loogu noqon doono kutubta
cilmiga siyaasadda. Sidaa darteed, waxaan ku
talin lahayn in baadigoob loo galo wixii
umadda midayn lahaa, waxa ugu sahlan ee
mideyn kara umad kala durugtayna waa in loo
abuuro (haduusan jirin xataa!!) cadaw
dibadda ka ah si ay u iloobaan cadawtinimada
dhexdooda ah oo ay isugu soo ururaan sidii
ay isaga difaaci lahaayeen cadawgaa
duulaanka ku ah.
Madaxweyne,
uma aragno inay Itobiya daacad ka noqon
karto arimaha Somaliya iyadoo ku bixisay
milyaaraad doolar burburinta qarankii umadda
Somaliyeed. Sidoo kale dadweynaha Somaliyeed,
midkii ka kora xasaasiyadda qabiil wuxuu si
dhab ah u arki inay Itobiya tahay midda
qaska ku dhex wada dadweynaha Somaliyeed ee
ka dhex fulinaysa siyaasadii isticmaarka ee
–qaybi saad u xukunto- ahayd. Markaan
dhanwalba iska taagnay arimaha Somaliya,
waxaa noo muuqday in sida kale ah ee lagu
xallin karo dhibaatada ee la'isugu keeni
karo shacabka Somaliyeed inuu yahay in loogu
dhawaaqo – Somaliyeey toosa – oo farta loogu
fiiqo inay Itobiya doonayso inay ku darsato
dalkii ay horay u haysatay inta soo hadhay.
Waxaa hubaal ah haddii aad sidaa ku
dhawaaqdo, inaad heli taageerada jamaahiirta
Somaliyeed iyo aqoonyahanka iyo
indheergaradka. Haddii ay sidaa dhici waydo,
oy idiinku muuqato in xooga Itobiya loo
adeegsado kala caydhinta mooryaanka hubaysan
(waana fikrad ay qabaan in badan), waxaad
ogaataa inay Itobiya wadato iyadana ajenda u
gaar ah oo aysan ka tanaasulayn marnaba.
Wixii sharax
iyo dood dheeraad ah u baahan waxaan diyaar
u nahay inaan idin kala niqaasho. Ilaahay
waxaan inooga baryayaa inuu talada suuban
inugu duwo.
Abdulqadir
Maxamad Cilmi
Golaha aqoonyahanka ee jaaliyadda
Soomaliyeed
Doxa/qatar
Waxaa email
loo sii marin karaa:
Ahmed Yassin |
ismalure@hotmail.com