SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Warbaahinta Cabbursan ee Puntlad: Heer qaylo-dhaan mudan!

Milicsi Kooban Warbaahinta Puntland iyo Xadgudubyada Lagu hayo.

WQ: Burhaan Axmed Daahir, Suxufi Madaxbannaan.
Email:
burhaandaahir@hotmail.com

Hordhac

Shan iyo tobankii sano ee u dambeeyay warbaahinmta Soomaalieed is baddel weyn oo taariikhi ah ayaa ku yimi, waxaana dalka markii ugu horreysay ka abuurmay warbaahin xora oo sees u dhigtay horumar bilow u noqon kara warbaahin mustaqbalka hana qaad noqota.

Waxaa xusid mudan in taranka qaybaha warbaahinta Soomaalidu samaysay 15kii sano ee lasoo dhaafay uu ahaa mid xawli aad u sarreeya ku koray, in kasta oo dhinaca tayada su'aalo badani ka jiraan, haddana horumarka warbaahinta iyo saamaynta ay leedahay maanta waa mid muuqda lana dareemi karo.

Shan iyo Toban sano ka hor Dalka Soomaaliya waxaa ka jiray laba Idaacadood (Radio Muqdisho & Radiyo Hargeysa), Hal Telefishan, iyo ugu badnaan Ilaa afar wargeys. Dhammaan warbaahintan waxaa lahaa dawladda iyadaana kantarooli jirtay.

Maanta Idaacadaha Soomaaliya ka dhisan waxay kor u dhaafayaan 24, waxaa kaloo jira tiro intaa ku dhow oo wargeysyo ah, iyo shan talefishan. 98% qaybahani warbaahin gaar ayaa loo leeyay.

Gobollada Puntland oo shan iyo toban sano ka hor idaacad, jaraa'id xora iyo TV midna aan lahayn, maanta waxaa ka dhisan inka badan sagaal idaacadood iyo wargeysyo dhawra. Waxaa haatan gacanta lagu hayaa (ogaalkayga) dhismaha xarun Telefishan (ETN) oo Boosaaso saldhiggiisu noqon doono.

Intaa waxaa dheer boqolaalka shabakadaha internetka "web pages" ee Soomaalida daafaha dunida ku baahsani ay hirgeliyeen.

Horumarkaa warbaahintu ku tallaabsatay waxaa had iyo jeer dhinac socday dhibaatooyin ama hagardaamooyin markasta xagal daacinayay hurumarka dhinaca taranka u badan ee warbaahintu samaysay sannadihii lasoo dhaafay. Dhibaatooyinkaa oo isugu jira cadaadis wata cabburin, caga- juglayn, xarig, iyo dil loo geysanayo suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahinta.

Dhibaatooyinkaasi warbaahinta lasoo gudboonaada waa kuwo ku baahsan dhammaan gobollada dalka oo dhan. Waxaana geysta maamullada jira, kooxaha siyaasadda ee dalka ka jira, siyaasiyiin, iyo saqsiyaad gaara oo awood ku leh bulshada dhexdeeda.

Dhibaatadu waxay ugu sii ba'an tahay Gobollada Maamulladu ka dhismeen ee Soomaaliya, sida Puntland, Somaliland iyo Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maamullada Puntland iyo Somaliland dastuurada u degsan ee ay ku dhaqmaan waxa ay damaanad qaadayaan xaqa is-cabbiraadda, xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta.

Waxaa maamulladan laga filayay in ay hore umariyaan, oo ay gacan qabtaan warbaahinta curdanka ah, korna u qaadaan xorriyadda hadalka, fikirka iyo madaxbannaanida Warbaahinta xorta ah. Nasiib darrose arrintu sida kale ayay u dhacday. Maamulladaani waxay ku fashil meen ixtiraamka sharciga iyo damaanad-qaadka dastuurku siinayo madaxbannaanida saxaafadda.

Qoraalkan waxaan si kooban ugu milicsanaynaa dhacdooyinkii u dambeeyay ee la xiriiray dhibaatooyinka iyo xadgudubyada loo geysto qaybaha kala duwan ee warbaahinta Puntland tan iyo bilowgii sannadkan.

Xadgudubyada ka dhanka ah Warbaahinta Xorta ah ee Puntland

Waxaa meeshii ugu sarreysay gaaray sannadkan xarigga, caga-juglaynta iyo caddadiska lagu hayo warbaahinta xorta ah ee Puntlnad.. Warbaahinta madaxa bannaan ee Puntland ka hana qaaday intooda badan iyagoo ka tarjumaya rabitaanka, hanka iyo badbaadada bulshadooda, iyagoo indhaha ku haya xaaladda waxay isku dayeen in ay soo bandhigaan dhacdooyinkaas niyad jabka leh ee ka dhex oogan dalkooda, muujiyaanna himilada beenowday iyo rajada mugdiga gashay ee bulshadooda ku gedaaman. Qaybo ka tirsan warbaahinta hor-u-jeedka ahi waxay soo bandhigeen talooyin ay kasoo ururuyeen kana soo gudbiyeen qaybaha bulshada kuwaas oo tilmaamaya waddada badbaadada habboon ee looga bixi karo jahawareerka siyaasadeed ee ka jira Puntland maanta.

Iyadoo lagu socdo mabaadida asaasigaa ee xaqa fikiraka xorta ah iyo xaqa is-cabbiraadda waxay warbaahinta xorta ahi ku dhiirratay in ay bulshada u abuurto jawi ay ku helaan fursad ay kaga taliyaan arrimaha iyo go’aamada noloshooda saameeya. Si warbaahintu u buuxiso kaalinta saxaafaddu kaga jirtay halganka ummaddu ku hiigsanayso horumar nololeed oo xasiloon kuna dhisan Caddaalad, Ismaamul-wanaag iyo Dimoqraadiayad.

Dadaalkaasi marwalba waxaa dhabarka ka jabiya dhibaatooyinka iyo xadgudubyada ka dhanka ah suxufiyiinta oo soomaaliya u soo badanaya. Soomaaliyana ay ka mid noqotay waddamada caalamka ee suxufiyiinta dhibaatada dilka, xarigga, caga-jugleynta iyo caddiska lehba ay la kulmaan, Puntland na waxay noqotay gobolka Soomaaliya dhibaatooyinka suxufiga loo geysataa ay ugu sii xagjiraan.

Sannadkan 2005 wuxuu noqday sannadkii cabburiska iyo caddaadiska ugu badan ay la kulmeen Warbaahinta iyo warbaahiyaha Puntland . Lixdii bilood ee ugu horreysay sannadkaan waxaa xabsiyada Puntland la dhigay 14 suxufi oo ka tirsanaa hay’ado saxaafadeed madaxbannaan. Suxfiyiintan qaarkood marar badan ayaa hore loo xiray inta u dhaxaysa shan ilaa 2 jeer. Waxaa irdaha loo laabay muddadaa ilaa laba xarun warbaahineed oo madaxbannaan (wargeyska Shacab iyo xaruntii idaacadda STN ee Boosaaso).

Dhaammaan suxufiyiinta la xiriray iyo xarumaha irdaha loo laabay midna ma helin garsoor madax- bannaan iyo caddaalad, kuwa la sii daayay waxaa la iska fasaxay markii maalmo xabsiga lagu hayay iyagoon wax maxkamada la horgeyn, wax dambi ah oo lagu helayna aanu jirin. Caddaaalad dararrada dhacday waxaa ka mid ah in qaarkood lagu been abuurtay iyagoo xabsi ku jira. Taliye ku xigeenka Poliska Puntland Korneel CabdiCasiis wuxuu Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda ka sheegay in madaxweynaha Puntland uu cafiyay wariyayaashii STN ee Xabsiga la dhigay ka dib markii ay dambigoodii qirteen cafisna dalbadeen.

Qof aan maxkamadi dambi ku xukumin, dambiile ma loogu yeeraa? Madaxweynaha iyo taliye ku xigeenkuse ma maxkamad baa? Goormaase cafis laga dalban karaa?

Marka laga hadlayo xuquuqda oogidda dacwadaha iyo isdifaacidda Sharciga dalku sidan ayuu qorayaa:

Qof waliba wuxuu xaq u leeyahay degaysiga dacwadaha iyo isdifaaca. Qof waliba oo lagu eedeeyo fal dembi: b) waxaa loo qqadanayaa in uusan ahayn dambiile inta ay ka xaqiijinayso maxkamadda, T) waxa lagu wargelinayaa sida ugu macquulsan, luqad uu fahmi karo, si faahfaahsan nooca dembiga lagu oogay. Waxaa lasiinayaa iyo tasiilaad uu isku diyaarin karo heer kasta oo dhegeysiga dacwaddaa

Waxaa hanjaabaado iyo caga juglayn loo jeediyay inta aan hubo ilaa 15 suxufi iyo 4 xarumo warbaahineed oo loogu hanjabay in wariyayaashooda la xirayo xarumaha ay ka shaqeeyaanna irdaha loo laabayo hadday u shaqayn waayaan si qancin karta madaxda dawladda.

Guud ahaan arrimahaas kor ku xusan waxay ka markhaati kacayaan guuldarrooyinka siyaasadeed ee hareeyey golaha xukuumadda Puntland, kuwaasoo gundhig u ah dhaqaalaha sii guraya iyo xaaladda sugidda ammaanka ee ay madaxda xukuumaddu la jahwareersan yihiin sidii ay xal ugu heli lahaayeen.

Waddada keliya ee ay madaxda Puntland ku heli karayaan xalka dhibaatooyinkaas haysta ayaa ah in ay dhagaystaan hadaaqa iyo talooyinka shacabka mas’uuliyadda u dhiibtay, iyadoo sida keliya ee ay taas ku gaari karayaanna ay tahay in ay aqoonsadaan kaalinta hormoodnimo ee hal-abuurka iyo warfideenka kaga aaddan sama-taliska bushada, ka-tarjumidda dareenka dadka, iyo iftiiminta waddada badbaadada iyagoo xor ka ah cabsi-gelin iyo cadaadis nooc kasta ha ahaadee.

Madaxda Puntland halkii ay waddadaas u mari lahaayeen baadigoobka xalka jahwareerka siyaasadeed ee haysta, waxay doorbideen in ay dadweynaha ka qariyaan guuldarrooyinkooda siyaasadeed iyagoo taasna u maraya cabburinta suxufiyiinta.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay iyo hagar-daamaynta warbaahinta Puntland

Bishii Apriil 22dii waxaa xabsiga magaalada Garoowe la dhigay Cabdi Faarax Nuur “Farey” oo ah tifaftiraha wargeyska Shacab oo ah wargeys toddobaadle ah oo kasoo baxa magaalada Garoowe, iyo Cabdirashiid Qooraansey oo isaguna ka mid ah qorayaashii wargeyskaas.

Xarigga suxufiyiintan waxaa amray Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland oo dabadeedna, Xasan Daahir Afqurac kaddib markey wargeyskaas ku daabaceen maqaallo iyo majaajillo sawirran oo ka hadlayey guuldarrada siyaasadeed ee xukuumadda ka haysta gobollada Sool, Cayn, Mudug, sugidda ammaanka, iyo kobcinta dhaqaalaha, taasoo aan qarsoodi ahayn oo Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Wasiirradiisa qudhoodu ay ka sheegeen kulankii golaha xukuumadda ee dhacay waqtiyo kala duwan. Nasiibdarro, suxufiyiinta ku sugan Puntland waxay xitaa kari waayeen in ay sheegaan sababta loo xiray suxufiyiintaa, marka laga reebo laba ama saddex idaacadood oo si gaaban uga xusay xariggan, maamulku wax war ah kama soo s saarin xarigga suxufiyiintan, taasoo ah mid aan horayba looga baran in madaxda Puntland ay war kasoo saaraan tallaabooyinka ay qaadaan. Tani waxay muujinaysaa heerka uu gaarsiisan yahay cadaadista iyo cabburinta lagu hayo warfidiyeenka Puntland.

Ka-hor inta aanan labadan suxufi xabsiga la dhigin, waxay Booliisku xoog ku galeen madbacadda lagu daabaco wargeyska iyagoo sida la sheegay dhibaato gaarsiiyey qalabkii madbacadda yiil. Ma aha markii ugu horreysay ee xabsiga la dhigo suxufiyiintan. Dhowr jeer oo hore ayaa inta la iska xirtay dabadeedna la iska sii daayey iyagoo aan wax maxkamad ah la horgeyn.

Nasiib wanaag, xaaladdu markan sidii hore waa ay ka duwanayd. Dhaqan cusub oo aan looga baran ayaa Puntland ka muuqday, nasiibdarraose lagumasii wadin. Isla bishaa Apriil 24dii ayaa labadan suxufi la horgeeyey maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Garoowe.

Dooddii ka dhacday maxkamadda dhexdeeda ayey xukuumaddu kusoo eedeysay labada suxufi in ay daabaceen warar “kicin iyo kala fogeyn ah”. Ma mooddaa in weli la joogo maalmihii iyo sannadihii toddobaatameeyadii, iyo waayihii kacaankii barakaysnaa. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland, Bashiir Yuusuf ayaa caddeeyey dhagaysiga dacwaddaas kaddib, in suxufiyiintaas aysan galabsan wax dambi ah, wuxuuna amray in si deg deg ah loogu soo celiyo xorriyaddoodii. Tallaabadaas qudheeda ayaa ah mid yididiillo leh oo ay ku tallaabsatay hay’adda garsoorka Puntland oo sida ku cad dastuurka Puntland ka madax bannaan golaha xukuumadda iyo golaha xeer-dejinta intaba. Madaxbannaanidaasi maanta mar kalaa dhabarka laga jebiyay, xeer ilaaliye Bashiir Yuusufna maanta waa buul shaqadiisii gudan la’ dad badani waxay aamminsanyihiin sabababa Madaxweyne Cadde xilkiisii uga qaaday in ay ugu horreyso difaaciddii sharciga iyo sii dayntii suxufiyiintii wargeyska shacab ka tirsanaa ee maxkamaddu sii daysay.

Xukumaddu intaasi kuma qancin, mana tixgelin go’aankii maxkamadda. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir ayaa 5tii May 2005 wuxuu soo saaray wareegto uu ku amrayo in irdaha loo laabo Wargeyskii shacab. Haseyeeshee maadaama Maxkamad sharci ahi fasaxday wargeyska dembina ku weyday wargeysku shaqadiisii ayuu dib u bilaabay muddo kadib. 21kii June ayay habeen kale ciidamadu dabaasheen xaruntii wargeyska waxayna qoorta soo qabteen saddex kamida suxufiyiintii wargeyska oo tafaftirihii ku jiro horaana xabsiga la ga dhigay, markan maxkamad waa laga maarmay oo xitaa xabsi xalaalayn markan looma baahna, xarunta wargeyska iyo xabsigana looma dhaxayn.

Toddobaad ka dib, Xafaiiska madaxweynaha wareegto ka soo baxday ayaa lagu sii daayay wariayayaashii Wargeysaka Shacab waxaana isla wareegtadaa lagu xusay in la fasaxay wargeyskii shacab ee muddaba irduhu ulaabnaayeen. Wariyaashan ka tirsan Wargeyska shacab waxay ka mid yihiin suxufiyiinta fara ku tiriska ah ee PL ee aan gorgortanka ka gelin madaxbannaanida saxaafadda iyo xorriyadda hadalka. Xarrigooda faraha badanina wuxuu keenay in shaqadii wargeysku haatan joogsato ka dib dib u dhac waxsoosaar iyo burbur dhaqaale oo wargeyska ku yimi, tafaftirihiina dantu ku khasabtay inuu dibadda dalka uga baxo,

Horraantii May 2005, Duqa magaalada Gaalkacyo wuxuu amar ku bixiyay in la soo xiro Agaasimihii Idaacadda Codka Nabadda Gaalkacyo, ka dib markii idaacadda ay sii deysay faallo dheer oo ku saabsanayd dhibaatooyinka ka jira Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada xaruntaa ee Gaalkacyo, faalladu waxay ka hadlaysay sida ammaanku gacanta uga baxay, sida maamulku u kala daadsan yahay, si khilaafka ku kala dhexjira mas’uuliyiinta laamaha kala duwan ee dawlada ee heer gobol iyo heer degmo uu u curyaamiyay hawlihii gobolka laga qaban lahaa, dacaya ka jira beledka, fawdada iyo lunsiga hantida aan cidina ka xisaabtamin ee sida aan habboonayn loo maamulo iyo sida maamulka degmada Gaalkacyo uu yahay faraha- lagala bax, ay umaara weyday xukumadda Puntland. Faallada waxaa xuddun u ahaa Duqa magaalada Gaalkacyo, oo ah xubinta ugu muhiimsan marka la ga hadlayo loollanka dhinaca awoodda iyo khilaafka mas’uuliyiinta Gaalkacyo u dhaxeeya.

Duqa oo dhibsaday aadna uga carooday barnaamijka idaacadda, waxaase xusid mudan in taliyiin saldhigga Booliska ee Gaalkacyo iyo askartii kale ee saldhigguba ay ku gacan sayreen amarka Duqa, waxayna u sheegeen Duqa in amarkiisu aanu sharciga dalka waafaqsanayn, waxayna u kula taliyeen in haddii uu wax tabanayo uu maxkamadda ka dacwoodo.

Isla bishaa 23 keedii, kulan ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo, wasiirka lacagta ee Puntland Maxmed Cali Yuusuf Gaagaab waxa uu weeraray Idaacadaha Gaalkacyo, wasiirku waxa uu ka mid ahaa wafti uu hoggaaminayay madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir. Arrinta waftigani meesha u yimaadeen booqashadoodana ugu muhiimsanayd waxay ahayd dhisme ka socday garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo hawlo dayactira ka socdeen iyo lacago garoonka dayactirkiisa loogu talo galay sidii loo maamuli lahaa iyo arrin kale oo iyana Gaalkacyo xasaasi ka ah; waa xeradii ciidamada ee Dayax oo marar badan Wasiirka Maaliyaddu, Gaagaab iyo Duqa Magaalada Gaalkacyo Xuseen Yabaq ay ka hadleen. Gaagaab iyo Duquba waxay ku doodeen in xeradaasi laga dadka deggan laga rarayo oo mashaariic bulshada anfaca laga hirgelinayo.

Dad badani ma rumaysnayn in Xero dayax dano guud loola wareegayo waxayna aaminsan yihiin in sidii Xeradii ciidamada Daraawiishta ee Gaalkacyo oo kale tanna loo isticmaalayo dano gaara. Sidaadaraadeed dad badan oo Odayaal, waxgaradad, ganacsato, iyo ciidamo leh ayaa ka hor yimid in xerada Dayax gacanta dawladda lagu wareejiyo. Doodo aarintaa ku saabsanna idaacadaha Gaalkayo ayaa laga sii daayay.

Wasiirka maaliyadda Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, oo shikaasi Gaalkacyo dhacay arrimo badan uga hadlay waxa uu khudbaddiisii kusoo gabagabeeyay weerar, hanjabaad iyo digniino culus oo uu u jeediayay idaacadaha Gaalkacyo. Idaacadaha Gaalkacyo ka furan waa saddex. Gaagaab waxa uu shirka ka sheegay in idaacaduhu ay ka hadlaan oo ay buunbuuniyaan wararka Koonfurta dalka Soomaaliya. Waa yaabe goormay dembi noqotay in laga hadlo wararka gobol aan Puntland ka tirsnayn? Goormaanse kala go'nay Koonfur!? Wasiirka oo hadalkii sii wata wuxuu intaa raaciyay in ay jirto idaacad afdheer oo soo dheeraad noqotay afhayeena u ah Muuse Suudi iyo Maxamed Qanyare Afrax.

“Haddii ay kusii socoto wararka caynkaaya” ayuu yiri wasiirku, “waan xiraynaa, irdaha ayaan u laabaynaa, mana noqon karaan qabiil, haddii aan halkaan wax uga qaban weynana Garoowe ayaan Ciidamada daraawiishta uga dalbanayaa”. Ayuu hadalkiisii kusoo gaba gabeeyay wasiir Gaagaab.

Allaha U naxariistee Xildhibaan Generaal Maxamed Jibriil oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Puntland(waxa uu geeriyooday usbuuc ka dib kulankaasi markii la qabtay) oo shirkaasi goobjoog ka ahaa ayaa si ayaa si cad u sheegay in dastuurka Puntland uu dhigayo madax bannaanida warbaahinta iyo uuna damaanad qaadayo xorriyadda hadalka. Generaal Jibriil wuxuu sheegay in idaacaduhu xor u yihiin in gobolkay rabaan ay warka ka doonan karaan taasina aanay dembi ahayn.

Axdiga ku-meel-gaarka ah Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo dastuurka Puntlandba waxay si cad u damaanac qaadayaan xorriyadda warbaahiyaha iyo warbaahinta iyo iscabbiraadda iyo fikirka xorta ah.

Axdiga Ku-meel-gaarka ah Federaalka Soomaaliya wuxuu oranayaa;

Dawladda federaalka Ku-meel-gaarka ah waxay sugaysaa xooriyadda jaraa’idka iyo warbaahinta xorta ah sida waa faqsan sharciga. Qof waliba wuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u bandhigo fikirkiisa gaarka ah si kastaba ha ahaatee.

Bishii May 25 keedii 2005 waxaa xarunta Idaacadda SBC laga kaxaystay laba ka mid ah Shaqaalaha warbaahinta madaxa bannaan ee SBC, Markii ay xarunta Yimaadeen xubno ka tirsan mas'uuliyiinta hay'ad lagu magacaabo PIS ee mukhaabaraadka PL lana sheego in ay argagaxiso la dagaallanto.

labadan hawlwadeen ee ka tirsan warbaahinta SBC ayaa kala ah Agaasimaha iyo Tafatiraha Idaacadda iyo bogga Internet-ka ee SBC Mowliid Xaaji Cabdi iyo Maxamuud C/raxmaan Rood oo isna ka tisan wariyeyaasha idaacaddfa waxaan cidina fahmin sababta xilli habeennimo loogu soo guureeyay. Wariyayaashan markii la qabtay saldhig lama geyn, xabsina looma gudbin maxkamadna xarigooda ma amrin lamana ogaysiin, waxaase toos loogu xareeyay xarunta iyo xafiisyada PIS halkaasoo ay habeenkaa ku baryeen waxaana labada weriye markii halkaa la geeyay lugaha looga jabshay silsilaso waaweyn oo lamida kuwa lagu xiro dadka halistaa ee dambiyada waaweyn gala lana baqdin qabo in ay wax laayaan ama baxsadaan iyo xayawaanka khatartaa ee wax cuna. Waxa kaliya ee wariyayaasha loo sheegay in loo haysto waxa ay ahayd in ay idaacadda ka baahiyeen codadka masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Karkaar iyo degmada qardho oo ka cabanaya wadashayn xumo iyo daryeel la'aan maamulkooda kaga timi Xukumadda PL . Markii waagu baryay habeenkii la xiray suxufiyiinta ayaa lasii daayay labadii weriyaba sidii pl caadada ka noqotay iyagoon dacwaddooda cidina dhegaysan wax maxkamadana la geyn,

Ma hayn markii ugu horaysay ee ay PIS-tu sidan oo kale xarunta SBC uga kaxaystaan Agaasimaha iyo Tafatiraha idaacadda iyo Bogga SBC.

30kii June 2005, waxaa irdaha loo laabay Xaruntii STN ee Boosaaso, waxaana xarigga la dhigay ilaa 10 weriye oo ka tirsan idaacadda STN oo ku jiro tafaftirihii idaacadda C/risaaq Shiikh Adduun, Muddo ka dib waxaa xabsiga laga sii daayay weriyaasha iyagoon dacwaddooda wax maxkamad ahi dhegaysan. Ciidamada ammaanka Boosaaso oo galay xarunta Idaacadda waxay idaacadda u qaysteen khasaare maaliyadeed,

8dii bishan Julay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxa uu amar ku bixiyay in la xiro Idaacadda Codka Nabadda ee Gaalkacyo, ka dib dacwad uu u gudbiyay madaxweynaha Duqa magaalada Gaalkacyo, Xuseen Jaamac Yabaq. Duqu waxa uu daba joogay barnaamijyo hore idaacadda uga baxay oo uu dhibsaday, in muddaana waxa uu ku dadaalayay sidii uu mar u heli lahaa fursad uu idaacadda ku aammusiyo, fursadda kaliya oo uu is yiri waa suurta gal, waxay ahayd In uu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ka dhaadhiciyo in idaacaddu khatar ku tahay amniga gobolka, dawladda FKM ahna ay mucaarad ku tahay, oo Cabdullaahi laf ahaantiisa marar badan laga maago.

Waxa kaloo Xuseen uu ku dooday in dadka Gaalkacyo haatan ay noqdeen dad aan hoggaan sanayn oo aan amar qaadanayn, "idaacaddan ayaana kicisay" ayuu ku dooday, wuxuu kaloo sheegay in dadkii haatan ay canshuurtii bixin waayeen oo idaacadda laga tilmaamay, marka Xuseen dacwaddan Gudbinayo (dabcan marar horena waa uu gudbiyaye) waxaa tageerayay, Wasiirka maaliyadda Gaagaab iyo rag kale oo xilal kala duwan gobolka ka haya, kuwaasoo iyaga laf ahaantoodu aan ku faraxsanayn barnaamijyada idaacadda ka baxa.

Madaxweyne Cabdullaahi markii dacwadda idaacadda ka dhanka ah loo gudbiyay, isagoo aan hoos u eegin arrinka waxna aan hubin baaritaanna dalbin in la sameeyo wuxuu amar degdega ku bixiyay in Idaacadda la xiro.

Laakiin rag mas'uuliyiina oo meesha ka dhawaa ayaa arrinkii dhex galay oo Madaxweyne Cabdullaahi kula dooday in Idaacaddu aanay wax lagu xiro ku kicin. Guddoomiyaha Mudug Maxamed warsame jamhad wuxuu ku dooday in idaacaddu maamulka si wacan ula shaqayso.

Madaxweynaha Puntland, Cadde Muuse Markaa meesha ayuu fadhiyaa in kastoo uusan cabdullaahi ka hor iman. Markaa dabadeed raggaasi oo dhawr ahaa waxay Cabdullaahi ku qanciyeen in aarinku yahay arrin Puntland iyo maamulkeeda u yaal ee uusan ahayd dhibaato federaal gacantana uu kala baxo isagu. Taasi ayuu dabcan ku qancay laakiin aniga oo waqtigaa ahaa agaasimihii Idaacadda waxaa la igu amray in aan cajaladihii u dambeeyay ee barnaamijyadii baxay iyo barnaamijyo ay iyagu danaynayeen aan keeno, si loo dhegaysto baaritaanna loogu sameeyo, waana geeyay cajaladihii, cid dambe oo igu soo war celisayna ma jirin, lakiin aniga iyo Madaxweyne Cabdullaahi isma hor fariisan waxaaase noo dhaxeeyay raggaa ay ka mid ahaayeen Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdirisaaq Yaasiin Geesood, Taliyaha Ciidanmada Booliiska Puntland Nuur Salaad, Guuddomiyihii Gobolka oo haatan la beddelay Maxamed warsame Jamhad iyo Daahir Cabdulqaadir oo ah isku duwaha Warfaafinta ee Gobolkan.

Gobollada Puntland waxaa ka jira dhaqan xun oo la caadeystey, kaasoo ah in Guddoomiyayaasha gobollada, kuwa degmooyinka, saaraakiisha ciidamada nabad-sugidda iyo kuwa booliiska, iyo madaxda kaleba (iskaba daa madaxweyne iyo wasiirree) ay awood u leeyihiin in ay xabsiga dhigaan ama siyaabo kale ugu xadgudbaan suxufiyiinta iyo hal-abuurka iyagoo aan u marin qaab sharci ah.

Tusaale ahaan, bishii Maarso 29dii, Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa isugu yeeray madaxda hay’adaha warbaahinta gobolka Bari, wuxuuna ku amray in aysan barnaamijyo dood ah ka diyaarin karin arrinta muranku ka taagan yahay ee ku saabsan ciidamada shisheeye ee nabad-ilaalinta loo keenayo Soomaaliya, gaar ahaan kuwa waddamada safka hore, wuxuuna intaas raaciyey in madaxda Puntland oo keliya ay arrintaas ka hadli karaan, ayna reebban tahay in arrintaas dadweynaha loo bandhigo ama wax laga weydiiyo. Wasiir-ku-xigeenka warfaafinta, Xaaji Bakiin, ayaa isaguna kulankaas ka sheegay in suxufiyiinta loo samayn doono teesareyaal. Sow hab-dhaqanka caynkaas ah kuma soo xusuusatid wargeyskii Xiddigta Oktoobar, iyo wargeyskii XHKS ee War-ogaal oo tafaftire ka ahaa Maxamed Cali yuusuf gaagaab oo haatan ah wasiirka Maaliyadda PL iyo idaacaddii Raadiyo Muqdisho, iyo marxaladdii laba-kaclaynta kacaankii barakaysnaa..

Prof. Khaliif Maxamed Barre oo tifaftire ka ah wargeyska Kaaha Bari oo kulankaas ka qayb galay ayaa sheegay in aan loo baahnayn in warbaahinta dawladdu kala suntato iyo in la cabburiyo toona, wuxuuna maamulka usoo jeediyey in suxufiyiinta loo ogolaado in ay si xor ah u galaan goobaha ay shirarku ka dhacaan.

Suxufiyiinta Puntland ayaan marna loo ogolayn in ay haba yaraatee soo hadal qaadaan dhibaatooyinka dhaqaale iyo maamul-xumo ee ka jira Puntland. Cabburinta iyo cadaadiska lagu hayo suxufiyiinta ayaa sababay in wararka ay suxufiyiintu ka diyaariyaan Puntland ay ku koobnaadaan kormeerrada ay madaxdu sameeyaan iyo khudbadaha ay jeediyaan oo keliya, sida: (Madaxweynaha ayaa maanta kasoo degay/dhoofay ama booqday magaalo hebla, Wasiir hebel ayaa la shiray haweenka gobolka, Duqa degmada ayaa qabtay shir-saxaafadeed, kal-fadhigii Baarlamaanka oo furmay, Golihii Xukuumadda oo maanta yeeshay shir ay albaabbadu u xiran yihiin, ciidamada booliska oo dad qabqabtay, hay'ad hebla ayaa mucaawino guddoonsiisay ..... iwm). Suxufiyiinta ayaan marna ku dhicin in ay ka faalloodaan dhibaatooyinka jira, sababaha dhaliyey, iyo siyaabaha looga bixi karo iyagoo faallooyinkooda kaga tarjumaya ama kusoo gudbinaya dareenka iyo rabitaanka dadweynaha.

Bishii Abriil ee sannadkan Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka ku hadla Af-Soomaaliga oo ka mid ah bahweynta Caalamiga ah ee PEN International, wuxuu hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaalida usoo jeediyey baaq ka digaya ku-xadgudubyada la caadeystay in lagu xadgudbo xuquuqda warfidiyeenka iyo hal-abuurku u leeyihiin, sida qof kasta, in ay cabiraan ra’yiga ay ka qabaan arrimaha dalkooda iyo dadkooda.

Baaqa Naadiga PEN ayaa lagu muujiyey welwelka uu Naadigu ka qabo caburinta sii kordheysa ee lagu hayo xorriyadda ra’yi-cabiridda; iyo cabsiinta, cago-jugleynta, xarigga iyo qaababka kale ee cadaadiska loogu geysto suxufiyiinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed.

Naadiga PEN waxa uu dhammaan madaxda Soomaaliyeed ee hoggaamiyeyaasha ka ah qaybaha kala duwan ee siyaasadda Soomaalida ku boorriyay in ay aqoonsadaan waajibka ka saaran xurmaynta xaqa ra’yi cabbirka iyo xuquuqda kale ee aadamiga, islamarkaana joojiyaan xarigga iyo cadaadiska ay ku hayaan suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahinta.

Madaxda Puntland, iyagoo maanka ku haya in cawaaqib-xumadii laga dhaxlay cabburintii ra’yiga dadka ay galaafatay dowladdii Soomaaliyeed ee buburtay, qalalaasihii ka dhashayna weli laga soo kaban la' yahay, waxaa la gudboon in ay garwaaqsadaan waddada keliya ee lagu hanan karo midnimo ummadeed, kalsoonida shacabka, horumar siyaasadeed iyo mid dhaqaale iyo nabadgelyo, in ay tahay in la ogolaado dood-wadaag ku dhisan aqlabiyadda kala duwanaanta ra’yiga iyo xorriyadda hadalka.

Waxaan suxufiyiinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ku boorrinaynaa in ay isku duubni, dhiirranaan iyo mas’uulnimo ku gutaan waajibkooda, marxaladda adag ee haatan la marayo, kana dhowrsadaan waxyaalaha hoos u dhigaya sharafta xirfaddooda, kuwaasoo ay ka mid yihiin; qabyaaladda, been-abuurka, fidmo-hurinta iyo in xirfadda loo adeegsado dano shaqsi ah oo aan xalaal ahayn.

30 kii July 2005, Xarunta Horumarinta Cilmi Baarista Puntland (PDRC) ee Magaalada Garoowe, ayaa lagu qabtay kulan hal maalin socday oo ku saabsanaa sidii loo abuuri lahaa xirriir wanaagsan iyo wadashaqayn dhex marta qaybaha warbaahinta Puntland iyo Maamulka Dawladda. Kulankaa waxaa soo qaban qaabiyay Xarunta PDRC, waxaana ka qayb galay suxufiyiin doora oo ka kala socday qaybaha warbaahinta Puntland, Xubno ka tirsan Golaha Xukumadda iyo ka Wakiillada ee Puntlanad iyo dad ka socday ururada bulshada. Waxa uu ahaa kulan ay aad u danaynaysay Wasaaradda warfaafinta ee Puntland, abaabulkiisana ay kaalin weyn ku lahayd, aadna ay uga dhex muuqdeen madaxda iyo hawl-wadeenno sare oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Xarunta doorkeedu wuxuu ku koobnaa fududeynta shirka, tasiilaadka loo baahnaa iyo daboolidda kharashaadka ku baxayay, laakiin qorshaha iyo maamulka shirku wuxuu ahaa mid u socday si wasaaraddu raalli ka ahayd, waxaana hagayaasha shirka aad uga dhexmuuqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Nuur Shire Cusmaan, waxaa isna goob joog ahaa Wasiirkii Warfaafinta, C/risaaq Yaasiin Geesood iyo mas'uuliyiin kaloo ka tirsan wasaaradda.

Kulanka waxaa furay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir.

Waxaa kulanka lagu bilaabay Khudbado ay isaga dambeeyeen Wasiirka, Madaxweyne ku xigeenka, Agaasimaha Xarunta kulanka soo diyaarisay iyo Agaasimaha Guud ee Warfaafinta, Nuur Shire Cusmaan. Dhammaantood waxay si isku mida uga hadleen aadna ugu dheeraadeen kuna tuuntuunsadeen dhaliilaha warbaahinta madaxa bannaan ee Puntland. Waxaa aad loo canaantay loona ceebeeyay suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahinta ee Puntland ka jira.

Waxaa ay mas'uuliyiintaasi ku doodeen in warbaahinta Puntland ay tahay mid anshaxeeda saxaafadeed aad u liito, aadna uga arradan dhinaca tayada iyo aqoontaba marka la barbar dhigo warbaahinta gobollada kale ee dalka. Waxay intaa ku dareen in ay ubaahan yihiin in ay helaan warbaahin sokeeye oo dawladda ceebaheeda asturta, lana shaqaysa maamulka Dawladda, maadaama ayay yiraahdeen uu jiro tartan u dhaxeeya qaybaha siyaasadeed ee soomaaliya.

Waxay soo jeediyeen in loo baahan yahay in la helo warbaahin habaysan oo dawladdu la shaqayn karto oo isku xiran iyo in la furo bog cusub oo ku aaddan xiriir wada-shaqayn oo dhexnara dawladda iyo Warbaahinta. Waxaa Wasiirka Warfaafintu kulanka kaga dhawaaqay in Dawladu haatan ku talo jirto in ay suxufiyiinta u raadiso tababarro aqooneed oo ay suurtowdo mustaqbalka in qaarkood tababarro loo diro. Waxaa Wasiirku talo kusoo jeediyay in suxufiyiintu iska soo xulaan Guddi kooban oo wasaaraddu kala xariirto arrimaha warbaahinta.

Hadallada Mas'uuliyiintan waxaa ka muuqatay in ay xodxodanayaan suxufiyiinta kana dalbayaan in la isaga soo dhawaado halkii hore, warbaahintuna ka tanaasusho ku dhiirranaanta ka hadalka dhaliilaha Dawladda. Si taa beddelkeeda dawladdu ugu abaal mariso warbaahinta in ay caddaadiska iyo xarigga ka yarayso.

Mas'uuliyiintani marna kama garaabin mana soo qaadin habayaraatee tacadiyada loo geysto warbaahinta ee maamulku joogtaystay, raalli gelinna kama bixin eedaha warbaahintu ka tabanayso.

Suxufiyiintii kulanka ka qayb galaayay looma oggolaan fursado ay kaga hadlaan tabashadooda iyo tacadiyada haysta ee Dawladdu geysato. Aniga oo soo diyaariyay qoraal dheer oo 9 bog ah, oo ku saabsanaa xaaladda warbaahinta Puntland iyo xadgudubyada loo geysto, waxaa layga hor istaagay in lay siiyo waqti ku filan oo aan qoraalkaas ku soo bandhigo iyo in xitaa qoraal ahaan loogu qaybiyo ka qaybgalayaashii kulanka. waxaa qaar ka mida hagayaashii shirku si cad iigu sheegeen in qoraalku uu yahay isdifaac saxaafadeed iyo weerar ka dhana dawladda, oo aanu habboonayn in waqtigan goobta la keeno sabab too ah ayay yiraahdeen haatan dawladdu waxay doonaysa in ay hagaagiso xirriirka kala dhexeeya warbaahinta, qoraalkuna kaaguna waxa uu keeni karaa caro dawladeed. Qoraalkayga waxaan gebagabo uga dhigay Baaqii Naadiga PEN bishii April kasoo saaray caddaadiska lagu hayo warbaahinta.

Gebagabadii kulanka waxaa naloo qaybiyay xeer-shari oo dawladdu ugu tala gashay in uu nidaamiyo warbaahinta Puntland oo ka kooban 19 qodob. Waxaana naloo sheegay in Baarlamaanku oggolaaday.

Xeerkaasi waxan dareemayay in aanu ahayn mid hoggaamin ama nidaamin kara warbaahinta isla markaana ay ku muuqdeen goldalolooyin ama dhaliilo badan, waxa uuna u baahan yahay in dib loogu noqdo si wax looga baddalo. Waxaa intaa dheeraa in xeerkan markii la diyaarinayay aan laga qaybgelin wakiillada qaybaha kala duwan ee Puntland.

Gebagebadii, waxaan aad usoo dhaweynayaa isfaham iyo wada-shaqeyn dhexmarta Xukumadda Maamul Goboleedka Puntland iyo warbaahinta, taana macnaheedu maaha in lagu qasbo in suxufiyiinta in ay ka tanaasulaan xaqooda sharcigaa ee ay u leeyihiin soo gudbinta fikirka xortaa iyo iscabbiraad ku dhisan madax bannaani. Dawladdu waxaan ku boorinayaa in ay aqoonsato kaalinta warbaahinta iyo doorka suxufiga madaxabannaan in ay tahay mid aan marna looga maarmin samatabixinta bulshada tabaalaysan iyo horumarka habboon ee ay tahay in la tiigsado.

Wabillaahi Tawfiiq,

Dhammaad

WQ: Burhaan Axmed Daahir, Suxufi Madaxbannaan.
Email:
burhaandaahir@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 31,  2005

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD