IlleEn baroortu hiillo waa
gashaa!! (Dilkii C/qaadir yaxye iyo Sh. Maxamed Muunin)
Geerdu markasta waa geeri,
musiibana waa musiibo, waxayse ku kala duwanyihiin sida inta
nooli ay u miijiyaan dareenkooda ku aaddan arrintaas.
Soomalida ayaa waxay ku maahmaahdaa "Geeri nimaadan aqoon
iyo geel jirey ku roontahay!".
Waxay aheyd maalintii
labaad ee ka tirsan bishan July 2005, ee aan ku waabariisto
war naxdin leh, anigoo u kallahaya raadinta
nolo-maalmeedkeyga, 11 July oo aheyd dilkii C/qaadir Yaxye,
iyo 30 July oo ahayd habeenkii la dilay Sheekh Maxamed
Muumin Harrun! Khaddiibkii masjida Abuu Hureyra ee
Muqdisho.
Waxay ahaayeen laba nin oo
isku reer ah mid kastana aan u aqaannay asi aan qota
dheereyn, waxayse ahaayeen laba qof oo wax waliba ku kala
duwan, marka la yaab malaha inay kala duwnaadaan dadka u
murugoonaya iyo kuwa ku farxaba!!.
Dilkii C/qaadir ka hor
dadka Muqdisho wax badan kama aqoon CRD,
laakiin dhacdadaas ka dib
waxaa magaalada Muqdisho meel kasta lugu hadal haayey CRD,
dadka badankooduna waxay ka aaminsanyihiin inay yihiin
Jawaasiis reer galbeed-ka u shaqeeya.
Allaha u naxariisto C/qaadir
waxaa aaskiisa ka qeyb galay, ehelkiisa, deriskiisa,
saaxiibbadiisa. sidoo kale waxaa u ooyey (ama isu
ooyinsiiyey), inta laga cawdibilleysto hadii ay yihiin
Somali iyo haddi ay yihiin Ajnabi.
Dad badan oo aan ku jiro
naxdintii ay ka naxeen dilkiisa waxaa beddelay yaab iyo
isweydiin su'aalo fara badan oo ku saabsan howshiisii?? iyo
sababta ay reer galbeedku ay heerkaas u gaarsiinayaan, iyo
in lugu qanci karaa in sababtu tahay inuu ahaa "simply peace
activist!"?? soomlida nabaddeedu ma ilaa heerkaas ayay
muhiim ugu tahay??
Ma ogi xiirirka ka
dhaxeeyay Marxuumka iyo dadkaas, waxaanse ogahay in nin
kasta oo reer galbeedu u sare u qaadaan uu yahay nin
danahooda ka shaqeeya.
Waxaa kaloon ogahay in ay
mar kasta buun-buuniyaan dadka xambaarsan afkaarta
dhibaatada ku ah dadka Muslmiinta ah. Dadka ay horay u
maamuuseen waxaa ka mid ah: Taslim Nasriin (Bangaladesh),
Shiirin cabbaadi oo u dhalatay Iiraan, Drs Maryan(IJOS),
Ayaan Xirsi oo soomali ahaan jirtay iyo kuwa kale oo badan!
Oo xitaa dowladohoodu ku dhicin inay canaantaan!
Waxaan shaki ku jirin
haddii CRD ay tahay isha warbixinta ICG ay ka soo saartay
Soomaaliya sannadkan 2005 in ay kasban karto cadaawad
siyaasadeed iyo mid diineed oo sabab u noqon karta in
dhibaato loo geysto dadka ka shaqeeya.
Waxaa kala duwan duruufihii
aan kula kala arki jirey labada marxuum, C/qaadir waxaa la
arki jirey isagoo ku socda baabuur muraayado madow oo ay
saaranyihiin niman ay shartu indhohooda ka duul-duuleyso,
Maxamed-se waxaan arki jirey isagoo lugeynaya oo ku deg-degaya
kitaabbadii uu akhrin jirey ama shaqadiisa, markaas ayaan "Asalaamu
calykum" iyo dhoolla-caddayn isku salaami jirnay.
Sidoo kale waxay kala duwan
duruuftii ay ku kala geeriyoodeen, Sh. Maxamemed waxaa la
dilay isagoo saaraan baabuur ay wateen cumlimo ay kitaab
kasoo wada baxeen si ay u gaarsiiyaan gurigiisa, C/qaadirse
waxaa muuqata in sidii ilaaladiisa ay ugu bixi jirey lacag
badan , dilkiisana lugu bixiyey lacag iyo qorsheyn badan, oo
lugu dilay dhagar si aad ah loo soo maleegay! Su’aalina ay
ka taagan tahay cidda ku sugan Muqdisho ee fulin karta howl
gal noocaas oo kale ah!
Aaskii C/qaadir waxaa ka
qeyb galay shacab tiro badan, iyo Dhamaan qab-qablayaasha
dagaal iyo dadka loo heysto inay yihiin dhagar-qabayaal
iyagoo isku dayay inay munaasabaddaas uga faa'ideystaan in
caradii tolkiisa ay ku jiheeyaan meeshii ay munaasab u
arkaan. Iyagoo marna farta ku fiiqayay Garabka dowladda ee
C/lahi yusuf marna waxa ay ugu yeereen argagixisada!
Sh. Maxamed aaskiisa waxaa
ka soo qeyb galay dad weyne aad u tira badan oo u badnaa
dadka dan yarta ah, xoogsatada, qaar ka mid ah
cumumaaudiinka, iyo ganacsato.
Markii meydka sheekha la
geeyey qabuuraha Barkaat, waxaa isku garbinayay boqolaal dad
ah iyadoo uu qof walba isku dayayey inuu wax ka qaado
dadkaasoo qaarkood indhahooda ilmo ay ka da'aysay!
Waxaa isheydu qabatay
kafantii caddeyd ee uu ku jiray meydka sheekha ilaa ay
dadkii siday ay hoos ugu dejiyeen gudkii loo diyaarshay,
waxaanna yaqiinsaday inay dhamaatay dhoolla caddeyntii aan
isku salami jirnay, sida aan u yaqiinsanahay in anigana
maalin uun qabuurahaan ama kuwa kale la ii gelbin doono!
Ujeedda kasta ha lahaadeen
kuwii dilay sheekha, waxaa hubaal ah inay sabab u noqdeen
murugo iyo uur ku taallo, Waxaana halkaas uga billowday
caruurtiisii marxalad cusub(aqoonnimo) oo ku qasbeysa inay
noolaadaan nolol uu ka maqan yahay aabbohoodii jeclaa oo ay
jeclaayeen oo Allah ka sokow ay wax walba ugu
tiirsanaayeen.
Dadkii ka qeyb galay aaskii
C/qaadir badankoodu ma joogin aaska sheekha, sidoo kale dad
badan oo aaska sheekha joogay ma aysan joogin aaskii C/qaadir,
taasoo caddayneysa kala duwnaashohooda noloshoodii iyo
geeridoodiiba.
C/qaadir waxaa tebi doona,
ehelkiisii ka sokow, saaxiibbadiisii uu la shaqeyn jirey, oo
ugu horreeyo saaxiibiis Jiriil, Sh. Maxamedna waxaa tebi
doona, ehelkiisii ka sokow, minbarka Masjidka Abuu hureyra,
iyo meelihii uu ka marin jirey duruustiisii diiniga aheyd,
haba ugu darnaadee cilmiga muhiimka ah ee faraaidka (dhaxalka)
oo uu sheekhu si gaar ah ugu tilmaanaa.
Si kasta oo loo kala
duwanyahay waxaa hubaal ah in qof walba uu u baahanyahay
naxariista Eebbaha weyn. Waxaan Allah ka baryaya inuu u
naxariisto wixii dhintay ee Muslimiin ah, ehelkoodiina uu ku
hanuuniyo inay samraan beddel khery qabana siiyo iyo in uu
xafido carruurtoodii una noqdo cudud iyo kaalmo, gashoodna
uusan na fitneynin!
Mohamed Ahmed Wallays
inawallays@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
July 31, 2005
»DAREENKA
KHUDBADDA MADAXWEYNAHA | M. Maax
»MAXAA
DHEELIYAY GAALKACYO NABADEEDA
| Kulmiye
»Cadde
Muusoow, Ha Gelin Meherad Kaa Dheer
| C/Waaxid
»Hogaamiye
Kooxeedyada Muqdisho Ma Dagaalamayaan Mise..
| Taako
»Reer
Hiiraan ayagaa xaq u leh in ay aayahooda ka tashadaan
| M. Elmi
»Digniin
ku socoto siyaasiinta D&M Calooshood ushaqeeystiyaalka ah
»Tahniyad
Caleema Saarka Ugaaska Beesha Ceyr
| Xassan
»Yaa
ah Professor?, Dr.? |
Mohamed S.Ali
»Shebekadaha
Iyo Qalimadda Af-lagaadada Iyo Xumaanta Doortay
»Xaalada
Muqdisho ee Maanta |
Eng: Mohamed Bashi
»GABAY::: Maanso
inan’ madow | Maansadii abdiaziz osman
Booliiska London oo
Magcaabay Labo Nin oo Lagu Tuhunsan Yahay Qaraxyadii
Muktar Said Ibrahim iyo Yasin Hassan Omar ayey
Booliska London magcaabeen waxayna uga shakiyeen in...
Guji..
Dugsi wax Lagu Barayo
indhoolayaasha oo laga Furay Muqdisho
»Yemen:
Shidaal Soomaliya loo tahriibinaayey oo la qabtay.
»Ra'iisul
Wasaare Geedi oo Dhambaal tacsi ah u Diray Britain
Wararka oo dhan ka
Akhri Halkan.. Guji..
|