SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LIIBIYA

Barnaamijkii Radio Xoriyo

19 July 2005 

  • Bayaan ay JWXO kaga jawaabtay baaqii wadahadalka ee Itoobiya

  • Shir muddo socday oo lagu soo gabagabeeyay xarunta dhexe ee JWXO

  • Askar Itoobiyaan ah oo isu dhiibey wadanka Eritrea

  • Yurub iyo Maraykanka oo qoraal ka soo saarey doorashadii Itoobiya.

  • IGAD oo doonaysa dariiq ay Soomaliya hub ku soo geliso

  • Iyo Barnaamijkii Aragtida halgamaaga

 ======================

 Ref: ONLF/FRB/PR/01-18/07/05

18 July 2005
Foreign relations Bureau
Press Release

In response to yesterday’s statement by the Ethiopian government, ONLF makes the following declaration of good intent:

1.ONLF is ready to engage in negotiations with the Ethiopian Government in order to find a just and lasting solution to the conflict between the people of the Ogaden and Ethiopian regime if such talks are conducted in a neutral country. It is also vital that an internationally recognised entity is present to moderate the process.

2. That both parties show that they are genuine in their intentions and are committed to the negotiations without putting forward any preconditions which may hinder or stall the process.

3.That both parties recognise that justice, including respect for human rights, and mutual respect are the key to a lasting solution, peace, stability and development.

Background

The struggle of the people of the Ogaden led by Ogaden National Liberation Front (ONLF) against the Ethiopian Government is a political conflict that has existed for more than a century. Its historical basis has roots in the scramble for Africa. Ethiopia was a party to the colonisation process along with other European imperial powers, especially with reference to the Horn of Africa in which the Ogaden territory lies. This conflict has already caused major wars in the Horn of Africa both in 1964 and 1977. In addition, it had almost endangered international peace when the then superpowers confronted each other from issues that arose from the conflict in 1977. Therefore the issues relating to this conflict are broader and more complex than the current Ethiopian constitution attempts to address.

The ONLF believes in principle that peaceful resolution of the conflict through negotiations is the most rational and appropriate way of resolving which could lead to a just and lasting peace between the entities concerned. This approach would benefit all the suffering people of the area...

On several occasions ONLF agreed to enter peace negotiations with Ethiopia, but Ethiopia’s unwillingness to engage in meaningful and genuine negotiations aborted those attempts. Once again, ONLF welcomes the call from the Ethiopian Prime Minister’s Office which was aired on the BBC on the 16th and 17th of July 2005.

The Ogaden National Liberation Front

Bayaan ay JWXO kaga jawaabtay baaqii wadahadalka ee Itoobiya

Khilaafka u dhexeeya soomaalida Ogaadeeniya ee ay jwxo hoggaaminayso iyo xukuumadda Itoobiya waa mid siyaasadeed(political conflict)oo soo jiray muddo qarni ku siman, kaasoo leh xididdo taariikheed oo ku aroora xilligii ay Yurub hab gumaysi ah ku qaybsatay kuna qabsatay guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika oo dalka Ogadeniya ka mid yahay. Khilaafka Ogadeniya  oo ka dhaliyay Geeska Afrika dagaallo waaweyn sannadihii 1964 iyo 1977, wuxuu halis galiyey nabada Aduunka, wuxuuna sababay in xooggaga waaweyn isku hardiyaan gobolka Geeska Afrika 1977. Sidaa darteed Qadiyadda Ogaadeeniya waa mid ka gudo wayn dastuurka dawladda Itoobiya maanta u yaalla.

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya (JWXO) waxay mabda’ ahaan rumaysan tahay in habka wadaxaajoodka nabadeed uu yahay wadiiqaha ugu maangalsan, uguna habboon ee khilaafkaas xal caadil ah oo waara loogu heli karayo, kaasoo la hubo inuu dan u yahay dhinacyada iska soo horjeeda.

JWXO oo dhawr jeer oo hore isku dayday inay wadaxaajood nabadeed xukuumadda Itoobiya la billawdo, hase yeeshee ku hongowday, waxay hadana mar kale soo dhowaynaysaa  wadaxaajood dhex-mara iyada iyo dawlada Itoobiya, ka dib baaqii ka soo yeedhay ra’isul wasaaraha Itoobiya ee warbaahinta BBC-da laga sii daayay 16-kii iyo 17-kii yuulyo 2005, waxayna mar kale dunida u caddeynaysaa: 

1.Inay JWXO diyaar u tahay ka qayb galka wadahadal qadiyadda Ogadeniya loogu raadinhayo xal caadil ah oo waara, kaasoo lagu qabto dal dhexdhexaad ah, hay’ad dhexdhexaad ah oo leh aqoonsi caalami ahna ay goob-jooge ka noqoto,

2.Inuuna dhinacna shuruud hordhac ah ku xidhin wadahadlka oo labada dhinacba ay wadahadalka daacad ka noqdaan, lana yimaadaan geesinimada lagama maarmaanka ah,

3.Inay cadaaladda iyo isxurmayntu yihiin furaha nabadda, xasilloonida iyo horumarka 

Shir muddo socday oo lagu soo gabagabeeyay xarunta dhexe ee JWXO 

Shir ay ka soo qayab galeen xubnaha Golaha Dhexe, maamullada gobollada iyo talisyada qaybaha ciidanka xoreynta Ogaadeenya ayaa lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya 7-14 Julay ee sannadka 2005. Shirkaas waxaa lagaga dooday qodobo muhiim ah, waxaana ka soo baxay qorshayaal dhaxal-gal ah. Waxaa shambaalkan noo soo diray wariyaha RX uga soo warrama xarunta dhexe ee JWXO ee dalka Ogaadeenya Najax. 

Askar Itoobiyaan ah oo isu dhiibey wadanka Eritrea 

War ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta ee wadanka Eritrea ayaa todobaadkii hore sheegay in 8 askari oo Itoobiyaan ahi isu dhiibtey wadanka Eritrea., kuwaas oo diidan siyaasada dagaal oognimada iyo takoorka ee taliska TPLF hormoodka ka yahay. 

Askartan ayaa sheegay in taliska Adis Ababa lacag badan oo uu ka halo wadamada deeqda bixiya iyo ururada caalamiga ee gargaarka u leexiyo sidii uu ugu soo iibsan lahaa saanad Military si uu dagaal ugu qaado wadanka Eritrea. 

Warku wuxuu intaas ku darayaa in tirada ciidamda ee ka soo baxsanaysa Itoobiya ee magangelyada siyaasadeed waydiinsaya wadanka Eritrea kor u sii kacayso mudoooyinkan dambe. 

Midowga Yurub iyo Maraykanka oo qoraal ka soo saarey doorashadii Itoobiya. 

Midowga Yurub iyo Wadanka Maraykanka ayaa qoraal wadajir ah ka soo saarey doorashadii Itoobiya ee la qabtay bishii May 15, 2005. Qoraalkaas oo ay kaga codsanayaan dhinacyada isku haya doorashada Itoobiya inay si nabadgelyo leh ku dhameyaan. 

Waxay wadamada Isutaga Yurub iyo Maraykanku ku sheegeen codsigoodan in ay ka filayaan dhamaan xisbiyada siyaasada iyo dawladda Itoobiya in ay u hogaansami doonaan qawaaniinta baarlamaanka iyo dastuurka si loo xaliyo caqabada ka dhalatey doorashooyinkii Itoobiya. 

Waxaa kale oo codsigan ku daabacan in dawladda Itoobiya tixgeliso xeerka caalamiga ah ee Xuququl Insaanka. 

Si kastaba ha ahaatee, xisbiyada mucaaadka ayaa si aad ah uga cabanaya qaabka uu gudiga doorashoiyinka ee Itoobiya wax  baadhayo, iyagoo ku eedaynaya in uusan ahayn mid dhex-dhexaad ah oo uu Melez magacaabey. Isla markaana Mucaaradku waxay maal-mahan soo cusboneysiiyeen eedeynti ay ku hayeen gudiga doorashada iyaga oo ku deeeynaya in EPRDF ka baxdey heshiisyadii la wada-gaarey ee ahaa baaritaanka kuraasta lagu muransan yahay.

 IGAD oo doonaysa dariiq ay Soomaliya hub ku soo geliso: 

Urruka IGAD ayaa ku raad jooga wadadii uu Soomaaliya hub ku soo gelin lahaa, ka dib markii Jimciyada Qurumaha ka dhaxeys ku gacan saydhey in Soomaaliya laga qaado  cunaqabateynta hubka ee lagu soo rogey sanadkii 1992. 

Ergeyga Kenya u qaabilsan arrimaha nabadeynta Soomaaliya Bethuel Kiplagat ayaa sheegay in go’aanka Jimciyadda Quruxmaha ka dhaxeysa ku kalifayo in IGAD dib isugu noqoto si loo hubiyo ama loo sugo inay dawladda iyo shacabka Soomaliya nabad ahaadaan. Mr Kiplagat, wuxuu intaas ku darey in ururka IGAD garab taagan yahay DKMG ee Soomaaliya. 

Radio Xoriyo

19 July 2005

Axmed Gaal-eri

radioxoriyo@ogaden.com 
raadioxoriyo@yahoo.com 

info@radioxoriyo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | July 19,  2005

Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD