SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QARDHO

Magaalada Qardho oo Lagu Qabanayo Kulan Cilmiyeed (Mu'tamar II)

Culumada ku dhaqan gobolada waqooyi bari oo haatan loo yaqaan Puntland ayaa horaantii bishaan waxay kulan balaaran(Mu'tamar) oo diini ah ku qabteen magaalada laascaano, iyagoo oo ay culumadu ku howlan yihiin wacyi galinta iyo badbaadinta shacabka soomaliyeed ee muslimiinta ah ayaa markii culumadu soo gebagebaysay kulankaas waxay wajeheen sidii ay dacwada ama nadwooyinka ugu qaban lahaayeen magaaloyinka kale ee deegaanka. Waxaa bishaan Jully 25 laga bilaabaya mutamar balaaran magaalada qardho kaas oo socon doona ilaa asbuuc. Mu'tamakaan oo noqon doona kii labaad ee lagu qabto magaalada qardho halka sanadkii hore lagu qabtay mutamar ay ka soo qayb galeen culumada gobolku.

Waxa ka soo qayb gali doona:

  • 1. Sh. Cabdiqaadir Nuur Faarax
  • 2. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan
  • 3. Sh. Maxamed Macalim Axmed
  • 4. Sh. Xasan Bookh
  • 5. Sh. Bashiir Jamac Kite
  • 6. Sh. Fu'aad Maxamud Xaaji Nuur
  • 7. Sh. C/risaaq Xuseen Ceel jaale (oo la filayo)

Culumadaan oo ka hadli dhinacyo badan oo ay bulshadu u baahan tahay sida muxaadarooyin iyo duruus kala duwan waxaa ka mid ah mawduucyada culumadu ka hadli doonaa:

  • 1. Sh. Cabdiqadir nuur faaraxa --- Al quluwi fi diin
  • 2. Dr axmed X. Cabdiraxman _ al qabaliya, wal casabiya, wa xurmatu damul muslimin. (xumaanta qabyaaladda iyo xurmada dhiiga muslimiinta)
  • 3. sh. Maxamed macalim axmed – Axkaamta Gawraca-
  • 4. Sh. Xasan bookh – Fiqu Tamliik wa Tamaluk
  • 5. Sh. Bashiir J. Kite – al suhdiyaat wa raqaa'iq
  • 6. Sh. Fuaad Maxamud – Qaadka iyo mushkiladiisa.

Inta maxaadaradu socota waxaa la filayaa in la duubo maqal iyo muuqaalba iyo waliba in laga la socdo internetka.

Wixii faahfaahin ah kala xiriira

Gudaha soomaliya Sh. Fuaad Maxamud
Tel: 2525736380 guri
Tel: 2525835009 gacan

Email:
fuadaflow@hotmail.com

Debadda wadanka
Cabdiqani qardhaawi
Tel: 6122752512 Cell

qardhaawi@yahoo.com
ama
dacwadaqardho@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 21,  2005

Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD