Madaxweynaha Soomaaliya
oo maanta ka dhoofay Nairobi kadib Munaasabado kala
duwan oo loogu sameeyay garoonka iyo Madaxtooyada kenya.
Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi
yuusuf Axmad ayaa uu gacan haatinayay Madaxweynaha Dalka
Kenya Mwai Kibaki, Madax kala duwan oo ka socotay
Caalamka iyo boqolaal ah Somalida ku nool Islii, xili uu
faaruqinayay halkii uu ka daganaa magaalada Nairobi oo u
ahayd xarun iyo xafiisba muddo sideed bilood ah ka dib
markii loo doortay madaxweynaha Somaliya, waxa uuna u
muujinayay beesha caalamka iyo Soomalidi goobta
joogtayba in uu maalin uun u hogaamin doono dalkiisa
Gollayaasha baarlamaanka iyo dowlada,si ay u gutaan
xilka ka saaran dadka iyo dalkaba nasiib wanaagna isga
uu yahay kan maanta bilaabay guuristaas,markaas oo uu sii
raacayay diyaarad qaas ah oo u sii waday dalka
Soomaaliya Galabnimadii Maanta,kadib munaasabado
sagootin ah oo ay ugu samaysay dowlada kenya
Madaxtooyada Madaxweyne Kibaki iyo garoonka caalamiga ah
ee Jommo Kenyatta.
Markii ugu horaysay ayaa
la simay Calanka Soomaaliya iyo kan Kenya,Qaar ka mid ah
Ciidamada Xooga dalka Kenya ayaa salaan sharafeed siiyay
Madaxweynaha Soomaaliya Mr.Abdullahi yuusuf Axmad,iyagoo
daba dhigay muusiga astaanta u ah calanka Jamhuuriyada
Soomaaliya,waxaa kale oo halkasi maanta lagu soo
bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee labada dal ee
Somaliya iyo Kenya.
Madaxweynaha dalka Kenya
Mwai kibaki iyo xubnihii kale ee beesha caalamka ayaa
dhamaatood u wada gacan haatinayay Madaxweyne C/llaahi
yuusuf Axmad oo muddo kadib u socda dalka uu
madaxweynaha u yahay ee Somaliya,waxa ayna u rajeeyeen
in ay uu xilka ummada u guto si cadaalad ah oo ay ku
jirto guud ahaan maslaxada dalka iyo dadka soomaaliyeed
oo wax badan wada sugayay shirkan iyo waliba goorta ay
soo guurayso dowladdaba.
Qudbad uu ka jeediyay
munaasabada saakay madaxweynaha Kenya ayaa ugu horeyn
waxa uu ugu mahadceliyay Madaxweynihii isaga ka horeeyay
ee oo furay shirka Soomaaliya 15 ogtoobar sanadkii 2002
magaalada Eldoret,waxa intaas ku daray kibaki in uu ku
farxad u tahay shacanka kenya iyo dowladoodaba,IGAD iyo
beesha caalamka in ay arkaan madaxdii Soomaaliya o usoca
dalkedikadib muddo dheer oo ay halkan joogeen shirkii
loo qabtayna ay ka soo baxday dowlad iyo baarlamaan,waxa
uuna ka dalbaday madaxda dowlada in ay xil iska saaraan
sidii ay Nabad ugu soo dabaali lahaayeen dalka Somaaliya
si ay u helaan taageerada Caalamka iyo tan shacaka
Soomaaliyeedba isagoo u rajeeyay madaxweynaha safarkiisa
uu bilaabay maanta ee ku wajahan din u guurista in ay
wax badan ka badasho xaalada dalka ee dhinaca amaanka.
Munaasadii saakay oo si
wayn looga soo qayb galay waxaa ay ahayd mid ay dowlada
kenya u sagootinaysay gabagabada dhamaadka shirkii
Soomaalida oo shalay la soo xiray,munaasadan waxaa ka
soo qayb galay xubno ka socday beesha caalamka oo uu ka
mid ahaa ergayga u qaabilsan xog-hayaha qaramada
midoobay arrimaha Soomaaliya,Mr Francois Lonseny Fall.
Madaxweyen C/llaahi yuusuf
oo ka hadlay goobta xafkada ayaa xusay sida uu muhiimad
gaar ah u siinayo ku laabashada dalkiisa ka dib muddo
fog oo ay halkani joogtay dowladiisa,wax uuna si gaar ah
ugu mahadceliyay Madaxweynaha iyo shacabka kenya oo xil
iska saaray soo dhawaynta xubnaha soomaaliyeed muddii ay
ku noolaayeen dalkooda,waxa kale oo uu mahad celin u
diray dowladaha Urur goboleedka IGAD iyo Beesha caalamka
oo iyagana ula garab taagnaa shirka soomaaliya taageero
dhaqaale iyo mid dhiiri galineed oo u aadan sidii ay u
heshiin lahaayeen dadkooda iyo dalkoodana u badbaadin
lahaayeen,waxa uu balan qaadan C/llaahi Yuusuf in uu ka
soo baxayo waajibaadka saaran isagoo ka dalbaday beesha
caalamka in aysan dayacin dowladan.
Guud ahaan qudbooyinka
Madaxda Soomaalida ayaa u badnaa mahadcelin iyo
macasalaamayn u ay dirayeen dowladaha IGAD iyo Beesha
caalamka,waxa ayna ku soo dhamaatay jawi farxadeed iyo
sagootin ay ka muuqatay.
Munaasadaas waxaa ku
xigtay mid kale oo lagu sameeyay xarunta JKI oo ku taala
garoonka Jommo kenyatta ee Nairobi,waxana iskugu yimid
dadweyne sagotinayay madaxweynaha Soomaaliya u dhoofayay
dalka Soomaaliya.
Canab Mumtaz | SomaliTalk
| Nairobi
Email:
canabmumtaz@yahoo.com
C/Laahi Yuusuf oo Khudbad
Sagootin ah u Jeediyey Reer Kenya...
June 13, 2005 | Nairobi, Kenya
Madaxweynaha
DFKMG, C/Laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta, June 13, 2005, waxa
uu khudbad ka jeediyey guriga looga arrimiyo Kenya ee loo
yaqaan 'State House', khudbadaas oo ahayd sagootin reer
Kenya iyo hor dhac u guuritaan dalka Soomaaliya ay dawlada
FKMG guureyso laga bilaabo maanta. Khudbadiisii C/laahi
Yuusuf waxa uu ku xusay in Soomaaliya aysan keligeed istaagi
karayn haddii aysan taageero ka helin guud ahaan beesha caalamka iyo
dalalka
gobolka.
Madaxweynaha Kenya, Mwai
Kibaki, oo halkaas khudbad sagootin ah ka jeediyey waxa uu
yiri : "Muhiimada koowaad waa in la siiyo in dawlada
Soomaaliya ay guurto geedi aan dib loo dhigayn, si loogu
gogol xaaro dib u dhiska dalka Soomaaliya".
Ra'iisul wasaaraha DFKMG,
Cali Maxamed Geedi waxa uu u xaqiijiyey madaxweyne Kibaki in ay
guurayaan kaddib markii ay sagaal bilood deganayeen
hoteelada Nairobi, waxana uu prof. Geedi yiri: "Dhammaantaya
waxaan u safreynaa Soomaaliya maalmaha soo socda si aan ugu
adeegno dadka Soomaaliyeed, una taageerno nabada iyo wada
heshiisiinta iyo ka qayb qaadashada dib u dejinta."
Waxaa wararku sheegayaan in
Prof. Geeddi uu Soomaaliya u safri doono dhammaadka
toddobaadkan, waxana uu marka hore tegi doonaa magaalada
Jawhar, halkaas oo la sheegay in uu kasii aadi doono meel
aan la cayimin.
Wasiirada iyo saraakiisha
sarsare ee dawlada Soomaaliya waxay u safri doonaan meelo
kala duwan oo dalka Soomaaliya ah iyo wadamo dibadaha ah.
Madaxweyne C/Laahi Yuusuf
iyo ra'iisul wasaare Geeddi intii aysan joogeen guriga
(State House) waxaa u hambalyeeyey xubnaha ka tirsan labada
gole ee Dawlada FKMG.
Dhanka kale wadamada IGAD
waxa ay beesha caalamka ka codsadeen in Soomaaliya laga
qaado cunaqabataynta xagga hubka, si ayey yiraahdeen wadada
loogu furo hubka ay wataan ciidamada nabad ilaalinta ee la
qorsheynayo in ay tagaan Soomaaliya.
Ciidanka ugu horeeya waxaa
la filayaa in ay ka yimaadaan dalalka Suudaan iyo Uganda,
ciidaankaas oo loo yaqaan IGASOM ma cada waqtiga ay tegayaan
Soomaaliya maadama labada dal ee ciidankaasi ka imanayaa ay
dhowaanahan muujinayeen deganaansho la'aanta ka jirta xagga
ammaanka Soomaaliya in ay caqabad ku noqon karto in
ciidaankaasi aadaan Soomaaliya.
Isha: Sawirada: REUTERS | June 13, 2005
Wararkii Shalay:::
Madaxweynaha dowlada FKMG ah ayaa
kala diray baarlamaanka kadib markii la soo xiray
kalfadhigii 1aad.
Madaxweynaha
dowlada FKMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmad ayaa
maanta soo xiray Kalfadhigii kowaad ee baarlamaanka FKMG ah
ee Somaliya kadib markii sida ku xusan xeer hoosaadka
baarlamaanka ay tahay sharciyan in bisha juun 12 keeda la
soo gabagabeeyo sida uu sheegay shir gudoonki shirka ee
maanta Prof Maxamad Cumar Dalxa.
Halka uu ka dhacayay shirka
baarlamaanka ee ugu dambeeyay maanta lana soo xiray ayaa
ahayd xarunta shirarka ee kenyatta.KICC ee magaalada Nairobi
waxaana ka soo qayb galay kulankan maanta xilidhibaano
gaaraya 115, waxaa kale oo maanta goobta shirka lagu
dhaariyay xildhibaan lagu badalay booskii Allaha u
naxariistee Maxamad Cumar Gaani oo lagu magacaabo
Sharma'arke Maxamad, waxaa kale oo la dhaariyay 10 xubnood oo
iskugu jira wasiiro ku xigeeno iyo W/dowlayaal dhawaana loo magacaabay jagooyinkaas
oo qaarkood lagu
badalay xubno ka maqan Nairobi laguna eedeynayay Xil gudasho
La'aan.
Ra'iisul wasaare Geeddi oo
kulankan ka hadlay ayaa sheegay dhinaciisa in dowladiisa ay
kala dagi doonto meelihii loo qoondeeyay ee jowhar iyo
baydhabo maalamaha soo socda isaguna xafiis ka furan doono
magaalada Mogadisho si ay dowladu uga shaqayso halkaas,waxa
uuna u sharaxay labada golle xaflad lagu soo xirayo shirka
soomaalida mudada fog uga socda dalka kenya iyo sida looga
qaybgalayo iyo waliba ujeeda munaasadbaasi waxa uuna daba
dhigay isla bari la guurayo iyadoo la tagayo dalka
Somaliya,waxa kale oo uu xusayn ciidamadii la sugayo amaanka
dalka xasilin lahaa.
Madaxweynaha Dowlada FKMG
ah oo qudbad u jeedinayay Baarlamaanka ayaa sheegay in fasax
shaqo oo ah laba bilood ugu maqnaan doonaan Baarlamaanka
guud ahaan gobolada uu ka koobmo dalka,Waxa ayna ka shaqayn
doonaan ayuu yiri sidii loo soo celin lahaa Amaanka Somaliya
gaar ahaan meelaha ay ka jiraan wali Nabadgalyo Xumada.
Madaxweynaha ayaa intaas ku
daray in dalka uu kenya muda badan la joogay xiligan waxii
ka dambeeya waxii loo joogana ay tahay danta qaranka oo la
dayacayo,isagan uu u bilaabi doono safarkaas ah sidii loo
tagi lahaa dalka,waxa uuna kula kaftamayay in xildhibaano
badani ku mashquuleen cunida jaad waxa uuna ku wargaliyay in
xitaa dalka gudahiisa laga heli karo hadii loo baahdo jaad
ee mar uun laga tago halkan.
C/llaahi yuusuf Axmad waxa
xusay in isla bari marka la soo xiro munaasabada uu
baarlamaanaka kula hadli doona garoonka Magaalada Nairobi
uuna u safri doono dalka Qadar, si uu uga qayb galo shir
halkaasi ka dhacaya kadibna uu toos u abaari doono dalka
gudahiisa (Garoowe) waxa uuna ku balamay baarlamaanka in ay
Nabad ka shaqeeyaan inta ka horeysa labada bilood ee uu
kalfadhigani xirnaan doono hadii aysan imaanin arrimo dag
dag ah oo baarlamaanka la'iskugu yeero.
Dhinaca kale waxaa maanta
lagu qaybiyay shirka warqad uu soo diray kuna saxiixnaa
gudoomiyaha baarlamaanka oo sheegaysa in ay uu gudoomiyaha
baarlamaanka Shariif Xasan Sh.Aadan uu kordhiyay mudada uu
sii shaqayn karo baaralamaanka sababo la xiriira
miisaaniyada dowlada oo u baahan in laga doodo, amaanka
dalka, dib u heshiisiinta iyo waliba howlaha xalinta
khilaafaadka dartood oo jira una baahan in la xaliyo uu
kordhiyay mudadaas sii socoshada fadhiyada baarlamaanka ah.
Gudoomiyaha waxa uu intaas
ku daray in bishan 25keeda uu iskugu yeerayo shir dhamaan
xubnaha baarlamaanka ee ku kala maqan dalka gudahiisa iyo
dibadiisa,si loo dhameeyo ayuu yiri Mas'uuliyada saaran
baarlamaanka iyo marxalada jirta xiligan ee ah dagaalada
dalka ka soconaya oo u baahan dib u heshiisiin iyo nabadayn
hab beeleed iyo hab nidaameedba ku wajahan.
Qoraalkan oo loo qaybiyay
xubnihii shirka joogay maanta ayaa qaarkood waxa ay ku
tilmaamaameen in qoraalka gudoomiyuhu uusan waafaqsanayn
sharciga, wax ayn ku eedaynayeen qaarkood sida ay hadalka u
dhigeen in gudoomiyaha uu faraha la galay howlihii dowlada
ay lahady in la qabato,xildhibaan ka mid ah kuwii soo
jeedinayay hadaladan oo aan wax ka waydiiyay sababta ka
reebaysa gudoomiyaha in uu sameeyo wax walba oo u muuqda xal
mar hadii ay dowladdu tagi waysay caasimada ayaa sheegay in
ay ahayd ugu yaraan in uu soo wargaliyo dowlada waxa uu
qabanayo hadii kale ay noqonayso xad gudub uu ku sameeyay
howlahada dowlada.
Madaxweynaha Kenya, Kibaki,
ayaa berri subax (June 13) waxa uu Soomaalida u samayn
doonaa xaflad saagootin ah, kaddibna madaxweynaha DFKMG waxa
uu duuli doono garoonka
Jomo
Kenyatta
halkaas oo ciidamada kenya ay
salaan ku siin doonaan, waxaan uu toos ugu duuli doonaa
Qadar, kadibna Soomaaliya.
Warbixintii: Canab
Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
Email:
canabmumtaz@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 12, 2005