SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cambaareeyn Falalka Dileed ee Caasimadda Muqdisho ka Dhacaaya

-Qorr-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield- England- 01/07/2005.
- shariifhassan50@yahoo.com 

Falalka Burcadnimo ayaa si weyn uga soo badanaayaa Beryahan damme Dalka Somaaliyeed Guud ahaanba Gaar ahaana Caasimadda Qaranka Muqdisho oo awalba Dhibaatooyin fara-badan la Ciirciireeysay Sidda;- Isboorooyinka iyo Maleeshiyaadka Hubka la dhex Gaaf-wareegaaya, Muranka iyo Khilaafla Labadda Garab ee Dowladda Somaaliyeed iyo Tabar-daradda Hoggaamiyaasha Hubeeysan Isla markaana Wasiiradda iyo Xildhibaanadda ah.

Anigoo ah Muwaadin Somaaliyeed Dalkiisa iyo Dadkiisa la Jacel Wanaaga, harumar, nabad- gelyo buuxdda, midnimo iyo wadda jir Dal iyo Dadeeba iyo Helitanka Dowlada Wacan oo Habka iyo Hanaanka Cadaaladeed, Sinaaneed iyo Wax qabad dhab leh, Sumcaddii iyo Sharaftii Dalkeenu lahaan jirayna u soo noqonto Inshaa Alle, kana mid Dadka Aragtidooda Wadaniyadeed ku Soo Bandhigga Shebekadaha Somaaliyeed ee Wararka iyo Macluumaadka Dhanka Internetka, Waxaan halkan Cambaareeyn iyo Dhaleeceen weyn dusha ku tuuraayaa Gacan ku dhiiglihii sidda xaq daradda ah udileey Al-Khadiib, Al-Mufti Sheekh Max,d Muumin Haarrun oo ahaa Khadiibkii Masaajidka Abu-hureere ee Magaaladda Muqdisho kana mid ahaa Culimaa,udiinka Somaaliyeed Aqoonta Wanaagsan u lahaa Culuunta Diinta Islaamka ahaana Heer Mufti(Calaama), iyo Sidoo kalle Dilka loo geeystay Col-Max,d Cusmaan Con oo ka mid ahaa Saraakiil Ciidanka Boliiska qeybta CID(Baarista Dambiyadda) oo isla Magaaladda Xamar ka Dhacay, iyo Dilkii Aqoonyahan Al-Wadani, C/Qaadir Yaxye Sheekh Cali Cibaar.

Waxaa mid ayaan darro weyn ah Ugaarsigga Shakhsiyaadka Aqoonta iyo Takhasuuska fiican leh oo Ummadda Somaaliyeed sidda weyn ugu baahi qabto wax qabadkooda, Ugaarsigga ayaa ah Fal Dambiyeed qorsheeysan, diyaarsan oo si weyn u abaabuulan, eeyna ka dameeyaan Shabekad dhisan oo Hogaaminteedda leh, Dilalka ka dhacaaya Caasimadda Xamar ayaa ah kuwo naxdintooda leh, fajac iyo argagax weyn ku abuurtay Ummadda Dalka joogta iyo kuwa debedaha joogaba, Dhibaatadda amaan xumadda iyo Dilalka Khaarijjinta ah ee Shakhsiyaadka Qiimaha leh lagu Ugaarsanaayo waxaa masuuliyadeeda iska leh kuwa isku Magacaaba Hoggaamiyaasha Kooxaha Hubeeysan ee Muqdisho isla markaana Xildhibaano iyo Wasiiradda ah, isla markaana Xalka Dhibaatadda Caasimadda ka jirtana iyagu Masuuliyadda tooska iska leh.

Dhammaan Wadaniyiinta Somaaliyeed, Culimaa,udiinka, Waxgaradka, Ururadda Bulshadda Somaaliyeed ayeey Masuuliyadooda tahay ka gilgilashadda dhibaatadda maanta taagan iyo Falalka Argagaxisanimo oo sidda balaaran ugu soo badanaaya dalkena hooyo dadka qiimaha leh ugaarsanaaya oo qaska iyo falalka foosha xun ka wadda dalkeena hooyo, aamuska iyo indho dabaalidda waa in laga baxaa daawashadda waxyaabaha xun xun ee dhacaaya oo ah kuwo dhibaato weyn ah, khasaaro Culeeyskooda lehna geeysanaaya, Dadweyne halaga Kaco Fadhigga ama Hurdda Dheer ee lagu jirro oo la diido Falal Dambiyeedka Dhacaaya hana la ogaado kuwo Ugaarsigga iyo Burcadnimadda geeysanaaya iyo kuwa ka dameeya ilaa koleey Dalka ayeey joogaan weliba Caasimadda Qaranka, Shilalka Xamar ka Dhacaaya ayaa Qiil Siinaaya Madaxweyne, C/Laahi Yuusuf, Ra,iisal Wasaarre Geedi iyo Garabkooda Magaaladda Jowhar Fadhiya oo Xujadda ka Dhiganaaya Amaan Xumadda iyo Qaska ka Jirra Caasimadda Qaranka Somaaliyeed (Muqdisho) iyo in Garabka Joogaa ku Fashilmeen ka Dhabeeynta Balantoodii.

Waxaan Halkan Tacsi uga gudbinaayaa Qoyskaskii, Eheladdii iyo Guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed Dilka loo geeystay Al-Khadiib, Muumin iyo Col-Con Waxaana Alle uga Rajeeynaayaa in uu Naxariistiisa ku muneeysto janadana ka waraabiyo Dhammaanteena Samir iyo Imaan inaga Siiyo, Aamiin, Aamiin, Aamiin.

-Qorr-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield- England- 01/07/2005.
- shariifhassan50@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July31, 2005


»DAREENKA KHUDBADDA MADAXWEYNAHA  | M. Maax
»
MAXAA DHEELIYAY GAALKACYO NABADEEDA | Kulmiye
»Cadde Muusoow, Ha Gelin Meherad Kaa Dheer | C/Waaxid
»Hogaamiye Kooxeedyada Muqdisho Ma Dagaalamayaan Mise.. | Taako
»Reer Hiiraan ayagaa xaq u leh in ay aayahooda ka tashadaan | M. Elmi
»Digniin ku socoto siyaasiinta D&M Calooshood ushaqeeystiyaalka ah
»Tahniyad Caleema Saarka Ugaaska Beesha Ceyr | Xassan
»Yaa ah Professor?, Dr.? | Mohamed S.Ali
»Shebekadaha Iyo Qalimadda Af-lagaadada Iyo Xumaanta Doortay
»Xaalada Muqdisho ee Maanta | Eng: Mohamed Bashi 
»GABAY::: Maanso inan’ madow | Maansadii abdiaziz osman


Booliiska London oo Magcaabay Labo Nin oo Lagu Tuhunsan Yahay Qaraxyadii
Muktar Said Ibrahim iyo Yasin Hassan Omar ayey Booliska London magcaabeen waxayna uga shakiyeen in... Guji..

Dugsi wax Lagu Barayo indhoolayaasha oo laga Furay Muqdisho
»Yemen: Shidaal Soomaliya loo tahriibinaayey oo la qabtay.
»Ra'iisul Wasaare Geedi oo Dhambaal tacsi ah u Diray Britain
Wararka oo dhan ka Akhri Halkan.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD