SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ina Waraabe and the Gang in Hargeisa: “waan ku dulmiyiye ha digigixoon”

BY: A Omar
Bulaale77@yahoo.com

Inta aanan u galin waxa igu kalifay inaan qoro maqaalkan, bal aan laba eray ku yar iftiinsho arrinta guud ee ay qormadani ku fadhin doonto.

Waxaa beryahan dambe aad looga maqlayay amaba loogu arkayay saxaafadda somalida in baabuurta laga leeyahay gobolka W.galbeed ee Somalia lagu waxyeeleeyo laguna gubo gudaha Ogadenia. Arrintan ayaa salka ku haysa tallaabooyin dhawr ah oo uu qaaday shacabka reer Ogadenia ka dib markuu u adkaysan waayey meelka dhaca maamulka W.Galbeed. kaasoo kula kacay dhac, xidhay, layn iyo xabashi u dhiibid safarradii & ganacsatadii Ogadenia ee usoo mushtar tegay magaalooyinka hargeisa, burco iyo berbera isagoo ku hammiyaya inuu farax geliyo maamulka Ethiopia.

Haddaan u soo dhaadhaco ujeedada qoraalkaygan iyo sababta igu dhalisay inaan u qaato qalinka ayaa waxay tahay:

Waxaa mar aan shalay si dulmar ah u yara jalleecay mid ka mida bogagga Internet-ka ee somalida (websites) ayaa waxay durbadiiba ishaydu qabatey war uu cinwaankiisu ahaa “ mid kamida ururrada mucaaradka ee Somaliland (W.galbeed) oo cambaareeyay ONLF” nuxurka uu xambaarsanaa warkaasi ayaa ahaa in ninka lagu magacaabo Faysal Cali Waraabe oo sida qoraalku sheegayey guddoomiye u ah xisbi lagu magacaabo UCID uu ka codsaday ONLF inay joojiso baabuurta laga leeyahay W.Galbeed ee ay gubayso xaqdhawrtana muwaadiniinta reer Somaliland ee ka shaqaysata dhulkaasi (Ogadenia).

Ogow akhristow, faysal waa ninkii xilli aan saas u sii durugsanayn mataaneeyay W.Galbeed iyo Ethiopia ee saxaafadda u sheegay inay walaalo yihiin wiilka Hargeisa iyo ka Addisababa. Halka aysan isba fahmaynin ka Xamar ku dhashay iyo ka Hargeisa ku dhashay. Sida aan wada ogsoonahay somalida fayoobi waxay Ethiopia u aqoonsantahay inay tahay cadowga rasmiga ah ee somalidu leedahay, iyagoo waliba dad iyo dal somaliyeed gumaysta.

  • Wecelkii gumystaha ahaa waliga yaa mooday.

  • Melez wiil yaa u noqday iyo weriyihiisiiba.

  • Inaan waran la gaadnaan rabnee wananka yow loogay

  • Sirta niman walwaalaa jiree yaa warqado dhiibay.

Dhawr su’aalood oo runtii mudan in la iswaydiiyo ayaa maskaxda ku soo duxaya. Kuwaas oo u baahan in jawaabo waafiya la iska siiyo. Waa maxay sababta uu ina Cali Waraabe indhaha uga lalinayo gaboodfalka ay isaga iyo inta W.Galbeed ka talisaa kula kacayaan dadka Somaliyeed guud ahaan gaar ahaana dadka reer Ogadenia ee dhulkooda u ganacsi yimid?

Akhristow intaanan guda galin su’aasha xigta ayaa waxaan jeclaystay inaan idiin soo tebiyo arrin foolxun oo ka dhacday xabsiga Hargeisa bishii May ee la soo dhaafay ee sannadkan. Xabsiga Hargeiasa waxaa intii muddo ahaydba ku xidhnaa dad shacaba oo ka soo safray Ogadenia kuwaasoo maamulka Hargeisi hantidoodiina ka dhacay iyagiina jeelka ku guray isagoo (waa maamulka ‘e) fulinaya amar ka soo baxay saraakiisha Tigrey-ga ah ee ku sugan halkaasi. Waxaa markaa dhacay taariikhda aan soo xusnay in nin ka mida dadkii dulmiga iyo afduubka lagu haystay uu ku geeriyooday xabsiga dhexdiisii; ka dib markii habeenkii oo idil ay jidhdilayeen ilaalada xabsigu halkaasna uu u dhintay nabarradii ay sida arxandarrida ah ula beegsanayeen. Marxuumkaas oo lagu magacaabo Xiis Muuse Jaamac Godor, waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu jannadii ugu bishaareeyo kuwii falkan u gaystayna maalinteeda ka abaal mariyo.

Waxaan hay’adaha xuquuqul insaanka u dooda iyo somalida inta wanaagga jecelba ugu baaqayaa inay cambaareeyaan falkaas fulaynimo ee uu maamulka W.Galbeed kula kacayo dadka uu afduubka u haysto.

Baabuurtan uu ku doodayo in la gubayose maxay ka soo raadinayaan Ogadenia oo kaga xidhan? Maadaama uu isaga iyo inta la mabda’ ahba ee Hargeisa ka taliya ay go’aamiyeen inaan lawada dhaqmin iyagoo arrintaa si ficil ah u tusay, ka dib markay dulmi aan kala joogsi lahayn ay kula kaceen shacabka reer Ogadenia ee u soo dukaamaystay dhulkooda. Jawaabta su’aashan waxaan u malayn inaysan u baahnayn in meel fog laga baadigoobo. Waxa weeye dantii ay ka lahaayeen amaba kaga xidhnayd Ogadeeniya oo aysan horay maskax deggan uugu cabbirin ayay eegga garwaaqsadeen.
 

  • Taladaan Ilaah kugu duwayn waa lagaa dadiye

  • Waanu kaa daboolmaa caqligu diiraddaa lumiye

  • Dareenkaagu meel aanu rabin yuu ku dubuqsiin.

Dawse ma tahay in wiilka ka yimid Ogadenia lagu dulmiyo Hargeisa, ka reer W. Galbeedna uu Ogadenia kolba dacal ku daanshodaanshoodo? Mise Faysal iyo inta ra’yiga saboolka ah la meeraysanayaba waxay isku qanciyeen inaysan hoos u miliilicin tacadiga uu maamulkoodu ku kacayo? Waxaan u malayn inaysan arrintani gar ahayn, damiirka saxda ahina oggolaanaynin “aan kudulmiyo adna ha ka digiigaxan”.

Waxaan kula talin lahaa inuu bal marka hore dib u jalleeco gurigiisa kana hadlo dadka uu afduubka u haysto inta uusan ku baroordiiqin “baabuur baa la gubay”.

Waa arrin daciif ah inuu ka hadlo daris-wanaag, xaqdhawr iyo walaalnimo marka uu isagu yahay kii intaba laagga ku dhuftay.

Doodda Faysal-se miyaysan ka dhignayn:-

“Waan ku dulmiye ha digigixoon”

Waxaan maqaalkan ku soo gabagabaynayaa in shacabka Ogadenia uu diyaar u yahay wanaagga, nabadda iyo wada noolaanshaha hadday intuba ku jaango’anyihiin caddaalad iyo sinnaan. Haddii taa lawaayo waxaan diyaar u nahay inaynu kala joogno ood idina dhulkiina ku ekaataan annuguna kaayaga.
 

  • Garnaqsaday go’aankiina waa nin iyo gaarkiise

  • Gadaafada haddaad odhan lahayd laguma gaadhsiinin

  • Ninkaas gabiga igusoo dunshow sowku garan mayo.

BY: A Omar
Bulaale77@yahoo.com .

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 27, 2005


»DAREENKA KHUDBADDA MADAXWEYNAHA  | M. Maax
»
MAXAA DHEELIYAY GAALKACYO NABADEEDA | Kulmiye
»Cadde Muusoow, Ha Gelin Meherad Kaa Dheer | C/Waaxid
»Hogaamiye Kooxeedyada Muqdisho Ma Dagaalamayaan Mise.. | Taako
»Reer Hiiraan ayagaa xaq u leh in ay aayahooda ka tashadaan | M. Elmi
»Digniin ku socoto siyaasiinta D&M Calooshood ushaqeeystiyaalka ah
»Tahniyad Caleema Saarka Ugaaska Beesha Ceyr | Xassan
»Yaa ah Professor?, Dr.? | Mohamed S.Ali
»Shebekadaha Iyo Qalimadda Af-lagaadada Iyo Xumaanta Doortay
»Xaalada Muqdisho ee Maanta | Eng: Mohamed Bashi 
»GABAY::: Maanso inan’ madow | Maansadii abdiaziz osman


Booliiska London oo Magcaabay Labo Nin oo Lagu Tuhunsan Yahay Qaraxyadii
Muktar Said Ibrahim iyo Yasin Hassan Omar ayey Booliska London magcaabeen waxayna uga shakiyeen in... Guji..

Dugsi wax Lagu Barayo indhoolayaasha oo laga Furay Muqdisho
»Yemen: Shidaal Soomaliya loo tahriibinaayey oo la qabtay.
»Ra'iisul Wasaare Geedi oo Dhambaal tacsi ah u Diray Britain
Wararka oo dhan ka Akhri Halkan.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD