SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo

22 July 2005 

  • Xisbiyada mucaaradka oo ka digay dagaal Itoobiya ka dhaca

  • Jabuuti oo sugtay in duuliyayaashii Itoobiyaanka ahaa la celiyay

  • Dalalk deeqda bixiya oo walaac ka muujisay ammaan xumada Muqdisho

  • Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka oo Suudaan booqatay

  • Iyo waraysi aan la yeelanay ku xigeenka hooggaanka arrimaha dibada iyo jaaliyadaha ee JWXO.

 ======================

Xisbiyada mucaaradka oo ka digay dagaal Itoobiya ka dhaca

Labada xisbi ee ugu waawayn xisbiyada mucaaradka ah ee Itoobiya ayaa sheegay in lagu guul darraystay hawshii lagu baadhayay dacwadihii la xidhiidhay musuqmaasuqii lagu sameeyay doorashadii 15-kii May, iyagoo tilmaamay in wakiilladii uga qayb galayay baadhista dacwadahaas qaarkood la xidhay, qaarna la garaacay, kuwo kalana ay dileen malleeshiyo ka amar-qaadata xukuumadda Zenawi.

Labadan xisbi ayaa xukuumadda ugu baaqay inay tixgelin siiso cabashooyinkooda, waxayna ka digeen in xadgudubyada loo gaysanayo ay horseedi karaan in dagaal qadhaadh uu ka billowdo dalak Itoobiya, sidaas waxay labadan urur ku sheegeen bayaan ay taladaadii soo saareen.

Dhinaca kale dawlada Swedan ayaa sheegtay inay Itoobiya u dirayso afar sargaal oo u kuurgeli doona sida loo maaraynayo dacwadaha ku saabsan musuqmaasuqa doorashada. Dawlada Swedan ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu ka codsaday inay goobjoogayaal u dirto dalka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Swedan ayaa sheegtay in dawladeedu ay si wayn indhaha ugu hayso arrimaha Itoobiya ee ka dhashay musuqmaasuqii doorashada iyo dilkii iyo xidhaygii faraha badnaa ee dawladu u gaysatay dadkii ka gilgilanayay qaabkii ay dawladu u agaasimaysay doorashada. Waxay kaloo intaas ku dartay in dawlada Swedan ay doonayso inay dabagal ku samayso natiijada ka soo baxda doorashada iyo in la xurmeeyo xuquuqda bani’aadamka.

Jabuuti oo sugtay in duuliyayaashii Itoobiyaanka ahaa la celiyay

Dawlada Jabuuti ayaa sugtay in labadii duuliye ee Itoobiyaanka ahaa ee dalkeeda u soo goostay dib loogu celiyay Itoobiya. Wasiirka arrimaha gudaha ee jabuuti Yaasiin Cilmi Buux ayaa sheegay in labadan duuliye loo celiyay xukuumadda Itoobiya, ka dib markii ay dib u-celinta raalli ka noqdeen.

Nin kale oo weheliyay markii ay soo baxsadeen oo ah injinneerkii dayuuradda ayaa isagu diiday in Itoobiya lagu celiyo, wuxuuna wali ku sugan yahay dalka Jabuuti, sidaas waxaa sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee Jabuuti.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay inay ka cabsi qabto in labadan duuliye toogasho lagu xukumo.

Dalka Jabuuti wuxuu wax ka saxiixay heshiiska Qaramada Midoobey ee qoxootiga, kaasoo mamnuucaya in qof qoxooti ah lagu celiyo waddan ay naftiisu khatar gelayso haddii lagu celiyo, hase yeeshee heshiiskaas caalamiga ah waxba kama ayna soo qaadin dawlada jabuuti.

Xubno ka mid ah qoysaska labadan duuliye oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa ku gacan saydhay hadalka uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee Jabuuti ee ah in labadan duuliye ay oggolaadeen in Itoobiya lagu soo celiyo. Waxayna sheegeen in labadan duuliye lagu xidhay xero cirku leeyihiin oo ku taala magaalada Addis Ababa, isla markaana loo diiday in cidi soo booqato.

Qaraabada labadan duuliye ayaa sheegay inay iyaga la joogi lahaayeen oo aan xabsiga lagu hayeen haddii ay ikhtiyaarkooda ku yimaadeen Itoobiya. Waxayna sheegeen inay la xidhiidheen ururrada caalamiga ah, sida Laanqayrta Cas iyo UNHCR, si ay u hubiyaan nabadgelyada labadan duuliye.

Masuuliyiinta Qaramada Midoobey ayaa qiray in loo diiday in labadan duuliye booqdaan intii ay jabuuti joogeen, si ay u hubiyaan inay xaq u leeyihiin inay qoxootinimo codsadaan iyo in kale.

In kastoo masuuliyiinta Jabuuti ay marar badan noo ballanqaadeen inaan arkayno nimankan Itoobiyaanka, haddana wali fursad umaanaan helin inaan aragno, waxaanan aad uga shakisanahay in duuliyayaasha qasab loogu celiyay Itoobiya, sidaas waxaa yidhi afhayeen u hadlay hay’adda UNHCR.

Dalalk deeqda bixiya oo walaac ka muujisay ammaan xumada Muqdisho

Dalalka Deeqaha bixiya ee ka qayb qaadanaya qorshayaasha nabadaynta dalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay ammaan xumida ku soo badanaysa magaalada Muqdisho, ka ddib markii toddobaadkii hore la dilay Agaasimihii Hay’adda CRD C/qaadir Yaxye.

Dalalka deeqda bixiya ayaa ku baaqay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo nabadgalyada magaalada Muqdisho oo ayna jirin jiho gaar ah oo gacanta ku haysa ammaankeeda.

Saraakiisha qaabilsan arrimaha ururrada samafalka ah ee Soomaaliya ka shaqeeya ayaa sheegay in haddii ay sii socdaan dhibaatooyinka lagu hayo shaqaalaha hay’adaha samafalka ay dhici karto in hay’adaha samafalka ahi ay gabi ahaanba ka baxaan magaalada Muqdisho.

Hay’adahan ayaa dadwaynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho u soo jeediyay inay ka shaqeeyaan xasilloonida iyo ammaanka magaalada. Hase yeeshee dadwaynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa iyaga laftooduba ka walaacsan ammaan xumada ka jirta Muqdisho ee sii kordhaysa, gaar ahaan ugaadhsiga lagu hayo dadka aqoonta leh iyo saraakiisha ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka oo Suudaan booqatay

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Condoleezza Rice ayaa tegtay dalka Suudaan, si ay dowlda cusub ee Suuadan ugu cadaadiso inay qaaddo tallaabooyin lagu soo afjaro rabshadaha ka taagan gobolka Darfur ee galbeedka dalka Suudaan.

Condoleezza Rice waxay wadahadalo kula yeelatay magaalada Khartuum madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al bashiir iyo ku xigeenkiisa koowaad John Garang.

Rice waxay sheegtay intii ay wadahadalada Khartuum ku lahaayeen iyada iyo madaxweyne Al Bashiir inay rajaynayso in heshiiskii dhawaan la saxiixay uu soo celin karo xasilloonida Gobolka. Waxay kaloo intaas ku dartay in beesha caalamku ayna doonayn hadal oo kaliya, balse la sugayo ficil, iyadoo dabacsanaanta ay dawlada Suudaan arrintaas ka muujisay ayna ahayn mid lagu kaaftoomi karo.

Condoleeza Rice ayaa lagu waday inay booqato gobolka Darfur ee dalka Suudaan markay dhamaysato wadahadalada ay madaxda dalka Suudaan kula leedahay Khartuum.

Booqashada Condoleezza Rice ay ku tagayso Gobolka Darfur ayaa ku soo beegantay xilli ay halkaasi tagayaan boqollaal ka mid ah askarta wadanka Ruwanda oo ku biiri doona ciidamada nabad ilaalinta halkaas u jooga ee Midowga Afrika.

Rice waxay walaac ka muujisay qorshaha lagu kordhinayo askarta nabad ilaalinta u joogta gobolka Darfur. Saraakiisha Maraykanka ah ee safrka Coldoleezza Rice ku weheliya ayaa sheegay in qulquladaha ka jira gobolka Darfur ay hadda hoos u sii dhacayaan.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in 2000 oo tuulo la burburiyay dhammaanteed ama qayb ka mid ah. In ku dhow laba milyan oo qof ayaa guryahoodii ka bara-kacay dagaal muddo laba sano ah ka socday Gobolka Darfur awgii, kaasoo lagu eedaynayo malleeshiyo gacan-saar la leh xukuumadda Suudaan.

Radio Xoriyo

22 July 2005

C/nuur Sh Maxamed

radioxoriyo@ogaden.com 
raadioxoriyo@yahoo.com

info@radioxoriyo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | July 22, 2005


Baaq Nabadeed Kasoo Baxay Culimaa'udiinka Soomaaliyeed ee dalka USA
Baaqa oo ku wajahan beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya meela ka mid ah killilka 5 aad, gaar ahaan Iimeey, Raaso, Sallaxaad iyo nawaaxigooda..
Guji July 22

Xaflad Loogu Ducaynayo Cabdul-Qadir Yahye
oo Lagu Qabtay Hotel-Hiliton Ee magaalada Nairobi.. Guji

Ugaaski 11aad ee Beesha Cayr oo La Caleema Saaray
»Caleemasaarka oo lagu qabtay magaalada Guriceel...
»Xisbiga S.Y.U.P oo Warsaxaafadeed kasoo saaray Qaahira
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji.. July 21

Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD