SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

GUULEYSO FAHADOOW MAXAAD SIDAAS NOOGU GASHAY 

MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH NABAD GELYO IYO NAXARIIS NABIGEENII(SWC) ALLAHA SIIYO AAMIIN. 

Waxaan aad ula yaabay khudbadda aad ugu talo gashay inuu akhriyo cabdullaahi yuusuf ilaahay waxaan kabaryayaa inuu garansiiyo kuna duwo inuu akhriyo kuna dhaqmo khudbadaas la hubo in hadii sidaas ay u socoto inay wax ka badalidoonto xaaladda soomaaliyeed ee maarada loo waayay.

waa dhici kartaa inaanan anigu shakhsiyan kugu waafaqsanayn iney jirto dowlad soomaaliyeed oo sidaad tilmaantay leh madaxweyne iyo masuuliyiin hore oo la aamini karo sida kuwa aad meesha ku qortay inay haboontahay inay noqdaan guddi heer qaran ah kana shaqeeya nabadeynta soomaaliyeed,waayo kuwaad sheegtay waxaa sumcad ugu soo dhow Aadan Cabdulle Cismaan (cadde) isgana inuu madaxweyne noqday kana dagay wax dhaafsiisan oo horumar ah oo lasheegay ama la taaban karo oo uu ummadda soomaaliyeed u qabtay ma jirto haba yaraatee waa suurto gal inaanan ka war qabin wax qarsoon oo meelo gaar ah ku qoran iney jiraa oo tilmaamaya horu kaca uu geystay aadan cadde.

shacbiga soomaaliyeed waxaa la gudboon inay khudbada saaxiibkeen FAHAD ay wada akhristaan ayadoo qofwalba uu iska dhigayo inuu yahay cabdullaahi yuusuf qof kastana ay ka dhigaan inta lala hadlayo kadibna ku wada balamaan iney gacmaha isqabsadaan itoobiyana u sheegaan iney soomaaliya faraha kala baxdo arimaha soomaaliya. culumo hadey jirtana diinta intaan looga dambeyn iney diinta ku dhaqmaan dadkana baraan.

Ugu dambeyn walaalkeen Fahad waxaan kasugeynaa markaan inuu noo diyaariyo khudbadii ku haboonayd iney akhriyaan qeybaha bulshada oo uu ugu hormariyo KAABBE-QABIILADA,MACLIMIINTA DUGSIGAYADA QURAANKA,ISKOOLADA,MAAMULAYAASHA ISKUULADA,GANACSATADA,HOOYOOYINKA.IWM.

Ugu dambeyn Fahad aad ayaad u fakartay waadna ku mahadsan tahay laakiin dowlad iyo maamul aan jirin magacyada hanooga khasaarin si hadhow markii dowladii larabay ama habooneyd la helo aysan isku magac unoqon. 

ILAAHAY TOWFIIQDA HA NA WAAFAJIYO AAMIIN. 

Cusmaan Faarax Cali(dayax) London 28/07/2005

abumuhamud@hotmail.com

Afeef: Aragtida Gabaygan waxaa leh qopraaga ku saxiixan

Maqaalkii Khudbaddii Madaxweynaha

Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2005


WAA QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR
Ninka ay warbaahinta UK ku sheegeen in jinsiyadiisu tahay Soomaali oo lagu tuhmayo qaraxyadii London "qabiilkee buu Soomaali ka yahay"... Guji..


Wararka Qaraxyada London ka Akhri halkan...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD