SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaalida iyo ismiidaaminta

Cusmaan Faarax Cali(dayax) London
 abumuhamud@hotmail.com 

MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH NABADGELYO NAXARIIS NABIGEENI SCW HA SIIYO AAMIIN. 

ADDUUNYADA INAANAAN LASOCON AADMIGA U SHEEGA.  (GABAY)

Waxaa inasoo maray isbuucyadaan fowdo xagga ammaanka ah dadka ku nool London guud ahaan gaar ahaanna Soomaalida. Waxaa la sheegay in khamiistii 21/07/2005 la isku dayay in qaraxyo laga sameeyo gaadiidka dadweynaha ee London saddex tareen iyo hal bas, waxaanan wada ogsoonahay in khamiistii isla bishaan ee taariikhdu ahayd 07/07/2005 qaraxyo dad badan ku dhinteen sida la sheegay ay ka dheceen isla gaadiidka dadweynaha ee London ,dhibaatadii kadhacday halkaas waxaa loo saariayay iney muslimiintu geysteen saacado kadib ahna waxaa lagu koobay jaaliyadda bakistaanka ah iyo hal nin oo lasheegay inuu jameykaan yahay . waxaa xigay isbuucan kale ee 21/07/2005 isku daygii boolisku sheegeen in lala damacsanaa London in gaadiidkeeda dadweynaha lagu qarxiyo iney kadambeeyeen dad ka yimind afrikada bari waxaa isla markiiba soomaalida kusoo kordhay cabsi dheeraad ah waayo afrikada lasheegay muslimiintooda waxaa ubadan soomaalida ,koley aniga iyo dad indheer garad soomaaliyeed ahba waxba wal-wal badan nama galin waayo waxaan dareemeynay ama yaqiin inoo ah in shakhsiga soomaaliga ah aysan dhaqankiisaba ahayn inuu ismiidaamiyo. Ummad kasta oo adduunka kunool waxay leeyihiin dhaqan u gaar ah oo ay kaga tilmaaman tahay umadaha kale oo dhan tusaale ahaan soomaalida waxaa lagu heesi jiray.

Wiil geel jiroo gaajadu kareyn waa waxa dhulkeenna u gaarahoo laynagu gartaa

Waxau tilmaan kabixineysaa khusuusiyadda soomaalida markay is amaaneyso, waxaanse lagu heesin waxyaalo kale oo inoo gaara laakiin ay nala wadaagaan carabtii nooleyd Islaamka kahor waanaQABIILEYSTENIMADA taasoo soomaalida unoqotay tilmaan cad sannadahaan dambe. Markaan usoo noqdo nuxurka maqaalkaan waxaa lasheegay iney dadkii qaraxa dambe isku dayay ay ku jireen dhalinyaro soomaali ah. Marka hore waxaa ilaah mahaddiis ah ineysan dhicin wax dhimasho ah,midda kalena la sheegay in lasoo qabqabtay taasoo aan ku rajo weynahay in si aan xaqiiqada u ogaano maxkamad muuqatta lasoo taago. Waxaase lagama maarmaan ah in lahelo dad difaaca soomaalida oo saxaafadda u sheega inaysan dhaqan noo ahayn howlahaan oo kale. Waxaa waddan kasta oo yurub ka jira ururo ku furan soomaalida iney matalaan laakiin xaqiiqdu tahay iney ku furan yihiin qabiilooyin iyo jilibjilib iyo ashkhaas dowladuhuna ogyihiin kana bixiyaan ijaarka meelaha ay ku jiraan su,aashu waxay kajoogtaa macadeyn karaan soomaalida mise qof qabiilkoodaa hadii la qabto ayay dadaali doonaan, waxaase kasii daran dadkii aan soomaalida u dhalan ee waraaqaha loo qoray lagu cadeeyay iney soomaali yihiin so ay sharci ugu qaataan dhibkey geystaan yaa naga mayri doona umadaha kalana fahamsiin doona ineysan soomaali ahayn, yaasa masuuliyadeeda qaadan doona dhibaatadii kasoo gaarta soomaalida. Ugu dambeyn waxaa lagama maarmaan ah in lasoo boxo oo lacaddeeyo soomaali ahaan inaan raalli ka ahayn wixii dhacay diinteenuna qabin arinkaas, dhaqanka soomaaliyeedna aysan ku jirin , Adduunka waxaa jirijiray asaaska dacwooyinka iney ahaan jirtay.

QOFKA LATUHMO MA AHA DAMBIILE ILAA LAGU CADDEEYO DAMBIGA.taasoo laga qaatay sunnada ilaahay, Laakiin hadda waxaa loobadalay.

QOFKA MUSLIMKAA WAA DAMBIILE ILAA UU CADDEEYO INUUSAN DAMBIILE AHAYN.

Hadaba anagoo ku dhaqmeyna midda dambe yaa cadeynaya soomaalida dunida ku firirsan ineysan dambiile ahayn, waxay ila tahay

WAA SU,AAL DA’WEYNOO MADAXA DAALINEYSA.

Aniga iyo aqoontaan uleeyahay soomaaliga caadiga ah.  Waxaan leeyahay waa waxaan suurto gal ahayn in qofsoomaali ah isku dayo camalkaan aan diin ahaanba ku banaaneyn. Waayo soomaaliga caadiga ah(waxaan ula jeedaa soomaali caadi ah qofka soomaaliya ku dhashay kuna garaadsaday) waxaa wax walba kala weyn waa Qabaliyadda iyadana lagama yaabo inuu ugalo ismiidaamin(howl-gal uu og yahay inuu ku dhimanayo) iskaba daa diin uu difaaco. Waxaana taas iigu daliil ah soomaaliya dhul ayaa kamaqan haday ismiidaaminta yaqaanan meelahaas ayay kasameyn lahayeen,taariikhdana laguma hayo iney faleen sidaas.  Waxaan arintaas ku kabayaa tixdan aan u tiriyay in laga daalacan karo waxay soomaalidu tahay waxaan iri:- 

  • Ammaankii dunida jiray kolkaan aadyar buu tagaye
  • Is-halaagga aadka usocdee aadmigii dhamaaday
  • Irriddaad ka eegtaba dunidii uuradaa kiciye
  • Akhbaarahii waxay wada noqdeen oohin iyo ciile
  • Amakaag iyo waxay nagu rideen aragti yaabkeede
  • Inta laysku heystana magaran inanka soomaali
  • Itaal yari maheysee  ayana waa amuur culuse
  • Odayadoodii horeetaa ilmaha aafadaas  baraye
  • Ababintoodii horaa ahayd oday qabiil baro’e
  • Abtirsiinyo beenaa intaas lagu afuufaayay
  • Intaas waa afeef inaan erayo sheegaaye
  • Ismiidaamin ma ay taqaan ummadda soomaali
  • Irhaab iyo maxaa ugaga dana ololahuu qaadi
  • Intii  ina  taqaaneey gudbiya ereyadaan kooban
  • Afduub qabiil inaan u’nahay aadmiga u sheega
  • Istiqlaal kamaannihin anagu aafo iyo ciile
  • Aqoon way ku diimaan hadeer ubadka soomaali
  • Iskoolada kuwii horey ugalay haatan waa ebere
  • Is-ammaanid beenaan naqaan eber waxsoosaare
  • Aabigeen ciduu gaari karo waa odey qabiil uune
  • Abtirsiinyo beenaan anagu anfac kudoonnaaye
  • Adduunyadan inaanaan lasocon aadmiga usheega
  • Ingiriis inaanaan eed u qabin aadmiga u sheega
  • Abtirsiinyadiis inaanaan aqoon aadmiga u sheega
  • Argagixin dadkale inaanaan baran aadmiga u sheega

Waxaa dhici karta dhalin yaro ku kortay wadamadaan iney sameeyaan howlaahan oo kale iyadana waxaan ka iri maansadaan caddeyneysa inaanan masuul ka noqon karin dhaqanka kale ee ay barteen anagoon raalli kahayn, waayo waalidiintii hore ee soomaaliyeed waxay ku guuleysteen iney soomaalida ku tarbiyeeyaan qabaliyada iyo ficiladeeda oo kaliya iyo inuu noqdo qofka soomaaligaa qof fur-furan oo aan cidna xumaan soo jireena uurka ugu qaadi karin waana meesha ugu wanaagsan taasi oo lagu amaani karo soomaaliga caadiga ah, marka laga reebo xumaanta qabaliyadda ina aafaysay waxaanan ka iri:- 

  • Dhallintaad rabbeysee
  • Dhaqankoodi lumisee
  • Dhaafsiisay kii hore
  • Oo dhiggiisii kaagii
  • Ku dhureysay waayadan
  • Markey kula dheceenoo
  • Kuu dhaga nuglaadeen
  • Kii dhalayna diideen
  • Kaba dhowrtay aabihii
  • Ku dhexeen agtaadoo
  • Dhexgal fiican kaa helay
  • Dhibkii aad sameysoo
  • Dhulal kale la aaddoo
  • Dhiig dadoow qubeysaa
  • Dhimirkooda galayoo
  • Dhaqankaad baraysaa
  • Loogu dhigay xumaantii
  • Ee dhibkey maleegaan
  • Dhaqankeenna maahee
  • Mana dhigin quraankee
  • Dhogortiis ha eegine
  • Ku dhawaaq wuxuu galay
  • Dhibkiisana ha nagu dhigin
  • Dhuunigaad na siisana
  • Ha kadhigan dhaliil kale
  • Dhashaas naga wareertana
  • Hadiiba ay dhib geystaan
  • Waa kaad dhigeysee
  • dhaqankaaga dib u baar

TOWFIIQDA ILAAHOOW NAWAFAJI AAMIIN.

waxaa qoray gabayadana tiriyay

Cusmaan Faarax Cali(dayax) London 29/07/2005

 abumuhamud@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 31,  2005

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD