SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Barnaamijkii Radio Xoriyo

17 Jun. 2005

  • Dagaallo ciidamada cadowga Itoobiya lagu jabiyay iyo weliba askar nolol  lagaga qabsaday. 

  • Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya oo martiqaaday odayaal isku dhaf ah. 

  • Duuliyayaal Itoobiyaan ah oo dalka Jabuuti u baxsaday.

  •  Dowlada Ingiriiska oo xanibtay lacag ay Itoobiya siin lahayd.

======================

Laga soo billaabo 30-kii May, waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku jireen Hawlgal wayn oo loogu magac daray Hawgalkii Digsi. Hawlgalkan, oo ujeeddadiisu ahayd in lagu naafeeyo ciidamada cadowga itoobiya oo isu diyaarinayay doorashooyin ku-sheeggii, ayaa laga soo hoyay guulo aad loogu naalloon karo, waxaana khasaare badan loogu gaystay hawgalkaas ciidammada gumaysiga Itoobiya. 

30/5/05 ayay ciidammada xoreynta Ogaadeenya goor habeenimo ah weerareen xerada ciidammada gumaysiga Itoobiya ee magaalada Shilaabo. ciidammada xoreynta Ogadenya ayaa xerada galay , ka dib markii ay laayeen waardiyayaashii xerada, waxayna xerada dhexdeeda ku dileen in ka badan 40 askari oo ciidammada cadowga itoobiya ka tirsan. 

Ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa 5/6/05 weerar mir ah ku qaaday magaalada Yucub. Markii weerarkaasi dhacayay waxaa xerada ciidammada gumaysiga itoobiya ee Yucub shir uga socday saraakiil ciidammada gumaysiga ah. Waxaana weerarkaas lagu dilay ciidammo aan tiradooda si rasmi ah loo haynin, balse ay lix sargaal ku jireen.

 Ciidamado badan ookamid ah ciidamada  gumaysiga itoobiya  ayaa 5/6/05 magaalada Shilaabo lagu soo uruuriyay Ciidamadaas ayaa amar-diido sameeyay, isla markaana diiday hawlgallo ciidan oo loo diray. Ciidamadan ayaa marka la isu keeno loo qaadi rabay dhinaca galbeedka. 

7/6/05 meesha lagu magacaabo Madheedh, oo gobolka Qorraxey ka tirsan, ayaa ciidamada cawdowga itoobiya lagaga gubay hal baabuur, waxaana halkaas lagaga dilay 7 askari. 

8/6/05 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Daratoole, ooka tirsan  gobolka Doollo , ayaa ciidamada cadowga itoobiya lagaga dilay 15 askari,halka  8 kalana lagaga dhaawacay.  

Meesha lagu magacaabo Suryin-sagaaro, oo u dhexaysa Shilaabo iyo Qabridaharre, ayaa 11/6/05  lagu gubay baabuur cadowgu leeyahay, waxaana halkaas ku bas-beelay baabuurkaas iyo wixii saarnaa. 

12/6/05 ayaa Lix-irridood lagu gubay labo baabuur oo cadowgu lahaa, waxaana ku dhintay in ka badan 60 askari. 

13/6/05 La-helow dagaal ka dhacay ayaa cadowga lagaga dilay 7 askari, 5 kalana lagaga dhaawacay. 

Isla taariikhdan wuxuu gumaysiga Itoobiya ciidammo badan u soo diray meesha lagu magacaabo Qamuuda, kuwaasoo loogu talagalay inay fuliyaan hawlgal ciidan. Ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa markay keenista ciidammadaas ka war-heleen ku weeraray saldhiggoodii, waxaana halkaas lagaga dilay 62 askari. 

Hawgalkaas ayaa ciidamada cadowga itoobiya laga furtay 35 qori, oo 2 ka mid ahi ay yihiin nooca loo yaqaano BKM.Halka  weerarkaas lagaga furtay labo raadiye oo ah kuwa ciidamadu iskula xidhiidhaan. Waxaa kaloo weerarkaas lagu qabtay oo hadda gacanta ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku jira askari laba alafile ah oo ciidammada gumaysiga itoobiya ka tirsanaa. Xarunta dhexe ayaa sheegtay in askarigaas uu caafimaad qabo, isla markaana loola dhaqmayo si waafaqsan sharciga maxaabiista dagaalka. 

Weerarkani wuxuu ahaa weerarkii guusha ugu badan laga soo dheelmo ciidammada gumaysiga, tan iyo Hawlgalkii Mandad ee badhtamihii bishii Abriil. 

Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya oo martiqaaday odayaal isku dhaf ah. 

Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa 10-06-05 waxay martiqaad u sameeyeen dhammaan odeyaasha ka soo kala jeeda gobollada kala duwan ee Ogaadeenya ee ku sugan magaalada London iyo nawaaxigeda. 

Martiqaadkan ayaa loola jeeday in la isku waydaarsado, isla markaana la isla jeexjeexo xaaladda halganka Ogaadeenya iyo sidii isku aragti looga wada noqon lahaa. Odeyaashii martiqaadkaas ka soo qayb galay waxaa la siiyay xogihii ugu denbeeyay ee halganka. Waxaa sidoo kale looga warramay meesha ay marayso xaaladda Itoobiya iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira. 

Odeyaashan ayaa iyaguna dhinacooda masuuliyiinta JWXO u gudbiyay wixii ay gocanayeen, waxayna si wayn u ammaaneen kaalinta hormuudka ah ee JWXO kaga jirto halganka Ogaadeenya iyo soo bandhigista dhibaatooyinka lagu hayo dadwaynaha rayadka ah ee Soomaalida Ogaadeenya. 

Odeyaashu waxay ballanqaadeen inay sii kordhin doonaan dadaalkooda, isla markaana ay tageero aan hagar lahayn u gudbinayaan halganka ay JWXO kula jirto gumaysiga Itoobiya. Odeyaashu waxay Jabhadda ka codsadeen inay fursado cusub u abuurto dhammaan dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya iyo ciddii kale ee halganka danaynaysa, si  taageero ballaadhan halganka loogu helo. 

Duuliyayaal Itoobiyaan ah oo dalka Jabuuti u baxsaday. 

Laba duuliye oo ka tirsan ciidanka cirka ee gumaysiga Itoobiya ayaa 9kii bisha Juun 2005 ula baxsaday dalka Jabuuti diyuurad helikobtar ah oo ah noocan loo yaqaano MI 35, waxayna labadan duuliye dawlada Jabuuti ka codsadeen magangelyo siyaasadeed. 

Labadan duuliye, oo lagu kala magacaabo Abyot Manguday iyo Hailu Gebre, waxay ka baxsadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Diri Dhaba. Labadaasi duuliye ayaa dalka jabuuti u baxsaday, ka dib markii ay xaaladda nabadgelyo ee Itoobiya qasantay, isla markaana ay bannaanbaxyadu ka billowdeen magaalada Addis Ababa iyo magaalooyin kale oo Itoobiya ka mid ah. 

Labadaas duuliye ayaa sheegay in amar lagu siiyay inay heegan ku ahaadaan garoonka dayuuradaha ee magaalada Diri Dhaba, si ay duullaan ugu qaadaan kacdoonnada ka socday magaalada Addis Ababa, waxayna sheegeen inay soo baxsadeen, ka dib markii ay ka cabsadeen in lagu fuliyo weerar ka dhan ah dadka bannaanbaxyada samaynaya ee ka soo horjeeda xukuumadda Zenawi. 

Ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in xukkumadda Itoobiya ay tababarka labadan duuliye ku bixisay lacag gaadhaysa 50 milyan oo Bir. Ilahan ayaa sheegay in, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, ayna dawlada Jabuuti duuliyayaasha u soo dhiibi doonin xukuumadda Itoobiya. 

Dowlada Ingiriiska oo xanibtay lacag ay Itoobiya siin lahayd. 

Dawlada Ingiriiska ayaa daboolka ka qaaday inay xanibtay 54 milyan oo doollar oo ay ku kordhin lahayd kaalmada ay siiso dalka Itoobiya.


Dawlada Ingiriiska ayaa tallaabadan kaga jawaabtay weerarkii ay ciidammada ammaanka ee Itoobiya ku qaadeen toddobaadki hore dad bannaanbax ku samaynayay magaalada Addis Ababa, halkaasoo ay ku dileen ugu yaraan 36 qof. 

Wasiirka horumarinta ee dalka Ingiriiska Hilary Benn ayaa arrintan kaga dhawaaqay isagoo joogo magaalada Addis Ababa. Hilary Benn ayaa xukuumadda Itoobiya ka dalbay inay Ururka Laanqarta Cas u oggolaato inuu booqdo dadka lagu xidhay xeryaha milliteriga tan iyo toddobaadkii hore markii ay rabsahduhu dheceen. Wuxuu kaloo dalbay in dadkaas dacwado lagu soo oogo ama la sii daayo. 

Ra’iisal wasaaraha Ingiriika Tony Blair ayaa axaddii tilifoon kula hadlay keligii taliye Meles Zenawi, si uu ugu muujiyo sida uu uga xun yahay dilka ay ciidammadiisu u gaysteen bannaanbaxayaasha. 

============= 

Barnaamijka Saxaafadda iyo waxyaalaha ay ka qortay Ogaadeenya iyo Itoobiya 

Odeyaal ka cowday siyaasada Itoobiya

Hoggaamiye dhaqameedyo ka kooban 33 oday dhaqameed oo reer Ogaadeenya ah ayaa dhawaan soo saaray baaq kulul oo ay kaga cabanayaan dhibaatooyinka lagu hayo dadkooda iyo dalkooda, waxayna xukuumadda Itoobiya ugu baaqeen inay is-beddal degdeg ah ku samayso siyaasadeeda ku wajahan Ogaadeenya.

Odeyaal dhaqameedyadu waxay sheegeen in dadwaynaha Ogaadeenya ayna haysanin xuquuqdii asaasiga ahayd ee ay xaqa ulahaayeen sida ku cad dastuurka magac u-yaalka ah ee Itoobiya u yaalla. Odeyaashu waxay bayaankoodan ku cadeeyeen in deegaanka Ogaadeenya uusan xisbi iyo dawlad hoosaad midna ka jirin, arrintaasna ay xukuumadda Itoobiya ka dharagsan tahay.

Odeyaashan ayaa inay ogaadeen in xukuumadda Itoobiya ayna doonayn inay wax ka beddasho falalkii bulshada Ogaadeenya horay loogu khiyaamaynayay. Waxay kaloo odeyaashu shaaca ka qaadeen in dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya aan loo oggolayn inay doortaan cidda ay iyagu doonayaan

Odeyaasha bayaankan soo saaray ayaa ka mid ahaa odeyaal in muddo ahba ku signaa magaalada Addis Ababa, kuwaasoo quud-daraynayay inay garowshiiyo ka helaan xukuumadda Itoobiya. Odeyaashan ayaa doonayay inay xukuumadda kala hadlaan dhibaatooyinka wajiyada badan leh ee lagu hayo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya iyo cadaadiska xad-dhaafka ah ee ciidammada gumaysigu u geystaan dadwaynaha.

Odeyaashan ayaa iska dhaga mariyeen talooyinkii la siiyay iyo digniinihii looga digay in xukuumadda Zenawi ayna marna ku talagashanayn inay wax ka beddasho siyaasadeeda Ogaadeenya ku wajahan, hase yeeshee waxaa nasiib wanaag ah inay maanta xaqiiqadii so taabteen, ninkii ay shalay ammaanayeena ay maanta naclad dusha kaga tuurayaan.

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya waxay in badan kor iyo hoosba u sheegtay in nidaamka cadaadiska iyo dulmiga ku dhisan ee uu madaxda ka yahay kaligii taliye Meles Zenawi uu yahay midka si toos ah u hortaagan in nabad iyo xasillooni ka dhalato dalka Ogadenya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Sida bayaanka odeyaasha ku cad dalka Ogadenya kama jiro urur siyaasadeed oo matala danaha shacbiga Soomaalida Ogadenya, dalkana waxaa ku amar ku-taagleeya askarta nidaamka TPLF ee dulmiga, xasuuqa, ku xadgudubka xuquuqda, dhaca, dilka iyo dulmiga wajiyada badan ku dhisan.

JWXO waxay munaasabado badan ku sheegtay in dalka Ogaadeenya ayna marna ka dhici karin doorasho xor ah oo cadaalad ku salaysan. Waxay sheegtay Ogaadeenya iska daayeen in taasi ayna Itoobiya oo dhan ka dhici karin inta uu talada haysto keligii taliyaha dad-cunka ah ee ka tilaya magaalada Addis Ababa.

JWXO iyada oo horey bayaan u soo saartay oo cadaysay inayna ka qaybgalaynin doorasha ku sheegta uu nidaamka TPLF ku soo xulanayo adeegayaal hay’adiisa wardoonku ay soo meehaahday, waxay haddana mar kale dunida xoriyada iyo bedbaadinta xuquuda aadamaha danaysa u sheegaysaa inuu nidaamka TPLF yahay nidaam hortaagan inay dimoqraadiyad iyo kala denbayni ka hirgesho dalka Ogadenya iyo guud ahaan dalka Itoobiya.

Waxaan dunida xorta ah ee jecel nabadda iyo hannaanka dimoqraadiyada ugu baaqaynaa inayna indhaha ka qarsanin dulmiga lagu hayo shacbiga soomaalida Ogadenya. Dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenyana waxay ugu baaqaysaa inay dhug u lahaadaan xaaladda siyaasadeed ee dalkooda ka jirta, isla markaana ayna mar walba ku sirmin khiyaamooyinka iyo hoosaasinta uu gumaysigu u maleego.

Guddoomiyaha dallada ganacsiga oo ku jira dadka xidhan

Muddooyinkii u denbeeyay waxaa dalka Itoobiya ak socday qulqulado siyaasadeed oo ku billowday msusuqmaasuq ay xukuumadda Zenawi ku samaysay doorashadii la qabtay 15-ii May. Markii ay doorashooyinku dhamaadeenba wuxuu keligii taliye Meles Zenawi manuucay in muddo bil ah bannaanbax iyo isu-imaad kale toona lagu qabto magaalada Addis Ababa.

Xukuumadda Zenawi waxay toddobaadkii hore ku dhawaaqday in dib loo sii dhigay ku dhawaaqista natiijada doorashada, arrintaasi waxay ka sii cadhaysiisay dadwaynihii markii horaba ka cadhaysnaa musuqmaasuqa doorashada, oo go’aanka xukuumadda u arkay inuu ka dhigan yahay inay xilli dheeri ah u sii hesho kala sifaynta natiijada doorashada.

Waxaa markaas magaalada Addis Ababa ka dhacay bannaanbax wayn, hase yeeshee ciidammada ammaanka ee xukuumadda ayaa rasaas oodda kaga qaaday dadwaynihii bannaanbaxayay. Inta la ogyahay waxaa la dilay 36 qog, waxaa kaloo xabsiyada loo tacxaabay kumanaan qof, waxaana magaalooyinka lagu soo daayay ciidamo hubaysan.

Waxaan markaas qodobkan ku so qaadanaynaa qaar ak mid ah tallaabooyinkii xidhayga iyo dilka ahaa ee xukuumaddu qaaday.

Ganacsato la xidhay

Guddoomiyaha dallada ganacsatada ee Itoobiya ayaa ka mid ah dadka la xidhay sagaalkii bishan Juun, oo ah xilligii ay quluquladihii Itoobiya ka billowadeen. Guddoomiyaha, oo lagu magacaabo Aschalew Haile iyo shan ganacsade oo la socday, ayaa lagu xidhay xabsiga Asela oo ku yalla aalo koonfurta Itoobiya.

Nimankan ganacsatada ah ayaa lagu eedeyay inay tageersan yihiin isbhaysiga CDU, oo ah xisbiyada mucaaradka ah midka ugu wayn.

Dhinaca kale xukuumadda Itoobiya ayaas markii ugu horraysay qiratay inay dad shacab ah oo aad u fara badan ku xidhan yihiin xero millitari ah oo lagu magacaabo Zewai oo dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Addis Ababa. Qirashadani waxay ka timid afhayeen u hadlay wasaraarada warfaafinta ee gumaysiga Itoobiya.

Afhayeen kale oo isaguna u hadlay booliska Itoobiya oo la yiraahdo Mulugeta Shiferaw ayaa xaqiijiyay in dadkaas la xidhay muddadii ay rabshaduhu ka socdeen magaalada Addis Ababa, isagoo intaasi ku daray in dadkaas ay ku jiraan xubno ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah.

Xukuumadda Itoobiya waxay arrintan qiratay, ka dib markii ay hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ku eedeysay xukuumadda Itoobiya inay xabsiyada iyo xeryaha millatariga ku xidhxidhay kumanaan qof oo aan loo haynin wax denbi ah oo ay galeen. Waxay kaloo hay’addu sheegtay in qaar dadkaas ka mid ah jidhidl lagu sameeyay.

Human Rights Watch waxay kaloo sheegtay in bannaanbaxyada ka socda Itoobiya ay ku faafeen magaalooyin kale oo ay haatan ilaa iyo sagaal magaalo ka socdaan.

Ciidammo hawlgal samaynaya

Sida uu sheegayo wariyaha Radio Xoriyo waxaa magaalada Addis Ababa ka socda howlgallo ay fulinayaan ay wadaan ciidamo gaar ah oo loo yaqaano "Agazee". Cidammadaas oo ah kuwa kaliya ee Zenaawi isku aamino ayaa lagu eedeynayaa inay ilaa haatan dileen 50 qof, tan iyo markii ay billowdeen rabshadahii la xiriiray doorashooyinka 15ka May.

Ciidammadan ayaa magaalada aad uga muqda, iyagoo ilaalinayo xafiisyada muhiimka ah ee dowlada, isla markaana waardiye ka haya is-goysyada iyo kalee muhiimka ah.

Dhinaca kale kaligii taliye Meles Zenaawi ayaa maalinta talaadada ahayd ku dhawaaqay in mudo hal bil ah lagu darayo muddadii uu u qabtay inaan bannaanbaxyo iyo isu-imaatin kale laga samayn karin magaalada Addis Ababa.

Xilidhibaan la dilay

Dhammaadkii toddobaadkii hore magaalada Arsi lagu dilay dhibaan ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee UEDF. Xildhibaankaasi oo ka mid ahaa xildhibaanada mucaaridka ee dhowaan loo doortay barlamaanka Itoobiya, waxaa lagu magacaabaa Tesfaye Aden Jara. Waxay wararku sheegayaan in xildhibaankaasi ay dileen askar ka socda ciidamada Itoobiya.

Xukuumadda Itoobiya way qiratay in askarteedu dileen xildhibaankaas, waxayna saxaafada u sheegtay inay hadda baadhitaan ku waddo 6 askari oo dilkaas lagu eedeyay..

Waxaa markii xildhibaankaas la dilay ka dib hadlay afhayeen ka socda wasaarada arrimaha dibbeda ee dalka Mareykanka, kaasoo cambaareyay dilka xildhibaanka iyo weliba sida naxariis darrada ah ee xukuumadda Itoobiya ula dhaqantay dadwaynihii mudaharadayay.

Niman xuquuqda aadanaha u dooda oo la xidhay

Waxaa maalintii isniinta ahayd la xidhay laba nin oo ka tirsan hay’ada xuququl insaanka Itoobiya oo loo yaqaano Ethiopian Human Rights Council ama EHRC. Labadaasi nin waxa la kala yiraahdaa Yared Haile Mariam iyo Wondimagegn Gashu. Waxaa nimankaas galabnimadii isniinta ahayd xafiiskooda ugu yimid sarakiil ka socota ciidanka nabadsugida Itoobiya. Sidii halkaas looga kaxaystayna ilaa iyo hadda lama oga meesha ay ku sugan yihiin.

Ma aha markii ugu horraysay ee saraakiisha nabadsugida Itoobiya ay xidhaan shaqaalaha hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha. Markii ay taariikhdu ahayd 8 bisha June waxaa la xidhay nin kale oo isla hay’adan u shaqaynayay, kaasoo lagu magacaabo Cherinet Taddese, kaasoo sagaalkii seqda dhexe lagala baxay gurigiisa. Ilaa hadana lama garanayo meesha uu ku denbeeyay.

Dhinaca kale suxufi Talyaani ah oo wax ka qorayay rabshadaha ka dhacay Addis Ababa ayaa safaarad dalkiisa dhex degay, ka dib markii ay naftiisu khatar gashay. Suxufigan, oo lagu magacaabo Emilio Manfredi, ayaa sheegay inuu naftiisa u baqayo, ka dib markii ay handadeen ciidanmmada booliiska Itoobiya oo gurigiisa dhawr mar ugu yimadeen.

Suxufigu wuxuu kaloo intaas ku daray in ciidammada boolisku ay soo gaadhsiiyeen sida ay uga xun yihiin wararka uu ka gudbiyay rabsahdihii Addis Ababa ka dhacay. Wuxuu tilmamay in xukuumadda Itoobiya ay ka xumaatay wararkii uu caalamka uga gudbiyay rabshadihii lagu laayay dadkii bannaanbaxyada ku samaynay magaalada Addis Abab. 

Radio Xoriyo

17Jun. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

Axmed Gaal-eri

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: Somalitalk.com | June 17, 2005

Nin Lagu Magcaabi Jirey Eng. Cabdi Yare oo Xalay Fiidkii Lagu Diley Kismaayo
»Kismaayo: Nin Musaafur ku ahaa magaalada oo la diley ..
»Prof. Geedi: Kenya Tixgalin ha siiso dadka Soomaaliyeed ee..
»Bosaso: Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Bangiga iyo Qasnada..
»Dawlada FKMG oo lagu heshiisiin doono Yemen...
»Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta u dhoofay Yemen..
»Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo iman doona Yemen..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 17

Daahir Riyaale iyo Ku Xigeenkiisa oo Khilaaf Soo Kala Dhex Galay
Daahir Riyaale Kaahin iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa... Guji... Jun 16

Xagguu ku dambeeyay Gacan ku dhiiglihii dilay wariye Duniyo Muxidiin Nuur?!!
»Gudoomiyaha nabadgelyada Afgooye: wuu baxsaday wiilkii..
»Afgooye: Cabasho ka timid Ururka Ganacsatada Beeralayda
»Xamar: Firimbi oo Beeshiisa ku eedeeyay Isbaarooyinkoodii
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jun 16

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD