SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dadku diide FAATAXO, ee bal DAADKANA ha lagu dayo.

Daad: waa biyo xawli ku socda oo baabiinaya noolaha iyo deegaanka intaba, isla markaana aan lahayn meel laga xiro ama laga yareeyo sida tuubada oo kale, waana musiibo rabbaani ah oo u badan inaysan cidina ka badbaadin, cidduu Alle badbaadsho mooyee..................

Madaxweynihii dowladdii KMG ahayd ee lagu soo dhisay magaalada Carta ee waqtigeedii dhammaaday, Dr. C/qaasim Salaad Xasan, ayaa khudbadihiisii laga xasuustaa ereyo ay ka mid ahaayeen “WALAALAYAAL FAATAXADA NOO MARA IN ILAAHAY RAXMADDA KU JIRTA SAMOOYINKA IYO ARLADA UU NA SIIYO” jumladahaas oo uu u adeegsan jiray si ku celcelis leh marka uu dadka la hadlayo, waqtigaas oo ay ka soo horjeedeen dowladdiisa inta badan ragga siyaasiyiinta ah ee hubaysan oo aan iyagu ka mid aheyn dowladdiisii.

Si kasta oo madaxweynihii hore uu u adeegsanayay ereyo deggan oo nabadeed, haddana ma soo jiidin in kuwii ka soo horjeeday maamulkiisa ay soo debcaan kuna soo biiraan dowladdiisa, iyadoo waqtigii kursiga C/qaasimna uu dhammaaday isagoo aysan weli afkiisa ka sii dhammaan ducadii iyo Faataxadii uu madaxweynuhu ku caan baxay. Dadku waqtigaas ma dhegeysan ducadii mana aqbalin Faataxadii, xilligii Dowladdii Cartana wuxuu tegay iyadoon waddankii waxba aysan iska bedelin oo weli fowdadii iyo kala dambeyn la’aantii, ay sidoodii u baahsan yihiin “DOWLADDII CARTA WAXAA LAGU XASUUSTAA OO KELIYA INAY DALKA DAGAALLO U HORSEEDIN IYO INAY BOORKA KA JAFTAY KURAASTII AY SOOMAALIYA KU LAHAYD URURO GOBOLEEDYADA IYO KUWA CAALAMIGA AH” sidaas waxaa qaba in badan oo Soomaaliyeed oo aan wada sheekeysannay.

Haddaba tan iyo kolkii Korneyl C/laahi Yuusuf loo doortey jagada madaxweynenimada ee dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya, Wuxuu madaxweynuhu jeedinayay khudbado laga dhadhansan karay ereyo kulkulul oo dad badani ay dhibsadeen, iyadoo dadka qaarkiisna ay ku tilmameemeen in ereyada adag ee ku jira hadalka madaxweynaha, aysan ku haboonaan lahayn waqtigan oo dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin qaboojin iyo dib u heshiisiin rasmi ah.

Ereyada ad adag ee ugu saameynta ballaaran ee dadka qaar ay soo soocdaan marka madaxweynu hadal jeediyo, waxaa ka mid ah “INTA YAR WAAN JIIRAYNAA, NIN IGA DAGAAL IYO HUB BADAN MA JIRO, SANOOYIN BADAN AYAAN DAGAAL KU SOO JIRAY, NIN DABIN KA BOODI JIRAY DABIN LOOMA DHIGO, DAADKA AYAA QAADAYA INTII KA HORTIMAADDA DOWLADDA, DAADKUNA WAA RABITAANKA DADKA” ereyadaas iyo kuwo kale ayaa waxay noqdeen waxyaalaha aadka loo hadal hayo, waxayna dadweynuhu isugu jiraan kuwo u riyaaqsan oo qaba in socodsiinta dowladdan loo adeegsado xoog, si dhaqsiyo loogu soo celiyo ammaankii iyo kala dambeyntiiba dalka Soomaaliya, deg degna dhibka looga baxo, kuwo kale oo dadweynaha ka mid ahina waxay ku doodayaan, in laga fogaado wax allaale iyo wixii keeni kara dagaal, oo la adeegsado waddo nabadeed oo baryo iyo isu tanaasul ku dhisan, si looga weecdo dagaallo kale oo dalka ka qarxa.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne C/laahi Yuusuf, waxa uu u muuqdaa, qof waaya aragnimo badan ka qaatay waxna ka bartay dowladdii isaga ka horeysay ee C/qaasim Salaad Xasan, taas oo iyadu wax ku keeni waysay habkii qunyar socodnimada iyo ka meermeeridda dagaal dib uga qarxo dalka Soomaaliya oo la oran karo waa habkii FAATAXADA, waxaana laga yaabaa inay sababtaas tahay arinta ku xambaareysa madaxweynaha cusub, Korneyl C/laahi Yuusuf inuu adeegsado erayo ay ka mid yihiin DAAD xawli ku socda iyo mawjado rogmanaya, si uu cagta u mariyo kuwii ay ka talaabsan weysay dowladdii FAATAXADA ee Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo cid mucaaradda ay ugu horeysey madaxweynaha cusub ee dowladda DAADKA, Korneyl C/laahi Yuusuf Axmed.

Waa suurta gal in mararka qaar xoog wax ku xalismaan, laakiin ummadda Soomaaliyeed oo dhaqan ahaan qabiil qabiil u nool, qaran jabkoodiina uu sababsaday adeegsiga qabyaaladda, ma laga yaabaa in dowladda DAADKU ka badbaaddo in ay lugaha la gasho dagaallo sokeeye oo hor leh, isfahamkii iyo isu soo dhawaanshaha yar ee la unkayna sow lagama yaabo inay kala furfurato, haddana sidan maanta lagu jiro ma tahay wax la sii fiirsan karo, ummaddu ma ku sii noolaan kartaa dhibaatooyinkan haysta ee dhinac walba leh, DAAD iyo ereyo kululse xal ma u keeni karaan shacabkan dhibaateysan in ka badan 14 sano oo xiriir ah?.

Waxay ila tahay in la joogo waqti mas’uuliyiiinta dowladdan federaalka KMG ahi ay qaadan lahaayeen go’aanno wax ku ool ah oo dalka u horseedi kara nabad iyo horumar, si taas loo helana waxa habboon in marka hore ay iyagu dhexdooda ka heshiiyaan iyagoo si feejignaani ku jirto uga baaraan degaya danta guud ee qaranka , isu caqli celinaya isuna sabraya si yoolkii dib u heshiisiinta ee dowladdani balan qaaday loo gaaro, ka dibna ay islaaxiyaan ammaanka iyo kala dambeynta dalka, taas oo ay ku xaqiijin karaan sii wadidda wada hadallada nabadeed mudada afarta sano ah ee u harsan dowladda.

Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay?A.D. Elmi

BARAFKA LAMA SHIILO!!! | A.D. Elmi

A.D. Elmi
adelmi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July31, 2005


»DAREENKA KHUDBADDA MADAXWEYNAHA  | M. Maax
»
MAXAA DHEELIYAY GAALKACYO NABADEEDA | Kulmiye
»Cadde Muusoow, Ha Gelin Meherad Kaa Dheer | C/Waaxid
»Hogaamiye Kooxeedyada Muqdisho Ma Dagaalamayaan Mise.. | Taako
»Reer Hiiraan ayagaa xaq u leh in ay aayahooda ka tashadaan | M. Elmi
»Digniin ku socoto siyaasiinta D&M Calooshood ushaqeeystiyaalka ah
»Tahniyad Caleema Saarka Ugaaska Beesha Ceyr | Xassan
»Yaa ah Professor?, Dr.? | Mohamed S.Ali
»Shebekadaha Iyo Qalimadda Af-lagaadada Iyo Xumaanta Doortay
»Xaalada Muqdisho ee Maanta | Eng: Mohamed Bashi 
»GABAY::: Maanso inan’ madow | Maansadii abdiaziz osman


Booliiska London oo Magcaabay Labo Nin oo Lagu Tuhunsan Yahay Qaraxyadii
Muktar Said Ibrahim iyo Yasin Hassan Omar ayey Booliska London magcaabeen waxayna uga shakiyeen in... Guji..

Dugsi wax Lagu Barayo indhoolayaasha oo laga Furay Muqdisho
»Yemen: Shidaal Soomaliya loo tahriibinaayey oo la qabtay.
»Ra'iisul Wasaare Geedi oo Dhambaal tacsi ah u Diray Britain
Wararka oo dhan ka Akhri Halkan.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD