- Madaxweynaha DGPL iyo Wafdi uu
hogaaminaayo oo u safar Dalalka Emaradka iyo Kenya...
- Qaar ka mid ah cutubyada
ciidanka isbahaysiga dooxada jubba oo ku sii qulqulaya deegaanka
ceelwaaq
Madaxweynaha DGPL iyo Wafdi uu
hogaaminaayo oo u safar Dalalka Emaradka iyo Kenya...
Madaxewynaha oo ay socdaan Garbahiisa qaar ka
mida Ganacsatada Puntland
Madaxewynaha oo Kormeeraya Dhismaha Airoport Boosaaso
Madaxweynaha oo Safarkiisa uu_ku weheliyo Nin Austaralian ah_oo
Doonaya in uu maalgashi ku sameeyo Puntland
Madaxweynaha oo_u waramaya Tv Caalamiya Diyaarada Albaabkeeda |
Madaxweynaha DGPL Gen. Maxamud Muuse
Xirsi (Cade) iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo uu ka mid ahaa Wasiirka
Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamigaa Dr. C/raxman Faroole ayaa maanta
safar ugu Ambabaxay Dalalka Emaradka iyo Kenya, sida uu Saxaafada u
sheegay Madaxweynaha ayaa waxa uu marka ugu horeysa ku hormari doonaan
Dalka Emaaraatka oo ay hore wafdi uga yimaadeen Gobolda Puntland kuwaas
oo ahaa Ganacsato iyo khuboro kale oo ay ka mid yihiin Injineero
cabiraayay Garoonka Diyaaradaha iyo Dekada Boosaaso oo ay Mandaqada
Sharja hore ugu balanqaaday sidii loo balaarin lahaa, Madaxweynaha oo ka
hadlaaya Safarka ay u tagayaan Dalka Kenya ayaa sheegay in ay Casumaad
ka heleen Madaxweynaha DFKGS Col. Cabdulaahi Yuusuf si ay uga qayb
galaan Xaflada soo guurista DFKGS oo lagu wado in ay dhacdo maalmaha
nagu soo aadan.
Madaxweynaha DGPL ayaa intuu uusan ka
amba bixin Garoonka booqday Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.
Madaxweynah oo ka hadlaayey
Nabadgalyada isagoo ka faa,iidaysanaya Fursada Saxaafada sii say si uu u
gaarsiiyo Dadweynaha ayuu faray in la adkeeyo nabadgalyada.
Iyadoo ay jireen Dilal kala duwan oo ka
dhacay magaalooyin ka mida Puntland oo ay ugu weynthay Dilkii ka dhacay
Xabsiga Garoowe oo aan wali gacanta lagu soo dhigin Nimankii gaystay
Dilkaa lakiin uu sheegay Madaxweynuhu mar uu la hadlayay saxaafada
maanta ka hor in ay balan qadeen in ay soo qabtaan Beelihii ay ka
dhasheen nimankaa.
Dhanka kale warar aan ka helnay ilo xog
ogaal ah ayaa sheegaya in ay wada hadal u socdo labdii Beelood (ee
Garoowe).
Madaxweynaha DGPL ayaa waxaa Garoonka
diyaaradaha ku sii dhaweyay Xubno ka mida wasiirada DGPL iyo DFKGS iyo
Xubno kale oo ka mida maamulka Gobolka Bari.
Wasiirka qorsheynta DGPL Dr. CAbdiraxmaan Faoole
|
Wasiiro, xildhibaano iyo Odayaal sii dhaweynaya
MDGPL |
Muuqaalka Guud ee Dhismaha
oo ka socda Airport Boosaaso |
c/fatax
jaamac | Boosaaso |
somalitalkpl@yahoo.com | Jun 10, 2005
Qaar ka mid ah cutubyada ciidanka
isbahaysiga dooxada jubba iyo gaawaari tikniko ah oo ku sii qulqulaya
deegaanka ceelwaaq
Golaha hogaaminta Isbahaysiga Dooxada Jubba
iyo gudoonka sare ee isbahaysiga ayaa galabta kullankii labaad ee albaabadu
uxiran yihiin ku yeeshay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada
kismaayo si ay gurmad ugu diraan "Ciidamada Difaaca Gedo", waa sida warku u
dhigaye..
Kulamadaan
oo uu shir gudoominayay Col. Barre Aaden Shire ayaa waxaa ka qayb galay
mas,uuliyiin, aqoonyahanno iyo ragga beelaha hogaamiya ee saamaynta ku leh
magaalada kismaayo iyo gobolka Gedo.
Waxaa shirka hareeyay dooda la xariirta sida loo dirayo ciidamadaan iyo
tiradooda iyo waliba saanad iyo dhaqaale deg deg ah oo sida ay sheegeen loo
baahanyahay in la gaarsiiyo maleeshiyada difaaca gobolka Gedo oo ay
maleeyshiyo beesha Garre ay isku horfadhiyaan magaalada Ceelwaaq.
Kulamadaan xasaasiga ah oo loo diiday saxaafada ayaa waxaa ka soo baxay
go'aamo ay ka mid yihiin in loo diro qaar ka mid ah ciidamada isbaheysiga oo
ay taageerayaan gaadiidka dagaalka oo tiknikada loo yaqaan. Ciidamadaan ayaa
warar soo baxaya waxaa ay sheegayan in ay iminka isku urursanayaan saldhiga
Shiirkole oo ka mid ah baraha ay degan yihiin ciidamada isbahaysiga, waxaana
hogaamin doona Sargaal lagu magacaabo Aaden Garaar oo ka mid saraakiisha
taliska ciidamada isbahaysiga dooxada jubba sida uu xaqiijiyeen warar ku
dhowdhow isbahaysiga.
Ciiidamadan la dirayo ayaa waxaa ay ka kala imaanayaa dhinacyada maamulka
sida ilaalada garoonka, dekadda, Guutada Koowaad iyo labaad, Istaafyada
Saraakiisha iyo ciidamada taliska dhexe. Waxaana tani ay noqonaysaa
diyaargawgii ugu adkaa ee abid ay sameeyaan isbahaysiga dooxada jubba oo
saamayn ku yeelanaya dagaal ka baxsan kismaayo.
Laakiin ma ahan markii ugu horaysay ee maleeshiyooyinka daacada u ah Col.
Barre Hiiraale oo lixdii sano ee ugu dambaysay gacanta ku hayay magaalada
kismayo ay ka qeybgalaan difaaca gobalka Gedo. Iyada oo sanadkii 2002 ay
magaalada Baardheere kula dagaalameen xoogagii ka soo kala jeeday ururada
SPM/SRRC iyo RRA oo doonayay in gacanta ku dhigaan magaalada Baardheere oo
istiraatiiji u ah dhaqdhaqaaqa deegaanada uu maro wabiga jubba ee
jamhuuriyada soomaaliya.
Dhanka kalana waxaa la xaqiijinayaa ciidamo tira badan oo si lixaad leh u
hubaysan in ay ka ruqaansadeen degmooyinka G/Gedo iyaga oo ku siijeeda
degmada C/Waaq.
cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliay
cabdiqadar84@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2005
JWXO oo Bayaan ka soo
saartay xaaladda murugsan ee Itoobiya
»Madaxda
mucaaradka Itoobiya oo guryahooda lagu xabisay
»Mac-hadka
Saxaafadda Adduunka oo Itoobiya
»Barnaamijkii
muxuu yidhi abwaanku iyo Idaajaa
Warka oo dhan ka akhri
halkan... Guji... Jun 10
Magacyada Guddiga Dib
u Heshiisiinta ee uu Magcaabay Geeddi
Cali Maxamad Gedi ayaa magacaabay xilal kala
duwan iyo guddi dib u heshiineed oo ka kooban 27...
Guji..