BAAQ NABADEED Kasoo Baxay Culimaa'uddiinka
dalka Mareykanka oo ku wajahan beelaha
ku dagaalamaya Killilka 5aad.
CULIMAAUDDIINKA SOOMAALIYEED, EE
DALKA MAREYKANKA Minnesota, USA
xasanjaamici@yahoo.com (612)
242-3273
burdhinle@yahoo.com
(612) 360-3182
shabraahin@yahoo.com
(612) 558-5389
July 19, 2005
Shir balaraan oo aay isugu yimaadeen
culimaauddiinka Soomaaliyeed ee ku nool
dalka Mareeykanka ayaa lagu lafa gurey
xaalada dagaalada ka soo cusboonaaday
deegaanada killilka 5aad ee u dhaxeeya
beelaha, Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee
carigaas wada daga.
“Anagoo ah culimaa'udiinka Soomaaliyeed
ee deggen dalka Mareykanka waxaan baaq
nabadeed usoo jeedinaynaa dhammaan shacabka
Soomaaliyeed meel kasta ay joogaanba.
Waxaan shacabka soomaaliyeed ugu baaqeynaa
inay ka shaqeeyaan nabadeynta Soomaaliya iyo
ka hortagga colaadda si loo soo celiyo
walaalnimada iyo midnimada shacabka
soomaaliyeed oo mudaba maqneyd. Waxaan
halkaa baaq nabadeed gaar ah u jeedinaynaa
walaalaha soomaaliyeed ee maalmihii ugu
dambeeyay ku dagaalamayay deegaanada
kellinka 5aad waxaan usoo jeedinaynaa labada
beelood ee walaalaha ah in dagaalka ay si
dhaqso ah u joojiyaan oo ay wada hadal ka
yeeshaan waxyaabaha ay kala tirsanayaan,
waxaan kaloo u sheegaynaa in dagaalku uu
adduun iyo aakhiroba khasaare yahay, dad
kudhinta mooyee aysan cidi ku dhalan.
Anagoo ah, Culimaa'udiinka waxaan aad uga
xunahay dhiiga ku daadanaya (sida sharci
darada iyo micno darada ah ee aan
waafaqsanayn shareecadeena suuban), sidaa
darteed waxaan ku baaqaynaa in qof dhintay
uusan soo noqonayn ee labadbaadiyo dadka
haatan nool, beelaha dagaalamayana ay
aqbalaan baaq nabadeedkaan, wixii khilaafad
ahna lagu xaliyo nabad iyo wada xaajood.
Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa dhammaan
shacabka Soomaaliyeed inay Ilaahay ka
cabsadaan xusuustaan walaaltinimada Islaamka
ee ka dhaxaysa, gacanna ka geystaan
hirgalinta nabadda iyo ka hortagga colaadaha
dhexmaraya ummadda walaalaha ah.
SI GAAR AH, WAXAAN U SOO JEEDINEYNAA TALLAABOOYINKAAN
IN DEGDEG LABADA BEELOOD U FULIYAAN:
-
In si
shuruud la'aan ah loo joojiyo dagaalada
soconaya.
-
In la furo
wada xaajood si loo xaliyo khilaafaadka
jira.
-
In wadada
la qaadayaa noqoto 'Shareecada Islaamka';
si deg deg loogu taago tiirarka nabadda
loona hakiyo colaadda.
-
In dhaqso
loo joojiyo hurinta iyo taakulaynta
dhiilada colaadda. Lana ogaado lacagta
lagu bixinayo hurinta dagaalku iney
tahay midaan waafaqsaneyn shareecada
Islaamka. Ciddii bixisana uu Ilaahey
aakhiro kula xisaabtamayo.
-
In sidoo
kale, dhaqso loo joojiyo dilka xaq
darrada ah, lana ogaado dembiga weyn ay
leedahay, Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa
Wuxuu ku yiri Aaayad Qur’aan ah oo loo
tarjumi karo:
Qofkii mu’min si ula kac ah u dilaa
ABAAL MARINTIISU WAA |
a. Jahannama (Oo lagaliyo)
b. Oo uu ku waarayaa
c. Ilaahay caradiisuna way
ku dhacaysa |
d. Ilaahay lacnadiisuna way ku
dhacaysaa
e. Wuxuuna u
diyaariyey Alle cadaab adag |
Sidoo kale Rasuulku Sallallaahu
Calayhi Wasallam: wuxuu ku cadeeyey
xadiith macnihiisu yahay “Labadii
qof oo Muslimiin ah oo iskala
horyimaada seef (midba midka kale
rabo inuu dilo), kan wax dilay iyo
kan la dilayba waa ahlu naar: |
-
In
waxgaradka labada beelood ee deggen
Mareykanka iyo dhinacyada adduunka, ay u
diraan guddi nabad raadin goobaha
shidada colaadu ka aloosantahay si
loogu caqli celiyo walaalaha is-maan
dhaafay oo is-dilaya.
-
Culimada
iyo cuqaasha waxgaradka beelaha kale ee
deriska la ah oo deggen Killilka 5aad:
waxaan ka codsaneynaa inay abuuraan
guddi nabad-raadineed oo walaalaha kala
dhexgala.
-
Waxaan ka
codsaneynaa dawladda dhexe ee Ethiopia
iyo maamulka Killilka 5aad inay si
deg-deg ah wax uga qabtaan joojinta
dagaalkaas iyo nabadeynta labada beelood.
WAXAA BAAQAAN NABADEED DIRAYA:-
-
Sh. Xasan Cali Maxamud
(Jaamici) Imam St\Paul Minnesota
-
Sh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar Axmad-Imam
Minneapolis, Minnesota
-
Sh. Cabdiraxmaan-Shariif Muxammad
Ibraahiim-Imam Minneapolis, Minnesota
-
Sh. Axmad-Taajir Sh. Cumar-Imam
Minneapolis, Minnesota
-
Sh. Ibraahim Sh. Muxammad-Imam
Washington-Seattle
-
Sh. Axmad Muxammad Buraale-Imam
Minneapolis, Minnesota
-
Sh. Cabduraxmaan Maxamad
Cumar-Haaguf-Imam Minneapolis, Minnesota
-
Sh. Maxamad Sh. Rashiid-Imam Mankato,
Minnesota
-
Sh. Sacad Muuse-Imam Minneapolis,
Minnesota
-
Sh. Cabdulqaadir Macallim Xuseen
-
Xaaji Abuubakar Sh. Axmad Xaydar
-
Sh. Axmad Nuur Shiikh Cabdi Foollo
-
Shariif Cabdulcaziiz Sayid Axmad-Imam
Minneapolis, Minnesota
-
Sh. Muxammad Sh. Xasan
-
Sh. Cabdullaahi Sh. Xuseen
-
Sh. Xasan Cabdullahi Xuseen
-
Sh. Cabduraxmaan Mucallim
-
Maxamuud Shaafi Cali
-
Sh. Siidoow Cabdi Shariif Muxammad-Imam
Minneapolis, Minnesota
-
Sh. Cabdifattaax Sh. Cali Bashiir
-
Sh. Cabdiraxmaan Sh. Ibraahiim Muxammad
-
Sh. Cabdi-Nuur Axmad Cabdille
-
Sh. Cabdifattaax Mursal
-
Sh. Axmad Mucallim Dayyib-Imam
Minneapolis, Minnesota
-
Mustafa Muxamad Ibraahim
-
Sh. Shaafi Xuseen
-
Sh. Cabdullahi Cabdi Maxamuud (Maalinguur)
-Imam Minneapolis, Minnesota
-
Cabdisamad Xuseen CabdiNaasir
-
Shariif-Maxamuud Shariif-Cali-Imam
Minneapolis, Minnesota
-
Sh. Muxamad Cabdullaahi Muxammad-Imam
Virginia-Richmond
-
Sh. Cabdisalaam Shariif-Cali Aadam-Imam
Minneapolis, Minnesota
-
Sh. Muxammad Xanafi Maxamuud
-
Sh. Cabdiraxmaan Sh. Ismaaciil (Abuu
Turaab) -Imam Minneapolis, Minnesota
-
Sh. Muxamad Khadar—Imaam- California-San
Diego
-
Sh. Cabdirazak Xaashi—Imaam- Boston
-
Sh. Cabdishakuur Ibraahim—Imaam-
Nashville
-
Sh. Aadam sh. Cabdullaahi Imaam-Ohio
-
Sh. Cabdinuur Xasan -Imam Portaland-Maine
-
Sh. Muuse Cumar axmad -Imam
Ohio-Columbus
-
Shariif-Haashim Shariif-Cabdinaasir-Imam
Fargo, North Dakota
-
Sh. Cumar-Faqiih Sh. Xasan-Cadde Fiqi
Imaam-Minnesota
Guud ahaan waxaan umadda Soomaaliyeed
Ilaahay uga baryeynaa inuu ka dhigo kuwii
nabad ku wada noolaada, kuna dhaqma
shareecada Islaamka, weyneeyana
walaaltinimada Islaamka.
Baaqa oo kuqoran
PDF |
Baaqa oo ku qoran
.DOC
Baaqan waxaa lagala xiriiri karaa:
xasanjaamici@yahoo.com (612)
242-3273
burdhinle@yahoo.com
(612) 360-3182
shabraahin@yahoo.com
(612) 558-5389
Faafin:
SomaliTalk.com | July 22, 2005
|