Kalsooni Ma
Abuuran Karnaa?
Kalsooni waanu
abuuran karnaa ama kordhisan karnaa,haddii aan
doonayno ama ku dadaalno in aan aqoonteena
maalin walba wax yar ku darno ama sii kororsano,
raadinta aqoonta ama kororsiga aqoonta kuma
xirna haba yaraatee da’ iyo hore waxba uma
aanan soo baran,immisa qofood baa iyagoo da’ ah
wax bartay aqoonyahana noqday,immisa qofood oo
da’ ah baa qur’aanka kariimka ah xafiday,immisa
ayaan fursad u soo helin markii Soomaaliya la
joogay haddana wax bartay markii qurbaha loo soo
baxay.
Dhaqankeena qaar
ka mid ah ayaa u baahan in la tuuro, kuwaasoo
caqliga,cilmiga iyo diintaba ka
hor-imaanaya,dhaqankaas oo cadow ku ah
jiritaanka qaar ka mid ah Soomaalida haba ugu
badnaadeen dumarkuye,dhaqankaasi foosha xun
wuxuu inoo kala yeel yeelay magacyo, magac
kastana magacii kale ayuu lid ku noday,dadkiina
waxuu ka dhigay kuwo is ku dhex mashquulsanaado
talaabana aaan hore u qaadi karin.
Inkastoo ay
kalsoonida iyo jacaylka ay hooyadu ku abuurto
ilmaheeda marka ay yar yihiin, haddana
hooyooyinka Soomaaliyeed intooda badan waxay
ilmahii ay siinyaan dhaqankii ahaa in la dafiro
in uu ilmahaas jiro,oo uu ahaado qof jira,qof
kasta oo Soomaali ah sida dadka kaleba waxay
dhashaan iyagoo fitro ah,laakiin wax yar ka dib
dhalashadiisa ayuu xubin walba oo jirkiisa ka
mid ah ka curyaamiyaa dhaqankeena.
Haddane
kalsoonida waad abuuran kartaa haddii aad rabtid
ama aad tahay qof fakaraya ama aad u jecel in
uu ka dhex muuqda ehelkiisa ama bulshadiisa,wax
tarkiisana uu noqdo mid raad wanaagsan reeba.
Kalsoonida
nooca la isku abuuro ayaa ugu wanaagsan ayay
leeyihiin culumada cilmiga nafsadda waaya’aragga
u ah,waayo ayay yiraahdeen waa mid aad dadaal
iyo halgan qaraar aad isugu abuurtay,isku
abuurid kalsoonina ma’ahan mid dhib
yar,haseyeeshee ayay raaciyeen culumadaasi in
dadkaas ku mashquulsan sidii ay u horumarin
lahaayeen dadnimadooda iyo kobkicnta ama korinta
kalsoonidooda aad looga soo hor baxo ama xoogaa
laga masayro,waayo meeshii lagu ogaa ama ay
taagnaayeen ayay hore ugu sii dhaqaaqeen halka
ehelkii ama asxaabtii meeshooda taagan yihiin
ayay yiraahdeen culumadu.
Waa maxay
kalsoonidu? kalsoonidu waa:qofkii si baqdin ama
cabsi ka dheer u fakaro,awood u leh in uu wax
wanaagsan samayn karo,xor ah, aan cidna ku
xirnayn Allah mooye ama hoggaanka loo
hayn,aaminsan Ilaahay iyo naftiisa kaliya,taas
waxaa daba socota in qofku is oggolaado in uu
yahay qof jira isla markaana ku faraxsan ama ku
qanacsan jiritaankiisa,taas waxaa ku xiga in uu
qofku aaminsanaado in uu yahay mid qiimo badan
ku leh agtiisa yacni og in uu yahay mid naftiisa
qiimo ugu fadhido,is badbaadin kara,qanac weyna
ku qaba waxa uu Ilaahay Subxaanahu watacaala
siiyay ama ha yaraadaan ama ha badnaadaan.
Haddii uu qof kaa
soo hor baxo ama kugu eedeeyo wax aad samaysay
in ay xun yihiin hasa yeeshee adiga kuula
muuqday wax wanaagsan, waxaa dareemeysaa xanuun
gudaha ah ama waxaa la taabtay kalsoonidaadii
aad isku qabtay iyo dadnimadaadii,dhib malaha
taasi waa wax caadi ah,haddiise aad ku joogtid
wixii adiga wanaagga aad kuula muuqday ayna u
dhowdahay in aadba saxsantahay kalsoonidaadii
is aaminkii aad isku qabtay ayaa sii
koraysa,eedayntii ama in lagaa soo horbaxay
waxba uma dhimayso dadaalkii iyo aaminkii aad ku
qabtay naftaada ilaa aad noqotid mid aan waxba
karin ama saamayn cidi ku yeelan.
Ma ahan wax fudud
in aad ku joogto shaqsiyaddaada dhabta
ah,figraddaada iyo ulajeeddadaadana garab
istaagtid iyo in aad soo taabato meeshii aad
rabtay,isla markaana aad soo saarto si dhib yar
tayadaada ku xaraysan,waayo dabeecadda dadka
ayaa ah in ay caburiyaan ama ay ku abuuraan
shaki iyo qal qal qofka ay ku tuhmaan wanaag iyo
waxtar, iyagoo ku qasba in qofkaas kalsoonidiisa
iyo garaadkiisa ay xoraysay in uu u
hoggaansanaado talo kale ama aragti qalloocan oo
uu qof kale leeyahay,haddana waxaa muhiin in la
sameeyo geesinimo wayn dhaqsane loo
quusan,maadaama aad ogtahay in aad tahay qof wax
tar leh.
Dhaqankeena ayaa
waxuu kaloo yahay mid aan u jilicsanayn moralka
dadka wanwanaagsan iyo ku dhaqsaha soo
dhoweynta waxa cusub oo is beddel u keeni kara
mid ka wanaagsan midka uu dhaqankaasi xanbaarsan
yahay,haddana waxaa qasab ku ah dadka
aqoonyahannada Soomaaliyeed oo nasiib xumo ay
fursaddoodu yar tahay aysan ka quusan in ay wax
tari karaan ayna wax badan beddeli karaan haddii
ay ku joogaan waxa ay hiigsanayaan ee ah hore u
marinta dadkooda Soomaalida ah.
Zahra Abdi
Hersi
umubakar@hotmail.com
Holland