Daabaco
Boggan | Print |
|
MADHOODHOW |
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku
Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho,
magaciisuna waa...
Guji...
|
FILIMADA ANSHAXA
XUN |
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka
iyo isticmaalka Daroogadu
Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya..
Guji...
|
GALCAARKA |
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La
dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
|
CAAFIMAADKA |
AIDS |
CHOLERA |
SOKOROW |
JABTADA |
SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
|
QISO NAXDIN LEH |
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha
Muslimada ah....... GUJI....
|
SAWIRRO XAMAR |
XAMAR DAAWO
DACALLADA.. SAWIRRO
|
XIJAABKA |
»Maxamed
DHeere oo Indh shareerka mamnuucay
»Faransiiska
oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...
»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda
Guji...
|
DAROOGADA QAADKA |
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU
HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca
Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo
sannadkii ka dhigeysa $2,040,000.
Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan
karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji..
BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka
Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay kasoo baxdo
miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba,
laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan
cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
ABC Australia...
|
MUSLIMIINTA CUSUB |
Denmark: Saciid Wesing
: “dabcan waxa ugu horreeya ee aan
Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan
qoyskayga ee aan muslimka ahayn”...
Guji..
Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay:
Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa
islaamay Muqdisho
Guji
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji
|
QISO XIISA LEH |
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir
Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”,
Guji.. ..
Sheekadii Kiishka... Guji/
|
BARO QAARADA AFRIKA |
AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO
MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI:
Wax ka baro
Qaaraddaada
|

Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka
iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin
Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya..
Guji...
XAMAR DAAWO
DACALLADA.. SAWIRRO
Fadeexada
Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga
|
- Kulan
cilmiyeedkii labaad ee magaalada Qardho
- Nuuro
C/llaahi Xaaji “si wanaagsan ayay noogu dhamaadeen kulamadiii la tashida
ee Somali Human Rights Commission”
- Muriidigolf oo ah gu’doomiyaha SANU oo u mahad celiyay dhamaan dadkii ka
qeybqaatay caado dhaqmeedka Shirta Banaadiriga ee degmada x/weyne..
- Ururka Naafada ee Hanyo oo
Markii Ugu Horaysay Bulshada u Muujiyay inuu Jiro Naafada SSC
Kulan
cilmiyeedkii labaad ee magaalada Qardho
Caawa oo ay taariikhdu tahay 23.07.2005
waxaa ka bilaabmay masjidka Cumar binul-Khadtaab ee magaalada Qardho,
kulan cilmiyeedkii labaad ee magaalada Qardho. Kulan cilmiyeedkaas oo
socon doona inta u dhexeysa 23/7/2005-29/7/2005 ayaa waxaa looga hadli
doonaa arrimo badan oo khuseeya diinta Islaamka.
Kulan cilmiyeedkan oo ujeeddadiisu
tahay wacyi gelinta iyo sare u qaadidda aqoonta diiniga ah ee bulsho
weynta Soomaaliyeed, gaar ahaan inta ku dhaqan magaalada Qardho iyo
nawaaxigeeda ayaa waxaa duruus ka bixin doona qaar kamid ah culimada ugu
waaweyn dalkeenna oo ay kamid yihiin.
- 1) Sh. Cabdulqaadir Nuur
Faarax
- 2) Sh. Daahir Aw-Cabdi
- 3) Sh. Axmed X. C/raxmaan
- 4) Sh. Bashiir Jaamac Kite
- 5) Sh. Maxamed M.Axmed
- 6) Sh. Xasan Bookh
- 7) Sh. Fu’aad Maxamuud X. Nuur
Kulan cilmiyeedkan caawa
ka furmay magaalada Qardho ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay guddoomiye
ku xigeenka degmada Qardho Yaasiin Siciid Xuseen (Calaacala-weyne),
nabaddoon Cabdi Diiriye, Cali Barre Ciid oo kamid ah odayaasha degaanka
iyo Sh. Daahir Aw-Cabdi oo kamid ah culimada waaweyn ee Soomaaliya.
Intaas dabadeed ayaa waxaa furantay muxaadaradii kowaad ee kulan
cilmiyeedkan oo ku saabsaneyd Qabyaaladda iyo xumaanteeda uuna soo
jeediyay Sh. Dr. Axmed X. Cabdirraxmaan.
Kulan cilmiyeedkan oo laga
baahinayay idaacadaha, khadadka telefoonnada iyo shabakadda internetka
gaar ahaan qeybta Paltalk-ga qolka Somali Islamic Dacwah center, sidaa
daraadeed waxaan ugu baaqeynaa dhammaan bulsho weyta Soomaaliyeed inay
ka faa’iideystaan.
La xiriir Xafiiska:
dacwah@hotmail.com
Nuuro
C/llaahi Xaaji “si wanaagsan ayay noogu dhamaadeen kulamadiii la tashida
ee Somali Human Rights Commission”
amiin yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com
Waxaa
dhawaan la soo gabagabeeyay kulamadii la tashiga ahaa ee Somali Human
Rights Commission kaasoo lagu kala qabtay magaalooyinka Muqdisho,
Baladweyne, Diinsoor, Gaalkacyo iyo Boosaaso, waxaana kulamadiaasi ka
qaybgalay qaybaha kala duwn ee Bulshada sida Hay’addaha xaquuqda
aadanaha, Aqoonyahanada, Odoyaasha Dhaqanka, Culuma-u-diinka, Saxaafadda,
Haweenka, Dhalinyarada iyo Garyaqaanada, waxayan si aad ah ugu doodeen
sida ugu haboon ee loo dhis karo Somali Human Rights Commission.
Nuuro C/llaahi Xaaji oo madax ka ah
Hay’adda SOYWA isla markaana qaban-qaabisay kulamadaan ayaa waxay noo
sheegtay in si wanaagsan ay ku soo dhamaadeen kulamadii wada tashiga
ahaa ee Somali Human Rights Commission waxayna kalloo sheegtay in
kulamadaani ay ahaayeen sidii loo uruurin lahaa fikradaha ay bulshada
rayidka ah ka qabaan qaabka loo dhisi karo Somali Human Rights
Commission, Nuuro waxay kalloo sheegtay in goor dhow la qaban doono
shirweyne guud oo lagu dhisayo Somali Human Rights Commission, sidoo
kale waxay sheegtay in kulamaddii hore aysan ka hor imaanin wax caqabado
ah ayna ku dhamaadeen si wanaagsan waxayna sheegtay in qaybaha kala
duwan ee bulshada ay aad u daneynaayaan yagleelida Somali Human Rights
Commission.
Dr. Xirsi Xaaji Culusow oo xiriiriye ka
ahaa kulamaddii wada tashiga ahaa isla markaana ka qaybgalay kulankii ka
dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa mar aan halkaasi kula
kulannay waxa uu noo sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay aad u rabaan in
la dhiso Somali Human Rights Commission, waxaa kalloo oo uu sheegay in
wadamada Caalamka ay leeyihiin kulamada noocaan oo kale ah kuwaasoo oo
uu sheegay in ay ka madaxbanaan yihiin dowladda balse ay u dhexeyso wada
shaqeyn.
Gudoomiyaha degamada Diinsoor C/xafiid
Shiikh Xuseen oo isagu furay kulankii ka dhacay degmada Diinsoor oo ay
ka qaybgaleen gobolada Bay, Bakool, Gedo, J/hoose, J/dhexe iyo Sh/hoose
ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhaweenayaan kulamada noocaan oo kale ah
oo la doonayo in looga hortago tacadiyada ka dhaca guud ahaan dalka,
waxaa kalloo oo uu sheegay in haddii la dhowro xaquuqda Bini’aadamka ay
wax walba hagaagayaan.
Abuukar Shiikh Yuusuf oo ah gudoomiyaha
Hay’adda Isha Human Rights oo ururkiisu uu horseed u ahaa in degmada
Diinsoor ay martigaliso kulanka Somali Human Rights Commission ayaa waxa
uu sheegay in golaha la dhisayo uusan noqon doonin mid aan ka hor
imaanayn Diin Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed, wuxuuna u
mahadceliyay intii soo qaban-qaabisay kulamadaani oo uu sheegay in lagu
dhisi doono golo guud oo la magac baxay Somali Human Rights Commission.
Xaajiyo Xaaji Xasan Yarow oo gudoomiye ka
ah hay’ad la magac baxday HOGOL Development Organization isla markaana
ururkeedu uu ahaa midkii sida aadka ahaa u soo dhaweeyay ergooyinkii ka
kala yimid gobolada K/galbeed ee Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay mar ay
ka hadleysay xafladdii furitaanka in ay aad ugu faraxsan tahay in
degmada Diinsoor ay martigaliso ergooyin ka kala yimid gobolada la isku
yiraahdo K/galbeed ee Soomaaliya, waxayna kalloo oo ay sheegtay in
xaquuqda aadanaha ee Soomaaliya ay aad u liidato loona baahan yahay in
loo guntado dhowridda xaquuqda aadanaha, waxay sheegtay in dhismaha
golohaan uu bulshada u iftiimin doono dhowridda xaquuqda aadanaha.
Kulamadii la tashiga ahaa ee ka dhacay
Muqdisho, Baladweyne, Diinsoor, Gaalkacyo iyo Boosaaso waxaa lagu soo
xushay mid 14 xubnoon oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee Bulshada
amiin yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muriidigolf oo ah gu’doomiyaha SANU oo u mahad celiyay dhamaan dadkii ka
qeybqaatay caado dhaqmeedka Shirta Banaadiriga ee degmada x/weyne..
Ujeedo mahad celin dhamaan Beelaha
Qo’miyadda Banaadiriga
Anigoo
ah Dr. Cabdulqaadir Suufi (muriidigolf) ahna Gudoomiyaha ururka SANU ,ee
Banaadiriga waxaan go’aansaday in aan ooga mahad celiyo dhamaan Beelahii
Banaadiriga ee gacan ka geestay taabo gelinta caado dhaqameedka loo wada
yaqaano dabshidka iyo Shirta sanadkaan wacdaro dheeraad oo horey loo
arag ku soo bandhigay Degmada X/weeyne ee gobolka Banaadir caado
dhaqmeedka Banaadiriga sanadkan 2005 iyo ididiilo mujinaayo midnimada
Qo’miyadda.
Taasoo Runtii aniga sii aad ah iifarxad
gelisay ka dibna aan go’aansaday in aan idiinku mahad celiyo (Festival
of the Genuine Traditional of Banaadiri)
Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in caado
dhaqmeedka qo’wmiyadda Banaadiriga ee muddo aad u dheer {qarnyaalka
sanooyn soo jireeynka ahaa} waxaadna aad hada moodaa in u ku talaabsaday
guulo iyo horumar marka laga eego hab maslaxeedka riwaayadaha Banaadiga
iyo xisaha heesaha iyo caadooynka,dhaqanka,dhanka festivalka oo
qowmiyadda ku soo bandhigaan Degaanadooda sida Shabeelaha Hoose iyo
Gobolka Banaadir waxyaabo ay ka mid tahay Shirta iyo dabshidka IWM
Bulshada u daawashada u tagaana soo jiidata oo cajiib leh
Sidoo kale Haddaynu nahay madaxda SANU
ee Banaadiriga iyo dhamaan wax garadka,Aqoonyahaanada,oday
dhaqmeedyada,dhalinyarada iyo habeenka,Qo’wmiyadda Banaadiriga waxaa
naga go’an in aynu gacan Buuxda ka geysano sidii loo horumarin laha
caadooynka sida gaar ka ah ay u leedahay Qo’wmiyadda Banaadiriga ..
Ugu danbeentii waxaan si gar ah an ooga
mahad celinaayaa tageerayaasheyda kuwa ku muujiyay funaanadahooda kuna
soo bandhigay muqaalka sawiradeeyda iyo qoraalo, hal dhigyo guul ..
Iyo dhamaan dadkii gacanta ka geestay
dhaman waad mahad santahiin
Sidoo kale anigoo ka fa’ideysanaaya
fursadan qaaliga ah waxaan kula talinaaya xubnaha labada Golle ee ku
kala qeybsan fikradahooda waxaan aaminsanahay in wax alla wixii khilaaf
ah lagu xaliyo wadahadal (Dialogue) aydoo markasta la qadarinaya
rabitaanka Ummadda Soomaliyeed ayagoo u ooman dawlad , cadaalad,sinnaan,
midnimo,iyo in ay helaan nabad gelyo noolal iyo mustaqbal
Wabi laahi towfiiq
Dr. Cabdulkadir Xaaji Suufi {muriidigolf}
Gu’doomiyaha SANU ee Banaadiriga ee Arrimaha Siyasadda
Email:
muriidigulf@hotmail.com
Ururka Naafada ee Hanyo oo Markii Ugu
Horaysay Bulshada u Muujiyay inuu Jiro Naafada SSC
Laascaanood
Somalitalk.Khamiis.21/7/05
Waxaa maalintii koowaad magaalada
laascaanood xaflad isugu yimaada amase xaflad ku sameeya urur naafo
oo lagu magacaabo Handicap youth Organization oo marka la soo
gaabiyo loo yaqaan Hanyo.

Gudoomiyaha Ururka Naafada
Hadaba iyadoo deegaamadan ssc uusan
horay uga jirin urur ay leeyihiin dadka naafadu ayaa waxa ay soo
jiidatay ka qaybgalayaashii xafladaa maanta ka dhacday xarunta
ururka oo ah guri u kiraysan .
Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay
gudoomiyaha ururka naafada sool Sheeq Mubaarag Maxamed Dool oo ka
warbixiyay ururkan iyo mudadii la sameeyay iyo waxa uu qabtay.
Waxana uu u sheegay shebekeda wararka
ee Somalitalk in ururkan la aas aasay mudo laga joogo laba sano hase
ahaatee ay ku jireen suxulduub iyo sidii ay u soo shaac bixin
lahaayeen hadase ay garteen in ay fagaaraha iskeenaan.

Ka Qayb Galayaashii

Ka Qayb Galayaashii
Sidoo kale waxa uu gudoomiyuhu uu ka
codsaday dadkii xaflada isugu yimi iyo dhamaan bulshada soomaaliyeed
inay naga caawiyaan wixii karaan kooda ah ee ay ku taageerayaan
walaalahooda naafada ah.Dhanka kale waxa uu sheegay tirakoob ay
sameeyeen in dadka naafada ah ee ku dhaqan deegaamadan SSC ay
gaarayaan ilaa iyo Sagaal Boqol oo curyaan oo u baahan daryeel hase
ahaatee aan haysan wax daryeela.

Xiis Ismaaciil
Iayana waxaa ka hadashay Xiis
Ismaaciil oo ka mid ah aas aasayaashii ururka waxay iyana sidoo kale
u soo jeedisay bulsha weynta soomaaliyeed in ay wax taraan dadkan
walaalahood ah ee naafada ah ee aan haysan wax daryeel ah waxay
doonto ha noqotee.
Intaa ka dib waxa ay soo ban dhigeen
Sideed gaadhi oo ah kuwa curyaamiinta oo ay siisay Hay'ad fadhigeedu
yahay hargeysa hase ahaatee aan ahayn intii hay'adu ugu talo gashay
ee ay tahay mid raga la sheqeeyaa hay'adu ay suuq mado marsiiyeen
wixii loogu talo galay.

Qalabka Curyaamiinta
Isku soo wada duuboo waxa dadka
dareenkooda soo jiitay talaabadaa ay qaadeen qaar ka tirsan naafada
deegaamada SSC waxaana xafladaa maanta laysku saaray waxoogaa yar oo
lacag ah oo loogu deeqayo ururka naafada ee sool.
Maxamed Gaaxnuug
Dadka Ku Dhintay Qaraxyadii Masar oo Tiradoodu Gaartey
83
Qaraxyadii xiriirka ahaa
ka dhacay magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar ayaa
lagu soo waramay in...
Guji..
July 23 |