Baabur xamuul ah oo
sida badeecooyin kala duwan oo maalintii sadexad ku
xaniban magalda balad xaawo
- cabdi
qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo
soomaaliya
Baabuurtan oo
tiradoodu ay gaarayso 8 gaari oo waaweyn isla
markaasna badeecadaha kala duwan ka keenay magaalada
Muqdisho, una rarnaa ganacsato reer Beledxaawo ah
ayaa waxa maalintii saddexaad ay ku xayiran yihiin
meel u dhexeysa xaduudka labada dal ee kenya iyo
soomaaliya ee magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandera.
Baabuurtan ayaa waxaa loo haystay isbaarooyin ay
waddada u dhexeysa Luuq iyo Beledxaawo ka soo
barmuudeeyeen, waxana malleeshiya tira badani ay ka
rabeen lacagtii isbaarooyinkii ay soo dhaafeen.
Dood dheer ka dib waxaa la siiyay malleeshiyaadkaasi
lacagtii ay sheegteen, waxase mar kale soo baxay
maleeshiyo kale oo iyaguna sheeganayo in deyn laga
qabo oo uu maamulka degmada iyo ganacsatada iyo
odayaashu ka qabaan, taasina ay mar kale xannibtay
gaadiidkaas in la dejiyo.
Ma ahan markii ugu horreysay ee maleeshiya ay
xannibato gaadiid xamuul wada, waxaa iska caadi
noqotay in gaadiidka badeecadaha keena iyo kuwa
qaadaba in ay mutaan dhibaato ka timaadda
isbaarooyin iyo maleeshiyo lacag ka rabto.
Howlo indho fiiqid
oo ka bilowday isbitaalka guud ee magaalda kismaayo
Dhaqaatiir
u dhashay dalka Kenya ayaa June 20 u bilaabay howslo
indha fiiqad kudhowaad seddex boqol iyo sodon qof oo
kakala yimid gobolada Jubbada hoose, Jubbda Dhexe,
Gedo, iyo Shabeelada hoose.
Laba iyo tabankii
duhurnimee maanta ayaa diyaaradii siday
dhaqaatiirtan oo ay tiradoodu gaarayso laba dhaqtar
iyo afar kalkaaliye ay soo caga dhigatay garoonka
diyaaradaha ee magaalada Kismaayo iyadoo waayadana
loo diiwaangalinaayey dhaqaatiirtani kudhowaad 330
qof oo iyagu ka cabanaayo xanuunka in dha la,aanta .
Dhaqaatiirtan oo ii
xaqiijiyey markaan wax ka weydiiyey inta ay
joogayaan magaalada kismaayo ayaa ii sheegay in ay
hooshaani wadayaan kudhawaad shan maalmood oo ay
sheegen in ay ku soo afjarayaan hooshaani oo ku eg
maalinta jimcaha ah ee fooda nagu soo haysa. Waxayna
intaasi ay raaciyeen in ay siinayaan dadkani
Okiyaaloyaal ka caawiyo araga iyo daawooyin ,waxayna
hooshani u fulinayaan si muta dawacnimo ah marka
laga reebo lacag gaarayso 40 $ oo laga qaaday dadka
taasoo ay maamulka isbitaalka ku tilmaameen qarashka
ku baxaayo dhaqaatiirta .
Sikastaba
ha ahaatee maahan markii ugu horeysay oo ay
dhaqaatiirtani indha fiqid ah ay yimaadan magaalada
Kismaayo ayagoo yimid horaantii sanadkii tagay ee
labada kun iyo afarta.
Dadweynaha loo
samaynaayo qaliinkani oo ubadan dad Da'ah ayaa
tibaaxay in ay u tahay fursad aad u wanaagasan mar
ay saxaafada u waramayeen dadka halkaa isgu yimid ee
indhaha loo fiiqayo sida ay ugu faraxsanyihiin in ay
helaan aragoodii oo mar soo noqdo,waxayna u muuqdeen
dadkaasi in tooda badan dad iyagu ah danyar oo u
baahan in loo fidiyo kaalmo mutadawacnimo .
Waxayna tahay
markii afraad oo ay dhaqaatiirtani u fuliyaan
howshaani dad ka soomaaliyeed ee gobolka Jubbada
hoose shantii sanee aynu soo dhaafnay waxayna had
iyo jeer ka yimaadaan Isbitaalak Kikuya hospital ee
malaagad nayrobi ee cariga Kenya.
cabdi qadar nuur
maxamed (filipiin)