Dowladdii Waa Guurtay!
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh.
Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Inteynaan u gelin guuritaan,
waa maxay dowlad? Waxay ila tahay in maantoo kale aan
micnaha dolwad la weydiineyn hal-abuurro. Haddaad i rumeysan
weydaan dib u gocda heestii Oktoobar waa tee? Ama Oktoobar
waa daruur hilaacday oo Soomaali u da’day.
Waxaan aamminsanahay in
magaca dowlad uu leeyahay labo micne – mid saxaafadeed
haddaad rabto dheh mid suuqi ah iyo midka saxda ah. Haddaad
maqasho dowlad baa Carta ama Nairobi lagu dhisay waa mid
saxaafadeed (suuq) maxaa yeelay lama helayo eray kale oo loo
adeegsado. Mala dhihi karaa koox kubbad cag baa halkaas lagu
dhisay? Ama koox culumo ah? Maya, marka si dadku u fahmo in
siyaasad laga hadlayo ayaa la leeyahay dowlad baa la dhisay.
Waxaan xasuustaa caleen-shaah iyo saliido laga keenijiray
Kenya ooy ku qoranyihiin “made in Kenya” laakiin weligay
isma oran dowlad Soomaaliyeed baa la dhihidoonaa “made in
Kenya”!
Micnaha kale waa kan saxda
ah ee loo dejiyey erayga dowlad. Marka sida guud loo hadlayo,
dowladdu waxay u baahantahay qaran ay ku istaagto. Waxaan
aamminsanahay in qarankeennu ka koobanyahay diin, dad,
duunyo, degaan, bad iyo wax kasta oo dhulkeenna ka jira.
Haddii inta Kenya nooga maqan loo yaqaan dowlad xitaa
haddaad ku dartid xildhibaannada ama ergooyinkii sii joogay,
meeqay ka yihiin qaranka Soomaaliyeed? Istaatikis ahaan,
micno ma leh. Maaddaama, magaca dowlad uu ku weynyahay dadka
dunida seddexaad; aan ka dhigno qaranka guri weyn oo wax
kasta u dhanyihiin marka laga reebo tarniig/jiingad/laamiyeeri
welibana dad dhex deggenyahay dabadeedna aan dowladda ka
dhigno tarniiggaas si uu roobka, kuleylka iyo qorraxda u
cesho (cadow- gude iyo dibadba). Hal-abuur Soomaaliyeed baa
murti ku sarbeebay isagoo ku halqabsaday guri/qeymad wuxuu
yiri:
- Darmaa aqalka noo taal
- Ha dabayl badnaadee
- Wuusan nagu darrooreyn.
Dowladdii Marmuux Maxamed
Siyaad sidaas bey ahayd oo haba iska dhib badnaatee laakiin
arrinteennu marna faraha uma gasheen Zenawi.
Hadduu jiri lahaa qaran,
dadkiisu diyaarsanyihiin xitaa tan Mbagathi lagu dhisay,
inta diyaarad la soo saaro baan aqalkaas ku dadan lahayn.
Waxaan aamminsanahay in
dowlad lagu dhisi karo seddex qaab:
- Mid xigmad ku dhisan
sidii tii Nabi Muxamed (SCW) iyo Nabi Muuse (CS) dhiseen
oo kale dabadeedna Khulafadii Afarta ahayd ay wax ku
xukumeen. Muslimiintu Shuuro bey yaqaanaan.
- Mid ku dhisan xeel
sida midda dimuqraadiyadda saxda ah la isticmaalo; adoo
arkaya qofka xukunka ka sii dhacaya ama dib loo
dooranrabo oo wadnaha farta ku haya maxaa yeelay waxaa
arrintu gacanta ugu jirtaa shacabka. Tan mar dhow
Itoobiya ka dhacday ama waddamo badan oo dunida
seddexaad ah waxay u dhowdahay midda xoogga lagu dhiso.
- Mid xoog ku dhisan
sida kuwa cinqilaabka lagu qabsado.
Haddii qaran jiro xitaa
midda xooga lagu qabsado waa sahal iney wax xukunto. Bal dib
u fiiri Kacaankii 21 Oktoobar iyo dowladda Zenawi.
Haddii qaran jiro miyaa
madaxweynuhu Kenya ka oran lahaa: bakeyloow nin iyo bur!
Ileyn xildhibaannadii baa la yiri nin walboow tag meeshaad
ka soo jeeddo. Micnuhu waa nin walboow qabiilkaagii ku noqo!
Miyeynaan qabiil ka carareyn ooynaan qaran usoo carareyn?
Seddex sano ku dhowaad ka hor baa qof kasta qabiilkiisa la
joogay marka ma markii intaas oo maskax, muruq iyo maal
dadow la isticmaalay baa la leeyahay: nin kasta qabiilkiisa
ha u noqdo?
Qaranka, marka hal koox
laga reebo, inta kale waa kuwo naloo leyliyey oo xitaa
haddii afka gacanta loo gasho aan ku qaniineyn. Waa inta aan
dadka ahayn. Xitaa dadkoo dhan ma wada aha ee waa inta hubka
la ordeysa een rabin qaanuunka. Walaalayaaloow, ma haddii
dadka laga maaro helilahaa baa garoonka iyo dekedda Xamar ku
diidi lahaayeen in la furo? Ma iskuullo iyo isbitaallo
dunsan baa ku diidi lahaa in la dayac tiro? Dadka guud ahaan
oo qaarkood Ilaahii abuurtay ku caasiyey, qofkii raba inuu
raaco waa inuu la yimaa xirfad heer sare ah ileyn dadkuba
waxay iskaga badanyihiin kuwo madax adage.
Dowladda xikmadda lagu
dhisay iyo tan xeeladduba waxay ku taaganyihiin sharciyada u
yaal oo iyagu ma cadaabaan dadkooda laakiin midda xoogga
lagu dhisay meeshii tarniigga guriga dusha laga saari lahaa
baad mooddaa in inta dadka loo yeero la leeyahay idinku
tarniiga iyo alwaaxda oo is wata, dhinacyada ka qabta;
markaasaa, ninka xoogga wax ku qabsadaa uu halkaas qorraxda,
dabaysha iyo roobka ka galaa halka dadkii kale culaabtu
saarantahay. Waa arrintaas midda keenta in la arko qof u
gala waddan kale ooy dhici karto inuu cadow u yahay.
Caqligaa keenaya, in qofkii fursad u hela inuu culeyskaas ka
siibto uu ka siibto markay u suurtogasho laakiin in cadow ku
soo isticmaalo waa arrin fool xun.
Waxaa nasiibdarro ah in
dadka Soomaaliyeed intooda badan ay macnaha dowladda u
fahmeen sida micnaha suuqiga ah. Imisa meelood baa dowladda
looga dabbaaldegay? Imisa qof baa jago raadis ahayd?
Soomaalidaa tiraahda:
sheydaan nin hooyadiis qorrax u jiida waa yahay; habar
sheydaanna wax qorrax loo jiido waa tahay. Marka qaabkaas
qaran iyo dowlad uma shaqeeyaane maxaa noo dan ah? Qolooyin
wadaado ah baa jira oo iyagu hadday amiir maqlaanba leh hala
addeeco. Qabiil-isku-diidkuna waa arrin iska cad,
qabiilooyinka dhexdooda. Haddii Imaamku uu xoog dadkoo dhan
ku muquuniyo, hadal baa u furnaan lahaa kooxda hore laakiin
taasi hadda ma muuqato marka waxaa aniga igala habboon in la
yiraahdo labada kooxood oo iska soo horjeedaba aan isla
tuurno ileyn kulligood waa ilmo Mbagathi ama in la yiraahdo
inta loo garnaqo si caddaalad ah dabadeedna ciddii garta
diida hal dhinac looga soo wada jeesto.
In dowladdu labo macne kala
leedahay waxaa kuu caddeynaya guuritaankeedaas. Marka bal
hala arko in inta Muqdisho, Hargeysa, Kismaayo, Baydhabo iyo
Marka tagaan ka tashaan. Hadday maalmo gudahood inta
magaalooyinkaas tagaan ay xukumaan, anaa khaldan oo micnaha
dowladda Mbagathi lagu dhisay wadato waa kii saxda ahaa.
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: Somalitalk.com |
June 14, 2005
»Bogag
Soomaliyeed oo ku dhiiraday baahinta aflagaadada Islaamka
»DHIBAATADA
HAYSATA SOOMAALIDA KU NOOL WADDANKA YEMEN
»JAWAAB:
Maqaalkii Ogadenya vs Hargeysa | Maax
»Qaab
Nololeedka Soomaalida | Awes A.Osman
»MAXKAMADAHA
ISLAAMIGU, MA ISLAAM BAA? | Dr.Dhaanwade
»URURKII
NABAD DIIDKA AHAA OO 5 QAYBOOD U KALA JABAY
»Shariifow
(wixii xoog lagu qaado xoog baa lugu soo celiya) | C.M
»Geeddi:
“Meelna Gaari waa Geeddigaan Wadey” | C/waxid
»Xamar
ha iska xoreeyso isibaarda badatay
| Dirir
»Hargeysa
mise Hargageys. | Zahra
»Dib
allow u soo celi :: Doodwanaag
Q.37aad | Ing.
Guulwade
»Garaad
Sabool ah! |
Cabdillaahi C. Cige
»Hargeisa
vs Ogadenia | A Omar