Wasiir ku xigeenka W/Horumarinta
R/Miyiga Dhirta iyo Daaqa ee DFKGS oo ka furay Xafiis
Gobolka Sanaag, Degmada Dhahar.
W.D:
c/fatax jaamac | Bosaso
Email:
somalitalkpl@yahoo.com
June 12, 2005
Waxaa
noo suuragashay aan la xiriirno Wasiir kuxigeenka W/Horumarinta
R/Miyiga Dhirta iyo Daaqa ee DFKGS Horn: Saciid Xasan Shire
isagoo ku sugan xiligaa Degmada Dhahar oo uu ka furay Xafiis
uu ku magaacaabay Xafiiska Xiriirka iyo Wacyi galinta
Dadweynah ee DFKGS.
Waxaa aan ugu horeentii wax
ka waydiinay ugu Horeentii Xafiiskaa sababaha uu u furay iyo
inu doonayo in uu meelo kale ka furi doono Waxaana uu ku
jawaabay
Sababaha aan u furnay
Xafiiska waxaa la socotaan in ay soo guurayso 14/06/2005
Dowlada ayna ka howl galayso dhamaan Gobolda Dalka iyo
maamuladaba marka xafiiskaan wuxuu qayb ka yahay Xafiisyada
ay ka howlgali doonaan Xubnaha labada Gole ee Dowlada ee ku
soo laaban doona dalka, waxaana Xafiisyo la mida ka furi
doonaa Gobolka Sanaag oo dhan sida Qorshaha noogu jirta.
Waxaan wax ka waydiinay
Waxyaabaha uu ku arkay G/Sanaag intii uu maraayay waxaana uu
ku jawaabay:
G/sanaag waxaa si Wanaagsan
uga da,ay Roobabkii Guga waana Illaahay mahadii wax dhibaata
ahna kama jiraan waxaa ugu daran Xaalufinta dhirta ee
Degaanka iyo Gubida Dhuxusha oo meelo ka mida Gobolka si
xowli ah uga socota iydana waxaan hada wadnaa sidii wax
looga qaban lahaa inagoo la kaashanayna Maamulka ka jira
Degaanadaas.
Waxaan kaloo waydiinayay
meelaha kale ee uu booqday ee ilaa xiligii uu yimi dalka
waxaana uu ku jawaabay.
Waxaan booqday Gobolka Bari
oo aan kula kulmay Qayb ka mida Madaxda Puntland sida
Madaxweynah DGPL Gen: Cade Muuse oo aan ka wada hadalnay
sidii dagaanada G/Sanaag wax looga qaban lahaa maadama ay ka
jiraan Dhibaatooyin ay u wayntahay Xaalufinta Dhulka Wuxuuna
balan qaaday in uu Arimahaas wixii awoodiisaa uu wax ka
qaban doono waxaan kaloo booqday Magaalooyin ka mida
Degaanka G/Sanaag.
Waxaan kaloo waydiinay inay
jiraan Xubno kale oo ka tirsan DFKGS oo imanaya G/sanaag
waxaana uu ku jawaabay.
Waxaan filaynaa in ay
imanayaan Wafdi balaran oo mari doona Degaanada Puntland oo
dhan marka ay Dowlada dib ugu soo noqoto Wadanka.
Waxaan kaloo wax ka
waydiinay Qilaafka Labada Gole ee sii xoogaysanaaya waxaana
uu ku jawaabay.
Waa jiraa in uu qilaafkaa jiro
waana qilaaf Rayi oo labada gole ay isku hayaan .
Boosaaso: Madaxweyne
kuxigeenka DGPL oo kasoo Laabtay Itoobiya
W.D:
c/fatax jaamac | Bosaso
Email:
somalitalkpl@yahoo.com
June 11, 2005
Madaxweyne
kuxigeenka DGPL Xasan Daahir Afqurac oo shalay dib ugu soo
laabtay Magaalada Boosaaso ayaa ka war bixiyay Safarkiisii
uu ku tagay Dalka Ethopia isaga iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo
uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf
(Gaagaab) mar uu u waramaayay Idaacadda SBC ee ka How gasha
Gobolada Puntland ayuu u sheegay in ay martiqaad ay ka
heleen dawladda Itoobiya uuna ku saabsanaa Casumaad loo
sameeyey Dadka Taageersan DFKGS iyadoo la raadinaayo sidii
ay Dib ugu soo guuri lahayd Dalk Gudahiis ay ka wada hadleen
Xubno ka socda Gobolada kale Soomaaliya Xubnahaa oo ah kuwa
tageersan Dowlada Waxaana ka soo qayb galay ayuu yiri
Madaxweyne ku xigeenka Gobolada Baladweyne, Baydhabo, Gado,
iyo kuwo kale oo ka mida Gobolada Soomaaliya.
Waxaa kaloo aan kawada
hadlaynay ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka sidii loo xoojin
lahaa xiriirka u dhexeeya Puntland iyo Ethopia.
Madxweyne kuxigeenka Xasan Daahir Afqurac mar aay wax ka
weydiisey Idaacada halka uu ku dambeeyey xiriirkii ganacsi
ee labada dhinaca Puntland iyo Ethiopia ayadoo ay jirtay
Heshiis uu soo saxiixay Wasiirka Ganacsiga DGPL Mudane
Bindho ayuu u sheegay Idaacada in xiriirkii halkiisii taagan
yahay iyadoo lagu heshiiyey in barta ganacsi ee wax la isku
dhaafsanayo ay noqoneyso magaalada Wardheer.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale maanta Kormeer ku tagay
Dhismaha Garoonka Diyaaradaha iyo Dekada Boosaaso isagoo
Warbixin kaga Dhagaystay masuuliyiinta Goobahaa.
W.D:
c/fatax jaamac | Bosaso
Email:
somalitalkpl@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 11, 2005
Madaxweynaha DGPL oo u
Safray UAE & NRBI
»Cadde
Muuse waxaa Nairobi ku Casumey MDFKMG
»Ciidamo
ka tirsan I/Dooxada Juba oo ku sii jeeda C/Waaq
Wararka oo dhan ka
akhri halkan... Guji..
JWXO oo Bayaan ka soo
saartay xaaladda murugsan ee Itoobiya
»Madaxda
mucaaradka Itoobiya oo guryahooda lagu xabisay
»Mac-hadka
Saxaafadda Adduunka oo Itoobiya
»Barnaamijkii
muxuu yidhi abwaanku iyo Idaajaa
Warka oo dhan ka akhri
halkan... Guji... Jun 10
Magacyada Guddiga Dib
u Heshiisiinta ee uu Magcaabay Geeddi
Cali Maxamad Gedi ayaa magacaabay xilal kala
duwan iyo guddi dib u heshiineed oo ka kooban 27...
Guji..
Warbixin: Dagaalka Ka
Dhacay Baladweyne
»Waxaa
laga dayriyey khasaarooyinka dagaalka B/weyne
»Talyaaniga:
Muhiimad gaar ah ma siineyno Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji..
Jun 9
Addis Ababa: 22 Qof
ayaa la Diley, Boqolaal Kalena Waa la Dhaawacay
»Labada
Gole ee DFKMG oo Laga Saaray Hotel 680, Nairobi
»Isbaarooyinkii
Muqdisho oo Qaarkood oo dib loo soo celiyey
»Soomaalida
oo ka qeybgashay dood ka dhacday B/Sweden
»Wadahadalladii
Beledxaawo & Mandera oo la gabagabeeyey
Wararka oo dhan ka akhri halkan...Guji
Jun 8
Dagaal Ka Dhacay
Shilaabo dusheeda
iyo
Idaajaa oo ku baaqay in JWXO la taageero
Guji...
Cali Geddi oo ka Dagay
Jowhar
Ra'iisulwasaaraha dowlada FKMG ah
iyo xubno uu hogaamiyo uuna ka mid yahay Wasiirka ..
Guji Jun 7
Nin Jarmal ah
oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii
waalid.