Khudbadaha C/lahi Yusuf caadifadii qabiilka ayey dib u soo
noolaynaysaa
Soomaalidu waxay tiraah ” hadal
aan fiiro loo oran iyo caano aan fiiqsi loo dhamin wey kula
foogaadaan oo feerahey wax yeelaan”.
Darajaduu doono ha hayo ninka mas’uulka ah waxaa looga
bahanyahay in uu ka fiirsado hadalada uu ku hadlayo.
Ninka madaxweynaha tiisa waaba gaar maxaa yeeley ummada idil
ayaa dhagta u raaricinaysa hadalkiisa,
sidaa darteed looma baahna in wax alaale wixii
afkiisa soo qabtaa uu iska hadlaa. Qofka mas’uulka ah waxaa
haboon in uu eegaa mastawaha uu joogo iyo dadka uu la
hadlayo maqaamka ay jogaan, hadiise qofka labadaas arin aan
fahansanayn qofkaas ma aha qof mas’uuliyad qaadi kara.
Ummadda Soomaaliyeed mudo
badan ayey dagaal ahli ah ay ku soo jirtey welina lagama
sameeyn dib u heshiisiin dhab ah. Shirkii Kanya labada sano
loo fadhiyeyna waxaa xooga la saarey sidii laysku keeni
lahaa hogaamiye kooxeedyadii iska soo horjeedey laakiin dib
u heshiisiin dhab ah kama dhicin.
Colaadihii qabiillada
dhaxyaaley lagama wada heshiis shirkii oo socdaa ayaa
dagaallo qabiil dhacayeen.
Dowlad dib u heshiisiineed
Ujeedada ugu weyn ee dowladaan
loo soo dhisey ayaaba ahayd sidii loo sii wadi lahaa dib u
heshiisiintii bilaawantey madaama qabiilladii weli sidooda
hubkii u sitaan, cabsidii iyo shakigiina sidiisii u sii jiro.
Dib u heshiisiinta waxaa ugu muhiimsan sidii ummadda
dhaxdeeda looga abuuri lahaa kalsooni iyo is aamminaad.
Kalsoonida iyo is aamminaadana waxa lagu kasban karo waxa
ugu weyn waa hadalka wanaagsan.
Is
handadaad iyo is cabsi gelin dib u heshiisiin kuma timaado.
“ Aniga
waxaan ahay ma quuste ninka Soomaaliya ugu hubka badan uguna
dagaal yahansan baan ahay” “ Dowladayda ciddii ka
hortimaada daadka ayaa qaadaya”. Hadaladaa iyo kuwa la midka
ah ee C/lahi Yuusuf ku hadlo
ummadda ayey kala sii foogeyneysaa waxayna dib u
xoojineysaa caadifadii qabiilka iyo naceybkii bulshada
dhaxyaaley.
Qoraa Talyaani ah oo magaciisa la
yiraahdo Goerge della Boca oo
arimaha Soomaalida dhowr buug ka qorey ayaa wuxuu yiri
sanadkii 1993 waqtigii Mareykanka xabadeynayeen Muqdisho “
Maraykanka Soomaalida aqoon uma laha hadii aqoon u lahaan
lahaa xoog iyo hanjabaad wax kuma raadsheen maxaa yeeley
Soomaalida waa sida Libaaxa oo kale mar walba oo aad u
hanjabtaa geesinimo dheeraad ayeyba ka sii qaadaan
hanjabaadda”.
Soomaalida waa ummad madax adag islana
markaana isla qab weyn, ummada
dhaqankaas leh oo weliba mudo colaad ku soo jirtey
dabacsanaan iyo hadal macaan ayaa lagu soo jiitaa waa hadii
la rabo in si maslaxad ku jirto wax loo xaliyo
Hadday curaddii
durdurisay aaran maxaad moodday
Ninkii loo soo doortey in ummadda
hogaamiyo hadii wuxuu doono isaga hadlo maxaad modaa kuwa
wasiirada iyo xildhibaanada loo soo doortey ama shacabka
caadiga ahba ?. Xaley waxaan Horn
Afrik ka dhageystey wareysi C/lahi Koofi lala yeeshey, asaga
oo ka hadlayey ciidamada Puntlant
ka yimid ee loo diidey in ay maraan gobalka Hiiraan.
C/lahi Koofi hadaladii waxaa ka mid ahaa
“sidey ku dhici kartaa iyadoo dib u heshiisiin dhab ah la
sameeyn in ciidamo beelleed dhul kale ka yimid in dhax
maraan. C/lahi Yuusuf aan aragno cida uu daadka
raacsiin karo”
Sidoo kale C/lahi Sheekh oo isla Horn
Afrik ka wareysatey nuxurka khudbadii ugu danbeysey ee C/lahi
uusuf wuxuu tilmaamey in khudbada C/lahi Yuusuf
xanbarsaneed dhiilo colaadeed wuxuuna C/lahi Sheekh sheegey
in aanan jirin shacab shacab kale daadka raacsiin kara.
Hadal intii uu afkaada ku jiro ayuu
ammaantaada yahay waxaa habon in C/lahi Yuusuf ka fiirsado
hadalada uu ku hadlayo isla markaana ka waan toobo dhiilada
colaad ee uu hurinaayo ilayn
Rag walaalow wuxuu ku dhaamo
la waa.
Ilyaas Maxamuud Xuseen
Ilyas_mah@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
July 29, 2005
WAA QABIILKEE
YAASIIN XASAN CUMAR
Ninka ay
warbaahinta UK ku sheegeen in jinsiyadiisu tahay Soomaali oo lagu tuhmayo
qaraxyadii London
"qabiilkee buu Soomaali ka yahay"... Guji..
Wararka Qaraxyada London ka Akhri halkan...
|