- Ugaaski
11aad ee Beesha Cayr oo La Caleema Saaray.
- Xisbiga
S.Y.U.P oo Warsaxaafadeed
kasoo saaray Qaahira::::
Ugaaski
11aad ee Beesha Cayr oo La Caleema Saaray.
Canab Mumtaz |
SomaliTalk
Email:
canabmumtaz@yahoo.com
July 20, 2005
Munaasabad si wayn loo soo
qabanqaabiyay ayna ka qaybgaleen kumanaan dad ah oo
iskugu jiray Ugaasyo, Malaaqyo Waxgarad wafdi ka socday
Qaramada Midoobay iyo xubno ka socday labada gole ee dowlada
FKMG ah ee Soomaaliya laguna caleema saarayay ugaaska beesha
cayr ee H/gidir ayaa ka dhacday maanta galinkii dambe
magaalada Guriceel oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Ugaas Xasan Ugaas Maxamad Ugaas Nuur ayaa noqday ugaaska
beesha cayr ee 11aad, Kadib markii ugaaskii beesha Cayr uu
dhawaan geeriyooday, khudbado kadib ugaaska cusub waxaa loo
qaaday goobtii lagu caleema saarayay iyadoo caano lagu
shubay kadibna waxaa loo diyaariyay kursi lagu sharfayay
looguna talagalay in lagu caleema saaro ugaaska.
Aqal Soomaali la sharxay ayaa la geeyay ugaaska waxaana lagu
shubay caano, iyadoo caleema qoyana lagu saaray goobta
waxaana laga soo jeediyay hadalo iyo amaan loogu
tahniyadaynayo ugaasnimada uu helay ugaas xasan ugaas
Maxamad Ugaas Nuur oo noqday Ugaaskii toban iyo koowaad ee
beesha cayr.
Ugaasyadii ka soo qayb galay qaarkood ayaa ka soo jeediyay
munaasabada khudbado la xiriira dhaqanka Soomaaliyeed iyo
Kaalinta uu ugaaska ama suldaanku kaga jiro Taariiqda
Soomaaliyeed,iyadoo dadka ama beeshana ay siiyaan tixgalin
gartana loola laabto ugaaska hadii beesha ay wax isku
maandhaafaan.
Canab Mumtaz |
SomaliTalk
Email:
canabmumtaz@yahoo.com
###
Xisbiga
S.Y.U.P oo
Warsaxaafadeed kasoo saaray Qaahira::::
Mar looga hadlayey Warsaxaafadeedkan
dhanka Xadgudubyada ka dhaca Gudaha Dalka Soomaaliya waxaa
lagu sheegay war murtiyeedkan in Wali ay ka jiraan Gudaha
Soomaaliya xadgudubyo loo geesto Dadka laga tirada
badanyahay ama Qabiilada laga awooda badanyahay, gaar ahaan
kuwa ku nool Gobolada koonfureed ee Soomaaliya kuwaas oo ay
ku kacaan Qabiilo iyagu ka yimiday Gobolo kale oo xoog ku
haysta dhulka ay deganyihiin Dadka laga tirade badanyahay ee
Soomaaliyeed,waxaana dhacda ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan
in dhul beereedyo fara badan oo halkaas ku yaala ay Dadki
lahaayeen aysan Tabcan Karin si Xuriyad ah.isla markaana
lagu Shaqeesto hadii ay diidaana la Dilayo.
Qaabka loogu shaqeesto Dadkan ayaa
warsaxaafadeedka lagu sheegay in ay yihiin Dadka laga tirada
badanyahay ee leh Beerahaas ee Hadana lagu shaqeesto,Qaab u
eg sidii gumeestaha markii uu Soomaaliya haystay oo kale,oo
waxaa la sameeyaa Dadka inta looga Xiro Lugaha Silsilado
Dhaadhaaeer Dabadeedna ay Beeraha Falaan Dadkaasi iyaga oo
aan loo ogoleen in ay xitaa Nastaan,ama ay Fasax
aadaan.waxaana ka mid ah dadkaas lagu Gumeesto Gudaha
Soomaliya Haween Caruur,iyo Dad waayeel ah intaba.
Dadka Falalkan Naxariis darada ah ku kaca
ayaa iyagu waxaa ay ka soo jeedaan Beelaha ku abtirsada
U.S.C.hadii aan wax laga qabana arimahan waxaa la dhihi
karaa Soomaaliya wali ma aysan gaarin Dib u hishiisin dhab
ah.
Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in
laga soo Bilaabo Tan iyo Markii ay Bur burtay Xukuumadii
Siyaad barre ay ka dhacayeen Falal kuwan oo kale ah iyo kuwo
ka sii Daran Gudaha Soomaaliya,ayna Diiwaangaliyeen inta
badan Danbiilayaasha Dagaalka Soomaaliya,Hadii Jaanis loo
helana Sharciyada Caalamiga ah ay u soo gudbin
doonaan,waxayna ugu Digeen S.Y.U.P Dhammaan Dadka ka wada
Xadgudubyada Soomaaliya in ay ku socoto Ilaalin lana
Diiwaangalinayo Dhamaan falalka ay ku kacaan,Dibna loola
Xisaabtamayo Mustaqbalka.
Mar looga hadlayey Warsaxaafadeedkan sida
ay ula muuqato aayaha Danbe ee Dawladda Federaalka
Soomaaliya waxaa lgu sheegay in ay haboontahay in Dhamaanba
Qaybaha ay u kala Jabtay Dawladda ay iska Daayaan iska soo
horjeedka Khilaafkoodana ay isku dayaan in ay ku dhameeyaan
Miiska wada hadalka,waxaynka S.Y.U.P ka digeen in Dagaal
danbe oo ka dhacaa Gudaha Soomaaliya ay Sababi karto
dhibaato Baaxad weyn leh oo soo gaarta Shacabka Soomaaliyeed
oo isagu Muddo ka badan 14 Sano dhibaato ku soo jiray.
.Sidoo kale Xisbiga S.Y.U.P waxaa uu
Bulshada Soomaaliyeed ugu Baaqay in ay si wada jir ah ula
Dagaalamaan kuwa iyagu Caadestya in ay Dilaan Dadka
aqoonyahanka iyo Qaar ka tirsan Saraakiishii Ciidanka
Soomaliyeed,taas oo ay ku sheegeen in ay yihiin kuwa ku
kacaya falalkan Dad wax ma garato ah oo aan garaneyni
Micnaha Wadaniyadda,iyo Karaamada uu leeyahay Muwaadinka
Soomaaliyeed ee Wadanka wax u soo bartay ,waxayna S.Y.U.P
Canbaareynayaa Dhamaan Falalka Noocaan oo kale ah oo
Dhawaanaha ka dhacayey Magaalada Muqdisho iyo Qaar ka tirsan
Gobolada Dalka Soomaaliya.
Gabagabadii ayaa Xisbiga S.Y.U.P waxa uu
ka digay in la joojiyo Dhamman dagaalada Ahliga ee ka
Soconaya Gudaha Dalka Soomaaliya, Sidoo kalena waxaa uu ugu
Baaqay Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed Dal iyo Dibadbo in ay
is Cafiyaan ayna ka wada fikiraan in Dal u baahan in la
dhiso uu sugayo.ayna iska daayaan ku fikirka waxyaabaha ay
ka mid tahay is Guruubeysiga iyo Qabiilka iyo waxii la midka.
Ah.
Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa si wada jir
ah u soo saaray Gudoomiyaha Xisbiga S.Y.U.P Md:Maxamed
Abukar Sh/Xasan(M.Deeq)& Xogahaya Warfaafinta iyo xariirka
dadweynaha ee Xisbiga Md :Ismaaciil Macalin cabdulle(Saxaaf)
oo iyagu haatan ku sugan Dalka Masar.
Waxii talo iyo Tusaale ah kala
Xiriir Xisbiga S.Y.U.P
somaliyouthunited@hotmail.com ama
Somaliyouthunited@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | July
21, 2005
Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol
"228
Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda
aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka
lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo...
Guji...
Geedi iyo Waftigii Uu
Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran
yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG
ayaa...
Guji...
|