SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

95-KM AYAA NABADDA IYO KHILAAF XALINTU JIRTAA, COLAADDA IYO DAGAALNA JIRAA.

Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huudersfield-England- 28/07/2005.
- sharifhassan50@yahoo.com 

Magaaladda Jowhar Xarunta Gobolka Sh/Dhexe oo ah Caasimadda ku Meel gaarka ah ee ee Dowladda Somaaliyeed ama Fadhigga Xukuumadda Geedi ayaa Waxaa Gaaray kadib markii Muddo laga sugaayeey Madaxweyne-C/Laahi Yuusuf Axmed oo Safar Debedeed iyo Howlo Ciidan Ururineed intii muddo ah ugu maqnaa Degaamadda P/Land oo uu Asal Ahaan ka soo jeedo kana ahaan jirray Madaxweyne Goboleed ama Hoggaamiye Kooxeed, Iyadoo la ogyahay in Jowhar eey ku Sugan yihiin inta badan ee Xubnaha Xukuumadda Geedi iyo Tiro badan oo ka mid ah Golaha Barlamaanka iyo Masuuliin kalle oo heer Qaran ah.

Tegidda Madaxweynaha ayaa Moraal ahaan iyo Diplomaasi ahaanba kor u qaadeeysa Garabka Halkaas jooga oo awalba Sheeganaayeey in eey yihiin Aqlabiyadda iyo kuwa Wadada Toosan ku taagan, isla markaana Talaabadaas ayaa dhaawac weyn ku noqotay Garabka Shariifka/ Qanyarre ee Magaaladda Muqdisho fadhiya ama Caasimadda Rasmigga ah jooga oo la liita Xal u helidda Mushkiladda Isboorooyinka Muqdisho oo Caqabad weyn ku Noqotay Wax qabadkoodii iyo Dadaalkoodii, Muqdisho iyo Jowhar dhanka Masaafadda waxba isuma jiraan Khilaafkuna intaas ayuu jirraa.

Dhanka Kooxda Muqdisho oo eey ugu Awooda weyn Yihin Hogaamiyaasha Hubeeysan ee Maleeshiyaadka iyo Isbaarooyinka Muqdisho ku heeysa ayaa u Muuqdda kuwo Khilaaf soo kala Dhex galay, waxaana kuu cadeeynaaya Hadaladda ka soo yeeraaya-Cusmaan Caato iyo Muuse Suufi oo ah:- Sifir iyo Caash Cabdalla kama Hadli karaan Arrimaha Muqdisho oo ku cad ama ku Qoran Shebekadaha Wararka Somaaliyeed intooda badan iyo Runta Soo baxeeysa oo ah in lagu Fashilmay arrintii Nabadeeynta Muqdisho oo eey Balanka ku Qadeen iyo Kolsoonidda Dadweynaha oo ka sii Fogaanaaya, waana arrimo dhaawacooda leh iyo weliba Khasaare si gaar ah u haleelay Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliyeed Sharaif Xassan oo ku rajo-weynaa Guul soo hooynta.

Khilaafka Labadda garab ee Dowladda ayaa ah mid intii muddo ah xal loo waayeey oo weliba Mararka Qaarkood Cirka isku Shareeray Ummadda Somaaliyeed Niyad jab iyo Jaha wareer geliyeey, Shirkii Mudada Dheer loo Fadhiyay Dalka Kenyana ka dhigaayeey mid lagu Guul Dareeysay oo Urur Goboleedka Igad iyo Beesha Caalamku Dadaalkoodii noqday khasaare, Iyadoo la wadda ogyahay in Khilaafka meesha yaala yahay mid ku saleeysan arrimo gaar ah iyo Danao Shakhsi ah iyo kalsooni darro iyo is-aamiin la,aan dhex taala Qabqablayaasha isku Magacaaba Hogaamiyaasha Siyaasadda Somaaliyeed, runtiina ah Gacan ku dhiiglayaal mudan Maxkamad horkeenid iyo la Xisaabtay, Dhammaan waa Xaaran ku Naaxayaal waaweyn Dhiiga iyo Dhacaanka Ummadda Somaaliyeed Jaqaaya oo aan la Tirrin kareen Dhibta iyo Falka eey geeysteen, waxeeyna Cabsi ka qabaan soo noqoshadda nidaamka iyo hanaanka Dowladeed oo leh hab Cadaalad iyo Sinaan iyo Garsoor Xaq ah, Waxaan Filaayaa in ummada Somaaliyeed ka Baxday Qiiradii iyo Casabiyaddii Qabyaaladda oo Belaayo Horseedka aheyd.

Maadaama Masaafadu tahay 95-Km soow ma haboona in qoloba dhinaceedda 45-Km ka soo Dhaqaaqo oo Goob dhexe oo gogol nabadeed la dhigo lagu kulan siiyo labadda Garab ee Aayatiinka iyo Qaranimadda Ummadda Somaaliyeed ku Dheelaaya, Wadaniyadda iyo Xaq Garashadda laheyn, Maadaama Masaafadu intaas tahay Waxgaradka Somaaliyeed ee qiirada Wadaniyadeed leh, damiirka nool leh, Sharafta iyo Wanaaga garanaaya dadkooda iyo Dalkoda ka naxaaya ayaa looga baahan yahay ka Shaqeynta xal u raadinta iyo u kala dab qaadidda Labadaas Kooxood ee Caqli adeegsigga iyo isu-tanaasulidda garan waayeey, Cududda iyo Ageedsigga Qorigga Caqligoodu yahay, dhiig daadiinta iyo khasaaro abuuridda sidda luga Abaabulo yaqaana, macquul ma noqoneeyso in la galo xaalad daawasho iyo iska eegasho waxyaabaha foosha xun ee ka soo ifaaya labaad dhinac ee Jowhar iyo Muqdisho kala Fadhiya ee Hubka, Saanadda iyo Ciidamadda Isu faanayaa, Taageeradda iyo ku Tiirsanaanta Ajnabiga Isku haleeynaaya oo illaawsan Awooda Raxmaanka iyo Wax Qabadka Dadkooda.

Guusho waxeey ku jirtaa wanaaga iyo nabadda ka shaqeynta iyo kalsooni abuuridda iyo ka fogaanshaha dhammaan waxyaabaha foosha xun oo dhan, Dadka Reer Jowhar iyo kuwa Reer Muqdisho iyo Meel kastoo Somaaliya ah Dadka Somaaliyeed waa Walaalo, waana Ehel iyo Jacal wadaag, weeyna ka soo bogsoodeen cuduraddii dagaaladda iyo colaadaha Sokeeye ee Khasaaraha weyn keentay, is-cafin iyo is-raali gelin ayaa lagu jiraa, loomana Adkeeysan doono Qaska iyo Dagaal oogidda iyo dhiig daadinta damme, Waxaa loo baahan yahay Kacdoon Dadweyne iyo Maqlidda Codka Ummadda, waxaa loo baahan yahay Sheegida Xaqa iyo Diidmadda Dulmigga iyo baadilka dhoowrka qof wadaan, Banaan Baxyo Hab Nabadeed ah iyo Mahrajaano Dadweyne, Maya Dagaal Maya, Maya Colaada Maya, Caleemo Qoyan iyo Calamo Cad-cad Haa Nabadda Haa, haa Wanaaga haa, haa Qaranimadda haa, haa Soomaalinimadda haa, haa Dowlad Cadaalad iyo Sinaan leh haa, haa, haa.

-Alla Mahad Leh-

-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huudersfield-England- 28/07/2005.
- sharifhassan50@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2005


»DAREENKA KHUDBADDA MADAXWEYNAHA  | M. Maax
»
MAXAA DHEELIYAY GAALKACYO NABADEEDA | Kulmiye
»Cadde Muusoow, Ha Gelin Meherad Kaa Dheer | C/Waaxid
»Hogaamiye Kooxeedyada Muqdisho Ma Dagaalamayaan Mise.. | Taako
»Reer Hiiraan ayagaa xaq u leh in ay aayahooda ka tashadaan | M. Elmi
»Digniin ku socoto siyaasiinta D&M Calooshood ushaqeeystiyaalka ah
»Tahniyad Caleema Saarka Ugaaska Beesha Ceyr | Xassan
»Yaa ah Professor?, Dr.? | Mohamed S.Ali
»Shebekadaha Iyo Qalimadda Af-lagaadada Iyo Xumaanta Doortay
»Xaalada Muqdisho ee Maanta | Eng: Mohamed Bashi 
»GABAY::: Maanso inan’ madow | Maansadii abdiaziz osman


Booliiska London oo Magcaabay Labo Nin oo Lagu Tuhunsan Yahay Qaraxyadii
Muktar Said Ibrahim iyo Yasin Hassan Omar ayey Booliska London magcaabeen waxayna uga shakiyeen in... Guji..

Dugsi wax Lagu Barayo indhoolayaasha oo laga Furay Muqdisho
»Yemen: Shidaal Soomaliya loo tahriibinaayey oo la qabtay.
»Ra'iisul Wasaare Geedi oo Dhambaal tacsi ah u Diray Britain
Wararka oo dhan ka Akhri Halkan.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD