SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

London iyo markale qaraxyada argagaxisadda
 Toney Blair: "Dadku ha is dejiyaan!"

 
 
W/Diyaarisay: Ikraam Cali-kaar
London- United Kindom
 
Magaalada London ee xarrunta dalkan Ingiriiska ayaa sadex goob oo kamid ah xarrumaha laga raaco gaadiidka la xiray ama la isku gadaamay, kadib markii looga sheegay iney yaalaan waxyaabaha qarxa. Booliska ayaa iminka waxey baaritaan ku haya nin la sheegay inuu isku soo xiray kaasoo ku meereysanaya agagaarka University College Hospital oo ku taal wadada Warren street.
 
Wakaalada wararka AP ayaa sheegay in ninkan lugu tuhunsan yahay inuu bamkan watay uu xiran yahay dhar buluug ah Booliskana waxey ku wargeliyeen  dhamaan howlawadeenada Cisbitalkaasi iney fiiro gaar ah u yeeshan ninkan oo dhererkiisa lugu qiyaasay 180 cm, muuqaal ahaana u eg dadka Eeshiyaanka ah. Booliska ayaa weli runsan in afar qarax oo kale la dhigay goobo muhiim ah aaney qaraxin sababo la xiriiro cilad farsamo.
 
Wadooyinka Warren street, The Oval iyo Shepherd's Bush ayaa gebi ahaanba dabdemisyada iyo booliska isku gadaameen, iyadoo xitaa la xiray dhamaan wadadooyinka kale ee ku heereysan si aaney kooxaha qarax doonka ahi aaney u soo gelin. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale lugu wargeliyey iney ka dheeraadan goobahaas cabsi jirta awgeed. Telefeyshinka Sky News ayaa ku soo waramaya in meelaha la tuhmay ay haatan ku sugan yihiin kooxo qaburo ah oo taqasuskoodu yahay maadada kiimilkaalka si haddi bamamkaasi noqdaan kuwo sun ah ay wax uun gacan ah ka geysan karaan.Mid kamid ah kuwa gar gaarka oo goobta ku sugan ayaa wakaalada wararka ee Rueters u sheegay in qof dhaawa ahi uu jiro, laakinse xaaladiisa caafimaad aaney aheyn mid laga deyrinayo. Kadib markii ninkaas ku qaraxday boorso la sheegay iney ku jirto waxyaabaha qarxa taalay meel la sheegay iney kasoo baxday qiiq.
 
 
                                    Tony Blair oo baajiyey la kulankii Ra'iisal wasaaraha Australia
 
Ra'iisal wasaaraha dalka Ingiriiska Tony Blair oo maanta lugu waday iney wadahal la yeesho dhigiisa Australia John Howard, ayaa gebi ahaanba kulankaasi baajiyey kadib markuu kulan deg deg ah la yeeshay booliska magaalada London. Balse maanta gelinkii dambe lakulmay John Howard, iyadoo amaanka goobta ay shirka jaraa'id ku qabanayeen labadaasi hogaamiye aheyd mid aad loo adkeeyey. Waxaase jira warar sheegaya in ciidamada aminiga ay halkaaasi qasab uga ka xeeyeen nin ku sugnaa goobta mase jirta warar madax banaan oo sheegaya qabashada ninkaasi waxa ay salka ku heyso.
"Kooxahan is baheystey waxey doonayaan iney qal qal geliyaan nolosheena, mase ka yeeleyno. Booliska ayaa shaqoodooda wacan gudanaya" ayuu tiri Tony Blair oo dadka naxdinta wadnaha goysay uga baaqayey iney is dejiyaan xaaladoodana ay u wataan sidey ahaan jirtay. Labadan hogaamiye ayaa iyagu ku jira isbaheyga uu Mareykanka hogaaminayo ee duulaanka gardarada ah ku qaaday dalka Ciraaq. Dadka turxaan bixiyo siyaasada caalamka ayaa maanta qaba in qaraxyada London iyo kuwo kale oo la filan karro ay yihiin kuwo jawaab u ah ka qeyb qaadashada ay ciidamada Ingiriiska qeyb qateen dagaalka gardarada ah ee ay tacadiyada ka baxsan bani'aadnimada geysteen.
 
 
                            Saameyn ma ku yeesheen qaraxyadda London Soomaalida ku sugan?
 
 
Inkastoo aan si dhab ah ugu kuura galay xaalada ay Soomaalida London ku nool yihiin, hadana marka la eego dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee tan maanta ku jirto waxaa la oran karaa saameyn weyn kuma yeelan Soomaalida ku dhaqan magaaladan, sababo la xirriira inaaney aheyn dad sidaas u geynsan kara dhibaato xoog leh ama looga cabsi qabo iney xirriir la leeyihin kooxaha wax qarxiya.  qaraxii ka dhacay 7-da bishan julay ayaa la sheegay in la dilay labo wiil soomaali ah kuwaasoo dilkooda ay ku lugu lahaayeen kooxo burcad ah. Ganacsiga iyo meheradaha kale ee Soomaalida ayaa si xowli ah ku socda, waxeyna dad badan oo aan arrintan ka wareystay ay ii sheegeen ineysan saameyn habayaraatee ku yeelan qaraxyada iska soo daba laa laabtay ee London ka dhacay, marka laga reebo in Soomaalida Islaam yihiin dhinacaasna ay waxkasta filan karaan, balse aysan jirin cid si gaar ah farta ugu fiiqday. 
 
W/Diyaarisay: Ikraam Cali-kaar
London- United Kindom

Faafin: SomaliTalk.com | July 21, 2005


Ugaaski 11aad ee Beesha Cayr oo La Caleema Saaray
»Caleemasaarka oo lagu qabtay magaalada Guriceel...
»Xisbiga S.Y.U.P oo Warsaxaafadeed kasoo saaray Qaahira
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji.. July 21

Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD