Waxaa (13-06-2005) lagu
dhaariyay Xarunta Madaxtooyada Boosaaso DGPL Gudigii
Degaanka Degmada Boosaaso, Gudigaan oo ka kooban 25 oo lagu
soo daray 2 Xubnood kadib markii Beelaha Qaarkood ay u
Cuntami wayday Xubnaha ay Tiro ahaan ka heleen Gudigaas
kadibna ay Noqotay 27 Xubnood, Gudigaan oo ay madasha ka
Fadhiyeen 20 Xubnood ayaa la Dhaariyay, halka Xubnaha kale
ee Maqnaa ay Gudiga Qabanqaabinta ay ku sheegeen in ku maqan
yihiin soo Xalinta Qilaafaad Dhexdoodaa.
Waxaa dhaartii ka hor
halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka bari Dr: Yuusuf Waceys
Dhado oo ka warbixiyay Marxaladihii ay soo Martay soo
xulista Gudiga Degaanka Boosaaso iyo in uu maanta ku
faraxsan yahay sida howsha ay u soo dhamaatay, waxana uu ku
soo dhaweyay Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horamarinta Reer
miyiga DGPL Cali Cabdi Awaare oo ah Gudoomiyaha Gudiga
Qabanqaabada soo xulista Gudiga Degaanada Puntland, waxaa
Wasiirku ka warbixiyay ilaa xiligii ay bilaabeen howshaan in
ay ku soo guuleesteen Caasumada DGPL oo ah Degmada Garoowe
hadana maanta ayuu yiri loo fadhiyo Degmada Boosaaso oo ah
Caasimadii labaad ee DGPL taasna ay tahay Guul hadii aan
dhameeyaana waxaan u gudbidoonaa Degmooyinka kale ee DGPL
sida Magaalada Gaalkacyo, Laascaano, Baran, iyo Hadaaftimo.
Waxaa kadib la bilaabay
Dhaartii Xubnihii soo xaadiray oo dhamaa 20 Xubnood dhaartii
kadib ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo
Amniga DGPL Axmed Maxamed Xaabsade oo ku waaniyay Xubnaha in
ay ka Dhabeeyeen Dhaarta ay ku Dhaarteen ayna ku soo dooran
ninka ay u dooranayaan Gudoomiya Nin (u qalma).
Qaar kamida Gudiga Degaanka Degmada Boosaaso oo Dharanaya.
Qaar kamida Gudiga Degaanka Degmada Boosaaso oo Dharanaya.
Qaar kamida Gudiga Degaanka Degmada Boosaaso oo Dharanaya.
Qudbadahii iyo Dhaartii
kadib ayaa Xubnihii soo xaadiray iyo kuwa maqan lagu war
galiyay in Doorashadii Gudoomiyaha iyo Kuxigeenka Degmada la
samayn doono Bari (14-06-2005) Doorashada ka horna uu
Gudoomindoono Ninka ugu Dada weyn Xubnaha Gudiga Golaha
Degaanka Boosaaso