MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO KU XIGEENKIISI
OO KHILAAF SOO KALA DHEX GALLAY
Hargeisa: Sida warar xogogaal ah oo
maalintii shallaytoole ahayd ka soo baxay Guriga Madaxtooyada Somaliland
qeexayaan waxaa khilaaf xoogleh soo kala dhex gallay Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo Ku xigeenkiisa
Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Labada Masuul oo ah kuwa ugu sareeya Xukuumadda
dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ahaa laba nin oo lagu tilmaamo inay
aad iskugu dhawyahiin tan iyo intii Madaxweyne Riyaale ka soo dhex doortay
Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin Golaha Baarlamaanka Somaliland markii uu isku
sharaxay jagada ugu saraysa Somaliland ee Madaxweyninimada sannadkii
2003-dii. [Warka oo dhamaystiran hoos ka akhri...]
Ma Deggan tahay Hargeysa,
ma dhiganeysaa xaflad aroos, xinni iyo cilaan ma u baahan tahay, dharka
arooska iyo cunto macaan, hadaba ha moogaan
LONDON BEUTY SALON,
Hargeysa.

Madaxweyne Daahir Riyaale
Kaahin
|
Khilaafkani oo sida dad xogogaal ah oo ka
gaabsaday in Magacooda ay ii xaqiijiyeen ayaa ka bilawday dhuumaha
Bansiinka usoo qaada ee keena dekedda Berbera, taasi oo todobaadkii hore ay
Xukuumaddu caddaysay in laba dhuumood oo muddo 25 sanno ka hor dawladda
China ka hirgelisay badda hoosteeda kuwaasi oo shidaalka ku soo shubi jiray
haamaha keydka shiidaalka ee dekedda Berbera ay dawladdu damacsantahay inay
ku bedesho hal dhuun oo soo wada xambaari doonta Shidaalka ay shariikadda
TOTAL keento, taasi oo markiiba khilaaf ka dhex abuurtay xubnaha golaha
wasiiradda Somaliland, iyadoo xubno taageersan Madaxweyne Xigeenku ay ku
macnaynayaan inay tahay khasaare horleh maadama oo dhuumahaasi ay ahaayeen
qaar aad u qaalli ah oo ka samaysna Macdanta Alumiumum-ta, dhuunta lagu
bedelayaana aanay ahayn mid faa'iido mustaqbalka u keeni karta shiidaalka
lagu daabulo haamaha Keydka iyo weliba inaanay kafayn karayn dhuuntaasi
halkii labada dhuumood shiidaalka ka keenayeen.

Madaxweyne Xigeenka Somaliland Mudane Axmed
Yuusuf Yaasiin ayaa wuxuu warqad u qoray laba cisho ka hor Mareeyaha Dekedda
Berbera Mudane Engineer Cali Xoor-Xoor kaasi oo uu ku amraayo in la hakiyo
mashruuca ay shariikadda TOTAL ku hirgelinayso dhuuntani cusub ee ay ku
bedelayso labadii dhuumood ee qadiimiga ahaa, taasina sida la sheegay waxay
ka cadhaysiisay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo Wasiirkiisa Arrimaha
Gudaha Ismaciil Yare, waxaanay ka daba direen Madaxweyne ku xigeenka
amarkiisi warqad uu ku saxeexanyahay Wasiirka arrimaha gudahu, taasi oo lagu
amraayo madaxweyne Xigeenku inuu faraha kala baxo hawlaha uu Madaxweynahu
amarka ku bixiyey Warqadaasi oo uu ku saxeexanyahay Wasiirka Arrimaha Gudahu
waxay u qornayd sida tani:
WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA
XAFIISKA WASIIRKA WASAARADDA
Tirsi: W/9/AG/XW/1251/42/05 DATE:11/6/2005
KU: GUDOOMIYAHA GOBOLKA SAAXIL =BERBERA=
KU: GUDOOMIYAHA GOLAHA DEGAANKA DEGMADA =BERBERA=
OG: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA SOMALILAND =HARGEYSA=
UJEEDDO: KALSOONI U QAADIDDA DUQA DEGMADA BERBERA.
Anigoo tixraacaya warqadda Madaxweyne-kuxigeenka JSL ee sumadeedu ahayd RSD/MP/ARCUD/99/00116130605
EE 07/06/05, kuna saabsanayd arrinta ujeedada sare ku xusan .
Waxa
hadaba lagu farayaa inaad joojiso kalsooni u qaadidda Duqa Degmada Berbera,
maadaama Wasaaradda Arrimaha Guduhu hore u joojisay , iyadoo fulinaysa
Amarka Madaxweynaha , Wasaaradda Arrimaha Guduhuna Dekreeto ka soo saartay
ay ku joojisay kalfadhiyada aan caadiga ahayn ee xilka lagaga qaadayo
Maayorada iyo kuxigeenadooda, sidoo kale waxaad faraha la gashay hawl aan
laguu idman oo ah mashruuca ka socda Dekedda Magaalada Berbera ee dhuumaha
lagaga bedelaayo
Hadaba, iyadoo aanay jirin amar Madaxweyne oo danbe oo burinaaya amarkii
hore ,waxa xil inaga saran yahay in aynu u fulino sidiisa amarkii
Madaxweynaha.
ALLAA MAHAD LEH
ISMAACIIL ADEN CUSMAAN
WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA
Sida
warar lagu kalsoonyahay xaqiijinayaan waxaa maalintii dorraad ah kulan ay ku
lahaayeen Golaha Xukuumaddu Guriga Madaxtooyada halkaasi kelmado cadho leh
isku waydaarsaday Madaxweyne Riyaale Kaahin iyo Xigeenkiisa Mudane Axmed
Yuusuf Yaasiin, taasi oo la ii sheegay inay sababtay in labada Masuul
gacanta isa saareen, balse waxaa markiiba soo kala dhex gallay arrintani oo
ilaa hadda la ii xaqiijiyey in ay ku dhex jiraan Gudoonada Labada Golle
qarran ee Baarlamaanka Somaliland Mudane Maxamed Aadan Qaybe iyo Saleeban
Maxamoud Aadan (Saleeban Gaal/Nuur) kuwaasi oo u kala ergeynaaya Labada
Masuul.
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
HARGEISA, SOMALILAND
Mobile: 252-2-406745 (Telesom)
Telephone: 252-828-7142 (Soltelco)
diridhaba2001@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2005
Xagguu ku
dambeeyay Gacan ku dhiiglihii dilay wariye Duniyo Muxidiin Nuur?!!
»Gudoomiyaha
nabadgelyada Afgooye: wuu baxsaday wiilkii..
»Afgooye:
Cabasho ka timid Ururka Ganacsatada Beeralayda
»Xamar:
Firimbi oo Beeshiisa ku eedeeyay Isbaarooyinkoodii
Wararka oo dhan ka
akhri halkan... Guji... Jun 16
Maxaa iska badalay
Qorshihii dowladu ku dagaysay Jowhar iyo Baydhabo
Waxaana soo baxaya warar u eg diidmo oo uu
Mas'uulka gacanta ku haya Magalada jowhar ku diidayo in..
Guji...
Arday
Soomaaliyeed oo Qayb Ka ahaa Koox Ku Guuleysatey Tartankii Microsoft...
Tartan ay ka qayb galeen ardayda 9 gobol oo Maraykan
ah oo lagu qabtay New York ayaa waxaa guushii ku raacday..
Guji..
7 Qof oo ilaa Shalay Lagu Diley Beerxaani
»Kismaayo:
Laba Qof ayaa Maanta lagu Diley Beerxaani
»Sweden:
kulan dhaxmaray
Xisbiga SSUP & Wasiirka Deeqaha
Wararka oo dhan ka
akhri halkan... Guji... June 15
Boosaaso oo Lagu
Dhaariyey Gudiga Degaanka Degmada oo ka kooban 27 Xubnood
Waxaana lagu dhaariyay Xarunta Madaxtooyada..
Guji... Jun 14
Odeyaal dhaqameedyo
reer Ogaadeenya ah oo dawlada Itoobiya canbaareeyay
iyo Xukuumadda itoobiya
oo xabsiyada ku haysa kumanaan qof..
Guji... June 14
Cabdullaahi Yuusuf oo
Ka Dhoofay Kenya
Khudbad hor dhac u ah geediga dawladu u guureyso Soomaaliya
kaddib madaxweynaha DFKMG waxa uu.
Guji Jun 13
|