SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo

  26 July 2005 

  • Dagaallo ciidammada gumaysiga lagu naafeeyay.
  • Qaraxyo waawayn oo ka dhacay magaalooyin Ogaadeenya ka mid ah.
  • Duuliyayaashii Itoobiyaanka ahaa oo magangelyadii ay codsadeen loo diiday.
  • Bayaan ay JWXO ka soo saartay doorasho ku sheegta Ogaadeenya iyo qaraxyada.
  • iyo Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga.

 ====================== 

Dagaallo dhawr ah oo labadii toddobaad ee ugu denbeeyay ay iskaga horyimaadeen ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ayaa ciidammada gumaysiga loogu gaystay dhibaatooyin xoog leh.Waxaana kamid ah dagaaladaas ay fooda is dareen : 

7/07/05  ayaa ciidammada gumaysiga itoobiya lagaga gubay baabuur meesha lagu magacaabo Warmagaallo oo u dhaw magaalada Baabili, waxaana ciidammada cadowga itoobiya kaga dhintay baabuurkaas la gubay  5 askarin, 6 kalana way kaga dhaawacmeen.

8/07/05 dagaal ka dhacay Xayaabaley, oo ka tirsan gobolka Qorraxey ayaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 2 askari,dhaawucuna uu gaadhay 4 kale.

Dagaal ka dhacay Qayla-dhoorrey, oo degmada Godey ka tirsan 11/07/05, ayaa ciidammada gumaysiga itoobiya qudha lagaga jaray 6 askari, 10 kalana  lagaga dhaawacay. 

12/07/05 dagaal ka dhacay meesha la yidhaahdo Isku-dhoonka, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, ayaa ciidanka cadowga itoobiya lagaga dilay 1 askari, 2 kalana  lagaga dhawacay.

Dhinaca kale ciidammada gumaysiga Itoobiya markii ay u adkaysan waayeen dagaallada aan kala joogsiga lahayn ee ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku hayaan, waxay ka guureen magaalooyin badan oo Ogaadeenya ka mid ah. Magaalooyinka uu cadowgu ka guurayna  waxay kala yihiin;

Dhagax-madow, Garbo, Sagag, Galadiid, Nusdariiqa, Galaalshe, Ararso, Dannood, Caado, Qorile iyo Hadhaawe. 

Waxaa sidoo kale aad u batay baxasadkii iyo amar-diiddadii ciidammada gumaysiga. Waxaa la sheegayaa in ciidammada gumaysigu ay koox-koox u goostaan, waxaana ugu wacan niyad jabka haysta ciidammada Wayaanaha, ka dib markii ay u adkaysan waayeen dagaallada kulul ee ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku hayaan. 

Qaraxyo waawayn oo ka dhacay magaalooyin Ogaadeenya ka mid ah. 

Weerarro kala duwan ayaa lagu qaaday cawysyo ku yaalla magaalada Jigjig iyo guryaha masuuliyiin u shaqeeya gumaysiga Itoobiya oo ku yaalla magaalooyin kala duwan oo ka tirsan dalka Ogaadeenya. Weerarradan ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen in ka badan 40 qof, hase yeeshee warbaahinta qaar ayaa sheegaysa in dadka ku dhintay weerarrada lagu qaaday magaalada Jigjiga ay dhan yihiin ugu yaraan 5 qof. In ka badan 30 qofna ilaa iyo hadda la xaqiijinayo inay weerarradan ku dhaawacmeen. 

Seddex hoteel oo waawayn oo ku yaalla magaalada Jigjiga ayaa habaynimadii isniinta ahayd lagu weeraray bambooyinka gacanta. Waxaa kaloo la weeraray guryo ay ku leeyihiin magaalada Jigjiga afhayeenka baarlamaan ku sheegga kililka Cali Kunay iyo ninka dhinaca ammaanka Ogaadeenya uga wakiilka ah gumaysiga Itoobiya Jamiil Muxumed Gaas. 

Waxaa kaloo weerarro noocan ah lagu qaaday guriga guddoomiyaha degmada Dhagaxbuur, waxaana la sheegaya inuu dhaawac ka soo gaadhay weerarkaas. Waxaa sidoo kale la weeraray guriga gudoomiye ku xigeenka degmada Fiiq. Halka lagu soo waramayo inuu weerar noocan oo kale ahina  ka dhacay magaalada Qabridaharre, hase yeeshee faahfaahintiisa aan weli lahaynin. 

Dad goobjoog ka ahaa weerarrada Jigjiga ayaa sheegay inay maqleen rasaas la is-waydaarsaday, ka hor intii aan bambooyin iyo waxyaalo kale oo qarxa lagu weerarin huteello ku yaalla magaalada Jigjiga. 

Lama garanayo cidda weerarradan ka denbaysay, hase yeeshee waxay ku soo hagaageen xilli loo diyaar garoobayo doorasho ku sheegtii ogaadeenya oo ayna dadwaynaha iyo mucaaradku midna raalli ka ahayn qaabka loo agaasimayo. Doorashada Ogaadeenya ayaa mar kasta waxay u dhacdaa qaab maqaar-saar ah, iyadoo xukuumadda Itoobiya ay adduunka maqashiiso inay doorasho qabatay, isla markaana ay soo xulato cidda ay doonayso ee daneheeda u fulinaya. 

Waxaa loo malaynayaa in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay laftoodu ka denbeeyeen weerarradaas, si ay u bajiyaan goob joogayaasha caalamiga ah ee laga yaabo inay codsadaan in loo oggolaado inay u kuur-gelaan doorashada ay Itoobiya sheegayso inay Ogaadeenya ka qabanayso. Itoobiya waxay mar kasta ku andacoon jirtay in Ogaadeenya ayna nabadi ka jirin, sidaas darteed ayna goob joogayaal caalami ah iyo ururrada samafalku midna si xor ah u tegi karin. 

Duuliyayaashii Itoobiyaanka ahaa oo magangelyadii loo diiday. 

kaahDuuliyayaashii Itoobiyaanka ahaa ee magangelyada siyaasadeed waydiistay dawlada Belarosia ayaa magangelyadii loo diiday. Dawlada Belrosia ayaa siddeed duuliye oo Itoobiyaan ah oo dalkeeda magangelyo siyaasadeed waydiistay u sheegtay in codsiyadoodii magangelyo laga diiday. 

Saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Belarosia ayaa sheegay in sababta duuliyayaashan magangelyada loogu diiday ay tahay iyadoo xaaladda siyaasadeed ee dalka Itoobiya ay deggan tahay oo wax dhibaato ahi ayna ka jirin.  

Dawlada Belarosia ayaa duuliyayaashan u celisay baasaboorradoodii, waxayna kala noqdeen ilaaladii ay u sameeyeen ee loogu talagalay inay nabadeglyadooda ilaaliso, taasoo ka dhigan in nabadgelyada duuliyayaashani ayna hadda sugnayn, isla markaana uu taliska Wayaanuhu awood u leeyahay inuu afduubo. Duuliyayaashan waxaa loo qabtay inay hal bil gudeheed gao’aankan racfaan uga qaadan karaan. 

Xidhiidh aad u fiican ayaa ka dhexeeya taliska Addis Ababa iyo dawlada Belarusia, wuxuuna taliska Zenawi sannad walba dalka Belarusia ka soo gataa hub malaayiin dollar lagu bixiyo. Lacagtan ayaa ah middii ay dalalka deeqda bixiya Itoobiya siiyeen ee loogu talagalay hawlaha gargaarka.  

=================

Baaq ku saabsan doorasho ku sheegta Ogaadeenya iyo qaraxyada

25 July 2005

Iyadoo ay saraakiil Itoobiyaan ahi ku andacoodeen in Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) ka denbaysay qaraxyo habaynimadii isniintu soo gelaysay loo gaystay magaalooyin ka mid ah dalka Ogaadeenya ee Itoobiya gumaysato, waxay JWXO caddaynaysaa inay arrintaasi been-abuur tahay oo JWXO ayna wax lug ah ku lahayn, waxayna si kulul u canbaaraynaysaa qaraxyadan loo gaystay magaalooyin ka mid ah dalka Ogaadeenya ee lagu wax-yeelleeyay dadwaynaha rayadka ah.

JWXO waxay u aragtaa in falalkaas waxshinimada ah ay ka denbeeyeen ciidammada Itoobiya ama cid aan ka fogayn, lana doonayo in lagu cilladeeyo halganka xaqa ah ee dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya ugu jiraan sidii ay gumaysiga isaga dulqaadi lahaayeen, isla markaana lagu cabsi gelinayo goob joogayaasha caalamiga ah ee laga yaabo inay kormeeraan doorashada ay Itoobiya sheegtay in Ogaadeenya laga hirgelinayo, si ay u hubiyaan inay tahay doorasho xaq u dhacday iyo in kale, iyadoo ka cabsi qabta in la ogaado musuqmaasuqa caadada u ahee ay maqaar-saarka uga dhigto doorasho aan jirin oo ay ku soo xulato xubno siyaasadeeda daacad u ah.

JWXO waxay ugu baaqaysaa dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya inay qaadacaan doorasho ku sheegta uu taliska Addis Ababa ku danaysanayo ee dalkooda lagu hafrayo, isla markaana ay ogaadaan in maamulka Itoobiya u shaqeeya oo la beddalo ama jooga aanuu waxba ka beddalaynin dhibka iyo cadaadiska uu gumaysigu ku hayo iyo xuquuqdooda uu duudsiyayo.

Waxay kaloo JWXO ugu baaqaysaa dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya inay xoojiyaan halganka hubaysan ee JWXO horseedka ka tahay ee lagaga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya, kaasoo ah waddada kaliya ee lagu gaadhi karo inay aayohooda si madaxbannaan uga tashadaan.

Ugu denbayntii waxay JWXO ogeysiinaysaa dadwaynaha in maanta la marayo xilli kala guur ah oo Itoobiya uu ka jiro burbur dhinac walba ah oo u baahan in guntiga dhiisha la iskaga dhigo, si looga guulaysto gumaysiga daallan ee dalkeena haysta.

====================

Radio Xoriyo 

26 July. 2005 

C/nuur Sh. Mohamed 

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com   

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | July 26,  2005

Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD