SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

DHUL SHISHEEYE

Jh suleiman
omane24@yahoo.com

Gabaygan oo la yidhaahdo dhul shisheeye Wuxuu ka hadlayaa saddex arimood oo aniga Iila muuqday inay haysato umada somaliyeed Meel kasta oo ay joogto una baahan in laga hadlo Iyadoo la eegayo mustaqbalkeena dambe. 1.waxa jira dad aad u badan oo dibadaha ku nool Dhibaatooyin badana kala kulma marka laga eego Xaga sharciga.shaqada. dhaqanka iyo isjidhdiidkaba 2.waxaad moodaa inta ku hadhay somaliya naftoodu Inaanay haysan daryeelkii qofka muwaadinka ahi Dalkiisa ka heli lahaa sababo badan awgood oo qaar badani u heelan yihiin inay maruun ka baxaan iyaga oo aan ogayn waxa qurbaha kaga horeeya la yaabna malaha dadkaasi oo waa loo garaabi karaa. 3.arinta kalena waxay tahay marka aad eegto sida aduunku isu bedelayo maalin kasta ama umaduhu isu riixayaan waxay u muuqataa in dhibaato aan yarayni inagaga soo socoto dhanka itoobiya oo ah dad aad iyo aad inooga badan si aan xadi lahayna dadkoodu u soo gelayaan wadankeena iyagoo u socda inay degaan kana faaiidaysanaaya burburka iyo maamul la’aanta ka jirta dalka.

Taas oo hadii ay sii socoto keeni doonta inay ina qarqiyaan Aakhirkana aynu noqono dad laga badan yahay oo aan codlahayn Hana ilaawin waxa jirta sheeko kutidhi kuteen ah oo oromadu Ku sheegato inay hargeysa lahaan jireen una yaqaaneen(HERER GEYS). Tusaale waxa kuugu filan sida yuhuudu falastiin dhulkoodii Uga dhaceen ilaa maantana u soo guurayaan Cadaanka south africa.chechnia oboriginalka australia Mooriga newzealand iyo red indianka america Markaa waxay iila muuqatey inaan arimahaas wax ka idhaahdo. Inkastoo niman badan oo aanu saaxiib nahay igu diidaan fikradayda gaar ahaan ta itoobiya oo ay yidhaahdaan waa midaan dhacaynin.                      

Waana dood u furan cidii fikradooda ka dhiibanaysa. 

  1. Shiinow dhibaatada aduun laga dhamaan waaye
  2. Shalay dhaantey mooyee walaal maanta waa dhamace
  3. Xalay gelin dhexaadkii tixdii dhagida ii diiday
  4. Ee dhabanahays igu dishee dhaxanta ii saartay
  5. Dharas iyo calool xumo tixdaan dhinaca hayn waayey
  6. Dheel dheel ciyaar uma tirshiyo waygu soo dhacaye
  7. Bal dhegeyso oo maqal adaan qodob ku dhaafayne
  8. Inkastoon dhul dheer kala jiroo laga dhamaanaynin
  9. Dhambaalkaagu ina faaraxow waygu dheer yahaye
  10. Adigaa dhab ii garanayiyo dheega aan ahaye
  11. Dhalashiyo walaalnimona way naga dhexaysaaye
  12. Waqtigayna kala dhoofiyoo waayahaa dhigaye
  13. Dhalin yaro hadaad igu ogeyd dhoorka iyo fooda
  14. Way iga dhamaadeen timihii dhumucda weynaaye
  15. Dhabanadii ciray buuxisoo dhaayihii gabaye
  16. Dheeldheeligaygaad inaan dhacayo moodaaye
     
  1. Afartaa sidii laamo dhebi maysku wada dhiibshey
  2. Dhugmadiisa kama leexinine dhidibka maw aasay
  3. Dhaxalbay murtidu leedahaye dhinac kalaan baanan
  4. Dhul shisheeye dheef lagama helo dhixitin mooyaane
  5. Dhibaa lagu qabaa waa beryaba dhiilo aan go’ine
  6. Dhaqashadu ha joogtee cidlada dhoorku nagu daalye
  7. Dhadhan malaha dhuuniga qurbuhu dheregu yeelkiiye
  8. Dhismaha iyo daaraha guryaha laysku dhinac gooyey
  9. Dhabada iyo laamiga is jara dhinac kastood eegto
  10. Dharaar iyo habeen laydh aan go’in daxanta jiilaalka
  11. Dhaldhalaalka johannesburg dheemankiyo luulka
  12. Dhedo aniga iigama duwana dharab arooryaade
  13. Dhaxal bay u tahay wiilal kale dhaadashiyo faane
  14. Dhiilada cabsidu wehelisiyo dhawrsigaan nacaye
  15. Dhaartiyo dhafoor taabashada hadalo dheeraado
  16. Dhulka malihid bay nagu hayaan waad na dhacaysaane
  17. Dhoof baad ku timi baa na dilay dhagari raacdaaye
  18. Dhukus baan dariiqyada maraa dhuumashaa badane
  19. Dhebel baan u yaacnaa markay nagu dhawaaqaane
  20. Ma dhiirado qurbaha ruux hadii dhibi ku haysaaye
  21. Nin dhantaalan baad tahay sidii dhaawac kugu yaale
     
  1. Afartaa sidii laamo dhebi maysku wada dhiibshey
  2. Dhugmadiisa kama leexanine dhidibka maw aasay
  3. Dhaxalbay murtidu leedahaye dhinac kalaan baanan
  4. Dhuuxii hargeysiyo burciyo dhoobadiyo hawdka 
  5. Hadii aan dhulkii tegi lahaa dhiilo laga keenye
  6. Gobanimadii naga dheelidoo qaranki dhiilawye
  7. Dhicisowyey calankii wax badan dhiiga loo qubaye
  8. Dhoodiyo sanaag iyo togdheer dheefba laga waaye
  9. Dhibicdii la waa roobki guga dhoolki karameede
  10. Dhulkii xaaluf noqoy kana idlaa ubax dhalaalaaye
  11. Dhirtii aad tiqiin iyo la madhi qudhaci dheeraaye
  12. sidii dhuxusha iib loogu helay geed ma dhaafaane
  13. Maalkii dhamaa oo ma hadhin dhogorti xoolaade
  14. Dhay lagama helo dalawadii dhiilka loo culaye
  15. Wankii dhabarka weynaa markii horeba loo dhoofshey
  16. Dhadigaaba lagu sii wadaa saylad naga dheere
     
  1. Afartaa sidii laamo dhebi maysku wada dhiibshey
  2. Dhugmadiisa kama leexinine dhidibka maw aasay
  3. Dhaxalbay murtidu leedahaye dhinac kalaan baanan
  4. Nimanyohow dhibaataan arkaa cidina dhaadeyne
  5. Dhegihii daboolmaa xaqay orod ku dhaafaane
  6. Dhankastaba ha joogee intii magaca dhawraysa
  7. Ama dhalasho somalinimo ceebka dhididaysa
  8. Dhidarkaa xabaalaha qodoo ceeb u dhaadhaca’e
  9. Waan idin dhaleecaynayaa idin dhaliilaaye
  10. Umadaa dhamaanteed cadilan dhinac kastood eegto
  11. Een dhaana meel ugu maqnayn dhoomo lagu qaado
  12. Dhufaysyada intaw qodanaysaan dhaca xigaalkiina
  13. Dhudhubaha intaad kula jirtaan dhamacda baaruuda
  14. Dhuljiif iyo intaad daydayow dhagar maleegayso
  15. Dhan kalaaba laga soo galoo layga soo dhacaye
  16. Oromada dhulkeenii hantiday dhuganba maysaane
  17. Boqolaal kun dhaafoo intaa way is dhalayaane
  18. Waxba yaanay dhar ii maydhinoo dhoobi ii noqone
  19. Waxba yaanay dhismiyo daaro iyo dhagaxa ii jebine
  20. Dhirbaaxay inala maaganyiin dhaxal wareegeene
  21. Hadaan dhiidhi laga muujinoo layska dhicin maanta
  22. Inta aanay ina dhalan rogino ina dhibaataynin
  23. Weli waynu dhownee hadaan dhacanta loo jiidin
  24. Oo aan wixii dhacay dhacee laga dhabayn maanta
  25. Oo wiilal wada dhiiran iyo damasta loo qaadan
  26. Dhiilkeeni baa buuxsamee duuga ila dhawra
  27. Falastiin kun soo dhoofayoo cidina dhaadaynin
  28. Oo soo dhex galay baa mar qudha dhaabada u jaraye
  29. Dhabadaa la qaadsiiyayoo deyrna loo dhigaye
  30. Dheeldheel ayey moodayeen dhawrkan soo qaxaye
  31. Iminkay dhamaantood xeryaha dhaxanta jiifaane
  32. Inagaa sidoodii ka dhigan dhoy la’aaneede
  33. Maxamuud maxaa inagu dhacay ways dhiganaynaaye

Jh suleiman
omane24@yahoo.com    

Afeef: Aragtida Gabaygan waxaa leh qopraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2005


WAA QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR
Ninka ay warbaahinta UK ku sheegeen in jinsiyadiisu tahay Soomaali oo lagu tuhmayo qaraxyadii London "qabiilkee buu Soomaali ka yahay"... Guji..


Wararka Qaraxyada London ka Akhri halkan...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD