Yaa Daacad ah yaa dowladnimo raba ?
By
Gendisch.
“Isbaaradu
waa xirfad nololeed ku salaysan dil, dhac , boob
iyo hanjabaad, oo ay sababtay fowdo iyo kala
dabnbeeyn l’aanta qaranka soomaaliyeed to
soomartay, waana mida ugu dhib badan si guul
looga gaaro horseedka nabada ee qaranka iyo tan
muqdisho intaba “ S. M. Moallim Ganacsade
soomaaliyeed oo degan Montreal.Quebac.Canada
Juunyo 05
Waa curatay,
Caanihii waa diyaar , ummada reer muqdisho waxaa
ay cirka gacmaha u taagaanba ilaahay baa
iftiinkii nabada u bidhaamiyey , waxaa lasyku
aaminsaday in ilaah ku gargaaro howlaha qaran ee
ummadu baahida ugu wayn u qabtahay ee bilaabeen
taasi waxaa ay ahayd erayada ka soo baxayey
soomali meelkasta oo ay joogto maalmahaan, waxaa
lays waydaarsaday erayo kulkulul isbaaro in ay
qaadaan iyo inaay ka hadlaan mikoodna ma
donayaan hogaamiyeyaashu.qaarkood, shirarkii u
danbeeyey maba iman oo waa ka baaqsadeen
qaarkood Waxaa la isku jiijiiday xogaa dib ha
loo dhigo qaadista isbaarada. Raga qaar waxaa ay
ku noqotay utun iyo maxaad siinaysaa wiilashii
meeshaan ku soo gaar siiyey ee aad awalba ka
tirsanayd. Qaarna waxaa ay isku ciilkaamiyeen in
aanay mooryaantoodu dhegeysan doonin, maadaama
aanay waxba siin sanadihii u danbeeyey oo ay ku
noolayaan isbaaro , dhac iyo afduub.
Hogaamiyeyaasha
intooda badan May noqon kuwo ilaah talo saartay
oo waxaa laga fuji l’a yahay isbaaradii oo u
noqotay geelii oo dararay roobkii guga oo u
da’ay. Qaarkood waxaa u carareen Nayroobi oo ay
u baxeen iyadoo aan qof garanysaa jirin meesha
ay u socdaan.(mas habeenkii guureeya oo doonaya
wax uu qaniino). kadib markii howshii ugu
cusleed ay faraha la galeen soomali oo dhan
sugeysay waxaa baryahan oo dhan la’isla dhex
marayey in Muuse Suudi ayaa meesha ugu daacad
san. Iyo osmaan caato waa diyaar , waxaa
qofkasta is wadiisay ha la arko waxa uu
sameeyaan marka ay ficil noqoto arintu hadal wax
ma taree iyo y toloow ma rumoobi doontaa ?
Waxaan cidna
maanta daah ka saarayn inaan reer muqdisho gaar
ahaan beelaha ay ka dhasheen hogaaamiyayaashii
hubaysan ee in isbaarada la qaado ku tashaday ay
arinini ka wareertay. Waxaan markiiba loo
dhaqaaqay tirska isbaarooyinka oo xamar yaala
iyo kuwa nawaaxigeeda yaala . waxaa la isku
raacay in nawaaxiga muqdisho waa dhinaca afgooye
at yaalo 15 isbaaro oo ay leedahay hal jufo oo
beesha HG ay leedahay ( Sacad), dhinaca
Jowharna ay taalo ilaa 10 Isbaaro oo ay
leeyihiin Muuse yalahoow iyo Maxaaad dheere oo
beesha waqooyiga muqdisho ah( Daauud iyo
Warsengeli). Waxaa la iswaydiiyey maa iyaga
laga bilaabo oo la yiraahdo aan qaadno hal mar
maadaama ay ka dhib yartahay oo hal qolo
leedahay. Maya iyo waxaa timid xamar la haga
bilaabo.
Isbaarada : Jidgooyo Qaran !
Waxaa shaki ku jirin in qaranka soomaaliyeed uu
dhulka u yaalo arimo badan oo si biirsaday
darteed . waxaa ka mid tahay waxyaabaha ku
duugay habaaska madoow uguna horseeda nabadgelyo
darada, iyo isbaarada aan suulin ee dalka meel
lasta ka taalo gaar ahaan magaalo madaxdii
bilicda sare lahayd ee muqdisho,. Waxaa ay
noqotahay isbaaradu wax lagu faano oo loo haysto
inaay tahay muquun xoog badan iyo muruq
siyaasadeed oo qabaailku ku muquuniyeen
danyartii soomaaliyeed iyo qaar badan oo aan
marna ka gilgilan dhibaatadaas ummada saameysay.
Waxaa Xoogaa aan guud mar ku samayn doonsaa waxa
ay tahay isbaaradu . cida iska lah iyo meesha ay
ka soo jeedaan iyo sidii loo qaadi lahaa.
Waa maxay isbaaro ?
Isbaaradu waa jidgooyo aan sharci ahayn aan loo
dhigto ( siriq), dadka duunyada maraysa dhulka ,
badaha iyo hawada qaranka soomaliyeed , iyagaoo
kaga qaata lacag baad ah oo cid wax loogu qabto
aysan jirin. Isbaaradu waa furaha nabadgelyo
xumida qaranka ka taagan iyo hooyada dhaca
baabuurta ( Car jacking)
Sharci ahaan hadii aan ka fiirino isbaaradu
(illegal road block ) waxaa waaye arin ka
xaarantinimaysa wadamada aduunka, shaarciyadu ka
jiraan ee aduunka oo dhan, waxaana lagu tilmaama
ina ay tahay hoyga shari darada. Waxaa dad badan
aaminsan yihiin in sida kaliya ee looga gudbi
karo ay tahay iyadoo mooshin la hor shigo
golaha Shacabku ama golaha guurtida gobolku
banaadir ( hadii la dhiso ) lagu cadeeynayo waxa
ay tahay iyo ciqaabta ay mudan tahay ciddi ku
xad gudubta tusaale :
A. isbaaro waa jid, bad ama hawo xirasho
to baabuur/diyaaarad/doon ama qof la afduubaa oo
laagu talo galay ( intentional) laguna afdubo
lahaansho xoolo qof kale waa sharci daro ka fog
baniaadam nimada sharciga qaranka
B. Qofkii lagu helo arinan waxa lagu
qaadayaa ciqaab adag oo shaqo joogto ah ( hard
labor) in aan ka yareeyn labo sano kana badnayyn
20 sano tasoo aan lahayn rajo siideyn, mid
tirtirid denbiga uu galay ama cafis.
Yaa Isbaarada Leh ?
Waxaa maalmahan soo baxaya Hogaamiyeyaasha reer
muqdisho aanay marna ogolayn in ay isbaarada
ummada ka hor qaadaan iyagoo xoogaa ay ka helaan
iyo awood xoogaa lagu noolaado ay ay siiyaan
horjoogayaashooda maciin biday and qarankii
soomaliyeed u dabraya. Somaalidu waxaa ay ku
maahmaahdaa fiqi tolkiis kama jano tago waxaadna
moodaan in beesha Hawiye aanay mooryaanayan iyo
isbaaro ka tanaasuli Kari waayeen . waxaa
qaarkoodna ay latahay noloshoodii oo dhamaatay
hadii ay isbaarada qaadaan. Miyeysan rumasynayn
in iilaah subxaanuhu wa tacaalaa qoray qof alba
israaqadiisa ee meesha uu beri tagi doono ee
Aaqiro iyo aduunyo intaba.
Ma
jeclin inaan soo qoro qabaailka soomaliyeed
magacooda gaaar ahaan kuwa degan xamar sida ay
isbaarada ugu taalo baro ay sameesyteen balse
dantaa talin oo waxaa ay noqotay lama huraan
in tooshka ummada loogu daaro sida ummada loogu
duleeysto iyagoo dantooda oo kaliya eeganaya
waxaana halkaan ku soo bandhigi doonaa sida ay
isbaaradu u taalo xamar iyo naqaaxigeeda A.B.C
Wadarata guud ee
isbaarada muqdisho waxaa ay noqotay 43 Isbaaro,
kadib markii daraasad dheer lagu sameeyey cida
isk leh iyo meesha ay taalo waxa la isla meel
dhigay in isbaarada u taala beesha
abgaal
tahay 17 isbaaro ( Suudi 8, Finish 2 , Jeebo 2,
Bashir/beebe/shadoor 5, beesha Habargidir 14 (
Sacad 7, duduble 3 Saleeban 3. Cayr 1) Beesha
mususade 3 Beesha xawaadle 1
Maxkmadaha
islaamka 8
kuwaas oo kale maamulaan marka laga reebo
hogaamiyeyaasha beelaha , Ganacsato dalka aad
loog la yaqaan ee ku nool waqooyiga iyo koofurta
magaalada Muqdisho.
Maxaa hortaagan qaadida isbaarada ?
Marka aan isku raacnay in isbaarada ay tahay
denbiyada ummada lag galo kuwa ugu xun xun uguna
qaabta daran. Waxaan shaki ku jirin inaan baryo
iyo walaalow meesha ka tag aan wax looga qaban
Karin. Waayo
1.
Wixii sharci daro lagu sameeyaa sharciga loo
sameeyey oo lala tiigsado oo kaliya baa lagu
xalin karaa. Sidaas darteed waxaa loo baahan
yahay in la isla meel dhigo sharcigii lagu qaadi
lahaa ( islamka ayaa ugu dhow waqtigan) iyo
ciidankii fulin lahaan oo loo diyaariyo.
2.Waxaa hubaal ah in ganacsatada iyo
hogaamiyeyaasha, qaarkood ay xukumaan
mooryyaanta. Balse qaarkoodna aanay amar ka
qaadan cidna oo ay u baahan yihiin in la dhaqan
celiyo. Kuwaas oo aan wax ka maqal oday, wadaad,
haween iyo waaridkii dhalay intaba. Sidaas
darteed aan waqti la iskaga dhumin baryadooda oo
xoog ku muquuniyaan beesha ay mooryaantu ka
dhalatay.
3.
Waxaa soo baxaysa in ganacsata waawaayen Iyo
hogaamiyeyaasha qaarkood ay xagal daacinyaan
qaadida isbaarada si arintooda macaash iiskaga
sii wataan oo aanay u lumin ganacsiga faaiiidada
waalan ee ay haystaan ( Merchants of death).
Tusaale kuwa soo celiyey isbaaro la qaaday ee
hadana aan wax laga qaban ilaa maanta iyo kuwa
aan ka hadalin ama aan u dhaqaaqin in ay
isbaarada qaadaan oo loo baahan yahay in la
tilmaamo.iyi marmarsiiyo laga dhigto cidii lagu
bedeli lahaa waa in la helo. Waxaa cadaan ah in
aan loo baahnayn in mooryaan jid xirtay cidna
lagu bedelo ee waxa kaliya oo ummada rabto tahay
in ka wareegaan.
4.
in markii la qaado isbaarada ay jirto Cidii wax
ka qaban lahayd hadii ay soo noqdaan tasoo oo
aan wali diyaar rahayn ama meesha ka keenin
sidaas darteed waxaad u muuqataa in arintu
fashil ku socoto hadii aan si deg deg loo helin
ciidankii sifeyn lahaa kuwaas oo noqononaya kuwo
la hubo sida maxakamada islaamka.
5.
Dowlad federaalka ay Hoos kala xiriirta
hogaamiyeyaasha iyo ganacsata qaarkood si aanay
hore mar u gaarin Arinta isbaaro qaadidu kana
soo horjeeda guusha kuwa u duubtaay in isbaarada
qaadaan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha
baarlamaanku. Iyaggoo ka leh arimo siyaasadeed
iyo kuwo ganacsi intaba. Taasoo loo baahan yahay
in dowlad dhexe ee federaalku riyada iska
daayaan oo qaadida isbaarada garab istaagaan (
gacmo wada jir bay wax ku gooyaan) markaan arkay
in hogaamiyeyaasha qaarkood diidan yihiin in
arintan ay ka dhabeeyaan oo isbaarada qaadaan si
qaranka loo soo celiyo ayaan tixdan yar dib u
Milicsaday( Waa duul habaar Qaba). Waxaan
shaki ku jirin in kuwa isbaarada in la qaado
diidan aan la garanayn waxa ay rabaan oo ka
ahayn in sidaan reer muqdisho ku sii jiraan oo
aanay waligood hore umar gaarin :
-
Waa niman
dantood isku hayiyo, doollar iyo maale
-
Waa niman
dulmigu garab u yahay, diinna aan rabine
-
Waa niman
samihi dayriyoo, duunyo dhaafsadaye
-
Waa niman
damiirkii dhunshoo, doon ku sii raraye
-
Waa niman
dambi intay faleen , darajo sii rabaye
-
Waa niman aqoon
daahayoo, diiddan nuurkeede
-
Ninkastoo wax
daadihin lahaa, dura un mooyaane
-
Nin kastoo ka
sii daran iyaga, doorta maan Orane
-
Waa duul
habaar qaba haddaanay, naga dareerayne
-
Digdigtoodna
waa maalmo oo, way damaysaaye
-
Talo-doon
haddaad tahay runtaan, kuu dulmarayaaye
-
Mar haddii
damqasho aanay jirin, oon la diiraynin
-
Mar haddaan
diyaar loo ahayn, doonista wanaagga
-
Haddaan
daa'imkeen laga baqayn, la isna dooxaayo
-
Dulmiguba
intuu khayrka yahay, daba maryayn baasi
-
Oo diktoorki
daadihin lahaa dibadda meeraayo
-
Amuu jaahil
garashadu dam tahay, daba ruclaynaayo
-
Degi mayso waa
un hubaa doorka maanta ahe
-
Dadaal iyo
dareen saafiyiyo howl an laga daalin
-
Duco badan,
daw Rabbi oo la maro, diinkoon laga leexan
-
Daacadnimo
ayay daarantahay sharaf la doonaaye
-
Hadday taasi
dacar iyo la tahay shay ka degi waayay
-
Dersi waayahaa
siinayoo bari dan say tahaye
-
Ha ku daalin
duulkaan jin baa daasadda u tamaye!
Maxaa Talo ah !
A.
Waxaa ila tahay in loo guntado sidii dadwaynha
loogu baraarujin lahaa in loo bahan yahay
kacdoon dadwayne oo ay iyagu gacmahooda wax ku
qabsadaan iyo in meesha ay u dhaqaaqaan guushu
raaci doonto loona baahan yahay in mudaaharaadyo
lugu hogaamiyo meelaha ay isbaaradu taalo iyagoo
loo cuskanayo sharciga islaam iyo dhaqanka
suuban oo soomaliyeed ( common sense) in
iisbaarada ummada laga hor qaado qofkii diidan
si guud loola dagaalo oo la burburiyo meeshii
lagu soo sheegaba. “
ISBAARADA QAAD
QARANKA TOOSI
“
B. In meesheeda laga sii wado inaan wax
lacag ah la siinin isbaarolyda wixii ka
danbeeyey bishii juunyo 6 ama aan la marin
meesha mooryaantu joogto hadii loo tabar waayo
xoogna lagu maquunin waayo. Waa in loo diraa in
ay ummada ka hor qaadaan ciidan beesha ay ka
dhasheen ee dad u xiga iyo maxkamadooda , hadii
aay caawimaad warsadaana loo gurmado.
C. In aal la qarin Beelaha iyo
Hogaamiyeyaasha ka baxsaday in ay howsha wax ka
fuliyaan iyo kuwa wali nayroobi jooga ee qowda
maqashii waxna ha u qaban ka dhigtay taladooda ,
laguna baahiyo sababta aay arintaan uga hurdaan
iyo sababta aanay shaqadooda u qabasanayn.
D. In horyaalka dadka qaadaya isbaarada
marka qabiilku u caalwaayo laga dhigo culimada
islaamka oo hore u cadayday waxa uu yahay
isbaariste iyo waxa uu ka mudan yahay bulshada
dhexdeeda lagu baraarujiyo in arinta lagula
dagaalayo ay tahay JIHAAD fii sabili laah.
Dhamaad
F.G. Waxaan shaki badan ka jirin in
xubnaha labada gole ee muqdisho ku sugan ee uu
hogaaminayo shariif Hassan ay wali daba taagan
yihhiin Daacadnimodii ay arintan u bilaabeen iyo
in dibjirka la xareeyo , isbaaradana laga qaado
magaalada dhexdeeda, laakiin shacabka reer
muqdisho ayey taageeradooda la’ yihiin iyo inta
ay soomalinimo iyo wadaninimo ku danbeeyyso .
waxaan hubaa kuwa isbaarada qaadiwaayey in
taarikhda soomaliya ka gelayaan baal modoow oo
ummadu isku dayday in masaxdo oo ay cafiyaan .
maantase aay inoo cadaatay inaananay cafis rabin
oo ay ummada wali lugta jiidayaan. D=dhamaand
Waxaa diyaariyey
Hussein Abdikarim Ahmed ( Gendisch)
Raleigh, NC . USA
Hoss_abdi@msn.com