WAA QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR.
Yasin Hassan Omar
|
Maalinkii masawirkiisa asaga iyo sadex kale laga sii daayey warbaahinta
dalka Ingriiska qofwalba oo soomaaliyeed ee daawaday wuxuu isweydiiyey
su'aalo dhawr ah, Ma Soomaalibaa mise nin isku dhiibay magaca
soomaalida, maya ee masawirkii ugu danbeeyey ee kaamaradu qabatay buu ku
soo hagaagay wakhtigaas ee ma ahayn Soomaali isqarxinayey ama wax
qarxinayey,sidee suurtogal u tahay nin Soomaali ah in uu naftiisa u huro
asagoo aaminsan mabda'a aanan qabiil ahayn, maya waa la khalday oo
lacagfaro badan baa la siiyey loomana sheegin waxa loo dhiibay,qaar waxay
yirahdeen masawir colaadeed ee loo abuurayo shacabka Ingriiska ayaa la
balaarinayaa oo Soomaalida oo horay looga bartay in aysan lahayn qadiyad
midaysan oo difaaci karta weerarada lala beegsado sumcadooda ayaa qurbaan
looga dhigayaa qaraxaan danbe haddii la waayo faldanbiilayaalkii dhabta
ahaa.
Si kastaba ha ahaato warbaahinta Ingriiska ee maqal iyo muuqaal waxay ku
qireen in uu yahay nin jinsiyadiisu tahay soomaali kana mid ah ragga
lagu tuhmayo in ay isku dayeen qarxinta dhuumaha tareenada hoosta mara
,waxaa la sii raaciyey in uu dalka soogalay 92dii asagoo lagu keenay wiil
11-jir da'diisu ahayd sabab la xiriirta xubno ka tirsan qoyskiisa oo
qaxooti loo aqoonsaday, kadibna la siiyey sharciga joogitaanka Ingriiska, iyo in uu
qaato cayr guriga uu degenyahayna dawladu ka bixiso, labadaan arimood oo
danbana horey baa dhawr jeer joornaalo qaar ka mid ah kuwa Ingriisku
Maqaalo dhaleecayn ah ugu soo jeediyeen bulshoweynta Soomaali ee U.K ku
nool sanado horay loo soo dhaafay jawaab qoraal iyo mid fikradeed oo
radida ama lidi mudac ku noqotana aysan dhicin.
Waxaa yaab leh U.K Soomaalida ku nool oo boqolaal comunity {URURRO} leh
midwalbana isku diiwaangaliyey in uu wax u qabto bulsho-weynta Somaali ee
U.K, xaqiiqduse taas ka duwantahay oo qofwalba qaraabo-qabiil magacyadooda
ku furtay, dhaqaalaha loo siiyey adeega bulshadana hantidiisa gaarka ah
ka dhigtay, qaarkoodna ilaa iyo 92dii cadaymo u samaynayey jinsiyado kala
duwan oo aan soomali ahayn, isla markaasna ku dhiibayey magaca soomalida
ayagoo dhaafsanaya dhaqaalo si sahlan ku soo gala, taas oo keentay in
kumanyaal jinsiyado kala duwan oo aan soomaali ahayn lagu dhiibo magaca
soomaaalida isla markaasna boqolaal kale oo soomaali sax ah loo diido
xuquuqdooda caaadiga ah oo ay lahaayeen qaaarkoodna ay iska joogaan
ayadoo maxkamadihii ugu danbeeyey ee rafcaan ay ku xukumeen iska
noolaada.
Maadaama aysan jirin dalad midaysa Ururada Qaraabo-qabiil ee U.K, aysana
lahayn cid aqoon u leh tilmaamida waxa bulshadu xaqa u leedahay kana soo
jeediya warbaahinada kala duwan ee u baahan in la siiyo masawirka saxda
ah ee jaaliyadda Soomaalida ee ku nool U.K sida kuwa Ingriiska iyo kuwa
carabta sida Aljaziira, una hadla xuquuqda jaaliyadaan difaacana
karaamadeeda iyo khusuusiyaadkeeda ama habnololeedkeeda u gaarka ah si
aan sumcadeeda meel looga dhicin ayadoo lagu halqabsanayo magaceeda
jinsiyadeed, waxaa caado noqotay in aqoonyahano ku takhasusay geeska
afrika oo kale ay difaacaan qadiyada Soomalida sida khabiir Ingriis ah oo
laga waraystay sky-news iyo bbcda uu u xaqiijiyey in shacabka Soomaalidu
uusan cadaawad u qabin shacabka Ingriiska uuna ka duwanyahay macnaha
shacabka Soomaalidu ka qabo kan maraykanka oo ciidamada maraykanku hal
habayn ku dilay Muqdisho dhexdeeda kunqofood,wuxuu ka digay in arintaan
aanan la siin fogaan dawladeed ee loo arko faldanbiyeed aanan lahayn
magac jinsiyadeed si aanan waxyeelo aan ku talo gal ahayn loo gaarsiin
jaaliyadaha magacooda la sumado.
Madaxweynaha Pakistan Gen. Perverz
Musharraf oo siweyn uga hor yimid in dad reer
Pakistaan ah ay ka dambeeyeen qaraxyadii London iyo
Masar
|
Waxaa xusid mudan qaraxii ka horeeyey midkaan danbe ee 7/7 jaaliyada
Pakistaan iyo mida Asiya dhamaantoodba waxay u guntadeen sidii ay
masawirkooda sumcadeed u badbaadin-lahaayeen waxaa Taleefishinada ka
hadlay xubno kala duwan oo isugu jira culimaaudiin, askar, qareeno, madxda
ururadooda, waxay sameeyeen banaaanbax ay ku cabirayaan sida ay uga soo
horjeedaan faldanbiyeedkaan waxay cadeeyeen in dhalinta is miidaamisay
aanan loo arkin Pakistaan ee loo arko Ingriis maadaaama ay haystaan
dhalashada wadankaan, Tony Blair dhowr munaasabadood wuxuu ku
nuuxnuuxsaday in aanan loo saarin arintaas jaaliyad gaar ah oo loo arko
danbiilayaaal, waliba la isweydiiyey in loo isticmaalo magaca
Terroriste {argagixiso} iyo in kale.
Sidoo kale ninkii u dhashay dalka Brazil oo sida khaldan lagu dilay isla
markaasna sideed xabadood lagu dhuftay asagoo la hayo oo dhulka yaala
arintaasuna furtay isweydiimaha ah heerka ay ku tilaabsan karaan askarta
la dagaalanta argagixisada oo hadda loo fasaxay qaabka ah toogo oo dil oo
{shoot to kill} oo ka duwan kii hore oo ahaa toogo oo ha dilin iyo awooda
balaaran ee loo fasaxay sida ay ula isticmaali doonaan jaaliyadaha lagu
suntayo faldanbiilada argagixiso, waxaa dawlada ingriisku dhamaanteed ka
bixisay cudurdaar heer qaran ah dhimashada ninkaas waxaa dalka yimid
xubno heer wasiir ah oo ka socda Brazil waxaana la filayaa in qaan loo
raacdo askartii falkaas gashay,meesha ilaa iyo hadda qaraxyadaan arimo la
xiriira iyo kuwo kalaba ay ku naf waayeen ilaa shan qofood oo Soomaali
ah nafta Qofka Soomaaliga ah ma ka duwantahay kuwa dadka kale?
Hadaba ma waxaan isweydiinaa sida caadadu noo ahaan jirtay Yaasiin
Xasan Cumar qabiilkee buu Soomaali ka yahay, oo mar haddii uusan qabiilkaaga
ahayn dadka ingiriiska ah waa ku yaqaaanaan aflagaadada iyo waxyeelada
kaa soo gaari karana waxay ku koobnaan doonaan qabiilka loo saariyo
Yaasiin,mise tani waxay noo noqotaa darsin balaaran oo noo celiya
midnimadeena meelkastoon joogno una guntanaa sidii aan ku difaaci lahayn
sumcadeena iyo qadiyadaheena midaysan uguna gorgortami lahayn ruuxii
Soomaali ah oo loo gaysto waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba una baraarujin
lahayn dhalinteena soo koraysa una badali lahayn idiolajidada am mabda'a
qabiil oo ku salaysan qaybi uguna badali lahayn mabda'a midaynta iyo isku
duubnaanta.
Qore:Nasteex Maxamed Faarax{gacmo-goye}
nasteex2@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
July 28, 2005
Wararka Qaraxyada London ka Akhri halkan...
Ururka Crisis Group oo Qoraal Dheer Ka
Qoray Soomaaliya iyo Sida la Isugu Cayrsanayo.....
Qoraal ka kooban 29 bog oo bishan July
11, 2005 uu soo saaray ururka lagu magcaabo
Crisis Group ayuu ku falanqeeyey Soomaaliya iyo ururada ka jira iyo
sida dalka gudihiisa la isugu cayrsanayo, qoraalkaas oo aad u dheer oo
ku qoran luqadda Ingiriiska waxaa laga soo rogan karaa
Halkan... Guji... [PDF--
waxaad u baahan tahay "Adobe Acrobat Reader" si aad qoraalkaas u
daalacatid]
|