Xaflad Loogu Ducaynayo
Cabdul-Qadir Yahye,oo Maanta Lagu Qabtay Hotel-Hiliton
Ee magaalada Nairobi
Farxaan-Ceynte
Nairobi-Kenya
Waxaa maanta oo khamiis ah
(July 21, 2005), lagu qabtay Hoteel Hiliton Ee magaaalda
Nairobi xaflada loogu ducaynayey allaha u naxariistee
Cabdul-Qaadir Yahe Ali,oo horaantii isbuucii hore burcad
hubeysan ee ay ku dileen,gurigiisa oo ku yaala xaafda
buula-xubeey.
Xafladu waxa ay ku
bilaawatay jawai murugo leh,Waxaa lagu furfuray,ayaado
quraan ah,deetana waxaa halkaas looga yeeray,Ibraahim
Abdulahi Jibriil,oo ah saaxiib aad ay isugu dhawaayeen
marxuum Yahye,waxuuna halkaas ka jeediyay qudbad,runahaantii
ka soo qeybgalayaashii aad u laab kicisay,waxuuna ku
nuux-nuuxsaday,sida uu uga xunyahy falkaan fool xumada
leh,ee loo geeysatay qof u halgamaayay umada
soomaaliyeed,iyo hormarka somaliyaba'waxuuna xoogaa dib u
gocday,Xiligii ugu danbeesay arktidiisa,iyo wax uu ku
haminaayay,asigoo tusaale-ahaan u soo qaatay.(Maalinkii uu
geeriyooday Yahye,waxaa gurigiisa soo buuxdhaafiyay
saraakiishii ciidan dalka,kuwaas oo uu u balan qaaday,in uu
ka kaalmeendoono mushaaradooda,ayana tahay in ayagana ay
kala shaqeeayan qaadista isbaarooyinka dalka.
Jibriil,waxa uu si taxdar
leh ugu tacsiyeeya dhamaan ehaladiisa &asxaabtiisa,waxuuna
Alle-ugu baryay in uu Qabriga-waasaca uga dhigo.
Waxaa durbaadiiba
makaroofanka lagu soo dhaweeyay,Ergeyga cusub ee somaliya u
qaabilsan Q-midoobe AMB.Francois Fall,asigoo aad u niyad
kacsan ayuu ka soo qeybgalayaashii xaflada Yahye ku salaamay,
salaan murugo leh waxuuna halkaasi shaaca uu uga qaaday
dhambaal tacsi ah uu ka sido,Xogayahe guud ee qaramada
midoobe Mr Koffi Annan,asigoo yiri(Waxaan aad uga xun-nahay
dilkii loo geestay qof muhiim u ah bulshada caalamaka,Mr
Yahye uu ahaa qof u shaqeynaayay umada somaliyeed aayahooda
waxuuna noo ahaa qof aan ka wareesano arimiha somaliya.
Anigoo ku hadlaya magaca
UNKA waxaan halkaan ka cambaareyneynaa cidii ka danbeesay
falkaan fool xumada leh ee lagula kacay shakhsi aan waxaba
galbsan,aynatahy in si taxdar leh loo baaraa cid-alle iyo
cidii ka danbeesay dilkiisa.
Waxuuna intaa sii
raacaiyay,anigoo ah shakhsi ku cusub howsheeda,waxaan
halkaan ka qiryaa in uu Cabdul-qaadir Yahye ahaa qof jacel
hormarka bulashada iyo nabadeenta somaliya.
Xiriiriyaha
xafdaladaas,waxuu siweyn ugu soo dhaweeyay makaroofnaka Mr
Maathi Stiefel,oo ah hay'adii ugu horeesay ee Yahye ku ka
howlbilaabo intii uusan aasaasin hay'adiisa CRD,oo magaceeda
lagu soo gaabiyay WSP,waxuuna Mr Maathi la ilimeeyay nasiib
darada ku habsatay umada soomaaliya,iyo dilkii
naxariisdarada ahaa lee gooystay marxuum Yahye,waxuuna aad
ugu fogaaday shakhsiyada Yahye,ilaa uu ka gaarsiiyo (Yahye
waa saaxiibka kaliya ee aan ku leeyahy umada
somaaliyeed).Waxuuna ugu danbeentii tacsi tiiraanyo leh u
diray dhamaan qarabadii uu ka geeriyooday yahye iyo
asxaabtiisa intaba.
Waxaa looga yeeray fadhiga
ka soo qeybgalayaasha,Hon.Dr Salim.oo ah ku xigeenka Raiizul
wazaaraha,islamarkaasana ahaa masuulkii u matalayay dowlda
FKGM ah tacsidaas.
Waxuuna hadalklii ku
bilaaway,Inaa lilaahi Wa Inaa Iayhi Raajicuun,Yahye waa
saaxib aan marna la hilmaami karin,waa qof mudan in sidaan
oo kale loogu baroor diiqo,waa qof ku dhintay wadadiii la
rabay,waana qof ay tahay in loo ilimeeyo.
waxuuna intaa sii
raaciyay,anigoo ku hadlaya magaca Dowlada iyo kan labada
goleba,waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diriynaa
qoyskii uu ka geeriyooday Cabdul Qaadir yahe,oo ahaa qof ay
dishay gacan ka gardaran.
Daqiiqad ka dib,waxaa
makarofanka lagu soo dhaweeyay.U qeybsanaha iskudubaridka
Gar-Gaarka Somaliya Hon.Mr Mexwell Gaylard,asigoo markiiba
ku bilaawaya sida uu uga xunyahy geerida Yahye,dadkii ka
danbeeyay dilkiisana ay ahaayeen dad aan fahnsaneen qiimha
uu lahaa Cabdul-qaadir Yahye,asigoo si muruga leh u hadal
gaabinaayo ayuu yiri (Yahye waa saaxiib aan aad u
jeclaa).Waxaan hilmaami karin qosolkiisa iyo sheekadiisa oo
ahyeed mid xiiso leh.
Xafdalu waxaa ay aheed mid
qofkii ka soo qeybgalay uu dareemi karo shakhsiyada
Cabdul-qaadir Yahye,taas oo aad ku xaqiiqasan karto sidii
qof-kasta oo ka soo qeybgala ahaa uu ugu tiiraanyooynayay
Yahye.
Ayadoo hoolka Hotel Hilton
dhamaantiisa lagu xardhay sawirada Yahye,aydoona halkaas
laga qeybinaayay warqado ay ku qornaayeen taariikh
nololeedkiisa iyo wax qabadkiisa,itnii uu ku guda jiray
arimha gar-gaarka.
Waxaa halkeedii ka sii
socotay xafladii loogu baroor-diiqayay Allha U naxariistee
Cadbul-Qaadri Yahye.Waxaana loo yeeray Mohmed Haaji Ahmed,oo
ku hadlaayay magaca Qoyskiisa.asigoo aad u murugeysan ayuu
hadalkiisa ku bilaaway.
(Yahye wuu ogaa in uu
dhimanaayo,lakiin ma uusan ogeen in uu ku dhimanaayo gacan
ka gardaran,yahye waa qof jeclaa in ay somaliya noqoto dal
dhisan,waana qof alaaba' ku talin jiray in somaliya nabada
laga islaaxiyo,koleey aniga oo ku hadlaaya magaca waalidkii
Yahye,waxaan aad uga xun-nahay dilkii loo geystay
Cabdul-qaadir Yahye.
Run-ahaantii lagauma soo
koobi karo halkaan,dadkii ka tiiraanyoday dilka Yahye lakiin
waxaa ogaan kara qofkii joogay xafladaas.Waxaana ku qiyaasi
karay dadkii halkaas isugu yimid 200qof oo isugu jira
Ajnabi,Somali,Saaxibadiis,haba ugu sii badnaadaan dumarka uu
la soo shaqeeyay waayhii uu noolaa.
Waxaana hilmaami
karin,Prof.Mukhtaar oo ahaa saaxiib ay aad isku jeclaayeen
Yahye,oo siweyn ugu dheeraaday waxa uu ahaa Cabdul-qaadir
Yahye.iyo halka uu uga jiro umada soomaaliyeed.asigoo ku
booriyay Dowlada FGKM ah in ay baaritaan ku sameeso cidii
geysatay dilkiisa,si aysan markale nooga dilin qof sidaan oo
kalle qaali u ah.
Waxaan la beerjileecay,Dr
Walid Muse oo ahaa saaxiib ay aad iskugu dhawaayeen Yahye oo
marna ay iskala soo shaqeeyeen hay'ada CRD Yahye,markii
asigoo ilimeynaaya laga soo dajiyay miiska
makaroofanka,walibana uu aad iigu dhawaa aniga,aana arkaayay
ilimadiisa uu qubaneesa dhulka.
Ugu danbeentii waxaa
xafdladii loogu yeeray eheladiisa iyo Saaxiibkiis Jibriil.
Waxaana soo garab istaagay
Gudoomiyah hay'ada WSP ahana sakhsi sifiican wax uga
yaqaanay Yahye, asigoo codkiisa ay hareesay caburka
ilimda,ayaa yiri.
Mr Yahye waxaa ruux aan
waligeey hilmaai karin,waaa qof jeclaa in uu ka shaqeeyo
howlaha bani'aadanimada,waa qof run-ahaantii qofkii yaqiinay
uu dareemi karo waxa uu ahaa.
Asigoo sheeko ahaan u soo
qaatay mar ay isla joogeen dalka Sweizerland,mar uu xanuun
booqoasho u tagay Yahye halkaa,asigoo yiri markaan u tagay
cisbitaalka,waana u soo galay deetna,waan la sheekystay
waxaadana ka dareemi kartay caafimaad buuxa,waxuu ii
tarjumaayay hees soomali ah,markaas oo igu barayo sida uu u
ahaa qof heesa sifiican wax uga og,asigoo xitaa i baray hees
aad u macaaneed lakiin aan iminka halkaan ku xauusan karin.
Ugu danebentii waxa uu soo
bandhigay sida ay hay'adiiu u taageeri doonto
qoyskiisa,waxuuna sii raaciyay waa naga mudanyahy in aan
taageerno qoyska Yahye dhamaanteena,cid kasta oo taageero ka
gaysan karto qoyskiisa waan soo dhawyndoonaa.
Dhamaan qoyska reer
Yahye,waxaa koontada hay'adeena loogu soo hagaajinkaraa
Emailkaan
wsp@iconnect.co.ke ...............'
Ugu danbeentii waxaa
cidkasta oo ka soo qeybgashay,xafladaas laga codsaday in ay
saxiixaan,warqadaan oo muujineesa ka soo
qeybgalkiina,waxaana sii raacsanaa.Maxaad U rejyneeysaa?.
Waxaana halkaas lagu soo
bandhigay,cajaldo ay ku duubanyihiin wax-qabadkiisa iyo
asiga oo ku howlan arimiha somaliya,waxaana ka dhax muuqaday
cajaladaah kulamadii kala-goo-goonida ahaa ee uu layeelan
jiray xiligii uu socaday shirka dib u heshiisiinta somalia
ee dalka kenya lagu soo afmeetay kal-hore,wufuudii ka soo
qeybgashay shirkaas,waxaana ka xusi karaa dadkii aan ku
arkay cajalkaas Mr-Kiblagett,Amb.somaliya u fadhiya kenya
Afey.iyo dhamaan hogaamiyo kooxeedyada somaliya.
Insha-allh isbuuca kalle
waxaad la socndoontaan taariikh nololeedkii Cabdul-qaadir
Yahye Ali oo dhameestiran.
Farxaan-ceynte
Kenya-Nairobi
cayntakayare@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | July 22, 2005
Ugaaski 11aad ee
Beesha Cayr oo La Caleema Saaray
»Caleemasaarka
oo lagu qabtay magaalada Guriceel...
»Xisbiga
S.Y.U.P oo Warsaxaafadeed kasoo saaray Qaahira
Wararka oo dhan ka
akhri halkan.... Guji.. July 21
Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol
"228
Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda
aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka
lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo...
Guji...
|