Barnaamijkii Radio
Xoriyo
10 Jun. 2005
-
Madaxda
mucaaradka
Itoobiya oo
guryahooda lagu
xabisay.
-
Safiirrada
dowladaha deeqda
bixiya oo bayaan
ka soo saaray
xaaladda qasan
ee Itoobiya.
-
Midowga Yurub oo
Zenawi ka dalbay
inuu is-dejiyo.
-
Mac-hadka
Saxaafadda
Adduunka oo
Itoobiya
canbaareeyay.
-
Bayaan ku
saabsan xaaladda
murugsan ee
Itoobiya oo JWXO
soo saartay.
-
Barnaamijkii
muxuu yidhi
abwaanku iyo
Idaajaa.
======================
Ciidammada ammaanka
ee xukuumadda
Itoobiya ayaa isku
wareejiyay guryaha
iyo xafiisyada
madaxda xisbiyada
mucaaradka ah,
waxaana loo diiday
inay wax dhaqdhaqaaq
ah sameeyaan.
Arrintan ayaa ka
denbaysay, ka dib
markii toddobaadkan
oo dhan ka socdeen
magaalada Addis
Ababa isku dhacyo u
dhexeeya ciidammada
ammaanka iyo dad
bannaanbaxyo
samaynayay. Waxaana
isku dhacyadaas ilaa
iyo hadda ku dhintay,
inta ay dawladu
qiratay 26 qof..
Hooggaamiyaha
xisbiga ugu wayn
xisbiyada mucaaradka
ah ah e CUD ayaa
sheegay in loo
diiday inuu
gurigiisa ka baxo,
isla markaana ay
waardiye ka hayaan
ciidammo aad u badan.
Xisbiga CUD wuxuu
sidoo kale sheegay
in 14 ka mid ah
xubnihiisa xabsiga
loo taxaabay,
saacado yar ka dib
markii ay ciidammada
ammaanku arbacadii
rasaas ooda kaga
qaadeen dad ku
bannaanbaxayay
badhtamaha magaalada
Addis Ababa.
Xubnahan xabsiga loo
taxaabay ayaa
dhammaantood ka
tirsan masuuliyiinta
maamulka dhexe ee
xisbiga CUD ee
mucaaradka ah, 12 ka
mid ah mucaaradkaas
la xidh-xidhay ayaa
laga qabtay
magaalada Addis
Ababa, halka 2
kalana laga qabtay
magaalada Jimma.
Ciidammada ammaanka
ee gumaysiga
Itoobiya ayaa rasaas
arbacadii ku furay
dad bannaanbax
samaynayay, waxayna
isla goobtii ku
dileen
22
qof , in ka badan 100 qofna u gaysteen dhaawacyo iskugu jira halis iyo
kuwa sahlan.
Isbitaal ku yaalla
badhtamaha magaalada
Addis Ababa ayaa la
keenay maydka 11 qof,
oo ugu yaraan 4 ka
mid ah madaxa laga
toogtay.
Dadka bannaanbaxan
samaynayay ayaa ka
cabanayay
musuqmaasuqii lagu
sameeyay doorasho ku
sheegtii
Baarlamaanka ee
Itoobiya ka dhacday
15-kii May.
Bannaanbaxyada
musuqmaasuqaas lagu
diiddan yahay ayaa
magaalada Addis
Ababa ka billowdeen
maalinti isniinta
ahayd, iyadoo ay
billaabeen ardayda
wax ka barata
Jaamacadda Addis
Ababa, waxaana
isniintii la dilay 1
qof, dhawr kalana
dhaawacyo loo
gaystay. Waxaa sidoo
kale xabsiyada loo
taxaabay in ka badan
500 oo arday.
Wariyaha Radio
Xorriyo ee magaalada
Addis Ababa ayaa soo
sheegaya in
magaaladu ay aad u
qasan tahay, isla
markaana lagu soo
daayay ciidammo aad
u fara badan oo si
wayn u hubaysan.
Wuxuu kaloo intaas
raaciyay in
dadwaynuhu ay aad u
cabsanayaan, ka dib
markii ay ciidammadu
rasaas aan loo
miidaan-deyin oodda
kaga qaadeen
dadwaynihii
bannaanbaxayay.
Wuxuu kaloo intaas
ku daray in maydad
badan iyo dhaawacba
la keenay Isbitaalka
Black Lion Hospital.
Dad boqollaal
gaadhaya ayaa
iyaguna arbacadii
isa soo dhoobay
Isbitaalka hotriisa,
kuwaasoo oohin iyo
qaylo wehel ka
dhiganayay.
Hooggaamiyaha
xisbiga CUD ayaa
sheegay in
xisbigiisu aanu wax
lug ah ku lahayn
bannaanbaxyadan,
wuxuuna sheegay in
dawladu ay isku
dayayso inay
waddanka qalalaaso
ka riddo, si loo
joojiyo tirinta
codadka, isla
markaana ay eedda
dusha ka saarto
xisbiyada mucaaradka
ah.
Bannaanbaxyadani
waxay la kowsadeen
markii uu taliska
Meles Zenawi ku
dhawaaqay inuu dib u
dhigay dabool ka
qaadista natiijada
doorasho ku sheegta.
Bannaanbaxyadan
isniintii ka
billowday Jaamacadda
Addis Ababa ayaa dad
badan soo xusuusiyay
isku dhacyadii dhex
maray ardayda iyo
ciidammada ammaanka
sannadkii 2001 oo
lagu dilay inta ay
dawladu qiratay 40
qof.
Safiirrada dowladaha
deeqda bixiya oo
bayaan ka soo saaray
xaaladda qasan ee
Itoobiya.
Safiirro uu
fadhigoodu yahay
magaalada Addis
Ababa oo tiradoodu
gaadhayso 20 safiir
oo ka socda dalalka
deeqda bixiya iyo
wakiilka rasmiga ee
Midowga Yurub iyo
hay’ada Lacagta
Adduunka ee IMF ayaa
khamiistii magaalada
Addis Ababa ka soo
saaray bayaan
wadajir ah oo ay
kaga hadlayaan
qul-quladaha ka
socda waddanka
Itoobiya.
Safiirrada ayaa
bayaankoodan ku
canaantay xukuumadda
Meles Zenawi,
waxayna ka dalbeen
inay ka waantowdo
qaabka naxariis
darrada ah ee ay
kula dhaqanto dadka
rayadka ah ee
bannaanbaxyada
nabadgelyada ah
samaynaya, isla
markaana ay ilaaliso
mabaadii’da
caalamiga ah ee
xuquuqda aadanaha.
Ambaashitooradu
waxay xukuumadda iyo
xisbiyada mucaaradka
ahba ka codsadeen
inay xasilloonida
ilaaliyaan oo
khilaafkooda
nabadgelyo ku
dhammeeyaan. Waxayna
sheegeen inay wali
sii wadayaan
dadaalka ku aaddan
in la hubiyo
saxnimada doorashada
iyo in la
dhammaystiro tirinta
codadka dhiman.
Midowga Yurub oo
Zenawi ka dalbay
inuu is-dejiyo.
Midowga Yurub ayaa
bayaan u gaar ah ka
soo saaray
qulquladaha ka
taagan dalka
Itoobiya, isagoo
muujiyay inuu aad
uga walwalsan yahay
dilkii ay ciidammada
ammaanku dileen
dadkii
bannaanbaxyada
samaynayay.
Bayaankan ayaa waxaa
soo saaray madaxa
siyaasada dibadda ee
Midowga Yurub Javier
Solana iyo Ergayga
qaybta horumarinta
ee Midowga Yurub
Lousi Michel, waxyna
dawlada ugu baaqeen
inay ka waantowdo
fal kasta oo
xaaladda sii calwin
kara.
Labadan masuul ee
Midowga Yurub ayaa
sheegay inay
ra’iisal wasaaraha
Itoobiya ka
codsadeen inuu is-dejiyo,
waxayna u sheegeen
sida ay uga
walaacsan yihiin
xaaladda waddankiisa.
Ergadii Midowga
Yurub u qaabilsanayd
u kuur-gelidda
doorashada Itoobiya
ayaa hadda ka hor
soo saartay qoraal
ay ku canbaaraynayso
xafiiska
doorashooyinka
Itoobiya oo ay
sheegtay inuu
hawlgab noqday, isla
markaana aanu waxba
kala soconin qaabka
codadka loo
tirinayo.
Ergadu waxay
qoraalkan soo
saartay, ka dib
markii ay soo
gaadheen cabshooyin
muujinaya in
xukuumadda Zenawi ay
musuqmaasuq wayn ku
samaysay doorashada.
Mac-hadka Saxaafadda
Adduunka oo Itoobiya
canbaareeyay.
Mac-hadka Saxaafadda
Adduunka, ee
fadhigiisu yahay
caasimada dalka
Austria magaalada
Vienna, ayaa
xukuumadda Itoobiya
si wayn ugu
canbaareeyay
xadgudubyada ay u
gaysatay
suxufiyiintii
wararka ka soo
tebinayay goobihii
ay ciidammada
ammaanku dadka ku
laynayeen markii ay
isku dhacyadu ka
dheceen magaalada
Addis Ababa.
Mac-hadka Saxaafadda
Adduunka ayaa
canbaareeyay
go’aankii wasiirka
wafaafinta Itoobiya
ee uu talaadadii
go,aanka ku gaadhay
inuu shaqada ka
joojiyo shaqaale u
shaqaynayay
idaacadaha Deutsche
Welle iyo Voice af
America.
Mac-hadku wuxuu
kaloo xukuumadda
Itoobiya ku
canbaareeyay iyadoo
bishii Juun
labadeedii xidhay
ugu yaraan 6 suxufi,
kuwaasoo loo xidhay
maqaallo ay ka
qoreen doorashadii
la qabtay bishii
May. Mac-hadka
Saxaafadda Adduunku
wuxuu si wayn u
canbaaraynayaa sida
ay xukuumadda
Itoobiya saxaafadda
ugu xadgudubto iyo
xakamaynta ay ku
hayso xorriyada
saxufiyiinta wararka
ka diyaarinaya isku
dhacyada ka dhashay
doorashadii la
musuqmaasuqay.
Radio Xoriyo
10 Jun. 2005
C/nuur Sh. Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad
ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 19 MB ee
dhererkeedu yahay
15670 KHZ, Maalmaha
Talaadada iyo
Jimcaha 7: 30PM
waqtiga Afrikada
Bari