SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO
Daabaco Boggan | Print

Waxaa Magaalada Boosaaso laga furay Warshada CocaCola, Fanta...

Noocyada Cabitaanka oo Midmid laga soo bixiyay

Cabitaanka 7_up ah

Cabitaanka Biyaha Safaysan ah

Cabitaanka CocaCola ah

Cabitaanka Trobikal Frut ah

WERSHEDDA CABITAANKA EE KAWSAR 


Eng Cabdicaziiz Bilaal

Waxaa laga furay magaalada Boosaaso Warshad soo saarta Cabitaanka Coca Cola, Fanta iyo Noocyo kale oo Cabitaana loona isticmaalayo Dhalooyin mar kaliya lagu Isticmaalayo (One Time Use). Warshada iyo Aasaaskeeda oo uu warbixin naga siiyay Eng. Cabdicaziiz Bilaal oo ka mid ah Mulkiilayaasha Warshada waxana uu warbixintiisa ku bilaabay sidaan:

Eng: Cabdicaziiz:- Mahad waxaa iska leh Rabbigii inooku  nimceeyey nimcooyinka kuwa muuqda iyo kuwa qarsoonba, kuwaas oo aan marnaba lasoo koobi karin, nebigiisana nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaato.

Waxaa ku shirkoobay Warshadaan Ganacsatado Soomaaliyeed oo ku kala nool Dalka gudihiisa iyo Dibadiisa Waxaan kaloo kuu sheegayaa taariikhdii la asaasay wershedda cabitaanka ee Kawsar iyo goortii ay dhaqan gashay. 

Sanadku markuu ahaa 2002 dii ayaa waxaa bilaabatay hindiso,is-abaabul iyo isku duba rid. Waxaa markaana xooga lasaaray oo lamuujiyey dadaal lixaad lex kaas oo lagu doonayey sida ugu fudud ee arinkan uu ku hirgeli lahaa. Wax yar ka dib waxaa hirgalay hindisihii iyo himilooyinkii uu qof walba xanbaarsanaa taas oo la orankaro waxay noqotay murtidii somaliyeed ee ahayd:
”Wixii rag u kaco rabbina aqbalo way rumoobaan” 

Noocyada cabitaanka

Kadib markii ay ogolaatay shirkad aan Ogolaasha ka soo qaadanay in xiriiir ganacsi iyo iskaashiba ay layeelanayso shirkadda kawsar, ayaa waxaa fursad loohelay in lala kulmay laba nin oo khibrad iyo waayo aragnimo u leh samaynta cabitaanka waxbadana kasoo shaqanayey wershedo kala duwan oo yurub gudaheeda ah. Mid kamida Nimankaa wuxuu ahaa nin khibrad weyn leh oo u qaabilsan Microbiology-ga qaybta caafimaadka iyo baarista maadooyinka cabitaanku ka koobanyahay. Kan kalena wuxuu ahaa Chemical analyst qaybta tayada (Quality control) kuna fara dhuudhuuban daraasaynta maadooyinka dhadhanka. Raggaa waxaa weheleyey nin somali oo ah Aniga Cabdicaziiz, soona bartay chemical analyst kana shaqaynaayey muddo dheer wershed ka mida wershedaha caalamiga ah ee cabitaanada sameeya ee ku taal Netherlands, qaybta tayada "Quality-ga" dhinaca baarista maadooyinka chemicada, biyaha iyo ansixinta cabitaanka, waxaana u laahaa fikradda samaynta cabitaanka wershedda Anigoo ka faa'iidaysanaayey fursaddahaas lana kaashanaayey shaybaaradaas (Laboratory). Taas oo macnaheedu yahay in awooda lasaaray baaritaan cilmiyaysan si loo helo nooca cabitaanka ugu fiican tayo iyo tiroba.

Waxaa baaritaankan lagu sameeyey iyadoo la adeegsanaayo shaybaaro caalami ah noocyada cabitaanka iyo miisaamidda dhadhanka muddo ilaa 7 bilood dhan sidii loo dejinlahaa nooca cabitaanka loobaahan yahay iyo isu miisaamidda dhadhanka.

Waxay nimankaani baaritaanka wadeen ilaa muddada kor lagu xusay ay wadeen sidii kor loogu qaadi lahaa Cabitaanka diyaarna u yihiin inay shirkadda ku caawinaan wixii aqoontooda ah inkasta oo aan baahi saa u weyn oo looga baahan yahay aysan jirin isku filnaan awgeed.

Waxaa farxad weyn u noqotay shirkadda Kawsar in natiijadii kasoo baxday baaritaanka ay noqotay mid lagu guulaystey.

Cabitaanada ay shirkaddu haatan ay soo saarto waxay kala yihiin:           

  • 1-     noocyada dhadhanka CocaCola 400ml
  • 2-     noocyada dhadhanka Orangada (Fanta) 400ml
  • 3-     noocyada dhadhanka lemon-lime (7 up) 400ml
  • 4-     noocyada dhadhanka Tropical Fruits. 400ml
  • 5-     Biyaha macaan oo caagadaysan (750 ml & 1000 ml)
  • 6-     Carbonated water (SODA-WATER 400 ml)
  • 7-     Light-products (cola-light) 400ml

iyo noocyo kale, kuna xiran hadba sida dadku inooga dalbado. 

Tayada cabitaankan wuxuu u dhigmaa ama lamidyahay noocyada cabitaanka ee yurub laga isticmaalo. 

Warbixintaa kadib ayaa Eng: Cabdicaziiz uu ii sheegay in aad ay u heleen suuq fiican oo hada Cabitaanka Kowsar laga isticmaalo magaalooyin badan oo ka mida Puntland oo mar uu i geeyey Baqaarada uu i tusan Cabitaan badan oo Dalab ay ku sameeyeen ayna u rari doonaan Magaalooyinka Gaalkacyo, Laascaano, iyo kuwo badan tasoo keentay Dhadhanka oo ay dadku jeclaadeen.

W.D: c/fatax jaamac | Bosaso
Email: somalitalkpl@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 12, 2005


Wershedo yaryar oo Laga Furay Boosaaso  ::: 2004

Boosaaso oo Laga Furay Wershedo Yaryar oo soo Saaraya Saabuunta, Shaambada iyo Buskudka
Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 17/03/004 uu Furay wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha DGPL Ing Faarax Maxamuud Yuusuf Dooxajoog warshado yaryar oo soo Saaraya Saabuunta, Shaambada iyo Buskudka, Waxaa kaloo Weheliyay oo uu Furay Faratooyada Shiida Dhagaxda Lagu Shubo Guryayha iyo Laamiyada, Dhagaxdaas oo loo yaqaan Jaayga oo ay hir galiyeen Ganacsato Soomaalaiyeed.. Guji..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD