Ururka
SYSTO Oo Soo Qabtay Aqoon-Is-Weydaarsi Ku Saabsan Cudurka
Hiv/Adis-ka
Ururka dhalinyarada
Somaliland Youth Salvation and Training Organization (SYSTO)
oo ka shaqeeya arimaha dhalinyarada ayaa shalay qabtay
Aqoon-is-weydaarsi ku saabsan dhibaatooyinka Cudurka
Halista ah Hiv/Adis-ka AIDS-ka Aqoon-is-weydaarsi oo ka
dhacay hotelka Maansoor ee magaalada
waxaana xafladdi furitaanka
ka soo qaybgalay masuuliyiin iyo, aqoonyahanno iyo waxgarad
Aqoon-is-weydaarsigaa dad ka kala yimi bulshada qaybaheeda
kala duwan sida culima-u-diin, waalidiin, dhallinyaro iyo
Dhakhaatiir caafimaad iyo hay'addaha caalamiga ah.ee ICD iyo
UNICEF iyo Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Mr:
Cabdirashiid Caydiidi Yasiin, Guddoomiyaha Ururka SYSTO
Maxmed Maxamuud , (Barawaani) iyo xubna sarsare oo uu ka mid
yahay Faysal Cumar Madar (Qumu) Iid jibriil

Aqoon-is-weydaarsi waxa
hadal kooban ka jeediyey ugu horeyn gudoomiyaha ururka SYSTO
Maxmed Maxamuud (Barawaani), isagoo yidhi “Ujeedada aan
Aqoon-is-weydaarsigan isugu nimi waxa weeyi sidii looga
wacyi gelin lahaa dhalinyarta khatarta uu leeyahay cudurkan
AIDS-ku, iyadoo dhalinyaradu ay tahay cududa weyn uu sida
wey wax u yaalo cudurkani. Hadaba hadii aan doonayno inaynu
cudurkan ka hortagno waa in aynu samaynaa wacyi gelin badan,
gaar ahaan dhalinyarta soo koraysa”.

Waxa kaloo iyaguna
Aqoon-is-weydaarsi ka hadlay hay’adaha samafalka, waxaana
ka mid ahaa u qaybsanaha AIDS-ka ee UNICEF Xasan Info oo
halkaa ka akhriyey warbixin ku saabsan cudurka AIDS-ka, taas
oo uu kaga hadlay sida loo kala qaado, sida loola dhaqmayo
iyo sida ugu fudud ee uu ku faafo cudurkani. Siminaarkaas oo
socday hal maalin. Waxa soo qaban qaabiyey ururka SYSTO

Wax kale oo iydana
Aqoon-is-weydaarsiga ka hadashay gabadh layidha Saida Cabdi
oo ah hay'ada ICD-da Saida ayaa waxay aad uga warantay
cudurka AIDS-ka hadaba waxaa halka ka la is waydiidyay
Su'aalo iyo jawaabo ka waramaya cudurka AIDS-ka

WAX JIRAA? AIDS (Acquired
Immune Deficiency Syndrome) waa Cudur jira adduunka oo dhan
laga helaa, marka lagu daro Somaliland. Dad badan ayaa aad
uga baqa oo aan jeclayn in ay ka hadlaan, Cabsidaas qaarkeed
waxaa keenay aqoon dari cudurka ku saabsan ana in wax qaldan
cudurka looga sheegay. Arrintaas wax lala yaabo maahan
sababtoo ah dadka intiisa badan waxayan arag ama haysanin
warbixino ku saabsan cudurkaan oo si fudud loo fahmi karo
amaba luuqadda Soomaaliga ku qoran. Sida la ogyahay
cudurkaan AIDS ku wali daawo & tallaal midna looma helin in
kastoo dadaal badan loogu jiro sidii loo heli lahaa
WAA MAXAY AIDS-KU
Xarfaha AIDS waxay u
taagan yihiin ‘Acquired Immune Deficiency Syndrome’. Waa
cudur jira oo dilaa ah oo aan lagu dhalan balse ku dhaca
dadka waxuuna asiibaa difaaca jirka. Difaaca jirku wuxuu
naga ilaaliyaa jeermisyada soo weerara jirka oo u sababa
cudurrada. Tabar darro ana wiiqan ayaa ku yimaada markuu
jeermiska HIVgu ku dhaco jirka. Calaamado ayaa ka soo
ifbaxa jirka oo muujiya qabitaanka cudurka AIDSka
Su'aalaha iyo
jawaabahasi ayaa waxaa soo bandhigay Saida Cabdi oo ah
hay'ada ICD-da
Shiine Cilmi Kaahin
dollar_1@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July
20, 2005
Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol
"228
Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda
aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka
lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo...
Guji...
Geedi iyo Waftigii Uu
Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran
yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG
ayaa...
Guji...
|