MADAXWEYNE RIYAALE MA DAN
AYUU MOODAY MUQUUNINTA SHACABKA SOMALILAND?

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
HARGEISA, SOMALILAND
Mobile: 00-252-2-406745
diridhaba2001@hotmail.com
Somaliland waxay xor ahayd
13-kii sanadood ee ugu danbaysay, balse akhriste taasi waxay
u muuqata mid meeshaba hadda ka sii baxaysa, xornimadii
dalkani qaatay ayaa u ekaaday mid lagu tuntay oo karaamadii
iyo tixgelintii ka luntay, dadkii u shahiiday ee ficilkooga
iyo dhiigoogu Somaliland halkaa gaadhsiiyeyna waxaa loo
ekaysiiyey qaar aan macno ku fadhiyin, xorriyaddi iyo
dimuqraadiyadda uu Riyaale sheegay inuu dalka keenay ayaa
hadda u muuqata mid aan shaqaynin oo wakhti lumis ah.
Daahir Riyaale Kaahin wuxuu
xukunka dalka ku yimid sida uu isagu sheegayba si nasiib ah,
maalin qudhaata Madaxweynahu kuma uu fikirin inuu ka noqon
doono Somaliland hogaan, balse garasho ay shacabka gobta ah
ee Somaliland u garteen ayaa mansabka geeyey, Daahir Riyaale
taasi muu garanin ee wuxuu Somaliland ugu abaal guday inuu
cadawga Somaliland uu irrida u furo, Weli shacabyahow
wanaagsani ma ka fikirteen Sababta uu Riyaale Saaxiibka
inoogala dhigay Ismaciil Cumar Geelle oo la oga halka uu
Somaliland iyo xornimadiina ka taagna? Ma ka fikirteen
shacabyahow wanaagsani Sababta uu xidhiidhkeenii wanaagsana
ee aynu la lahayn Jamhuuriyadda Federaaliga ee Ethiopia loo
lumiyey, qoraalkayga ayaan jecelahahay inaan diiradda ku
saaro oo aan idiinku sharaxo bogaga madow iyo mu’maradda
Somaliland uu Daahir Riyaale doonaayo inuu u sameeyo.
HALKEE AYUU KU DANBEEYEY
XIDHIIDHKII SAAXIIBTINIMO EE SOMALILAND IYO ETHIOPIA
Waxaynu nahay dal aan
beesha caalamku aqoonsanayn, kaga darane caddow badan ku leh
dalka dibadiisa iyo gudahiisaba, marka ay sidaasi tahayna
waxaa muhiim ah inaad yeelato saaxiib aad isku hallayn karto,
saaxiib weyn oo difaac kaala gala hawlaha dibloomaasiyadda
(the diplomatic missions) Saaxiib gobonimo iyo xornimo
intaba kula jecel, saaxiib iskaashi fiican idinka dhexeeyo,
dabcan waa arrinta keliftay in Madaxweynaheenii aynu jeclayn
ee hore ilaahay naxariistii janno ha siiye Maxamed Ibraahim
Cigaal ku keliftay inuu inooga tago saaxiib inagala jaan
qaada hawlaha caqabaddaha inagu ah, laga bilaabo sannadkii
2002, markii ay golayaasha qaranka Somaliland xilka si ku
meel gaadh ah ugu dhiibeen Daahir Riyaale Kaahin wuxuu
Riyaale bilaabay inuu xidhiidhkeenii soo jireenka ahaa ee
inaga (Somaliland) iyo Ethiopia albaabada u laabo, wuxuuna
yidhi waxaynu bilaabayna xidhiidh cusub oo aynu la yeelano
jamhuuriyadda Jibouti?
Djibouti iyo Maamulka
halkaasi ka taliya waa dal aan ogolayn xornimada iyo
qaranimada iyo gobonimada shacabka Somaliland, Mr. Geelle
Batal oo ah hogaanka dalkaasi wuxuu sannadkii 2000, hor
istaagay qaramada midoobay, wuxuuna beesha caalamka hor
dhigay sawir xun oo uu inaga siiyey, wuxuu ku tilmaamay
Madaxweynaheeni hore Ilaahay ha naxariiste Cigaal Hogaamiye
Kooxeed la mid ah kuwa muqdisho ka jira, wuxuuna beesha
caalamka usoo jeediyey in Somaliland loola tacaamilo si ka
xun hogaamiye koxeedkii ka jira Magaalada Muqdisho iyo
Soomaaliyada burbursan, sidoo kale weraysi uu siiyey
wakaaladda wararka qaramada midoobay u qaabilsan geeska
afrika IRIN wuxuu Geelle Batal ku tilmaamay Somaliland meel
la mid ah Muqdisho iyo Soomaaliya oo aanay ka jirin wax
nidaam ah iyo kala danbayn wuxuuna u sheegay beesha caalamka
in maadama oo Soomaaliya la keenaayo Ciidamo Nabad
ilaaliyeen ah, Somaliland lagu horaysiiyo
Jamhuuriyadda Federaaliga
ah ee Ethiopia waa dalkii keliyaha ee inaga difaacay xarunta
qaramada Midoobay dhexdeeda, Dr. abdi Majiid Xuseen ilaahay
naxariistii janno ha siiye safiirkii Ethiopia u fadhiyey
qaramada midoobay iyo dawladiisu waxay ku adkaysatay una
sheegtay beesha caalamka inaan Somaliland lagu sandulayn
Karin waxaanay shacabkeedu ka raali ahayn, waxaanay hor
istaagtay qaraaro ay dalal ka tirsan qaramada midoobay inala
damacanayeen oo ay kow ka ahaayeen dalalka Jibouti iyo Masar
iyo Sacuudi Arabiya.
Akhristow maamulka Riyaale
wuxuu ugu abaal guday Ethiopia dal aan lala shaqayn Karin,
wuxuuna jarray ama joojiyey iskaashigii saaxiibtinimo ee ka
dhexeeyey labada dal, Somaliland oo dhaqaale ahaan dhabarka
ku haysay xoolaha nool ee aynu u dhoofin jiray wadamada
khaliijka weynu ognahay inay haatan xidhanyahiin, waxaa inoo
soo raaca waxay ahayd in ganacsatadeena yar yar iyo waaweyni
ay alaabada geyn jireen suuqyada waddanka Ethiopia, balse
Maamulka Riyaale waa xidheen dhamaan ganacsigii labada dal,
waynu ognahay suuqii weyna ee labada dal udhexeeyey ee Harta
Sheikh halka uu ku danbeeyey.
Riyaale iyo Maamulkiisu
waxay albaabada u laabeen xidhiidhkii iskaashiga amniga ee
labada dal ee Madaxweyne Cigaal sannadkii 1999-kii ay ku
wada duugeen isaga iyo Ra’isal wasaare Males Zanawi, taasi
waxay dhashay in budhcaddu hadh iyo habeen ka soo gudbaan
xuduudka labada dal, ganacsatada Somaliland-na xoolahooga
lagu gubo xuduudka labada dal.
Somalilander-ow maanta
waxaynu naala cidlo, waxaana hubaal ah in aynaan haysanin
gashaan iyo itaal diblomaasiyadeed, waxaa hubaal ah in
Maamulka Riyaale oo lagu shaqaysanayo (recruited by geele’s
regime and egocentric arab nations) ay doonayaan in ay
adhaxda jaran yagleeshii aynu soo wadnay 13 sanadood.
Somalilander-ow adiga
shallay cadawgaagii jabiyey ilaahay oo aad la kaashatay,
maanta kii ku ka darran ayaa kugu soo socda, Embigathi iyo
hogaamiye kooxeedka ku shiraya ayaa la raba in afka la
idinka geliyo, waxaa jira heshiisyo hoose oo maamulka
Riyaale la gallay diblomaasiyiin keniyati ah oo la doonaayo
inuu riyaale ina geeyo xamar markale, waxaan daliil taasi
uga dhigaya, maalmahii uu gebo gebada ku jiray shirka
embigathi ka socda ee lagu muransana qaybsiga baarlamaan ku
sheega halkaasi lagu wal walaqaayo, waxaa uu Riyaale Kenya u
soo diray wasiirkiisa Maaliyadda Mr. Cawil wuxuuna Cawil
dhex dhexaad ka gallay caqabado hor yaallay beesha hawiye,
waxyaabahii la sheegay ee cawil u sheegay hogaamiye
kooxeedka Hawiye waxaa ka mid ahaa in ay Somaliland keeni
doonan muqdisho, ee ay horta ka sii horeeyaan.
Waxaa meesha laga saaray
karaamadii iyo tixgelintii Muwaadinka Somalilander-ka ah,
waxaa meesha ka baxday is aaminiddii iyo fikradahii xorta
ahaa ee shacabku filayeen in uu Riyaale garwaaqsan doono
markuu xilka qabto, Car-juuq dheh waa hanaanka cad ee uu
riyaale ku dhaqayo shacabka Somaliland, Bal u fiirso
Somalilander-ow maxaa faraq u dhexeeya Kacaankii hanti
wadaaga ee afweyne Barre iyo Kacaanka hadda ee Riyaale
Kaahin waxaa inoogu xiga waxa weeyi “guul wadow Riyaalow
Aabahii Garashadow” iyo in kabaha oo loo qaado, Maxaa faraq
u dhexeeya Ismaciil Hebel iyo Gaani, Maxaa faraq u dhexeeya
Mr. Cawil ( iyo Moorgan, malaha waa magaca uun ee bi’I waaya
eh dib wax u eega.
Somalilanderow adiga ayey
maanta kuu taalla hawli waxaa haboon inaad heeryada iyo
mu’aamaradka Riyaale iska dul qaadan, Haddii uu Daahir
Riyaale Mooday danta dalka in la tuugaysto Kaabayaashii
dhaqaale ee dalka sida Dhuumahii Shiidaalka keenaayey
dekedda Berbera, iyo in la kala xigtaysto oo la kala
saraysiiyo golaha wasiiradda wallaahi ayaan ku dhaartaye
taasi waa mid aan socon doonin wakhti dhawna dhamaan doonta
balse waxaa ayaan darradu waxay tahay halka sarta xun ee
maamulka Riyaale ku danbayn doonto
Aan ku soo gunaanado:
Dacwadayda Ciinow
Dire dire umaan tirin
Deel-qaaf ka xeel dheer
Uma jeeddo daw dhaaf
Daandaansi kama wado
Ka da'weyni ruuxaas
Derejiyo xil-qaadkeed
Nin u dudaya maan ihi
Damac wayga xaaraan
Dilla gabay ku faankiyo
Doqonniino hadalkiyo
I dayaay wax kum falo
Maba lihi dareenkaas
Waxa qalinka igu diray
Dadku way tirsanayaa
Deyna waa ka maqan yahay
Dana jirena waan ahay
Danyartiyo saboolkiyo
Anigiyo doc-wadhantuna
Isku digato miihine
Daawaannu leenahay
Diilalyada cuslaysiyo
Daalaa-dhacoodaan
Aniguna damqanayaa
Xaq haddaan ku daakiro
Ma deyrkii Maakaan gubey?
Danbarkiyo karuurkiyo
Caanaha durduurta ah
Dadku haw sinnaadeen
Haddii laygu dilo taas
Taariikhdu duugeed
Dirirrada sidkod go'ay
Door-roone haw hadho
Dibna mooyi saw noqon
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
HARGEISA, SOMALILAND
Mobile: 00-252-2-406745
diridhaba2001@hotmail.com
Faafin: Somalitalk.com |
June 20, 2005
Afeef: Aragtida qoraalkanw
axaa leh qoraaga kusaxiixan
Gudoomiyaha Golaha
Degaanka Boosaaso iyo Kuxigeenkiisa oo la doortay
»Khadar
& Xiito oo loo doortay gudomiye & kuxigeen...
»Gobolka
Bari Yuuduf Waceys: Xallinta khilaafka...
»Wasiirka
Diinta iyo Awqaafta: Boosaaso ka gudub khilaafka
»Wasiirka
Arimaha Gudaha oo ka hadlay doorashada...
»Qardho: Israsaasayn sababtay 1 qof dhintay iyo 3 dhaawac
Wararka oo dhan ka
akhri halkan... Jun 19
Geeddi oo soo
Bandhigay Howlgalka ugu Horeeyay ee DFKMG
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo maanta u safray Soomaaliya ayaa soo
saaray qoraal ka kooban...
Guji...
Jun 18
Nin Lagu Magcaabi
Jirey Eng. Cabdi Yare oo Xalay Fiidkii Lagu Diley Kismaayo
»Kismaayo:
Nin Musaafur ku ahaa magaalada oo la diley ..
»Prof.
Geedi: Kenya Tixgalin ha siiso dadka Soomaaliyeed ee..
»Bosaso:
Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Bangiga iyo Qasnada..
»Dawlada
FKMG oo lagu heshiisiin doono Yemen...
»Gudoomiyaha
Baarlamaanka oo maanta u dhoofay Yemen..
»Madaxweyne
C/laahi Yuusuf oo iman doona Yemen..
Wararka oo dhan ka
akhri halkan... Guji... June 17