Wafti uu Hor Kacayo
Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Canada oo Booqanaya
Jawhar
- SomaliTalk |
Toronto, Canada | July 31, 2005
Wararka ka imanaya
dalka Canada ayaa tibaaxay in wafti uu hogaaminayo
xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Canada oo laga soo
doorto
Etobicoke
(Toronto) oo magaciisa la yiraahdo
Borys Wrzesnewskyj in uu maanta (Axad
July 31, 2005) u ambabaxayo dalka Soomaaliya,
socdaalkaas oo xaqiiqo raadis ah wuxuu qaadan doonaa
saddex maalmood.
Xildhibaanku waxa uu
magaalada Jawhar kula kulmi doonaa madax sare oo ka
tirsan DFKMG, oo ay kamdi yihiin madaxweynaha DFKMG
Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaare Cali
Maxamed Geeddi.
Jawhar oo 95 km woqooyi
kaga aadan caasimada Soomaaliya, waa meesha ay si kumeel
gaar ah ugu sugan yihiin madaxweynaha iyo ra'iisul
wasaaraha DFKMG.
"Dawladda Canada oo
kaashanaysa jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Canada - oo
ah jaaliyada ugu ballaaran ee ka soo jeeda afrikada bari
ee ku dhaqan Canada - waxay kaalin weyn ka qaadan karaan
nabad ku soo dabaalida dalka burburay (Soomaaliya)"
sidaas waxaa yiri xildhibaan
Wrzesnewskyj
oo ay soo xiganeysey jariidada Inside Toronto.
Xildhibaan
Borys waxa uu ka tirsan yahay xisbiga
Libral-ka' ee haya talaad dalka Canada.
Waxaa wararku intaas ku
dareen in xildhibaanku uu wixii uu dalka Soomaaliya kala
soo kulmo uga warbin doono dawlada Canada.
Waxaa waftiga ka mid
Soomaali reer Canada ah.
Xildhibaanka waxaa lagala
xiriiri karaa:
Halkan....Guji..
ISHA:
Inside Toronto.... | Tarjumadii SomaliTalk | July
31, 2005
Warbixin labaad hoos ka
akhri.
Wafdi ka socda Dalka
Canada oo ku soo wajahan dhawaan caasimada kmg ee Jowhar
Wararka ka imaanaya
caasimada Canada ee Toronto ayaa xaqiijinaya in wafdi ka
socda Baarlamaanka dalkaas ay ku soo fool leeyihiin
magaalada Jowhar.
Wafdigaan ayaa waxaa
horkacaya Xildhibaan Borys oo ka tirsan xisbiga dalka
talada hayo ee liberal partiga.
Wafdigaan ka socda
Dalka Canada ayaa waxa ay isku xilqaameen in ay ukala
dab qaadaan madexweynaha iyo afhayeenka waxayna kulamo
layeelan doonaan labada dhinac si ay u soo afjaraan
khilaafaadka yar ee ku dhexjira labada dhinac.
waa wafdigii ugu
horeeyay ee ka socda Dalka Canada oo booqasho ku yimaado
Soomaaliya gaar ahaan caasimada Xarunta Kmg ee dawlada
federaalka magaalada Jowhar.
Warkaan ayaan ka soo
xigtay Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka
Canada mudane ingineer C/shakuur Maxamuud Gurey oo ka
mid ah wafdiga xildhibaanka Canadian-ka ah.